Dowlada oo dajisay qorshaha ka hortaga muslim-naceybka.

0
82
Foto: Regjeringen.no

Shir jaraa´id oo ay shaley qabatay reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg oo ay weheliyeen xubno katirsan golaheeda wasiiradda, ayay kusoo bandhigtay qorshaha dowlada ee kahortaga muslim naceybka.

Qorshahan oo ka kooban 18 qodob ayay dowladu sheegtay inay uga hortageyso takoorka iyo naceybka ka dhanka bulshada muslimiinta ah ee Norway ku dhaqan. Waxeyna Solberg dhaqangalintiisa ku tilmaantay mid taariikhi ah, si looga hortago beegsiga ka dhanka ah dadka muslimiinta ah.

Qorshahan oo ay dowladu bishii Desember ee sanadkii 2019 ay ku dhawaaqday, ayaa shaqadiisu ay bilaabatay isbuucyo kadib, marka weerarka lagu qaaday masaajidka Al Noor ee magaalada Bærum.

Qodobada ugu muhiimsan ee qorshahan ayaa waxaa kamid ah in danbiyada naceybka ah ee la xiriira muslim-naceybka lagu diiwaangaliyo liiska ciqaabta booliska, iyo in kor loo qaado fahanka noocyada naceyb ee kala duwan oo ay la kulmaan dadka muslimiinta ah.

Xigasho/kilde:Styrker innsatsen mot muslimhat(Halkan kasii akhri).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments