onsdag, mars 19, 2025
Home Blog Page 43

Nin ayay dareen ku tuurtay: Waa madow, sababtaas ayaan ugu tuuray.

Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Sweden haweenay Swedish ayaa lagu soo oogay dacwad danbiyeed la xiriira fal isku dey dil ah, kadib markii ay nin ajnabi ah ku duurtay jidka birta ah ee mid kamid ah maxadooyinka tareenada magaalada Stocklom.

Sida laga arkayo muuqaalka ay duubtay kaamirada ku xiran maxadada tareenka, waxaa la arkayaa haweeneydan oo fadhida goobta tareenadda lagu sugo, waxaana horteeda soo maray nin muuqaal ahaan ajnabi u eg, kaas oo gacanta ku wato ullo bakoorad ah. Markiiba waxaa la arkayaa haweeneydan oo istaagayso, kuna ordeyso xagii oo ninka ka xigay, kadibna ku tuureyso godka jidka birta ah ee tareenka uu maro. Ninka ajnabiga ah ayaa waxaa ka dhacay labadda birood, wuxuuna ku dhacayaa godka tareenka.

Nasiib wanaag waxaa markiiba istaagay dadkii kale ee goobta ku sugnaa, waxaana lagu guuleystay in la istaajiyo tareen jidka kusoo socday oo xawaare sarre ku socday, waxaana lasoo bixiyay ninka la tuuray oo ka badbaaday in tareenku uu jiiro. Sida ay warbaahintu qoreyso, waxaa ninka dhibaha ah soo gaaray dhaawac madaxa iyo gacanta ah.

Haweeneyda falka geysatay ayaa lagu guuleystay in isla goobta lagu xiro, waxaana hada lagu eedeeyay fal-danbiyeed la xiriiro isku dey dil ama xadgudub aad u daran. Booliska ayaa wali wada baaritaan dhacdadan oo wali aysan xog fiican ka bixin.

Sida uu wargeyska Expressen qoray, booliska ayaa markii ay haweeneydan weydiiyeen sababta ay ninka ugu tuurtay godka wadada birta ah ee tareenka, waxey ku jawaabtay: In ninku uu ahaa nin madow ah.

Muuqaalka laga duubay dhacdadan ayaa aad looga hadalhayaa baraha bulshada, kaas oo muujinayo dhacdadan oo leh mid argagax iyo cabsi leh.

Xigasho/kilde: Kvinna knuffar ner man på spåret i Stockholm – då kommer tåget.

Daraasad: Norway waa mid kamid ah dalalka ugu adag ee lala qabsado.

Daraasad laga sameeyay dalalka caalamka ee dadka ajaaniibta ah ay ku noolyihiin, ayaa lagu sheegay in Norway ay kamid tahay dalalka ugu adag ee qof ajnabi uu noloshiisa iyo bulshadiisaba la qabsado.

Daraasadan oo laga sameeyay 52 goobood, ayaa Norway waxaa la galiyay booska 34-aad. Waxeyna kasii danbeysaa inta badan dalalka kale ee Nordica, iyo xitaa qaar kamid ah dalalka Asia.

Ajaaniibta Norway kunool ee daraasada lagu wareystay ayaa warbixin fiican ka bixiyay qodobada la xiriira shaqooyinka, maamulka hey’ addaha dowliga ah iyo tayada Nolosha Norway. Balse waxey aad uga sheegteen arrimaha xiriirka bulshada, dhexgalista iyo soo dhaweynta dadka wadanka u dhashay.

Dhibaatada ugu weyn ee ajaaniibta Norway kunool ee la wareystay ay ka sheegteen ayaa ah sidii uu qofku Norway ula qabsan lahaa dalka, ama negaansho uu ugu dareemi lahaa. Waxeyna sheegeen inuu aad u adagyahay la qabsiga dhaqanka Norwiijiga, ayna ku dhibanyihiin sidii ay saaxiibo uga sameysan lahayeen dadka wadanka ugu imaadeen, aysana dareemin soo dhaweyn iyo qalbi furnaan. Sidoo kale waxey ka sheegteen in dadka Norwiijigu ay yihiin dad xirxiran oo aan furfurneyn.

Qof kamid ah dadka la wareystay ayaa sheegay: Wey adagtahay in xiriir shaqsiyeed lala yeesho bulshada dalka kunool ee loo yimid. Mana awoodo inaan ka tago dareenka ah inaan ajnabi ah, si kasta oo aan dalka mudo dheer ugu noolaado.

Arrimaha kale ee ajaaniibtu ay ka sheegteen ayaa waxa kamid ah guryaha Norway oo ay sheegeen inay yaryar-yihiin, ayna adagtahay dhaqaale ahaan in qofku uu guri gato, iyo cuntada dalka oo aan aheyn mid doorashoyin badan qofka siineyso. Sidoo kale waxey ka cowdeen in goobaha lagu caweeyo iyo noosha caweyska Norway, ay tahay mid aan waafi aheyn.

Meesha ugu fiican ee lagu noolaado:

Dhanka kale isla daraasadan waxaa lagu sheegay in Norway ay kamid tahay meelaha ugu fiican ee lagu noolaado, gaar ahaan marka laga hadlayo suuqa shaqada, xoriyada qofka, xuquuqaha dadka shaqaalaha.

Sidoo kale fursaddaha ganacsi abuurasho, helitaanka internetka iyo korontada, isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo adeegyada dowliga ah aya kamid ah waxyaabaha lagu amaanay Norway.

Xigasho/kilde: Global undersøkelse: Norge er et av verdens verste land på finne seg til rette i.

Hadal uu reysulwasaaraha Norway ku yiri muslimiinta oo hadal heyn dhaliyay.

Maanta oo taariikhdu ay ku aadantaha 22-ka July, waxey ku beegantahay sanad-guurada 11.aad ee kasoo wareegtay 22-kii luulyo sanadkii 2011, maalintii uu dhacay xasuuqii Jaziiradda Utøya, iyo weerarkii lagu qaaday aqalka dowlada. Waxaan Labadaas weerar oo isku dar ku dhintay 77 qof.

Maanta oo Norway looga diiwaangaliyay maalin murugo, waxaana dalka oo dhan laga xusaa dadkii lagu xasuuqay weerarka aqalka dowlada iyo jaziirada Utøya.

Reysulwasaaraha Norway Jonas Gahr Større oo maanta khudbad ku aadan xuska- 22 jeediyay ayaa sheegay in fikradihii sababay in xasuuqaas uu dhaco ee ku dhisnaa naceybka qeybo kamid ah bulshada ay wali taaganyihiin. Reysulwasaaraha ayaa sheegay in wali ay jiraan shaqsiyaad qaba fikir lamid ah uu kii uu heystay ninkii falkaas ka danbeeyay.

Reysulwasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa tusaale kale oo fikradaha naceybka ah usoo qaatay dilkii uu 25-ka bishan magaalada Oslo ka heystay nin asal ahaan muslim ah, kaas oo labo(2) qof ku dila baar kuyaalo Oslo, kaas oo ay isugu imaadaan dadka isku jinsiga ah ee iska hela ( Gay).

Jonas Gahr oo sanadkii hore baaq fikradaha naceybka ah u gudbiyay kooxaha midigta fog ee Norway, ayaa sanadkan muslimiinta Norway ugu baaqay inay xooga saaraan, kana hadlaan ka hortaga fikradaha naceybka ah ee ka dhan qeybo bulsho-weynta Norway kamid ah. Wuxuuna isku xiray dhacdadii July 2011 iyo weerarkii ka dhacay Oslo mudo bil kahor ah.

Hadalka reysulwasaaraha ayaa baraha bulshada ka dhaliyay hadalheyn xoogan, waxeyna dad badan ka fal-celiyeen in reysulwasaaruhu uu baaq noocaas ah u diro, iyada oo ninkii ka danbeeyay xasuuqii 22-ka july uu ahaa nin xagjir midibka fog ah, kaas oo qabay naceyb ba an oo muslimiinta iyo ajaaniibta ka dhan ah. Waxaana falkaas dhiirigalin ka helay gacan-ku dhiiglayaal kale, kuwaas oo weeraro ka dhan ah muslimiinta ka geystay meelo kale oo caalamka ah.

Su aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa aheyd sababta uu reysulwasaaruhu u doorbiday hadalkaas, iyada oo muslimiintu ay dhibanayaal u ahaayeen weerarkaas, ninka weerarkaas geystena uu ahaa buugii uu qoray kahor inta uusan falka geysna ku muujiyay naceyb xad-dhaaf ah oo uu qabo muslimiinta.

Baraha bulshada waxaa sidoo kale qoraalo fal-celin ah ku qoray qaar kamid ah dadka muslimiinta ah ee madaxda ka ah urruada muslimiinta ayaa sidoo kale ka fel-celiyay arrintaas, waxeyna muujiyeen sida uu hadalka reysulwasaaruhu ugu habooneyn munaasaba xuska 22-ka luulyo.

Xigasho/kilde: Kritiserer Støre: – Skaper et skille mellom oss og dem

Booliska Norway oo wali hubka wadan doono.

Wasaaradda cadaaladda iyo amniga dalkan Norway ayaa hey’ adda maamusha booliska Norway u ogolaatay in boolisku ay wali hubkooda sii wadan karaan, ilaa sadex bilood oo kale oo dheeraad ah.

Booliska Norway oo caadi ahaan aan hubka muuqdo qaadan marka ay ku jiraan shaqo maalmeedka caadiga ah ayaa loo ogolaaday inay mudo bil ah hubkooda wadan karaan, kadib markii dhamaadka bishii hore uu nin hubeysan weerar xabado loo adeegsaday ku qaaday baar ku yaalo magaalada Oslo. Wuxuuna halkaas ku dilay labo(2) qof, isaga oo dhaawacay dad labaatameeyo gaarayo.

Hey’ adda sirdoonka Norway ee PST ayaa qiimeyn ay sameysay sheegtay in halista amni ee weerar laga geysan karo Norway ay wali tahay mid sareyso. Taas oo ka dhigan in wali ay jiraan dad awood u leh inay weerar ka geystaan gudaha Norway, sidaas darteedna ay boolisku wali hubkooda sii wadan karaan.

Dhacdada Oslo kadib, booliska ayaa in loo ogolaaday qaadashada hubka ka sokow, waxaa soo batay roondooyinka ay ka sameeyay jidadka magalooyinka.

Booliska, sirdoonka iyo hey’ addaha kale ee amniga ayaa ku jiro wadahadalo joogta ah, kuwaas oo ku qiimeeyaan xaaladdaha soo kordha, iyo talaabooyinka ku haboon ee laga sameyn karo.

Xigasho/kilde: Bevæpningen av politiet opprettholdes i inntil tre måneder, opplyser Politidirektoratet.

Dowlada oo soo jeediyay in waardiye-yaashu ay qaban karaan dadka tigid la aanta ah.

Hadii adiga oo aan wadan tigid shaqeynaya lagugu qabto gaadiidka dadweynaha, aadna diido inaad aqbasho ganaaxa lagu saaray, shaqaalaha shirkadaha gaadiidka dadweynaha ayaa sharci u heysta inay ku qabtaan, ilaa uu boolisku ka imaanayo.

Balse shirkadaha gaadiidka ayaa marar badan adeegsada shaqaale katirsan shirkadaha waardiye-yaasha, kuwaas oo ay soo kireystaan si ay u hubiyaan in dadka raaca gaadiidka dadweynaha ay wataan tigido sax ah ama shaqeynaya. Maadaama shaqaalahan lasoo kireystay aysan toos ugu shaqeyn shirkadaha gaadiidka dadweynaha, sharci uma heystaan inay qabtaan qofka diido inuu ganaaxa qaato, mana isku dayi karaan inay sii hayaan inta boolisku ka imaanayo.

Qodobka danbe ee shaqaalaha lasoo kireysto u diidayo inay qabtaan dadka tigid la aanta ku raaca gaadiidka dadweynaha, marka ay amar diido sameeyaan, ayaa sida hindise sharciyeed ka yimid dowlada sababa in dad badan oo la ganaaxay ay doortaan inay diidaan qaabilaada, kadibna isaga tagaan ganaaxa la saaray. Sababta ay arrintaas u sameynayaan ayaa lagu sheegay inay ogyihiin in shaqaalaha laga soo kireystay shirkadaha waardiyeyaasha, aysan qofka qaban karin ama kusii simi karin inta uu boolisku imaanayo.

Dowlada ayaa sheegtay in qodobkaas uu sababay, sababi karana in shirkadaha gaadiidka dadweynuhu ay khasaaraan lacag badan, maadaama dadka tigid la aanta ku raaca gaadiidka dadweynaha ay diidaan qaabilaada ganaaxa.

Hindise sharciyeed ay gudbisay wasaaradda gaadiidka iyo wadooyinka ayay dowladu kusoo jeedisay in shaqaalaha lasoo kireysto la siiyo awood lamid ah mida ay heystaan shaqaalaha shirkadaha gaadiidka dadweynaha, si u qaban karaan dadka tigid la aanta ku raaca gaadiidka dadweynaha, hadana diido inay ganaaxa qaabilaan, markii la qabto.

Jon-Ivar Nygård oo ah wasiirka gaadiidka iyo wadooyinka ayaa sheegay inuu hoosta ka xariiqiyo in waardiyeyaasha shirkadaha lasoo kireysto ay leeyihiin aqoon iyo karti ay ku fulin karaan shaqo lamid ah shaqaalaha ka shaqeeyo shirkadaha gaadiidka dadweynaha.

Xigasho/kilde: Regjeringen foreslår at vektere kan holde igjen passasjerer uten gyldig billett.

Kahortagga dhimashada ka dhalata shilalka hafashada (Dabaasha) .

Waxaa is xasuusin mudan, muhiimad wayna leh in la badbaadiyo nafta ubadkeena, laguna dadaalo  sidii  looga  hortagi lahaa,  loona yareyn lahaa khtarta la xiriirta mowduuca kor ku xusan. looguna  diyaar  garoobi  lahaa shilalka   dhimasho ee ka dhasho dabaabsha/hafashada . Dalkani Norway waxaa sanadkii ku  dhinto dad tiradoodu ku  dhawdahay 90   sababo la xariiro hafashada ama dhimashada sabab u noqto dabaasha. 

Waxaa nagu soo food leh amaba bilaabatay xilliga xagaaga (sommerka). Bilaha (Mai, juni, juli, iyo waliba august) ayaa  waxa ay ay yihiin bilaha ugu badan ay dhacaan shilalka dhimasho ee la xariira hafashada ama dabaasha. Hadaba waxaa iswaydiin iyo is xasuusin mudan sidee looga hortagi karaa, khatarta loo yareeyn karaa? 

Dalkani Norway waa dal ay ku wareegsanyihiin biyo fadhiyo, bad, wabiyaal,  waxaa la galaa xilli kulayl taas  oo qof kaste uu u dhawaado ama  raadiyo meel uu isku qaboojiyo. Dhalinyaro badan waxaa caado u ah in ay ku dabaashaan badda, biyo mareenada amaba wabiyada. Ayada oo taasi ay ka dhalato shilal dhimasho haddii  dhalinyaradaasi aysan ahayn kuwo dabaasha si fiican u yaqaano amba aan samaynin feejignaan aad u sareeyso.  Dhalinyaro kaste oo is raacdo isku mid kama ahan heerka aqoon ee dabaal, midka ku fiican dabaasha waxaa la socdo  kuwo badan oo aan sidaa ugu fiicnayn, balse ku dayanaayo kan fiican. 

Sanadkaan 2020ka afartiisa bilood ee ugu horeeysay dalkani Noway waxaa ku dhintay 19 qof, ayada oo waaxda  badbaadinta ee (redningsselskapet) ay sheegtay in ay macquul tahay in sanadkaani dad badani tagi doonaan badda, wabiyada hadii jawiga uu aad u fiicnaado, ayada oo ay jirin dad fasax uga baxaayo dalka dibadsiia sababo la xariiro  Covid-19 oo xiray safaradii dibadda. 

«Badda, biyaha iyo wabiyadu waxa ay yihiin goobo qurux badan oo ku haboon nasashada iyo ciyaarta sanadka oo dhan dalka Noorway, Isla mar ahaantaa biyuhu waxay noqon karaan khatar haddii aadan taxaddarin, oo aad naftaada iyo dadka kale daryeelin», ayay tidhi Tanja Krangnes, oo ah madaxa bad-qabka ee waaxda samata-bixinta ee Norway. 

Annga bulsho ahaan Somali hadaan nahay sanad kaste xlliga xagaaga ah dad ayaa ku dhinto tirada haba yaraatee.  Hadaba waalidka haku dadaalo in uu dabaasho barto si caruurtiisa iyo naftiisaba u badbaadiyo, marka goobaha  dabaasha la joogana waa in feegjignaan la muujiyaa, il biriqsi ayuu ku dhacaa shilalka hafashada. 

Dabaasha waxa ay kamid tahay waxyaabaha ay diinteena na farayso in aanu baranno, caruurteenana barno, hadaba waa in dadaal dheeraad ah, kharash badan waalidka ku bixiyaa in caruurtiisa uu dabaasha baro, kaliya uusan ku halaynin barashada dabaasha ee iskuulka taas oo ah wakhti aad u kooban, aad u yar, gaar ahaan dadka dagan magaalooyinka waawayn oo wakhtiga barashada dabaasha uu aad u yaryahay marka loo eego dagmooyinka.  

Waxaa aad u xun in aad joogto goob uu shil biyo ka dhaco oo aadan awoodin in aad badbaadiso qof aad ujeedo in naftiisa halis ku jirto, waxaana taasi sii darnaanaysaa marka qofkaasi uu yahay mid ka tirsan qoyskaaga, walaal ama waalidba midkuu noqdaba. 

Aan ku daalno in aan baranno dabaasha, barno ubadkeena. Dabaasha waxa ay ka muhiimsantahay ayaa la dhihi karaa waxbarashada kale, maxaa yeelay qof wax kuu qoro, kuu akhriyo waad heleysaa, balse ma heleysid qof kuu dabaasho marka nafta ay halis gasho. Waxaa dadka dagan Norway fursad wayn u ah in ay heystaan goobo badan oo aku baran karaan dabaasha, ayada oo goobahaasi dib loo furaayo mar dhow hadaba dadaalkiina badiya ku aadan in aad barataan dabaasha aadna bartaan ubadkiina.  

W.Q: Abdihakim Abdullahi, Qoraa & Aabe Soomaaliyeed.

Hadii aad rabto inaad fikirkaaga la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaaga noogu soo diri kartaa cinwaanka: NorSomnews@gmail.com

Norway: Dad badan ayaan 200 mitir ka badan dabaalan karin: Waa cabsi.

Sida lagu sheegay tirokoob iyo xog uruurin laga sameeyay Norway, dad badan oo gudaha Norway kunool ayaan awood u laheyn inay dabaashaan wax ka badan 200 mitir.

Arrintaas oo noqoneyso mid wel-welkeeda leh, maadaama sanadkii lasoo dhaafay ay gudaha Norway shilal la xiriiro ku hafasho biyo ugu dhinteen dad gaaraya 75 qof. Isla tirokoobkan ayaa lagu ogaaday in 3% bulshada Norway kunool, aysanba aqoon dabaasha.

Inta badan dadka ku dhinta shilalka hafashada biyaha, ayaa ah ragga. Saas oo jirtana ragga ayaa aaminsan inay dabaasha aad ugu fiicanyihiin, sida lagu sheegay warbixintan. Waxaana la sheegay in badanaa nimanku ay ka badbadiyaan awoodooda dabaasha, ama ay aaminsanyihiin inay awoodaan dabaalashada in ka badan inta uu jirkoodu awoodi karo.

Ragga ugu badan ee sanadkii lasoo dhaafay ku dhintau dabaasha ayaa da’ ahaan jiro 65 sano, taas oo la jaanqaadeyso natiijadda xog uruurinta oo ah in ragga da\ ahaan ka weyn 65 sano, aysan awoodin wax ka badan 200 mitir.

Qofka aan hubin awoodiisa dabaasha, ayaa looga baaqayaa inuusan galin halis keeni karto inuu biyaha ku hafta, taas oo keeni karta geeri.

Xigasho/kilde: Menn sier de er best til å svømme, men drukner oftere..

Erdogan: Norway iyo dalalka Nordic waa xeryo argagaxiso.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa maanta mar kale ku celiyay eedeyn culus oo uu jeediyay dalalka la isku yiraahdo, Nordica oo ay kujirto dalkan Norway. Erdogan ayaa si xoogan oo aan gabasho laheyn dalalka ugu sheegay inay yihiin xeryo argagaxiso.

Erdogan ayaa sheegay in Norway iyo dalalka kale ee Nordicu ay gabaad siiyaan, una ogolaadeen inay dalalkooda si xor ah uga shaqeeyaan ururo dalka Turkiga looga aqoonsanyahay argagaxiso, kuwaas oo uu sheegay inay maleegaan shirqoolo iyo dhibaatooyin ka dhan dowlada iyo shacabka dalka Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga oo kasoo noqday caasimadda Iran ee Tehran halkaas oo uu wadahadalo kula lahaa madaxweynayaasha dalalka Ruushka iyo Iran ayaa sidoo kale eedeeyay dalalka Germany, Holland, Italy, Faransiiska iyo UK, isaga oo ku eedeeyay inay ogolaadeen inay dalalkooda si xor ah uga howlgalaan kooxo dalka Turkiga looga aqoonsanyahay argagaxiso, qaarkoodna ay danbiyo ka geysteen dalkaas.

Wasiiradda arrimha dibadda Norway Anniken Huitfeldt ayaa hadalka madaxweynaha Turkiga ku tilmaantay mid sal iyo raad laheyn.

Erdogan ayaa mar kale ku celiyay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu horistaago codsiga dowladaha Sweden iyo Finland ee kamid noqoshada ururka Nato, hadii aysan fulin heshiisyadii ay labadaas dal la galeen Turkiga.

Qodob kamid ah heshiisyada ayaa dhigayay in Sweden iyo Finland ay dowlada Turkiga usoo gacan-galiyaan dadka danbiyada argagaxisnimo ku eedeysan ee dalka Turkiga u dhashay. Turkiga ayaana mar horeba soo codsaday liiska shaqsiyaad ilaa 70 gaarayo kuwaas oo katirsan ururadda Kurdida ee dagaalka kula jiro dowlada Turkiga.

Xigasho/kilde: Erdogan: Nesten alle nordiske land er «terror-reir».

Nin dil ugu hanjabay wasiirkii caafimaadka oo maxkamadeynayo

Nin afartameeyo (40) jir ah oo kasoo jeedo Bergen ayaa lasoo taagi doonaa maxkamad, kadib markii lagu eedeeyay inuu hanjabaado halis ah khadka telefonka ugu gudbayay wasiirkii hore ee caafimaadka Norway, Bent Høie.

Ninkan ayaa sanadkii hore labo mar oo kala duwan xiriirka khadka telefoonka la sameeyay booliska gobolka Trøndelag, iyo mid kamid ah xafiisyada dowlada, wuxuuna hajnabaado toos ah u gudbiyay wasiirka caafimaadka ee xukuumadii Erna Solberg. Waxaana sida kiiska galka eeda ninkan ka dhanka ah lagu sheegay in hanjabaadaha ay ku jireen kuwa dil ah.

Ereyada laga diiwaangaliyay ninkan ayaa waxaa kamid ah:

Høie waxaa lagu dili doonaa 24 saacadood. Qoorta ayaana xabad looga dhufan doonaa.

Ninkan ayaa hadii lagu helo kiiska hanjabaada dilka ah mudan karo ciqaab xabsiyeed.

Xigasho/kilde:Mann tiltalt for å ha truet Bent Høie med nakkeskudd.

Nin dad soo galootiya ka khiyaamay 12 Milyan lacag kabadan oo laraadinayo.

Nin degenaa magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa boolisku raadinayaa kadib markii lagu eedeeyey inuu khiyaamay dad shakhsiyaada oo gaadhaya 12 qof oo ah dad soo galootiya ama wax badan aan degenenayn dalka Norway.

Ninkan ayaa kasoo muuqan waayey maxkakamada oo ay ahayd in lagu qaado bishii afraad ee sanadkan.

Booliska Norway ayaa hada la wadaagay xogta ninkan boolisyada kale ee caalamka Norwayna ay kala dhaxayso wada shaqaynta dad isu celinta.

Ninkan oo ah da´ada afartameeyo (40) jirka kana soo jeeda Oslo ayaa ku eedaysan inuu khiyaamay dad shakhsiyaada oo 12 qof gaadhaya, waxa uuna ka khayaamay qiyaastii laba iyo toban milyan iyo badh lacag lagu qiyaasay (12.5 Million) kr.

Ninkan ayaa dadka usheegi jiray in uu caawinayo si ay u qaadan karaan deyn badan taas oo u sahashay inuu gacanta kudhigo akoonada bangiyadooda iyo numberada sirta ah oo dhan dabadeedna uu u istimaali jiray magacyada dadkaas in uu bangiyo kaqaato lacag farabadan oo uu isagu istimcaalay.

Sida uu xaqiijiyey qareenka booliska Fredrik Krokaas dadkan dhibanayaasha ah ayaa ah dad asalkoodu yahay soo galooti aqoon yarna uleh hababka ay ushaqeeyaan bangiyada dalka Norway.

Sidoo kale booliska ayaa sheegay in hadii ninkani kabaxo dalalka Yurub ay adkaanayso xaalada soo qabashadiisu, booliska ayaana shaaciyey inuu ninkani yahay (wanted) caalamka oo dhan.

Lamaane lagu magacaabo Marina iyo Christoffer ayaa sheegay inay riyadoodu ahayd inay guri ay leeyihiin gataan lacag 500,000 Kr ahna kaydsadeen mudo 3 sano ah, oo nolosha raaxada ah oo dhan ay iska yareeyeen ayna shaqayn jireen shaqooyin dheeriya si ay uhelelaan lacagta hor mariska ee qaadashada guryaha.

Lamaanahan oo u waramay mar sii horaysay wargeyska Dagsavisen ayaa sheegay inay hada bixiyaan bilkasta afar iyo labaatan kun (24.000kr) oo ah deyn aysan waligood ka faa´iidaysan oo ay u bixinayaan khayaano ku dhacday dartee, waxa ayna sheegeen in magacooda lagu khayaamay lacag dhan labo milyan.

Waxay kaloo sheegeen inay hada kahelaan qoysaskooda oo dalkooda kusugan caawin ayna usoo diraan cunto iyo lacag taas oo ah mid aysan filanayn ayna ahayd inay iyagu caawiyaan oo ay lacag udiraan laakiin ay xaaladu saas noqotay kadib markii khayaamo kudhacday.

isku soo wada duuboo arintan ayaa waxa ay muujinaysaa sida fudud ee qofka dayn iyo qaan loo gelin karo uusan isagu ka faa´iiidaysan hadii lahahelo numberada sirta ah ee akoonkiisa iyo xogihiisa sirta ah intaba taas oo cawaaqib noloshisa dhaawacda ukeeni karta.

Xigasho/Kilde: Skal ha svindlet innvandrere for over 12 millioner – nå er mannen internasjonalt etterlyst.

Kiiskii Mo Farah oo waji kale yeeshay: Booliska oo kiis baaritaan ah furay.

Booliska London Metropolitan ayaa furay baaritaan lagu sameynayo shaac ka qaadista orodyahan Mo Farah ee ah in isaga caruur ah si tahriibin oo sharci-darro ah lagu soo geliyey UK.

Baaritaanka ayaa imanaya kadib markii Mo, oo 39 jir ah, uu dokumenteri ku sheegay in haweeney uusan aqoon ay keentay UK markii uu ahaa 8 sano jir, islamarkaana lagu qasbay inuu daryeelo caruurteeda.

Waxa uu sheegay inaan loo ogolaan inuu iskuul aado illaa uu ka garaay 12 jir.

Dokumenteriga, oo ay soo saareen BBC iyo Red Bull Studios, ayuu Mo Farah ku sheegay in magaciisa runta ah uu yahay Hussein Abdi Kahin.

Waxa uu shaaciyey in Britain lagu keenay ayada oo la adeegsanayo baasaboor been abuur ah oo lagu dhajiyey sawirkiisa iyo magaca Mohammed Farah, oo ah kan uu isaga oo isticmaalaya uu ku guuleysatay afar billad oo dahab oo ah cayaaraha olombikada.

“Waxaan ka war haynaa warbixinada warbaahineed ee ku saabsan Sir Mo Farah. Weli warbixino toos ah sooma gaarin MPS xilligan,” ayey booliska London ku yiraahdeen war-saxaafadeed ay soo saareen.

“Saraakiil ku xeel-dheer arrintan ayaa furay baaritaan, waxayna hadda qiimeynayaan akhbaaraadka la heli karo.”

Mo Farah ayaa horey u sheegay inuu Britain la yimid waalidkiis isaga oo kasoo qaxay Soomaaliya. Balse dukumenteriga BBC-da wuxuu ku caddeeyey in waalidkiis aysan weligood iman UK.

Aabihiis waxaa dishay xabad intii ay socdeen dagaallada sokeeye ee Soomaaliya markii Mo Farah uu ahaa 4 jir, sida lagu sheegay filim-ka. Hooyadiis iyo laba wiil oo la dhashay waxay ku nool yihiin Somaliland, oo ah gobol sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Mo Farah ayaa dokumenteriga ku sheegay in macallinkiisa cayaaraha Alan Watkinson uu ka caawiyey inuu dhalashada UK qaato, isaga oo adeegsanaya magaca Mohamed Farah.

Dowladda UK ayaa sheegtay inaysan wax tallaabo ah ka qaadi doonin Mo Farah oo la xiriira inuu jebiyey sharciyada socdaalka.

Mo Farah wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu matalay Britain.

Xigasho/kilde: VOA+ SOMALI

Tromsø: Nin xaday baaskiil ay boolisku leeyihiin oo la qabtay.

Booliska magaalada Tromsø ayaa dacwad ka gudbiyay nin 30-meeyo jir ah, oo lagu eedeeyay inuu geystay fal xatooyo baaskiil ah. Waxaa sidaas bartooda twitterka kusoo qoray saldhga booliska Tromsø.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in baaskiilku uu ninkaas xaday uu lahaa sarkaal katirsan booliska magaalada. Waxeyna boolisku iyaga shaqadooda maalinlaha ku jira maalin kadib qabteen ninkan oo wata isla baaskiilkii uu booliska ka xaday, waxaana qabtay sarkaalkii laga xaday baaskiilka maqnaa.

Baaskiilka ayaa hada kusoo noqday gacanta askarigii lahaa, waxaana ninka xaday laga gudbiyay dacwad ka dhan oo ku saabsan eedeyn xatooyo baaskiil. Ninka la eedeeyay ayaa isla goobta lagu qabteyba ku qirtay eedeynta loo soo jeediyay.

Xigasho/kilde: Stjal sykkel fra politibetjent – tatt av betjenten dagen etter

Dhaawaca dagaalka Ukraine oo diida in Norway loo soo qaado.

Bishii Maarso ee sanadkan dowlada Norway ayaa sheegtay inay gargaar caafimaad u fidin doonto ilaa 550 qof oo kamid ah dadka ku dhaawacma dagaalka Ukraine iyo Ruushka, dadkaas oo isugu jiro askar caadi ah iyo shacabka dagaaladda ku dhaawacma.

4 bilood kadib, waxaa fursadaas ay dowlada Norway bixisay ka faa´iideystay 67 qof oo kali ah, sida uu qoray wargeyska Aftenposten. Waxaana lasoo warinayaa in dhaawacyadda intooda badan ay diidaan in Norway loo qaado, taa badalkeedana ay doortaan dalal kale.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku daray in sababaha ay dhaawacyadu u diidaan in Norway loo qaado, ay kamid tahay inay rabaan in la geeyo dal aan ka dheereyn dalkooda, si ay xiriir joogto ah ula lahaadaan qoysaskooda. Sidoo kale qaar badan oo kamid ah ay rajeynayaan inay si dhaqso ah ugu noqdaan dalkoodii hooyo, marka ay caafimaadaan.

Dhaawacyada ugu badan ee reer Ukraine ayaa marka la weydiiyo doorto in loo qaado afarta dal ee ugu dhow Ukraine xuduud ahaan, ayna ka heli karaan adeegyadda caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Diidmadda dhaawaca reer Ukraine ee Norway ayaa kusoo aadayo xili qoxooti badan oo reer Ukraine ah ay horey u diideen inay qoxootinimo weydiistaan Norway, iyaga oo sheegay inay doorbidayaan dalal kale oo magangalyo weydiistaan.

Norway ayaa ilaa hada sanadkan qoxootinimo ahaan kusoo dhaweysay qoxooti gaaraya 20.000 qof oo u dhashay Ukraine. Waxaana intaas dheer 67 qof oo dhaawac ahaan loo soo qaaday.

Xigasho/kilde: Ukrainske sårede takker nei til Norge.

Ruushka: Waxaan dilnay 6 askari oo Norwiiji ah.

Sida laga arkay liis ay soo saartay wasaaradda difaaca Ruushka, ciidamadda Ruushka ayaa gudaha Ukraine ku dilay boqolaal askari oo u dhashay Yurub, kuwaas oo si iskood ah u tagay Ukraine, si ay uga garab dagaalamaan ciidamadda dalkaas uu Ruushku soo weeraray.

Lix kamid ah askarta iskood isku dirtay ee Ruushka lagu dilay, ayaa ah Norwiiji, sida laga arki karo liiska ay soo saartay wasaaradda difaaca Ruushka.

Ilaa hada ma jirto ilo kale oo xaqiijiyay sheegashada Ruushka ee inay dileen askartaas, balse waxaa horey loo xaqiijiyay in dalka Ukraine ay u safreen boqolaal askar Yurubiyaan ah, kuwaas oo iskood u doortay inay gudaha Ukraine kula dagalaamaan Ruushka.

Xigasho/kilde: Russland hevder å ha drept seks nordmenn.

U.K: Mo Farah lagama ceshan doono dhalashada UK, kadib qirashadiisii.

Orodyahanka caanka ee Mo Farah, heystana dhalashada dalka UK ayaa shaley qirtay in sifo aan sharci aheyn oo been abuur ah uu kusoo galay dalka UK, iyada oo ay dacwo u xareysay haweenay aan hooyadiis aheyn. Mohamed oo wareysi siiyay TV-ga BBC-da oo ka diyaariyay nolosha Mohamed, ayaa sheegay inuu qaatay magaca Maxamed oo aheyn kiisii saxda ahaa si loogu ogolaado visaha UK, xili magacii hooyadiis iyo aabihiis ugu wan-qaleen uu ahaa Xuseen Cabdi. Halkan kasii akhri.

Qirashada Mo Farah ama Xuseen Cabdi Kaahiye ayaa abuurtay hadalheyn aad u badan, waxaana abuurmay dood ku saabsan qaabka ay dowlada UK u wajihi doonto arrintan, maadaama uu Mo qirtay inuu qaab aan sharci aheyn iyo magac aan sax aheyn uu kusoo galay dalka UK. Kadibna uu ku qaatay dhalashada Ingiriiska.

Arrinta xiisaha u yeeleyso kiiska Mo ayaa ah in dowlada UK ee xiligan taliso ay siyaasad aad ah kula dhaqanto soo galootiga, gaar ahaan kuwa qaabka sharci darada ah kusoo galo dalkaas. Waxaana laga war-sugayay jawaabta wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas, maadaama uu Mohamed yahay halyeey guulo waaweyn oo dhinac ciyaaraha usoo hoyay magaca UK, uuna noqday mid kamid ah shaqsiyaadka ugu caansan gudaha dalkaas iyo caalamka intiisa kaleba.

Dowlada: Caruur looma ciqaabi karo qalad aysan iyagu sameyn.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka UK ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in wax cawaaqib ah aysan yeelan doonin qirashada Mo Farah, aysana jiri doonin wax talaabo ah oo laga qaadi doono Mohamed oo qirtay inuu qaab sharci daro ah ku helay jinsiyada UK.

Afhayeen u hadlay wasaaradda aya sidoo kale sheegay in aragtida wasaaradda ee arrintan ay tahay: In caruurtu aysan qeyb ka noqon doonin danbiga, hadii qaab aan sharci aheyn lagu siiyo jinsiyada dalkaas.

Dokumentaarka laga diyaariyay Mo Farah ee ku saabsan noloshiisa dhabta iyo waxyaabihii uu soo maray, ayaa habeen danbe oo jimce ah laga daawan doonaa muuqaal-baahiyaha TV2.

Xigasho/kilde: Farah blir ikke straffet etter avsløringen.

Mo Farah oo qirtay in lagu dhiibay magac iyo da’ been ah: La ima dhaho Mohamed.

Orodyahanka Somali-British-ka ah ee Mo Farah ayaa shaaciyey in magaciisa runta ah uusan aheyn Mohamed Farah, islamarkaana si sharci-darro lagu soo geliyey dalka UK, isaga oo ilmo ah.

Mo Farah ayaa sheegay in magaciisa saxda ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, islamarkaana isaga oo 9 sano jira laga soo kaxeeyey Jabuuti oo la keenay UK.

Waxa uu sheegay in isaga oo 8 ama 9 jir ah ay Jabuuti kasoo dhoofisay haweeney uusan weligiis la kulmin, la siiyey magaca Mohamed Farah, kadibna laga dhigay shaqaale guri oo ilmaha u haya qoys kale.

Waxa uu xogtan ku shaaciyey dokumenteri ay sameysay BBC TV oo loogu magac daray “The Real Mo Farah” ama “Mo Faraha Dhabta ah”, kaasi oo lasii deyn doono Arbacada.

Mo Farah oo ku guuleystay tartamada 5,000m iyo 10,000m ee cayaarihii olombikada ee London 2012 iyo Rio 2016 ayaa horey u sheegay inuu UK la yimid qoyskiisa isaga oo qaxooti ah kadib markii ay kasoo carareen Soomaaliya.

Hase yeeshee, waxa uu 39 jirkan hadda sheegay in waalidkiis aysan weligood iman UK – in aabihiis lagu dilay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya markii uu ahaa afar jir, iyo in hooyadiis iyo laba wiil oo la dhashay ay ku nool yihiin Somaliland.

“Runta waxay tahay inaan aheyn qofka aad u maleysaan inaan ahay. Dadka badankood waxay ii yaqaanaan Mo Farah, balse ma ahan magacayga, mana ahan xaqiiqda,” ayuu yiri.

Haweeneyd usoo dhoofisay UK ayaa u sheegtay inuu la noolaan doono qaraabadiisa, islamarkaana magaciisa uu yahay Mohamed maadaama ay waday baasaboor been abuur ah oo lagu dhajiyey sawirkiisa laguna qoray magaca “Mohamed Farah.”

Farah, oo ah orodyahankii ugu horreeyey ee British ah ee ku guuleysta afar bilad oo dahab ah, ayaa sheegay in caruurtiisa ay ku dhiiri-geliyeen inuu runta ka sheego sooyaalkiisa.

“Muddo ayaan qarinayey. Aad ayey u adkeyd sababtoo ah ma dooneysid inaad wajahdo, inta bandanna caruurteyda su’aalo ayey I weydiiyaan, ‘Aabe, sidee arrintan ku dhacday?’ waa inaad ka jawaabtaa, balse mar kasta jawaab ma heli kartid,” ayuu yiri.

“Sababta ugu weyn ee aan u sheegayo taariikhdeeda ayaa ah inaan doonayo inaan dareemo caadi, oo aan dareymin inaan wax qarinayo.”

Xaaska Mo Farah, Tania ayaa sheegtay in sanadkii 2010 kahor arooskooda ay garowsatay “in waxyaabo badan ay ka maqan yihiin sheekadiisa” kadibna ay “su’aalo badan dhulka ku dhigtay” oo uu runta sheegay.

Mo Farah ayaa sidoo kale sheegay in lagu qasbay inuu qabto shaqooyinka guriga oo uu ilaaliyo caruur haddii uu doonayo in cunto la siiyo.

“Haddii aad dooneyso inaad dib u aragto qoyskaada, waxba ma sheegi kartid ayaa la I dhihi jiray. Inta badan musqusha ayaan isku xiri jiray oo ku ooyn jiray,” ayuu yiri.

Macallinka jirdhiska ee Mo Farah, Alan Watkinson ayaa sheegay inuu dareemi jiray in xaaladda wiilkan yar ay isbeddeli jirtay marka uu ordayo.

“Luuqada kaliya ee uu fahmayo waxay aheyd luuqadda jirdhiska iyo cayaaraha,” ayuu yiri Watkinson.

“Waxa kaliya ee aan sameyn jiray si aan uga baxsado xaaladda guriga waxay aheyd inaan banaanka soo aado oo ordo,” ayuu yiri Mo Farah.

Mo Farah ayaa ugu dambeyn xaaladdiisa u sheegay Alan Watkinson kaasi oo ku wargeliyey mas’uuliyiinta, kana caawiyey inuu helo dhalasha British-ka.

Xigasho/kilde: C.O

Soomaalida Norway oo dhaanto, hambalyo iyo dardaaran kuso dhaweysay reysulwasaare Xamze Cabdi Barre.

0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan Norway ayaa sabtidii isbuucan magaalada Oslo ku qabatay xaflad isugu jirtay soo dhaweyn iyo halbo loo diriyay reysulwasaaraha cusub ee dhawaan uu magacaabay madaxweyne Soomaaliya, Hamze Cabdi Barre.

Kulanka ayaa waxaa qaab fogaan arag ah uga qeybgalay ergeyga gaarka ah ee dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya, Heidi E. Johansen iyo madaxa safaaradda Norway ee Soomaaliya, Haakon Svane.

sidoo kale Maryan Cabdi Xuseen oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway ayaa kamid ahaa masuuliyiinta shirka kasoo qeybgalay, hadaladdana ka jeediyay.

Waxaana kulanka oo ay kasoo qeybgaleen boqolaal katirsan jaaliyadda boqolaal qof oo ka kala tirsan qeybaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway lagu soo bandhigay ciyaaro qurux badan oo kuwa dhaqanka soomaalida ah.

Gaadhiga ayaa shidaalku kaga dhamaday wadada dhexdeeda, hada waxa uu waayi kara liisanka wadista gebi ahaanba.

Bishii April ee sanadkan 22keedii ayaa nin 28 jir ah gaadhigii uu watay kaga dhamaaday shidaalku wadada dhexdeeda xili uu marayay tunnelka Tåsentunnelen Ring 3 ee magaalada Oslo.

Arintan ayaa waxay sababtay in gaadiidkii kale ee wadada marayey ay khalkhal gelisay iyadoo xaaladu abuurtay samxad kadhalatay gaadhiga shidaalka oo kadhamaaday dartii u istaagay wadada dhexdeeda.

Hadaba booliska oo arintan soo farageliyey ayaa ku ganaaxay lacag sided kun oo karoon darawalkii gaadhiga (8000), una dhiganta sideeed boqol oo dollar qiyaaastii darawalkii gaadhiga watay maadaaba uu sameeyey dayacaad ah inuusan shidaal ku filan gaadhiga ku wadin.

Booliska ayaaa sidoo kale mudo 3 bilood ah ka qaaday darawalka liisanka wadista gaadhiga, waxaana uu boolisku kusoo oogay ninkan inuu ku xadgudbay sharciga wada marista ee ah inuu darawalku si tix gelin leh, ufiirsasho iyo taxadar leh umaro wadooyinka sida uu qabo baaragaraafka sadexaad (3) ee shariciga wada marista.

Hadaba ninkan oo diiday inuu aqbalo ganaaxa boooliiska iyo in lagala wareego liisanka ayaa lagu qaadi doonaa maxkamad, booliskuna hada waxa uu dalbanayaa in gebi ahaanba ninkan lagala wareego liisanka uuna bilaw kasoo bilaabo si uu markale u helo sharciga gaadhi wadista maadaaba uusan dhamaysan xiligii tijaabada ee qofka laga rabay inuusan wax khalad ah oo wayn gelin.

Waxa kale oo boolisku dalbaday in ganaaxa laga dhigo sagaaal kun iyo lix boqol oo kr (9600) hadii uu diido inuu aqbalo ganaaxa hada lasiiyey marka laqaadayo maxkamadaynta bisha sideedaad .

Arintan ayaa waxa ay muujinaysaa sida ay muhiimka u tahay inuu qofku lasocdo xaalada gaadhigiisu ku sugan yahay iyo shuruucda wada marista si uu uga bad baado dhib uusan filanayn oo si fudud uu ula kulmo balse uu ka taxadari karay hadii uu maskaxda ku hayo xiliga gaadhi wadista.

Xigasho/Kilde: Gikk bensintom på Ring 3 – nå krever politiet at føreren må ta full ny førerprøve for å få igjen lappen

Hadaad safar ku maqantahay ama ubaxayso ku xisaabtan arintan.

Iyadoo lagu jiro xiliga xagaaga dad badana ay safrayaan si ay fasaxooda u qaataan ayaa waxaa jahawareer xoogani kataaganyahay garoomada diyaadaraha qaarada Yurub oo aan sidii hore u shaqaynayn.

Isbuucyadii lasoo dhaafay iyo kan aynu kujirno waxaa aad looga dareemayaa garoomada diyaaradaha wadamada yurub jahwareer balaadhan oo kuwajahan diyaaradaha oo intooda badan la baajinayo xiligii ay bixi lahaayeen ama iman lahaayeen iyadoo rakaabkana loo sheego inay xalkale raadsadaan ama ay sugaan ilaa inta diyaarada xigta boos looga helayo.

Arintaan ayaa keentay inay dad badani dhibaato kala kulmaan garoomada diyaaradaha safarkoodiina meesha kasaarto ama ay ku qaadataa wakhti dheer oo aysan ku tala gelin taas oo u keenta niyad jab iyo daal farabadan.

Hadaba xili la filayey in xaaladu soo hagaagayso ayaa labada shirkadood ee ugu waawayn qaarada Yurub ee kala ah Lufthansa iyo KLM lafilayaa inay kansal gareeyaan duulimaadyo aad ubadan ilaa laga gaadhayo dhamaadka bisha sideedaad.

Arintan ayaa saamayn xoogan kuyeelan doonta rakaab farabadan oo hada safar kumaqan iyo kuwo qor shaynaya inay hada ka baxaan wadankay ku noolyihiin.

Sida lagu wado asbuuca soo socda keliya ayaa shirkada lufthansa baajinaysaa 770 duulimaad halka Air france-KLM iyana lagu wado inay baajiso 20 duulimaad maalinkasta ilaa dhamaadka bisha sideedaad.

Sababaha ugu waawayn ayaa ah la´aanshaha shaqaalaha diyaaradaha sida farsamayqaanada, shaqaalaha shandadaha, boosaska diyaaradaha ladhigo iyo duuliyayaashii diyaaradahaba.

Caqabada ugu wayna waxa ay ka taagantahay dhinaha shaqaalaha maamuli lahaa shandadaha rakaabka.

Arintan ayaa kadhalatay kadib markii ay dad aad ubadani waayeen shaqadooda xiligii lagu jiray aafadii karoonaha ee dunida kuhabsatay iyo inay jiraan wadamo badan oo yurub ah oo uu kajiro mudaharad shaqa joojin ah oo laxidhiidha hagaajinta sharciyada iyo kor uqaadida mushaharaadka shaqaalaha diyaaradaha.

Xigasho/Kilde: Lufthansa og Air France-KLM kansellerer flere flyginger

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.