torsdag, april 18, 2024

Nakstad: Corona wuu soo noqday, hadana mar kale.

Agaasime ku xigeenka waaxda caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka dowlada Norwaya Espen Nakstad ayaa sheegay in feyruska corona la filayo in mardhow uu mar kale kusoo bato gudaha dalka Norway, kadib marka ay dadku kasoo noqdaan fasaxyada dibadda ah.

Waxaa dhawaan soo idlaan doono fasaxa xagaaga ee dalkan Norway, waxaana dalka dib ugu soo noqon doono kumanaan qof oo dalka dibadiisa u aaday fasax dalxiis ah. Sidoo kale waxaa dib u furmi doono nolosha iyo ganacsiga Norway, waxaana badnaan doono isku socodka gaadiidka iyo dadka, iyo sidoo kale tirada dadka kulmayo ee shaqada ama howlaha kale ee nolol maalmeedka.

Arrintaas oo uu Nakstad sheegay inay kordhin karto faafitaanka feyruska, gaar ahaan noocyada cusub ee horey aan Norway looga aqoon. Wuxuuna hadalkiisa raaciyay in dadku ay u diyaar garoobaan mowjad cusub ama noocyo cusub oo feyruska corona ah.

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa isbitaaladda Norway la dhigay 252 qof kuwaas oo intooda badan isbitaalka loo dhigay sababo la xiriira feyruska corona. Waxaana tirada dadka isbitaaladda Norway la dhigay kusoo kordhay 70 qof hal isbuuc gudaheed.

Maadaama dad badan ay hada qaateen talaalka feyruska corona, waxaa la filayaa in saameynta feyruska ee dadka talaalan ee yaraato. Inkasta oo ay jiraan dad badan oo bulshada ka tirsan, oo aan qaadan talaalka Norway.

Dadka qaarkiis ayaa qaatay sadex(3) irbadood oo talaalka corona ah, waxaana dhawaan dadka ka weyn 65 sano loo soo bandhigi doonaa talaalka Afaraad ee corona.

Xigasho/kilde: Må forberede oss på nye bølger.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x