Dowlada oo waqtiga u kordhin karto waalidka ilmaha guriga ku hayo.

0
144
Wasiirka shaqada: Torbjørn Røe Isaksen Foto: Regjeringen.no

Kadib xayiraadii xanuunka Corona, dowlada Norway ayaa sameysay sharci cusub oo waalidka guriga ku hayo ilmaha iskuulada laga xiray u sahlayo inay codsadaan lacag xanaaneyn ilmo ah, maadaama aysan shaqadoodii aadi karin oo ay ku qasbanyihiin inay guriga ilmaha la joogaan. Waxaana fursadaas ka faa´iideystay waalidiin badan oo wada isticlaamay maalmihii ay dowladu ogoleyd in lacag waalidka lagu siin karo guri ku heynta ilmaha.

Wasiirka arrimaha shaqadda iyo bulshada dowlada Norway Torbjørn Røe Isaksen oo shaley shir jaraa´id qabtay, ayaa sheegay in dowladu ay hadana mar kale wax ka badali doonto sharciga, si waalidiinta u baahda inay ilmaha guriga ku hayaan, ay xaq ugu helaan codsiga lacagta xanaanada iyo guri ku heynta ilmaha.

Inkasta oo guud ahaan dalkan Norway ay si caadi ah u shaqeeyaan iskuulada iyo goobaha waxbarashada, hadana waxaa magaalooyinka qaarkood dhacdo in iskuulada la xiro, kadib marka uu degmada ka dilaaco xanuunka Corona. Wasiirka ayaa sheegay in waalidka guriga ku hayo caruurta, kadib markii la xiray iskuulkii ay dhiganayaan, ay dowladu u ogolaan doonto fursad dheeri ah oo ay ku codsan karaan lacagta guri heynta.

Xigasho/kilde: Lar foreldre få være hjemme med barn ved behov.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments