tirsdag, mars 18, 2025
Home Blog Page 42

Reysulwasaaraha Norway oo kulan deg-deg ah isugu yeeray baarlamaanka.

Reysulwasaaraha dalkan Norway ayaa kulan deg-deg ah isugu yeeray gudoomiye-baarlamaanadda xisbiyada kala duwan ee xubnaha ku leh baarlamaanka Norway. Wuxuuna codsaday kulan deg-deg ah oo dhici doono subaxa hore ee isniinta inagu soo aadan, kaas oo looga arrinsan doono xaaladda sicirka korontada ee sii qaaliyoobeyso gudaha Norway.

Xafiiska reysulwasaaraha Norway ayaa warkan u xaqiijiyay wargeyska Dagbladet. Waxaana fariinta yeeritaanka kulanka deg-dega ah oo qoraal ah loo diray gudoomiyeyaasha hogaamiyo xisbiyadda kala duwan ee baarlamaanka Norway xubnaha ku leh.

Isla isniinta ayaa waxaa kulan ku balansan madaxweynaha baarlamaanka Norway iyo reysulwasaaraha, kuwaas oo qiimeyn doono in si deg-deg ah kalfadhi la isugu yeero baarlamaanka Norway oo hadda fasax ku jiro. Si loo meelmariyo qodobo deg-deg ah oo wax looga qabanayo sicirka soo kordhayo ee korontada Norway.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili reysulwasaaraha Norway uu maalin kahor sheegay in bilaha soo socdo ay Norway wajihi doonto xaalad adag oo la xiriirta sicirka sii kordhayo ee korontada. Wuxuuna reysulwasaaraha sheegay in dowladu ay qiimeyneyso soo rogitaanka sicir go’ an oo loo sameeyo qiimaha korontada Norway, dowladuna ay inta kale dadka ka kabto. Halkan kasii akhri.

Sidoo kale madaxda xisbiyada mucaaradka ah, gaar ahaa Rødt iyo Høyre ayaa isbuucan waday olole ay dowlada ugu baaqayaan wax ka qabashada sicirka sii kordhayo ee korontada. Waxeyna codsadeen in si deg-deg ah kalfadhi loogu furo baarlamaanka Norway, arrintaasna laga xaajoodo.

Xigasho/kilde: Støre kaller inn til strøm-hastemøte på Stortinget.

Hey’ adda daawada: Waa la qaadan karaa 4 g oo kaniinka «paracetamol» ah.

Kaniiniga xanuun baabi’ iyaha ee loo yaqaan paracetamol ayaa ah mid kamid ah daawooyinka loogu adeegsiga badanyahay Norway. Wuxuuna kaniinkan oo magacyo kala duwan lagu iibiyo sanadkii lasoo dhaafay ee 2021 ahaa kaniiniga sadexaad ee loogu adeegsiga badanyahay Norway.

Hey’ adda daawooyinka Norway ee Statens legemiddelverk oo dowlada u xilsaaran tayada daawooyinka iyo saameyntooda ayaa waayadii hore dadka kula talin jirtay in maalintii (24-tii saacba) uusan qofku qaadan wax ka badan sadex(3) Garaam oo kaniinigaas ah. Balse hey’adda ayaa hada soo saartay warbixin ah in qofkii ka weyn 12 sano, miisaankiisuna ka badanyahay 50 kiilo uu maalintii qaadan karo ilaa afar(4) garaam oo kaniinigan xanuun baabi’ iyaha loo yaqaano.

Statens legemiddelverk ayaa sheegtay in dheefshiidka jirku uu si fudud u burburiyo kaniiniga marka uu qofku qaato kadib, sidaas darteedna uu qofku weyn kaniinkan ka qaadan karo ilaa afar gram oo kaniinigaas ah.

Hey’ adda daawayadda ayaa sidoo kale ku talineyso in qofku uu lix(6) saac u dhaxeysiiyo qaadashada halkii mar uu kaniiniga qaataba.

Ibux vs Paracetamol:

Morten Finckenhagen oo ah dhakhtar katirsan hey’ adda daawadda ayaa dhanka kale sheegay in kaniiniga ah Paracetemolka lala qaadan karo daawooyin kale, oo aysan dhibaato la cadeeyay oo arrintaas ka imaan karto.

Balse taas badalkeeda waxey hey’ addu sheegtay in isla qaadashada kaniiniga Ibux iyo daawooyin kale ay yeelan karto waxyeelooyin caafimaad. Ibux ayaa ah kaniini kale oo isla loo isticmaalo xanuun baabi’ iye ahaan. Wuxuuna hadii lala qaato daawooyin ka imaan karto saameyn caafimaad oo ugu darnaan karto dhiig-furan maskaxda ah.

Xigasho/kilde: Paracetamol – oppdatering av doseringsanbefalingene.

NRK oo axad walba kulan-cibaadeed soo deyn doono.

Muuqaal-baahiyaha qarankan Norway ee NRK ayaa axad walba soo deyn doono kulamo cibaado diini ah, kaas oo laga soo tabin doono lix(6) goobo cibaadeed oo dariiqooyinka masiixiga ah.

Talaabaddan uu NRK qaaday ee ku aadan joogteynta soo deynta kulamadda cibaaddada, ayaa noqoneyso mid ugub ah. Maadaama NRK waayadii hore ay kulamadda cibaadadda soo deyn jireen oo kali ah xiliyada ciidaha iyo xaflado-diimeedka diinta masiixiyadda.

Shan(5) kaniisadood oo katirsan kaniisaddaha Norwiijiga iyo hal goob-cibaado oo ay leeyihiin dariiqadda Pentecostalism ee diinta masiixiyadda ayaa isku kala badali doono soo deynta muxaadarooyinka diiniga ah ee Axad walba ka bixi doono NRK.

Xigasho/kilde: NRK skal sende gudstjenester på TV hver søndag.

Nin 760.000 kr NAV ka qiyaamay oo maxkamad lasoo taagayo.

21-da bisha soo socoto ee September, waxaa maxkamadda magaalada Sandnes ee gobolka Rogaland lasoo taagi doonaa nin 62 sano jir ah, kaas oo ku eedeysan fal khiyaano iyo wax isbada-marin dhaqaale ah.

Ninkan ayaa sida ku xusan gal-dacwadeedka xeer ilaalinta, wuxuu mudo labo(2) sano ah oo u dhaxeysay September sanadkii 2016 ilaa September 2018 NAV u xareyn jiray kaarka loo yaqaan «Meldekort» ka ee ay soo gudbiyaan dadka kaalmooyinka dhaqaale ka hela NAV.

Ninkan ayaa NAV ka codsan jiray in lagu kabo taageero dhaqaale, maadaama uu dakhliga dhaqaale ee soo gali jiray uu hoos u dhacay, sababo la xiriira inuusan shaqeyn karin, kadib markii awoodiisa caafimaad ee shaqo ay yaraatay. Wuxuuna NAV ka qaadan jiray lacagaha dadka xanuunsan ee shaqada ka fariistay ee Sykepenger iyo AAP.

62-sano jirkan ayaa mudadaas labadda sano ah NAV ka helay lacag gaareyso 757.828 kr oo markii danbe la ogaaday inuusan xaq u laheyn.Waxaa gadaal laga ogaaday in ninkan uu si caadi ah u shaqeyn jiray, uuna ka shaqeyn jiray suuqa dhismaha.

Sida ku xusan gal-dacwadeedka xeer ilaalinta, waxaana eeda ah in NAV uu lacag ka qiyaanay ka sokow loo heystaa inuusan bixin canshuurtii ku waajibtay ee dakhliga kasoo gali jiray shaqadiisa. Waxaana hada lagu eedeynayaa inuusan bixin canshuur ku dhow 100.000 kr.

Xigasho/kilde: Skal ha svindlet Nav for 757.828 kroner.

Soomaaliya oo ogolaatay in Amaal ay ku noqoto dalka Denmark oo ay dhalasho ka heysato.

Amaal Nuur Cusmaan oo ay dhawaan gacanta kusoo dhigeen ciidamada booliska Soomaaliya ayaa lagu soo warramay inay u dhooftay waddanka Denmar, iyadoo ay wehlineysay safiirka Denmark ee Soomaaliya.

Amran Xalane ayaa bartamihii bishan warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in gabadheeda «loo gacan galiyay ciidanka ilaalada madaxtooyada, markii ay weydiisayna ay lacag madax furasho ah ka dalbadeen».

Amaal oo Soomaaliya kasoo jeedda, balse heysata dhalashada waddanka Denmar, ayaa la waayay markii sida la sheegay ay ka baxsatay xarun dhaqan celin ah oo ay qoyskeeda geeyeen.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey sheekada ku saabsan gabadhan si weyn u qabsatay baraha xiriirka bulshada Soomaalida iyo warbaahinta, waxaana si weyn loo hadal hayay eedeynya ciidanka lagu tuhmayay iyo kaalinta booliska dambi baarista ay ka qaateen arrintaas.

Hase yeeshee 21-kii bishan ayuu Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} sheegay in ciidanka boolisku ay gacanta ku hayaan oo ay heleen Amaal Nuur Cusmaan.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Amran iyo saddex gabadhood oo kale ay ka carareen xarun dhaqan celis ah oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Amran oo ay boolisku wareysteen markii ay ka baxeysay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegtay in ay da’deedu tahay 18 sano, taasoo ka hor imaaneysa hadalkii ay sheegtay hooyadeed oo ahaa in gabadheedu ay tahay 14 jir.

Waxay intaas ku dartay in maalmihii ay maqneyd ay gacanta ku hayeen hay’ad ka shaqeysa xannaanada haweenka, oo si wanaagsan loola dhaqmayay.

Haweeneyda Denmark safiirka uga ah Soomaaliya, oo fadhigeedu yahay Nairobi, ayaa Muqdisho tagtay si ay ula soo wareegto gabadhan.

Denmar xaq ma u leedahay inay Gabar Soomaaliya kasoo jeedda kaxeysato?

Siyaabo kala duan ayey dadka uga hadlayeen sharciyadda ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay gabadhan gacanta u galiso safiirka Denmar, islamarkiina si toos ah loogu qaado waddankaas.

Xassan Ibraahim, oo ah qareen ka holw gala waddanka Denmar, muddo 32 sano ahna ku sugnaa dalkaas ayaa BBC-da u sheegay in Denmar ayxaq u leedahay inay soo ceshato qof kasta oo sharcigeeda weyn heysta.

Waxaan su’aal ka weydiinnay sida ay Soomaaliya saameyn ugu yeelan karto xuquuqda waddaninimo ee gabadhaas.

«Waxaa jira sharciyo la kala dhigtay adduunka oo dhan, waana la kala xoog badan yahay, waayo Soomaaliya marka la eego sharcigeedu ma adka laakiin Denmar sharcigeedu aad buu u adag yahay, sidaas darteed Soomaaliya kuma doodi karto xuquuqda waddan ee gabadhaas, haddii xitaa maxkamad la isla tagana waxaa uga guuleysaneysa Denmar», ayuu yiri Xassan.

Qareenkan ayaa sheegay inuu si shakhsi ah uga war hayo kiisas kale oo ku saabsan daddhalashada Denmar heysta oo Soomaaliya dib looga celiyay, ka dib markii ay dowladda Denmar faragalin toos ah ku sameysay.

«Aniga waxaan ogahay ilaa 5 kiis oo labadii sano ee ugu dambeeyay ka dhacay Soomaaliya, tii ugu dambeysayna waxay ahayd gabar loo soo celiyay Denmar, oo ay danjiraha Denmar intay tagtay Soomaaliya kasoo kaxeysay», ayuu yiri.

Xassan wuxuu sheegay in Amaal marka ay Denmar ka dagto laga yaabo inay dowladda la wareegto, qoyskeedana aan dib dambe loogu oggolaanin.

Dowladda Dhaanishka ayuu sheegay inay waayadii dambe sharci kasoo saartay carruurta loo dhaqan celiyo Soomaaliya, ka dib markii ay soo bateen kiisaska noocaas ah.

Kilde: BBCSOMALI

R.W Norway: Waxaa nagu soo socdo xili aad u adag:Arrintan ayaan qiimeyneynaa

Dalalka Yurub waxaa walaac aad u xoogan laga qabaa sarre u kac xad ka bax ah oo ku imaada sicirka korontada iyo gaaska korontada laga dhaliyo, kadib markii dalka dowlada Ruushku ay yareysay, meelaha qaarkoodna ay gabi ahaanba joojisay shidaalkii ay u dhoofin jireen dalalka Yurub.

Sarre kaca sirirka shidaalka ayaa saameyn xoogan oo muuqato, aadna loo dareemayo ku yeeshay nolol maalmeedka dadka kunool Yurub, dalalku haba sii kala darnaadeen ah. Dalka Germany oo ah matoorka dhaqaalahaha dalalka Yurub ayaa dowladiisu ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah oo ku saabsan sidii looga gaashaaman lahaa koronto la aan soo wajahdo dadka kunool dalkaas.

Maadaama hada lagu jiro xiliga kuleylaha oo qoraxi jirto, walaaca ugu xoogan ayaa ah sida ay xaaladu noqon doonto marka la gaaro bilaha qaboobaha ama winterka hadii ay xaaladu sidaan kusii socoto.

R.W Norway: Xili adag ayaa nagu soo socda.

Reysulwasaaraha Norway, Jonas Garh Større ayaa maanta sheegay in Norway si lamid ah dalalka kale ee Yurub ay kusoo wajahantahay xili adag oo u baahan u tabaabusheysi fiican iyo diyaar garow xoogan. Wuxuuna reysulwasaaraha carabka ku adkeeyay in walaaca ugu weyn ee dowladu uu yahay qaaliyowga sicirka korontada iyo saameynta uu ku yeelan doono nolosha dadka.

Sanadkan 2022 qiimaha ama sicirka korontada Norway ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay abid, waxeyna dowladu soo rogtay sharciyo cusub oo dadka looga qafiifinayo sicirka korontada. Iyada oo dowladu ay kaalmooyin dhaqaale iyo xirmooyin taakuleyn ah u fidisay dadweynaha, si ay u awoodaan bixinta korontada. Taas oo jirtana waxaa wali aad looga cabanayaa in korontada Norway ay tahay mid aad qaali ugu ah dadka danyarta ah, ama qoysaska heysta ilmaha tirada badan.

Reysulwasaaraha ayaa maanta mar kale sheegay in dowladu ay ku fakareyso in talaabooyin cusub la qaado, si loola tacaalo sicirka korontada qaaliyowday. Reysulwasaaraha ayaa sheegay in dowladu ay hada qiimeyneyso in sicir go’an loo gooyo qiimaha korontada ay dadku bixiyaan. Arrintaas oo ku imaan karto labo siyaabood midkood:

  1. In qofku uu qiimo go’ an oo cayiman uu bixiyo bishii, dowladuna ay kabto inta kale.
  2. Ama in shirkadaha korontadu ay ugu badnaan qofka ku dalici karaan qiimo la isla ogyahay oo go’an, dowladuna ay damaanad qaadeyso bixinta qarashaadka dheeriga ah ee isticmaalka korontada dadweynaha.

Reysulwasaaraha ayaa sheegay in arrinta meesha taalo ay tahay in hadii ay dowladu sicir go’ an u goyso korontada, aysan dadweynuhu ka fakiri doonin yareynta iyo dhowrista adeegsiga korontada. Arrintaas ay dhaawac gaarsiin karto suuqa iibsiga korantada iyo qiimaha dowlada uga baxayo. Sidaas labadda qaab ee korontada sicir go’ an loogu sameynayaba ay dhibaatooyin wataan.

Jonas Garh Større ayaa sidoo kale sheegay in dowladu ay ka fakareyso in korontada laga kabo ganacstada iyo goobaha ganacsiga, si qaaliyowga korontadu uusan u saameyn dhaq-dhaqaaqa suuqyada ganacsiga.

Xigasho/kilde: Regjeringen vurderer makspris på strøm.

Diblomaasi Norwiiji ah oo kaamiro qabatay: Ruushiyiinta waan necbahay.

Labadii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada iyo warbaahintaba aad looga hadalhayay muuqaal ay duubtay kaamirada hotell ku yaal dalka Ruusha, kaas oo muujinaya haweenay diblomaasiyad ah oo katirsan safaaradda Norway ee Ruushka, taas oo ku dhawaaqeyso in ay necebtahay dadka Ruushiyaanka ah.

Haweeneydan oo rabtay inay qol ka kireysato hotell kuyaal magaalada Murmansk ee dalka Ruusha, ayay kaamiradu duubtay iyada oo si caro ah ula hadleyso dadka ka shaqeeya hotell-ka, waxeyna kaamiradu duubtay iyada oo leh ereyo ay kamid yihiin:

Waan necbahay Ruushiyaanka. Kaliya i sii qol (hotell). Waxaan la qabsaday qolol nadiif ah, waxaan kasoo jeedaa Scandanevia.

Dhamaadka muuqaalka la duubay ayaa sidoo kale lagu arkayaa haweeneyda oo sheegeyso in dadka Ruushiyaanka ay gabi ahaanba yihiin dad aan xishood laheyn.

Norway: Raali galinta ugu weyn ayaan bixinayeynaa.

Baraha Twitterka iyo telegram waxaa aad looga hadalhayaa muuqaalkan oo ka careysiiyay dad badan. Sidoo kale warbaahinta Ruushka ayaa muuqaalkan si aad ah u faafineyso, iyaga oo sheegay inuu muujinayo naceybka dadweynaha Ruushka ka dhanka ah ee ka imaanaya dalalka galbeedka iyo diblomaasiyoontoodaba.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa war qoraal ah oo soo saartay ku sheegtay inay raali galinta ugu weyn ka bixineyso dhacdadan oo ay wasaaradu sheegtay in aysan si naba uga turjumeyn siyaasadda arrimaha dibadda Norway ee Ruushka. Waxeyna wasaaraddu sheegtay in ay dhacdadan xalin doonto, iyada oo mareyso wadooyinka ku haboon.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka oo horey u sheegtay in arrintan ay sameyn doonto fal-celin ku haboon, ayaan ilaa hada qaadin wax talaano ah.

Xigasho/kilde: Norsk diplomat i Russland: – Jeg hater russere.

Cilmi-baarayaal helay sadex nooc oo covid-ka mudada dheer qofka haya ah.

0

Dad aad u badan oo uu ku dhacay feyruska covid ayaa mudo dheer u xanuunsanaa saameyntiisa, ama ay ku yeelatay waxyeelooyin caafimaad oo mudo dheer socda. Nooca covid-ka ee qofka saameynta ku yeesha mudadda dheer, ayaa waxaa loo yaqaan «Covid-ka dheer» ama Long covid.

Sida ay warbixin caafimaad ku sheegeen khuburo caafimaad oo dalka Ingiriiska u dhalatay, waxaa jira sadex nooc oo ah noocyada feyruskaa covid-ka ee saameyntiisu ay qofka heysato mudo aad u dheer. Waxeyna sheegeen in baaritaan kadib ay ogaadeen in saameynta daba dheeraata ee feyruska corona, ay ku xirantahay nooca feyruska ee qofka ku dhacay.

Qaar kamid ah dadka ay ku dhaceen noocyada feyruska ee Alfa iyo Delta ayaa isku arkay saameyn daba dheeraatay oo covid-ka ah, kuwaas oo ay kamid yihiin daal joogto ah, madax xanuun iyo maskaxda qofka oo fariisata ( Aan sidii la rabay u shaqeynin).

Halka qaar kamid ah dadka uu ku dhacay noocyadii hore ee feyruska ay isku arkeen calaamado kale oo saameyntoodu ay dheeratay, kuwaas oo ay kamid yihiin neefta oo yaraata iyo xanuun qaarka sarre ah.

Guruub sadexaad oo uu feyruska ku dhacay ayaa iyaga isku arkay calaamado kala duwan oo feyruska ah, ay kamid yihiin wadne-garaaac iyo murqo-xanuun. Waxeyna qaar badan oo kamid ah sheegeen inay isbadalo ku arkeen tindooda iyo qeybo kamid ah jirkooda.

Cilmibaarayaasha warbixintan soo saaray ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in covid-ka aan loo arkin xanuun hal mar qofka ku dhaca oo tagay, laakiin uu mararka qaarkood noqon karo mid qofka ku yeesha saameyn mudo dheer socoto ama xitaa abidi noqon karto. Waxeyna ku taliyeen in si joogto ah loola socdo dadka uu saameynta ku yeeshay feyruska, lana siiyo daaweyn sax ah.

Xigasho/kilde: Forskere har funnet tre typer «long covid».

Norway: 658 qof ayaa sanadkii tagay nafta iska jaray: 73% waa rag.

Sida lagu sheegay tirokoobka diiwaanka sababaha dhimashada ee kasoo baxay hey’ addaha caafimaadka dadweynaha ee Norway, waxaa sanadkii tagay gudaha Norway laga diiwaangaliyay dhimashada 658 qof, kuwaas oo gacantooda isku dilay.

482 qof oo dadkaas is dilay kamid ah ayaa ahaa rag sida uu tirokoobku xaqiijiyay, tiradaas oo u dhiganta in 10-kii qof ee is dilay ay sadex (3) kamid ah ahaayeen rag.

Tirada dadka naftooda ku dilay gudaha Norway sanadkii tagay ee 2021 ayaa aheyd midii ugu badneyd, tan iyo sanadadii 1990- maadkii.

Sababaha ay dadkan isku dileen ayaa ah kuwo kala duwan oo isku jiro, balse ururka ay ku mideysanyihiin dadka ay ka tageen dadka is dilay, ayaa tiradaas ku tilmaamay mid aad looga murugooda.

Shantii sano ee ugu danbeeyay waxaa isku cel-celis gudaha Norway sanad walba gacantooda isku dila 644 qof. Sababta ay tiradaas usii kordheysa ayaa ilaa hada la garan karin, waxaase jiro waxyaabo badan oo isbiirsaday oo sababa in dadku ay naftooda qaadaan.

Sida laga akhrisan karo tirokoobkan, xanuunkii safmarka ahaa ee corona ayaan saameyn xoogan ku yeelan tirada dadka is dila ee gudaha Norway.

Xigasho/kilde: Tall fra Dødsårsaksregisteret 2021.

Ogow ganaaxyada kala duwan ee la saaro dadka xawaaraha dheeriga ah lagu qabto.

Waxaa lagu jiraa bilaha xagaaga ee sommerka, waxaana badan adeegsiga baabuurta, maadaama lagu jiro xili cimilada iyo hawaduba ay yihiin kuwo ku haboon baabuur wadista. Dhinaca waxaa bilaha bata ganaaxa la saaro dadka baabuurta wada ee la qabto iyaga oo baabuurka ku kaxeynayo xawaare ka badan kan wadada loogu tala-galay.

Hadaba waxaan akhristayaasha bogga warbaahinta NorSom News ugu soo gudbineynaa ganaaxa lacageed ee la saaro dadka ay boolisku qabtaan, iyaga oo baabuurka ku kaxeynayo xawaare ka badan kan sharciga ah.

  1. Hadii xawaaraha jidku uu ka yaryahay 60KM/ Saacadii.
  • 0-5 km/S oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 850 kr oo ganaax ah.
  • 6-10 km/ S oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 2300 kr oo ganaax ah.
  • 11-15 km/s oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 4150 kr oo ganaax ah.
  • 16-20 km/s: oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 6000 kr oo ganaax ah.
  • 21-25 km/s oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 9300 kr oo ganaax ah.
  • 25 km/s: Hadii qofka la qabto isaga oo baabuurka ku kaxeynayo xawaare 25 km/s ka sareeyo kan wadada, waxaa isla goobtaas looga qaadayaa leysinka, waxaa laga gudbinayaa dacwad boolis.

2. Hadii xawaaraha jidku uu ka yahay 70 km/s iyo wixii ka badan.

0-5 km/S oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 850 kr oo ganaax ah.
6-10 km/ S oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 2300 kr oo ganaax ah.
11-15 km/s oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 3700 kr oo ganaax ah.
16-20 km/s: oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 5150 kr oo ganaax ah.
21-25 km/s oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 7000 kr oo ganaax ah.

26-30 km/s: oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 9300 kr oo ganaax ah.

31-35 km/s: oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 11.150 oo ganaax ah.
35 km/s: Hadii qofka la qabto isaga oo baabuurka ku kaxeynayo xawaare 35 km/s ka sareeyo kan wadada, waxaa isla goobtaas looga qaadayaa leysinka, waxaa laga gudbinayaa dacwad boolis.

3. Hadii xawaaraha jidku uu yahay 90 km/s iyo wixii ka badan:

Inta hore waxey la wadaagaan jidadka xawaarahoodu yahay 70 km/s iyo wixii ka badan.

Hadiise qofka 36-40 lagu qabto isaga oo baabuurka ku wado xawaare u dhaxeeyo 36-40 km/s wax ka badan xawaaraha wadada, waxaa lagu ganaaxayaa 11.600 kr oo ganaax ah.

31-35 km/s: oo ka dheeri ah kan la ogolyahay: 11.150 oo ganaax ah.
40 km/s: Hadii qofka la qabto isaga oo baabuurka ku kaxeynayo xawaare 35 km/s ka sareeyo kan wadada, waxaa isla goobtaas looga qaadayaa leysinka, waxaa laga gudbinayaa dacwad boolis.

Waxaa lacagta ganaaxa ah qofka xawaaraha dheeriga ah lagu qabto u dheer in leysinka looga calaamadinayo dhibno ganaax ah, hadii xaaladaha qaarkood lagu qabto xawaare dheeri ah.

Hadii qofka uu helo ama boolisku leysinka ku xariiqaan sideed (8) dhibcood mudo sadex(3) gudahood ah, waxaa leysinka laga qaadayaa mudo lix(6) bilood ah.

Wixii dheeri ah ee aad rabto inaad ka ogaato arrintan, ka fiiri bogga hey’ adda vegvesenet.no

Shiinaha: Mareykanku yuusan dab ku ciyaarin.

Shiinaha ayaa maanta ka digay in Washington “ay qaadi doonto cawaaqibka ka dhasha” haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqato Taiwan, xilli ay xiisadda kasii dareyso kahor wada-hadal taleefon oo dhexmari doona hoggaamiyayaasha labada dal.

Beijing ayaa si weyn uga carootay warbixino soo baxay toddobaadkii tegay oo sheegaya in Pelosi, oo ah qofka labaad ee ku jira safka madaxtinimada Mareykanka haddii madaxweynaha geeriyoodo ama xilkiisa gudan waayo, ay bisha August booqan karto Taiwan oo ah jasiirad iskeed isu maamusha.

Booqashadan ayaa la filayaa inay noqoto xoogga wadahadallada taleefonka ku dhexmaraya madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Mareykanka Joe Biden, oo la filao inay dhacaan toddobaadkan.

Xiriirka labada dal ee ugu quwadda weyn caalamka ayaa sii xumaanayey tan iyo markii uu xukunka qabtay Biden, ayaga oo isku haya arrimo ay ka mid yihiin Taiwan, xuquuqda aadanaha iyo loolanka dhanka teknoolajiyadda.

Beijing ayaa toddobaadkan ka digtay “inay u diyaar garoobeyso” booqashada suurtagalka ah ee Pelosi, taasi oo noqon doonta tii ugu horreysay ee afhayeen Aqalka Wakiilada oo weli xilka haya uu ku tago Taiwan tan iyo 1997-kii.

“Si xooggan ayaan uga soo horjeednaa booqashada Pelosi ee Taiwan,” waxaa sidaas maanta shir jaraa’id ka sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian.

“Haddii Mareykanka ay ku adkeystaan oo Shiinaha kala loolamaan meel aan la taaban… Mareykanka ay qaadi doona dhammaan cawaaqibka ka dhasha,” ayuu yiri.

Booqashada suurta-galka ah ee Pelosi – oo weli uusan xaqiijin xafiiskeeda – ayaa xiisad ku kicisay maamulka Biden, oo ka cabsi qaba in safarka uu ka gudbo khadka cas ee Shiinaha,

Toddobaadkii tegay Biden ayaa sheegay in militariga Mareykanka ay rumeyan yihiin in booqashada “aysan aheyn fikrad wanaagsan xilligan.”

Taiwan ayaa waxay si joogto ah ugu nooshahay hanjabaad ah inay awood militari ku qabsna karto China oo u aragto qeyb ka mid ah dhulkeeda.

Pelosi ayaa toddobaadkii tegay weriyayaasha u sheegtay “inay muhiim tahay inay taageero u muujiyaan Taiwan,” balse waxay beenisay in Congress-ka uu isku dayayo inuu dal madaxbanaan u aqoonsado jasiiraddan.

Nakstad: Corona wuu soo noqday, hadana mar kale.

0

Agaasime ku xigeenka waaxda caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka dowlada Norwaya Espen Nakstad ayaa sheegay in feyruska corona la filayo in mardhow uu mar kale kusoo bato gudaha dalka Norway, kadib marka ay dadku kasoo noqdaan fasaxyada dibadda ah.

Waxaa dhawaan soo idlaan doono fasaxa xagaaga ee dalkan Norway, waxaana dalka dib ugu soo noqon doono kumanaan qof oo dalka dibadiisa u aaday fasax dalxiis ah. Sidoo kale waxaa dib u furmi doono nolosha iyo ganacsiga Norway, waxaana badnaan doono isku socodka gaadiidka iyo dadka, iyo sidoo kale tirada dadka kulmayo ee shaqada ama howlaha kale ee nolol maalmeedka.

Arrintaas oo uu Nakstad sheegay inay kordhin karto faafitaanka feyruska, gaar ahaan noocyada cusub ee horey aan Norway looga aqoon. Wuxuuna hadalkiisa raaciyay in dadku ay u diyaar garoobaan mowjad cusub ama noocyo cusub oo feyruska corona ah.

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa isbitaaladda Norway la dhigay 252 qof kuwaas oo intooda badan isbitaalka loo dhigay sababo la xiriira feyruska corona. Waxaana tirada dadka isbitaaladda Norway la dhigay kusoo kordhay 70 qof hal isbuuc gudaheed.

Maadaama dad badan ay hada qaateen talaalka feyruska corona, waxaa la filayaa in saameynta feyruska ee dadka talaalan ee yaraato. Inkasta oo ay jiraan dad badan oo bulshada ka tirsan, oo aan qaadan talaalka Norway.

Dadka qaarkiis ayaa qaatay sadex(3) irbadood oo talaalka corona ah, waxaana dhawaan dadka ka weyn 65 sano loo soo bandhigi doonaa talaalka Afaraad ee corona.

Xigasho/kilde: Må forberede oss på nye bølger.

FHI: 99% Cudurka Bus-buska daanyeerku, wuxuu ku dhacaa ragga isku galmoodo.

Bilihii ugu danbeeyay waxaa dalalka Yurub walaac xoogan ku hayay nooc cusub oo feyrus ama caabuq ah, kaas oo lagu sheegay inuu yahay mid halis badan. Caabuqan oo loo bixiyay bus-buska daanyeerka ( Appe-kopper), ayaa waxaa inta la xaqiijiyay lagu arkay kontomeeyo qof gudaha dalkan Norway. Halkas dalalka kale ee Yurub uu caabuqu aad ugu faafay.

Hey’ adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa maalmo kahor sheegtay in xanuunkan uu yahay karo musiibo weyn oo dunida ka taagan, waxeyna hey’ addu dirtay qeylo-dhaantii caafimaad ee ugu weyn ee ay diri kartay ee ku saabsan ka hortaga in la tacaalista xanuunkan.

Dhanka kale hey’ addaha caafimaadka dalkan Norway ayaa dhankeed xaqiijisay in musiibo safmar ah oo caafimaad ah uusan ka dilaacin karin Norway, sida la qiyaasiyo.

99% wuxuu ku dhacaa ragga isku galmoodo:

Tirokoob la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in cudurka halista ah badan ee dhawaan ka dilaacay caalamka, uu wax ku dhow 100% ku dhaco ragga jinsi ahaan isku galmoodo.Waxaana la sheegay inuu leeyahay qaabab faafitaan oo lamid ah kuwii lagu yaqaan xanuunka HIV-AIDS oo inta badan bilowgiisii hore ee soo ifbixiisa ( iyo illaa xad hadaba) ku dhaca, ayna ina badan is qaadsiiyaan ragga isku galmoodo.

Si lamid ah sida xanuunka HIV Aidiska, nooca waxey dhakhaatiirtu sheegeeen in xanuunka la isku qaadsiiyo isku tagiska jirka, gaar ahaan galmadda. Wuxuuna qaababka is-qaadsiintiisu uga egyaahay noocyyada xanuunadda kale ee galmada la isku qaadsiiyo.

Machadka caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI ayaa sheegay in sida ay qiimeeyeen uu faafitaanka xanuunkan noqon doonin mid dhibaato caafimaad oo weyn ka geysta Norway, balse uu faafitaankiisu ku badnaan karo guruubka gaarka ah ee bulshada Norway katirsan ee ragga isku galmoodo ah.

Wacyigalinta kahor taga faafitaanka feyruskan ayaa ilaa hada aheyd mid si gaar ah ugu jeeday guruubkaas.

Ururka caafimaadka qaramada midoobay ayaa horey uga digay in faquuq iyo takooris gaar ah aan lagu sameyn guruubkaas uu faafitaanka xanuunku ku badanyahay.

Xigasho/kilde: Apekopper smitter nesten bare homofile.

Vipps oo joojin doonto adeegan bilaashka ahaan jiray.

Adeega lacag isku dirista mobilka ee Vips ayaa laga bilaabo bisha August soo rogi doono qidmad lacageed oo ku socoto qofka raba inuu dirsado wax ka badan 5000 kr mudo 24 saacadood gudahood ah.

Vipps ayaa hadii aad rabto inaad hal mobilkaaga gacanta ka dirsato wax ka badan 5000 kr, dadka ka qaado qidmad lacageed oo gaareyso 1% lacagta uu qofka dirsanayo. Laakiin dadka ayaa farsamo adeegsan jiray, si aan lacagtaas qidmada ah looga qaadin, waxeyna dhowr mar oo kala duwan diri jireen lacag kali ahaan ka yar xuduuda 5000 kr, balse markii dhowr mar la kala diro ka badnaan karto 5000 kr.

Hadii tusaale ahaan uu qofku rabo inuu dirsado 12.000 kr, balse uusana rabin inuu bixiyo qidmada Vipps, wuxuu lacagtaas u kala qeybin jiray sadex lacag diritaan oo midkiiba gaareyso 4000 kr.

Vipps ayaa wixii ka bilowdo bisha August joojin soo rogi doonto in qofku uusan 5000 kr ka badan diri karin 24-kii saacba, hadii kale ay tahay inuu bixiyo qidmada Vipps ee 1%. Hadii uu qofku isku dayo inuu kala qeybiyo lacagta, sidii hadaba la sameyn jiray, wuxuu wali ku qasbanaan doonaa inuu bixiyo qidmadda Vipps, si lacagtaas ugu dirsanto.

Xigasho/kilde: Vipps strammer inn gebyr på høye summer.

Arlanda: Qof lagu qabtay 160 milyan kr oo boorsooyin ku jirto.

Sida ay xaqiijiyeen booliska Sweden, waxaa dacwad lagu soo oogay Nin bishii May lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Stocklom ee Arlanda, isaga oo tahriibiniyo boorsooyin ay ku jiran lacag u dhiganta 160 milyan kr.

Ilaalada garoonka diyaaradaha Arlanda ayaa qabtay Ninkan oo wata sadex boorso oo ay ku jiraan lacago kala duwan oo isku darkii gaaraya 160 milyan, balse ka kooban lacagaha dhowr wadan oo kala duwan. Waxaa kamid ah 33 milyan kr oo lacagta Norway ah. Lacagaha kale ee boorsooyinkaas lagu qabtay waxaa kamid 2,6 milyan oo lacagta Denmark ah, 335.000 oo lacagta Euro-ga ah, 90.200 $ oo Dollar ah iyo 10.300 oo lacagta Pound-ga dalka Ingiriiska ah.

Ninka 35 sano jir ah oo boorsooyinka lacagahan lagu qabtay watay ayaa la sheegay inuu safar u ahaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Uuna boorsooyinka ay lacagaha ka buuxaan galiyay qeybta xamuulka diyaaradaha ee sida gaarka ah looga taxadaro ( spesialbagasje). Laakiin markii ay ilaaladda xuduuduhu ay saareen raajadda baaritaanka ayaa la ogaaday in boorsooyinkaas ay lacag ka buuxeen.

Ninka la qabtay oo aan la sheegay dalka uu u dhashay ayaa markii hore ee boolisku ay wareysteen sheegay in la qiyaanay, uusana ogeyn in lacago boorsooyinka loo soo dhiibay ay ku jireen. Balse markii mobilkiisa gacanta la baaray, waxaa la helay wadahadalka khadka Whats-uppka oo u dhaxeeyay isaga oo nin kale oo magaalada Stocklom ku leh goob lagu iibiyo roogaga qaaliga ah. Waxeyna ka wada sheekeysanayeen tirada lacagta boorsooyinka ku jirto, iyo qaabkii dalka looga saari lahaa, sida ay boolisku sheegeen.

Labada nin ee la qabteyba, waxey hada ku eedeysanyihiin danbi la xiriira lacag dhaqis iyo lacag tahriibin. Waxaana lagu eedeeyay inay sameeyeen sideed (8) safar oo kala duwan oo lacago looga saarayay dalka Sweden.

Labada nin ee la eedeeyeyba wey diideen danbiga loo soo jeediyay.

Xigasho/kilde: Tatt med kofferten full av penger på Arlanda – hadde 33 millioner norske kroner.

Kuliyadahan ayaa ugu adag in lasoo galo jaamacadaha Norway.

Isbuucan waxaa soo baxday jawaabaha codsiyada waxbarashada sarre ee ardeyda Norway gudaheeda ka codsaday jaamacadaha.

Ardeyda jaamacaddaha codsaday ayaa jawaabaha boqolaal kuliyadood ama waxbarasho, kuwaas oo laga barto jaamacadaha kala duwan ee Norway. Hadaba Tobankan(10) kuliyadood ee hoos ku xusan ayaa sanadkan noqday kuwa ugu adag ee laga soo galo jaamacaddaha Norway, ama kuwa ugu dhibcaha sareeyo ee qof ardey ah uu soo gali karo.

Dhamaan ardeyda soo gashay kuliyadahan ayaa ka dhigan inay heysteen dhibcaha ugu sareeyo ee looga baxo dugsiga sare oo ah lix(6) oo u dhiganta( 95-100% )ama ugu yaraan 5 ( shan) oo u dhiganta 85-95 %.

Tacliinleyda oo walaac ka muujiyay dumarka oo raga kaga tiro badan doono xirfaddahan.

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa dalkan Norway ardeydii sanad-dugsiyeedkan codsaday waxbarasho sarre usoo baxay jawaabta codsiyadii jaamacaddaha oo ay direen. Waxaana sanadkan nasiib u yeeshay inay boos ka helaan jaamacaddaha Norway kumanaan ardey ah oo waxbarasho sarre codsaday.

Qiyaastii 61% dadka sanadkan helay waxbarashada sarre ayaa ah dumar, halka 39% ay yihiin dumar.

Ururka ugu sareeya ee mideeya dadka aqoonta sarre ee Norway( Akademikerne) ayaa walaac ka muujiyay in tirada dumarka ah ee wax ka barta kuliyaddaha qaarkood ay aad ugu sareeyaan ragga. Waxeyna sheegeen in rag aad u yar ay sanadaha soo socdo noqon doonaa dhakhaatiir, dakhaatiirta ilkaha, cilmi-nafsi yaqaano iyo dhakhaatiirta xooladaha.

Meelaha sida gaarka ah ay tacliinleydu walaaca uga muujiyeen ayaa ah in ardeyda gabdhaha ah ee wax ka barta kuliyadaha caafimaadka, sida dhakhaatiirta caadiga ah iyo kuwa ilkaha, ay aad uga badanyihiin wiilasha. Waxeyna ku baaqeen in dowladu ay talaabo qaado si loo kordhiyo ardeyda wiilashada ah ee kuliyadahaad halbowlaha u ah bulshada wax ka barto.

Tusaale ahaan 72% ardeyda dhigata kuliyada dhakhaatiirta ayaa ah gabdho, halka wiilashu ay yihiin 28%. Sidoo kale 80% ardeyda dhigata kuliyada caafimaadka ilkaha( Odontologi) ayaa ah gabdho, halka wiilashu yihiin 20%. Kuliyada cilmi-nafsiga 74 ayaa gabdho ah, halka wiilashu yihiin 26%.

Ururka taciinleyda Norway ayaa qoraalka ay soo saareen ee walaaca ah sidoo kale ku sheegay in muhiim tahay, xiligeediina la joogo, in dowladu ay qaado talaabooyin kor loogu qaadayo tirada wiilashada ee waxbarashada sarre, gaar ahaan kuliyada qaarkood, si ay u gaaraan gabdhaha.

Xigasho/kilde: Xigasho/kilde: Akademikerne: – Kjønnsfordelingen på noen studier er urovekkende stor.

Norway: Afar qof oo loo ganaaxay alaabta celis ah oo ay Afrika u dhoofiyeen.

Hey´adda ilaalinta deegaanka ee Miljødirektoratet ayaa ganaax 45.000 kr ah calaa qof ku riday afar qof oo lagu eedeeyay inay alaab-celis ah oo qashimowday, halisna ku ah deegaanka u diri rabeen dalka Nigeria.

Ilaaladda canshuuraha ee xuduudka ayaa sanadkii hore qabtay kunteenaro ay ku jireen qalab lagu sheegay inay yihiin alaab Elektronic ah oo lasoo isticmaalay, kuwaas oo loo dhoofinayo qaarada Afrika. Laakiin baaritaan kadib ayaa la ogaaday in qaar kamid ah agabka elekterooniga ah ee nimanka ay dhoofinayeen ay ku jiraan kuwa daxaleystay( aan shaqeyneynin), isla markaana qashin noqday, halisna ku ah deegaanka ( Bey´adda).

Booliska Norway ayaa sheegay in la ogolyahay in alaabta elekterooniga ah ee la isticmaalay loo dhoofin karo Afrika, balse ay shardi tahay in la cadeeyo in alaabtaas ay shaqeyneyso oo wali la adeegsan karo. Shardigaas ayuu sheegay in afartan qof ee la xukumay ay buuxin waayeen.

Dadka la ganaaxay ayaa kala ah labo(2) qof oo heysta dhalashada Norway, qof heysta dhalashada Nigeria iyo mid heysta dhalashada Poland.

Afartan qof ee la ganaaxay ayaa dhankooda sheegay in alaabtan ay kasoo qaadeen Finn.no ama goobaha kale ee lagu celiyo alaabaha la isticmaalay ee Elekterooniga ah, iyada oo ujeedkoodu uu ahaa inay siiyaan saaxiibadood oo faqiir ah, si ay usii iibiyaan. Waxeyna sheegeen in iyagu ay aaminsanaayeen in alaabtan ay wali shaqeyneyso. Waxa kale oo ay qirteen in isku dar ay Afrika u dhoofiyeen ilaa 35 Kunteenar oo alaabo Elektronic ah.

Ganaaxa la saaray afartan qof ee ka yimid hey´adda deegaanka ayaa noqonayo midkii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah.

Xigasho/kilde: Sendte miljøfarlig søppel til Afrika – sa de skulle hjelpe fattige.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.