Aabe iyo wiilkiisa oo loo xukumay isku dayga dilka wiil ay gabadhiisu guursatay

0
148
Foto: skjermdump/vg

Maxkamada magaalada Bærum ayaa aabe 60-meeyo jir ah iyo wiilkiisa oo 30-meeyo jir ah ku xukuntay min 7-sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah isku deyga dilka nin la dhashay wiil ay gabadhiisu dooratay inay guursato. Waxaana dilalka noocan oo kale ah Norway loo yaqaan «dil sharafeed».

Aabahan oo aan raali ka aheyn wiilka ay gabadhiisu guursatay ayaa fariin ku helay(SMS) in gabadhiisa iyo wiilkii ay raacday ay u socdaan dalxiis aroos. Waxeyna isaga iyo wiilkiisa oo 30-meeyo jir ah orod ku tageen guriga ay ku tuhmayeen inay deganaayeen.

Markii ay guriga tageen ayay ogaadeen in gabadha iyo wiilka is guursaday ay diyaarad sii saarnaayeen, waxeyna guriga kula kulmeen wiilka gabadhooda guursaday walaalkiis. Wadahadal gaaban oo keenay ismaandhaaf kadib, odeyga iyo wiilkiisa ayaa mindi galiyay walaalka wiilka gabadhoodu ay raacday, waxeyna sidoo kale u adeegsadeen maansada korontada ee dadka suuxisa, waxeyna isku dayeen inay dilaan, balse wuxuu caawin ka helay dad dariska ah oo buuqa kusoo baxay. Kahor inta aysan xaaskiisu wargalin booliska oo goobta soo gaaray, kahor inta aysan nafta dhaafin.

Maxkamada ayaa aabaha iyo wiilkaba ku xukuntay 7 sano oo xabsi ah, iyada oo sheegtay inay cadahay in ujeedkoodu uu ahaa inay si wadajir ah dil u geystaan.

Qareenka labada qof ee la xukumay ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka maxkamada.

Xigasho/kilde: Far og sønn dømt for forsøk på æresdrap.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments