Wuxuu qirtay inuu ka been-sheegay da´diisa iyo aqoonsigiisa: Wadanka ka bax!

0
127
Francis Solomon Foto: LIBE

Francis Solomon waa nin kasoo jeedo dalka Liberia oo sanadkii 2003 Norway soo galay, kaas oo dhawaan hey´adda qoxootiga ay ku wargalisay inuu dalka isaga baxo, kadib markii uu isago 10 sano kahor booliska u qirtay inuu ka been sheegay da´diisa, magaciisa iyo aqoonsigiisa markii uu Norway soo galayay.

Francis ayaa qisada noloshiisa kusoo bandhigay buug uu ka qoray noloshiisa oo uu ugu magacdaray Waxaan ahay qoxooti ee ma ahi danbiile ( I am a refugee, not a criminal). Wuxuuna sheegay inuu ku koray nolol saboolnimo ah dalka Liberia oo ay dagaalo sokeeye ka socdeen, ayna qoyskiisa u qaxeen dalka Guinea.

Sanadkii 2003 isaga oo markaas caadi ahaan 21 sano jir ah, ayuu sheegay inuu aabihiis u sameeyay dokumenti faaliso ah, isaga oo sheegay in aabihii uu ku wargaliyay inuu Norway u raaco haweenay ay aabahiis saaxiibo ahaayeen, uuna sheegto inuu wiilkeeda yahay, magaciisii horena uu ku badalo magac cusub oo haweeneyda wiilkeeda uu ku noqdo.

Sidoo kale wuxuu da´diisa ka dhimay 2 sano, isaga oo sheegtay inuu ahaa 19 sano jir, inkasta oo caadiyan uu ahaa 21 sano. Xiliga uu kasoo tagayay Liberia, wuxuu ahaa aabe leh hal gabar oo sanad iyo sideed bilood jir aheyd.

Markii uu Norway yimid waxa uu bilaabay inuu waxbarto, kadibna uu shaqo bilaabo oo uu noqdo qof dhaqaale ahaan isku filan, qoys cusubna sameystay. Isaga oo Norway keenay gabadhii uu kasoo tagay oo hada 18 sano jir ah.

Qirasho aysan cidna ku qasbin:

Farancis sheegay inuu heystay wax walbo oo uu u baahnaa, balse uu mar walba dareensanaa inay wax qaldanyihiin. Wuxuuna sanadkii 2010 go´aansaday inuu u tago booliska uuna sheego in magaciisa iyo da´diisu ay qaldanyihiin, si uu u saxo qaladkii uu sameeyay markii uu Norway imaanayay.

Hey´addaha dowlada ee qoxootiga qaabilsan ayaa ugu jawaabay inay u diidaan sharcigii degenaanshaha rasmiga ah, wuxuuna 17 sano watay oo hadba loo cusbooneysiinayay sharciga kumeelgaarka ah. UDI-da ayaa sheegtay inaysan ku kalsoonaan karin cadeymaha uu ninkan keenay, maadaama dalka Liberia uu kajiro musuqmaasuq baahsan, dokumentiyada dowladuna aysan laheyn rumeyn lagu kalsoonaan karo ilaa xad. Aysana kala saari karin mida runta ah labada aqoonsi oo uu Francis soo bandhigay, tii hore oo uu sheegtay iyo tan danbe ee uu qirtay.

Bishan September ayaa Farancis lagu amray inuu Norway isaga baxo, kadib markii loo diiday in mar kale loo cusbooneysiiyo sharcigii magangalyada kumeelgaarka ahaa. Waxaana arintaas lagu sababeeyay in gabadhii uu masuulka ka ahaa ee uu wadanka keenay ay hada noqotay qaan-gaar, 18 sano jir isku filan masuuliyad ahaan ah. Sidaas darteed uu Norway ka baxo ugu danbeyn 25-September ee sanadkan.

Ninkan ayaa sheegay in loo ciqaabiyo inuu noqday qof daacad ah oo run sheegay, isaga oo sheegay inuu racfaan ka qaadan doono xukunka UDI-da.

Hey´adda qoxootiga ayaa ku jawaabtay in qof walba oo been sheegay ama sifo qaldan Norway kusoo galay uu la noolyahan shaki ku saabsan mustaqbalkiisa Norway, sidaas darteed uu Farancis 7 sano been u sheegayay hey´addaha dowlada isaga oo wato magac uu agaa inuusan aheyn kiisa saxda ah. Sidaas darteed aysan cadeyn karin aqoonsigiisa dhabta ah.

Xigasho/kilde: Utvises fra Norge etter 17 år- Jeg blir straffet for å være ærlig.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments