lørdag, mai 4, 2024

Abaalmarin: Shaqsiyaadkii iyo ururadii ka shaqeeyay wacyigalinta corona oo bilad sharaf la siiyay.

Magaaladda Oslo waxaa sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay kulan weyn oo si wadajir ah qaban-qaabiyeen ururka Tusmo oo saldhigiisu yahay magaaladda Bergen, iyo warbaahinta NorSom News.

Kulankan oo labo (2) qeybood oo isku jiro ka koobnaa ayaa waxaa lagu casuumay inta badan aqoonyahankii ururadii iyo shaqsiyaadkii samafalayaasha ahaa ee kasoo shaqeeyay, ama doorka muuqda ee muhiimka ah ku lahaa wacyigalinta iyo ka hortaga faafitaanka feyruska corona oo Norway iyo caalamka intiisa kaleba ku lahaa saameyn xoogan oo bulsho iyo caafimaad.

Qeybta koowaad ee kulanka oo aheyd mid xiiso badan, ayaa waxaa dadkii kulanka kasoo qeybgalay ay wadaageen fikrado iyo khibrado laga dhexlay qaabkii ay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan uga shaqeeyeen wacyigalinta bulshada ee ka hortaga feyruska corona, iyo qaadashada talaalka feyruska. Ururadda, aqoonyahanka iyo samafalayaasha kale ee kulanka kasoo qeybgalay ayaa mid walba gaarkiisa usoo bandhigay qaabkii ay u shaqeeyeen ama ula falgaleen wacyigalinta feyruska, sidoo kalena caqabadihii qabsaday iyo qaabkii ay u xaliyeen, ugana gudbeen.

Waxay guud ahaan kasoo qeybgalayaashu isku raaceen inay muhiim tahay in la joogteeyo xiriirka shaqo ee ka dhaxeeyo qeybaha bulshada soomaaliyeed, si qaab wadajir ah loogu xaliyo dhibaatooyinka bulsho ama caafimaad ee soo wajihi karo soomaalida Kunool, muhiimna ay tahay fahanka nidaamka dowliga ah ee dalka, si loola jaanqaadi karo qaab-dhaqanka shaqo iyo hab-fikir nololeedka bulshada aan la noolnahay.

Abaalmarinta shaqsiyaadkii ka shaqeeyay wacyigalinta feyruska corona:

Qeybta labaad ee barnaamijka ay isla soo abaabuleen ururka Tusmo iyo warbaahinta NorSom News ayaa ahaa abaalbarinta shaqsiyaadkii iyo ururadii soomaalida ahaa ee doorka muuqda ee muhiimka ah ka qaatay wacyigalinta bulshada ee feyruska corona.

Waxaana la abaalmariyay oo bilad sharaf la gudoonsiiyay 4 samafale iyo 2 urur oo soomaali ah kuwaas oo lagu xulay shuruudo shan(5) ah oo ay dajiyeen gudiga abaalmarinta ee ka socday laba hey’ adood ee barnaamijka soo abaabulay.

Shuruudaha shanta ah ayaa kala ahaa:

  1. In ururku ama shaqsiga ah samafalaha ee bilada la gudoonsiiyo uu noqdo qof ama urur soomaali ah oo shaqo muuqato oo saameyn yeelatay ka qabtay wacyigalinta corona, mudadoo labadii sano aheyd ee lasoo dhaafay.
  2. In ururku ama shaqsigu uu qabtay wacyigalinta xiligii ku habooneyd ee baahida gaarka ah loo qabay, aheyd mid la joogteeyay, yeelatayna saameyn wanaagsan iyo dhiirigalin, gaarteyna dad badan.
  3. In wacyigalinta uu qofku ama ururka  bixiyay ay aheyd mid cilmiyeysan, asluubeysan, ku haboon wacyiga iyo heerka aqooneed bulshada, aana dhibaato iyo sawir xumo u keeneyn dadka.
  4. In shaqada qofku qabtay ay yeelatay saameyn qaran oo Norway ah( aysan ku koobneyn xaafadda ama degmadda uu deganyahay oo kali ah).
  5. In shaqsiyaadka ku guuleysanaya abaalmarinta laga soo soo xulo bulshada qeybaheeda kala duwan sida ragg, dumar, dhalinyaro iyo dad waaweynba.

Kadib qiimeyn ay sameeyeen gudiga loo xilsaaray abaalmarinta waxaa bilad-sharafta abaalmarinta wacyigalinta corona ku guuleystay:

  1. Farxaan Cali Xalane: Samafale.
Farxaan Cali Xalane.

2) Ururka Håp kompetanse oo ka dhisan xaafadda Tøyen ee magaalada Oslo. Waxaana biladda magaca ururka ku gudoomay Faiza Warsame oo ah gudoomiyaha ururka Håp Kompetanse.

Faiza Warsame: Ururka Kompetanse.

3) Suldaan Bashiir Sh Maxamed Aw Geele: Samafale.

Suldaan Bashiir Sh Maxamed Aw Geelle.

4) Ururka Unge Minoriteter oo saldhigeedu yahay magaalada Stavanger. Waxaa magaca ururka biladda ku gudoomay Abdirahman Omar oo ah gudoomiyaha ururka UM.

Abdirahman Omar: Gudoomiyaha ururka UM

5) Abdiraxman Diiriye: Gudoomiyaha golaha Islaamka Norway.

6. Dr. Ayaan Bashiir Sh Maxamed Aw Geelle: Dakhtatarad soomaali ah oo katirsan komishinka corona ee dowlada Norway, ahna qofka kali ah ee ajnabi ah ee katirsan gudigaas muhiimka ah.

Waxaa xusid mudan in gudigu ay lixdan qof kasoo dhex-doorteen ilaa 30 urur iyo samafalayaal soomaali ah, kuwaas oo shaqo fiican ka qabtay wacyigalinta bulshada ee feyruska corona.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x