lørdag, mai 4, 2024

Booliska oo adkeynayo helitaanka baasaboorka «Nød pass»

Nødpass oo af soomaali ahaan noqonayo baasaboorka kumeel gaarka ah ama deg-dega ah, waa baasaboor qofku booliska ama safaaraddaha dibaddaha uu ka dalbado hadii uu ka lumo ama waayo baasaboorkiisa caadiga ah. Waana qof la siiyo marka uu ku jiro xaalad deg-deg ah, kaas oo shaqeeyo mudo kooban , qofkuna uu hal safar ku galo ilaa uu ka gaarayo meeshii uu ku socday.

Booliska Norway oo isbuucyadii ugu danbeeyay aad uga cel-celinay inay aad u badatay tirada dadka sanadkan soo codsaday cusbooneysiinta baasaboorka, ayaa hada sheegay inay adkeynayeen shuruudaha ku xiran helitaanka baasaboorka deg-dega ah.

Booliska ayaa sheegay in dhowrkii bilood ee ugu horeeyay sanadkan ay baasaboorka soo codsadeen dad gaaraya 533.000 qof. Arrintaas oo keeneyso culeys shaqo oo u baahan in xisaabta lagu darsado.

Unni Norum oo ah madaxa qeybta aqoonsiyadda ee booliska ayaa sheegay in boolisku ay adkeynayeen helitaanka baasaboorka deg-dega ah.

Horey qofku wuxuu baasaboorka deg-dega ah heli jiray, hadii uu sheego inuu baasaboorka guriga kusoo ilaaway. Balse hada ka bacdi sidaas masii ahaan doonto, waxaa imaan doono isbadalo. Wuxuuna sheegay in boolisku ay hada ka shaqeynayaan soo rogitaanka shuruuc adag oo xakameyneyso helista baasaboorka «Nødpass».

Xigasho/kilde: Politidirektoratet: Strammer kraftig inn på kravene for å få nødpass.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x