Norway: Dowlada oo dajisay qorshe looga hortagayo dadka sanad walba is dila.

0
100

Dowlada Norway ayaa maanta soo bandhigtay qorshaha(Qofka yuusan isdilin) oo ah qorshe loogu talagalay in looga hortago isdilka oo kamid ah dhibaatooyinka bulsho ee ka taagan Norway. Waxeyna dowladu sheegtay in waxyigalin xoogan ay siin doonto bulshada, si looga hortago isdilka.

Isku cel-celis ahaan waxaa sanadkii Norway isdila 500 ilaa 600 qof. Sanadkii 2018 oo kali ah waxaa Norway laga diiwaangaliyay 674 qof oo gacantooda isku dilay ama naftooda gooyay. Ragga ayaana ah tirada ugu badan dadka isdila.

Reysulwasaaraha Norway oo maanta soo bandhigtay qorshaha 5-ta sano ee dowladu ay u dajisay ka hortaga isdilka, ayaa sheegtay in qof walba oo nafta iska gooyo uu xanuun ku reebo qoyska uu ka tagay iyo waliba bulshada inteeda kale, uuna isdilku yahay dhibaato bulsho oo xanuunkeeda leh, una baahan kahortagis iyo wax ka qabasho.

Qorshaha dowlada ee looga hortagayo isdilka ayaa waxaa kamid ah in baaritaan lagu sameeyo qof kasta oo isdilay, si loo ogaado wixii arintaas ku kalifay iyo waxa laga qabay karay ama sida looga hortagi karay inuu isdilo.

Iyada oo sidoo kale la adkeyn doono amaanka goobaha jidadka tareemada, buundooyinka dhaadheer iyo goobaha kale ee dadku ay aadaan marka ay is dilayaan.

Xigasho/kilde: Regjeringens handlingsplan for forebygging av selvmord 2020-2025.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments