Oslo: Saaxiibta wasiirkii cadaalada oo maxkamad lasoo taagay.

0
86
Wasiirka cadaalada Norway: Tor M. Wara Foto: First House

Waxaa maanta maxkamada magaalada Oslo ka bilaabatay dhageysiga dacwada ka dhanka ah Laila Anita Bertheussen oo ah saaxiibta wasiirkii hore ee cadaalada Norway, Tor Mikkel Wara, taas oo ku eedeysan inay u hanjantay wasiirka ay saaxiibka la aheyd iyo labo siyaasi oo kale.

Haweeneydan ayaa ku eedeysan inay hanjabaado cabsi iyo argagax galin ay u dirtay saaxiibkeed Tor Mikkel Wara oo xiligaas ahaa wasiirka cadaalada Norway, iyada oo qoraalo ku qortay baabuurka wasiirka iyo darbiga guriga ay labadoodu degenaayeen. Waxaana lagu eedeynayaa sidoo kale inay waraaqo cabsigalin ah ay kusoo dirtay isla guriga ay ku noolaayeen.

Haweeneydan ayaa eeda dusha ku saartay dad kale, iyada oo baraha bulshada, gaar ahaan Facebooga kusoo qori jirtay eedeymo ay u jeedineyso dad kale, waxeyna sheegan jirtay in noloshooda halis la galiyay. Balse baaritaan ay boolisku iyo laamaha nabadsugidu ogaadeen, ayay kusoo xireen haweeneydan oo ku eedeysan inay ninkeeda u hanjabtay, guriga ay wada degenaayeena weerar kusoo qaaday.

Arinta ugu weyn ee haweeneydan fashilisay ama shakiga weyn galisay laamaha amaanka, ayaa aheyd in dab la qabadsiiyay baabuurka wasiirka oo yaalay afaafka guriga ay degenaayeen, xili boolisku ay kaamirooyin ku xirteen hareeraha guriga wasiirka. Waxaana maalmo kadib lasoo qabtay haweeneydan oo xiligaas waday eedeyntii ay ku qori jirtay baraha bulshada, iyada oo sheegeyso in lasoo weeraray, noloshoodana ay halis kujirto. Balse booliska ayaa sheegay in iyadu ay aheyd qofkii ka danbeeyay dhamaan falalkii lagu beegsaday wasiirkay ay saaxiibka la tahay.

Fadeexadan ayaa markii danbe sababtay in Tor Mikkel Wara uu iska casilo shaqada wasiirka cadaalada Norway, arrimo qoys dartood.

Xigasho/kilde: Her er politiets bildebeviser mot Laila Bertheussen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments