fredag, mars 29, 2024

Waalidku inta aysan ilmaha dhaqan-celin u dirin haka fikiraan arrimahan.

Dhaqan-celintu ama in ilmaha Norway ku dhashay ama ku koray laga kaxeeyo dalka, lana geeyo Soomaaliya ama dalalka kale ee Afrika iyo Aasiya waa arrin mudo soo jirtay, taas su aalo badan laga keenay.

Maadaama labo sano uu dalka xayirnaa, uuna yaraa dhaq-dhaqaaqa safarka dalka dibadiisa ah, waxaa xiligan suurtogal ah in waalidiin badan ay qorsheynayaan in ilmahooda ay u safriyaan dalka dibadiisa, halkaasna ay ugu sameeyaan dhaqan-celin xaga luuqadda ama dhaqanka ah.

Maxaa sabab u ah dhaqan-celinta:

Gudi ay dowladu sanadkii 2020 u xilsaartay soo baaritaanka kiisaska la xiriira dhaqan-celinta (rapport om etterlatte barn i utlandet) ayaa daraasad ay ku sameeyeen kiisaskan kadib soo saaray warbixin ay kusoo koobayaan sababaha waalidiinta ajaaniibta ah ku qasba inay ilmahooda u sameeyaan dhaqancelin. Waalidiinta ayaa marar badan ku fakaraya wanaag, balse wanaagaas ayaa natiijadiisu inta badan noqotaa inuu dhibaato ilaa xad ah u keenta ilmaha, marba hadii ilmuhu uu kusoo noqonayo Norway.

Waxa ay warbixinta ku sheegeen, in inta badan sababa waalidiinta ku kalifa dhaqan-celinta ilmahooda ay yihiin kuwo badan oo hadana isku xiran. Balse waxaa ugu waaweyn:

  • Waalidka oo ka fakaraya soo celinta sumcadda iyo sharafta reerka, gaar ahaan gabdhaha marka ay qalad sameeyaan.
  • Waalidka oo raba inay u guuriyaan ilmaha, inta badan ilmaha oo aan raali ka aheyn.
  • Waalidka oo raba inay ka hortagaan in ilmahooda uu qeyb ka noqdo falal danbiyeedyada la xiriira daroogada.
  • Waalidka oo raba inay ka hortagaan in ilmahoodu uu ilaawo dhaqankii dalkii ay waalidkiis ka imaadeen, kuna dhex milmo dhaqan iyo dhexgal ahaanba bulshada Norway.
  • Kalsooni la aan ka dhex jirto nidaamka iyo hey addaha dowliga ah iyo waalidita ajaaniibta qaarkkood
  • Khilaaf loo kala dhexgalo waalidiinta ilmaha
  • Iyo qoysaska qaarkood oo ay ku adkaato nolosha Norway, doortana in ay dalka isaga guuraan.

Warbixinta ay diyaariyeen gudiga oo sidoo kale loo gudbiyay dowlada, ayaa waxaa dhanka kale dhibaatooyinka ay lasoo kulmaan ilmaha la dhaqan-celiyay, kuwaas oo qaarkood ay ilmaha daris la noqdaan mudo aad u dheer. Dhibaatooyinka ay ilmaha la kulmaan, waxaa kamid ah:

  • Labadda dal midna kama tirsani: Ilmo badan oo la dhaqan-celiyay ayaa sheegay in markii la dhaqan-celiyay ay lumiyeen saaxiibadii iyo bulshadii ay qeybta ka ahaayeen, sidoo kalena ay la qabsan waayeen dalkii la geeyay, sidaasna ay dhexda labo goorba uga lumeen.
  • Niyad jab iyo qoomamo: Dhalinyaro badan oo dalka dibadiisa kasoo noqday, ayaa sida warbixinta lagu sheegay waxa ay la kulmaan niyad jab iyo qoomamo, iyaga oo mararka qaarkood ay arrintasi ku noqoto cuqdad nafsi. Cuqdadaas ayaa waxaa sabab u ah sida lagu sheegay warbixinta ilmaha oo dareemo in waalidkiis ay ku ciyaa
  • Luuqadda oo ku adkaato marka soo noqdaan: dhalinyaro badan oo lagu wareystay warbixintan ayaa sheegay inay ku adkaaday luuqadda markii ay soo noqdeen, ayna dareemeen inay mar kale dib u baranayaan luuqada dalkii ay ku dhasheen.
  • Waxbarashada oo ay ka niyad jabaan: Dhalinyaro badan oo la kaxeeyay iyaga oo caruur ah, ayaa sheegay in markii ay soo noqdeen, ayna arkeen saaxiibadood ay isku fasal ahaayeen oo meelo fiican ka shaqeeya, ay niyad jab ku noqotay shaqada.
  • Waxaa ku adag inay shaqo helaan: iyada oo guud ahaan ay Norway badantahay shaqo la aanta heysata dhalinyarada ajaaniibta ah, hadana ilmaha dalka lagu soo celiyay ee aan heysan khibrad shaqo oo gudaha Norway ah, waxaa ku adkaato ama waxaa mudo ku qaadata inuu helo shaqo, taas oo qeyb ka noqoto niyad-jabka uu kasoo qaaday dhaqan-celinta.
  • Waxaa u fudud inay danbiyo galaan: Ilmaha iyaga oo yar-yar dalka dibadiisa laga kaxeeyay, hadana lasoo celiyay ee ay luuqadu ku adkaatay, ayaa waxaa ku u fududaato in ay raadiyaan wado kalo oo shaqo ku helaan. Taas oo dhabaha usii xaarto inay galaan falal-danbiyeedyada la xiriira arrimaha daroogadda.
  • Waxaa xumaado xiriirka iyaga iyo waalidka: Dhalinyaro badan oo lagu wareystay ayaa sheegay inuu xumaaday xiriirka ka dhaxeeyo, iyada oo waalidkood, maadaama ay dareemeen in waalidku uu sabab u ahaa inay lumiyeen sanado badan oo muhiim u ahaa koritaankooda caqliyeed ama waxbarasho.

Halkan kasii akhri warbixinta gudiga: «Det var ikke bare ferie» Rapport fra ekspertgruppe om unge som etterlates i utlandet mot sin vilje.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x