Saadaalin: Kani waa reysulwasaaraha cusub ee Norway, bilo kadib.

0
124
Trygve Slagsvold Vedum Gudoomiyaha xisbiga Sp foto: Facebook/Trygve Slagsvold Vedum

Trygve Slagsvold Vedum waa gudoomiyaha xisbiga Sp oo saadaal la sameeyay ah xisbiga sadexaad ugu weyn dalkan Norway. Waana xisbi ay taageeradiisu aad usii kordheysay dhowrkii sano ee ugu danbeeyay, gaar ahaan degmooyinka yar-yar oo ay ku noolyihiin dadka beeraleyda ah, reer tuulaadka iyo xoolo-dhaqatada.

Sp ayaa xulufo ahaan katirsan xulafada xisbiyada garabka bidix, waxeyna wadashaqeyn kala dhaxeysaa xisbiyada Ap iyo Ap.

Sp ayaa saadaalintii ugu danbeysay ee la sameeyay heysta taageero ku dhow ama le´eg tan xisbiga Ap, oo sanadihii danbe ay soo waajahday guuldarooyin is xig-xiga iyo xisbiga oo lumiyay taageerayaal aad u badan. Waxaana uu xisbiga Ap kasoo dhacay booskii uu waligiis heysan jiray oo ahaa xisbiga weyn wadanka, wuxuuna hadana mar kale halis ugu jiraa inuu lumiyo booska labaad, oo ay Sp kala wareegaan.

Gudoomiyaha xisbiga Sp ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Aftenposten ku sheegay in hadii xisbiga Sp uu doorashada soo socoto ee baarlamaanka 2021 helo codad ka badan tan xisbiga Ap, uu ku gor-gortami doono in booska reysulwasaaraha ay qaataan xisbiga Sp, uu isagu gudoomiyaha iyo musharax reysulwasaare ka yahay. Arintaas oo markii hore loo arkay damac dheeri ah, ayaa hada usoo muuqaneyso arin dhici karto, hadii laga qiyaas qaato saadaasha codadka hordhaca ah ee la qaaday bilihii ugu danbeeyay.

Gudoomiyaha xisbiga Frp ayaa ayadna dhankeeda bilowday shukaansi hoose oo ay kula jirto xisbiga Sp, iyada oo rabto inay kasoo leexiso xulafada Ap iyo SV, ayna kusoo celiso xulafada garabka midig(Høyre iyo Høyre), iyada oo qabto in fikrad ahaan uu Sp u dhowyahay dhinaca midigta.

Isku soo wada duub doorashada 2021 oo hada ay ka harsantahay 11 bilood, waxaa lasii saadaalinayaa in xisbiga Sp uu noqon doono jokarka ama xidiga doorashada.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments