Gobolka Oslo-Aftenposten: Kiiska Tawfiiq, waa mid kamid ah kiisaskii ugu adkaa ee abid nasoo mara.

0
192

Wargeyska Aftenposten ayaa warbixin dheer oo dabagal ah ka sameeyay khilaafka ka taagan masaajidka soomaalida ee Tawfiiq, iyo labada urur ee uu masaajidku ka koobanyahay(Stiftelsen/Waqaf iyo gudiga maamulka). Waxeyna dib u fiirin tixraacyo wato ku sameeyaan xisaabaha labada urur ee masaajidka, iyaga oo sheegay inay heleen in ururka maamulku uu waqafka u wareejiyay lacag gaareyso 40 milyan oo kr 13-kii sano ee lasoo dhaafay.

Isla Aftenposten ayaa qortay in ururka masaajidka iyo kan waqafka ay si wadajir ah u gateen meel cusub oo kutaal xaafada Tøyen, waxaana lagu iibiyay qiimo lacageed oo gaaraya 15 milyan oo kr. Warbixinta hoos ka akhri.

Gobolka uu markii hore falcelin ka muujiyay lacagaha uu ururka maamulka ku wareejiyo waqafka, ayaa markii danbe ogolaaday inaysan wax dhibaato ah laheyn in labada urur ay lacago isku wareejiyaan, hadii hadafka uu yahay hal mid oo diini ah.

Lacagtii taageerada masaajidka oo wali xayiran:

Gobolka Oslo ayaa sanadkii 2019 istaajiyay taageeradii dhaqaale ee la siin jiray masaajidka Tawfiiq, taas oo sanadkii dhameyd 8 milyan. Waxaana arintaas sabab u ahaa khilaaf dhanka maamulka ah oo ka dhaxeeyo laba guruub oo soomaali ah.

Hege Skaanes Nyhus oo ah madaxa qeybta sharciyada ee xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo, ayaa sheegatay in inkasta oo la xaliyay kiiskii ku saabsanaa lacag is weydaarashada labada urur ee masaajidka, hadana ay wali wadaan ka shaqeynta codsigii masaajidka ee ahaa in dib loogu soo sii daayo lacagtii masaajidka laga xanibay khilaafka awgii. Kiiskaas oo ah mid aad u adag, una baahan waqti in jawaab laga bixiyo.

Hege ayaa Aftenposten u sheegtay in kiiska Tawfiiq iyo lacagta taageerada ah uu yahay mid kamid ah kuwii ugu adkaa ee abid soo mara xafiiska gobolka Oslo.

» Det er ytterst sjelden at vi behandler en så omfattende og komplisert sak om et trossamfunn».

Xigasho/kilde: Aftenposten-Halkan kasii akhri warbixintan dheer.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments