tirsdag, mars 18, 2025
Home Blog Page 41

Mareykanka oo soo furtay caruur ku xareysan xarun dhaqan-celin.

0

Waxa ugu weyn oo ay ka cabsadaan dhallinyarada Soomaali Mareykanka ah ee lagu xabisay Xarunta Dhaqancelinta Irshaad, waa qolalka lagu karantiilo oo ay keli keli ugu jiraan.

Markii ay isku dayaan inay ka dhiidhiyaan xeerka u degsan xarunta ama ay gebi ahaan diidaan, waxaa loo dhaadhiciyaa qolalkaas ku yaalla dhulka hoostiisa oo leh gidaarro la dulmariyay fiilooyin leh danab koronto oo nool iyo siligyo.

Cabdirizaaq Aaden Axmed, oo ah da’yar Soomaali Ameerikaan ah oo ka yimid magaalada Mechanicsburg ee gobolka Pennsylvania, wuxuu sheegay in waqtigiisa ugu bada, siiba habeenkii lagu go’doominayey qolalkaas qol kamid ah, muddadii sideedda bilood ahayd oo uu go’aan aan kiisa ahayn ugu jiray xarunta Irshaad oo ku taalla xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Xarunta Irshaad iyo xarumo kale oo lamid ah oo ku yaalla Soomaliya iyo Kenya waxay il ganacsi ka arkeen – inay dhaqanceliyaal aqoon leh isaga dhigaan – waalidiinta Soomaaliyeed ee qadyaanka ka jooga barbaarinta iyo tarbiyada ilmahooda qaar oo ay daroogadu dilootay, maskax ahaan jiran, caaqyaal ah kana tagay dhaqankii Soomaaliga.

Cabdirizaaq hooyadiis oo inankeedu qabtimay isticmaalka xashiishka Marijuana waxay sheegtay inay bil walba ku bixiso lacag dhan $600 wax ay xaruntu kula balantay oo ah in wiilkeedu kaga caafimaadi doono cabidda iyo qabtinka maandooriyaha. 

Cabdirizaaq wuxuu sheegay in gudaha qolalkaas gudcurka ah uu dharbaaxi jiray nin uu ku sheegay Cherad Abubakar oo kormeere guud ka ah xarunta kuna daadiyay kaadi iyo biyo qabow si uu u dhadhamiyo ciqaab uga timid sababtii uu aayado qur’anka kamid ah u xifdin waayay.

Cabdirizaaq oo 18 jir ah, waxaa looga tagay qolka isaga oo qaawan – qarqaryoonaya – wax gogol ahna aan loo dhigin.

“Waa i jirdilayeen,” ayuu yiri.

Bishii April, booliska Kenya ayaa howlgal ay ka fuliyeen xarunta Irshad kusoo badbaadiyay Cabdirizaaq iyo shan kale oo Soomaali Mareykan ah iyo kuwa kale oo UK, Canada iyo Holland kasoo jeeda.

Safaaradaha Holland iyo Maraykanka ee Nairobi ayaa dib ugu celiyay muwaadiniintooda dalalkii laga keenay.

Xaruntu waxay kamid tahay dhowr xarumod oo safaaradda Maraykanka ay kasoo furatay muwaadiniin da’yar ah kuwaas oo ka furan gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Sida ay ku warramayaan dad horay ugu jiray xarunta, shaqaale hore oo usoo shaqeeyey, diblomaasiyiinta Maraykan ah, geyfanayaal xuquuqda aadanaha u dooda iyo booliska Kenya, Irshaad iyo xarumo kale oo dhaqancelin ah wax yar ayay ka fiican yihiin xabsiyada caadiga ah, waxaana lagu jirdilaa looga xayuubiyaa xurriyadda gaarka ah da’yar badan oo kusoo barbaaray Maraykanka iyo Yurub.

“Xarumahani ujeedkoodu waa inay lacag helaan,” ayuu yiri Robyn Luffman oo ka howlgala safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Safaaraddu waxay sheegtay inay jiraan 4 xarumood oo sharciyaysan kuwaas oo ka howlgala Kenya oo labo kamid ah ay boolisku holwgal ka sameeyeen sannadkii 2017-ka.

Afhayeenka Guddiga Qaran ee Ololaha Ka-dhanka ah Maandooriyaha ee Kenya oo si dhow ula socota xarumaha dhaqancelinta ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo eedeymaha loo jeediyay Irshad.

Xarumo badan oo dhaqancelin ah ayaa ka furan Soomaaliya – iyaga oo aan wax badan aysan kala soconin dowladda dhexe, marka lo eego diblomaasiyiinta iyo geyfanaal xuquuqda aadanaha u dooda.

“Boqollaal ayaa ku jira xarumahaas – mana sheegi karno tirada saxda ah,” ayuu yiri Guuleed Axmed Jaamac oo ah garyaqaan xuquuqda aadanaha oo Soomaali ah.

Burburkii dalka ayaa la yimid in Soomaali badan ay u dhoofaan Yurub iyo Maraykanka, carrur badan ayaana ku dhashay dhulkaas oo dhaqankii wacnaa iyo barashada diinta aan si fiican uga haqabeelin. Mana ka baxaan ilmuhu talada waalidkooda ilaa ay ka guursadaan oo ay ka noqdaan qoys gaar u degan. In badanna, waxaa duufsada nolosha ka-dhacda ah ee ka jirta jidadka qaar – iyaga oo la saaxiiba tuugada hubeysan – qabatimana isticmaalka daroogada.

Tani waxay ku kaliftaa waalidiin badan inay ilmahooda ula soo baxsadaan Afrika. Bartilmaameedka ugu weynna waa Kenya iyo Soomaaliya.

Qaar badan ayaa geeya deegaannadooda si ay afka iyo dhaqanka usoo baraan; in kale-na, waxay usoo wadaan xarumaha dhaqancelinta kuwaas oo u sameeya balamo aan dhab u hirgelin inta badan.

“Waxaan aragnay kiisas badan oo waalidka dhibanayaasha aysan fikrad ka haysan xaaladaha ayna naxaan marka ay maqlaan xadgudubyada jir, maskax iyo galmo ee lagula kaco caruurtooda,” waxaa sidaas yiri safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa soo saartay diginin ah in xarumaha noocaas ah “ayan haysan shatiyo ay ku howlgalaan ama aysan jirin korjoogteyn lagu sameeyo.”

Xigasho/kilde: Hundreds of Somali-American Youths Held Captive in Rehab Centers; ‘They Were Torturing Me.

Golaha shacabka oo loogu yeeray shir looga arrinsanayo sicirka korontada

Golaha shacabka dalkan ayaa ku baaqay isku imaanshaha kulan cusub oo looga baraan dagayo xaaladda qiimaha korontada, iyaga oo isla markaasna dhaliilsan qorshaha xukuumadda ee ku aadan samata bixinta xaaladda/sicirka korontada.
– Golaha shacabka ayaa war baahinta u sheegay in Qorshaha xukumadda ee ka dhanka ah la tacaalista korontada, uusan ahayn mid xal wanaagsan oo waara hormuud buuxa u noqon kara. Waxaa Goluhu sidaa darteed iclaamiyeen shir hor leh.

Golaha shacabka iyo madaxtooyada ayaa aaminsan in haatan qorshaha korontadu uu san ahayn mid dabooli kara xal u raadinta arinka korontada.

-Waxaan ku heshiinnay inaan shir cusub aan qabanqaabino . Xukuumadda waanu kala hadli doonaa inay wakhti mudaysan xal wanaagsan lasoo shir tagto. Sidaas waxa yiri Gudoomiyaha golaha shacabka Masud Gharahkhani.

Wuxuu sheegay in shirka uu dhici doono muddo bil ka dib ah. Taas oo ku beegmaysa dhowr toddobaad ka hor inta uu san si rasmi ah u furmin kalfadhiga golaha baarlamaanka bisha Oktoobar.

«Xaaladda korontada waa mid ku sugan xaalad halis ah» ayuu yidhi Gharahkhani.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la muujiyo wanaaga dimuqraadiyadda iyo muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah xal wadareed wanaagsan loo gaaro. Gharahkhani wuxuu aaminsan yahay inay xal wanaagsan ay heli doonaan, waxaana uu yiri «Waan hubaa, in aanu la iman doono xal wanaagsan».

Dhowr xisbi ayaa dhaleeceeyay soo jeedin ka yimid xukuumada 8-dii bisha Agosto, Golaha shacabka ayaa siisay Xukumadda hal usbuuc si ay ugu soo bandhigto qorshaheeda ku aadan kabidda awooda korontada ee mustaqbalka dhow. Qorshaha ayaa xukuumadu soo bandhigtay la soo bandhigay Isniintii. Laakiin Golaha qaybtood ayaan u riyaaqin qoshaha xukuumada.

Xigasho/kilde: Kaller inn Stortinget til møte om strømtiltak.

Dowlada Denmark oo rabta in caruurtu ay xaq u yeeshaan jinsi-badalasho.

0

Xukuumadda ka talisa dalka Denmark ayaa soo jeedisay hindise sharciyeed cusub oo caruurta yar-yar ee xitaa aan halka sano gaarin xaq u siinaya inay badalan karaan jinsigooda.

Hadii qof jir ahaan gabar ama wiil ah, uu rabo inuu jinsigiisa badalo ( uu ka dhigo gabar ama wiil, hadba kan uu rabo), waxaa xiligan shardi in qofkaasi uu jiro 18 sano. Wuxuuna qofkii 18-sano ka yar ee raba inuu jinsigiisa badalo ogolaansho uga baahanyahay waalidkiisa.

Balse hindise sharciyeedkan ay soo jeedisay xukuumadda Denmark, ayaa ka hadii baarlamaanku uu meelmariyo ka dhigan in xitaa ilmaha yar ee aan gaarin halka sano (bilo jirka ah), uu xaq u yeelan karo inuu badasho jinsiga u diiwaangashan sharci ahaan.

Hindise sharciyeedka ayaa kamid ah qorsheyaal ay wado xukuumadda Denmark, kuwaas oo xuquuq-raadin loogu sameynayo bulshooyinka loo yaqaan LGBT-da ( dadka isku jinsiga ah ee iska helo). Waxaana dowladaas ay sheegtay inay dar-dargalineyso siyaasadda LGBT-GA.

Ma ahan markii ugu horeysay oo soo jeedintan ay ka timaado dowlada Denmark. Labo(2) sano kahor xukuumadii hore ee Denmark ayaa soo jeedisay qorshe noocan oo kale, balse ma uusan meelmarin oo waxa uu aqlabiyad ka heli waayay baarlamaanka dalkaas.

Soo jeedintan cusub oo baarlamaanka la hor geyn doono bisha October ee sanadkan, ayaa ah mid aan la isku raacsaneyn, waxaana kasoo horjeedo xisbiyada midigta.

Birgitte Bergmann oo katirsan xisbiga konservative partiet( midigta), ayaa sheegtay in xisbigoodu uu gabi ahaanba kasoo horjeedo soo jeedintan ka timid xukuumadda.

Waxeyna ay sheegtay inay muhiim in caruurta faraha looga qaado caruurnimadooda, ayna muhiim tahay in hadii uusan qofku heysan garaad ku filan oo go’ aan kaga gaaro jinsigiisa, aan la siin xaq-lahaansho uu jinsigiisa ku badalayo.

Xigasho/kilde: Regeringen trodser nu Det Etiske Råd og vil give 0-årige lov til at skifte juridisk køn: »Fuldstændig vanvittigt,« mener De Konservative.

Isaga oo kiniin hurdo qaatay ayuu baabuur waday: Xabsi + Ganaax weyn.

0

Booliska magaalada Oslo ayaa sagaalka(9) bishii April(4) ee sanadkan 2022 qabtay nin baabuur ku dhex wada senterka magaaladda, kaas oo baabuurka ku kaxeynayo dhinaca baabuurtu wadada socoto u socdaan kasoo horjeedkeedkeeda.

Ninkan oo da’ diisa lagu sheegay afartameeyo(40) jir, ayaa markii ay boolisku qabteen kadib, waxey ku sameeyeen baaritaan, iyaga oo dareemay in ninkan uu dawakhsanaa ama ay si wax ka ahaayeen. Waxaana baaritaan dhiig oo laga qaadey lagu ogaaday in jirkiisa uu ku jiray mid kamid ah daawooyinbka hurdada.

Booliska ayaa sheegay in ninkan ay kasoo raaceen meel dheer, ayna arkeen in baabuurkiisa uusan si fiican wadada u heysan oo uu hadba gees u leexinayo.

Maxkamadda Oslo ayaa ninkan ku xukuntay 21 maalmood oo xabsi ah, iyo ganaax lacageed oo dhan 109.000 kr. Sidoo kale waxaa loo diiday in mudo labo(2) ah uu wado wax baabuur ah, maadaama laga ganaaxay leysinka baabuur wadista.

Caadi ahaan ganaaxyadda la xiriira qaladaadka wado-marista ayaa lagu qiyaasaa dakhliga qofka danbiga geystay bishii soo gasho, waxaana ganaax weyn ee ninkan la saaray lagu sheegay in uu soo galo dhakhli xoogan( uu yahay qof ladan).

Xigasho/kilde: Tok sovemedisin før biltur – nå må bilfører i fengsel og er ilagt megabot: – Farlig.

Qaabka Baaritaanka da’da qoxootiga da’yarta ah oo walaac laga muujiyay.

0

Tan iyo markii ay guud ahaan Yurub, gaar ahaana Norway kusoo bateen tirada dadka da’ yarta ee codsanayo magangalyada qoxootinimo, Norway ayaa bilowday adeegsiga baaritaan jireed oo la sheegay in qiyaastii lagu ogaan karo da’ da qofka magangalyada codsaday ee dhalinyarada-

Adeegsiga baaritaankan ayaa si gaar ah ugu socday dadka sheegta inay ka yaryihiin da’ da qaar-gaarnimadda ee 18-ka sano, hadiiba uu imaado shaki ah in qofkaas magangalyada codsanayo uu da’ daas ka weynyahay. Caadi ahaan qofka 18 ka sano ka yar ee aan qaangaarka aheyn, wuxuu leeyahay xuquuqo iyo ilaalin dheeraad ah oo ku xusan sharciga magangalyada Norway iyo waliba kan caalamiga ah.

Hey’ adda qoxootiga Norway ee UDI ayaa horey u adeegsatay baaritaankan jireed ee lagu ogaanayo da’ da qofka, waxaana sidaas sharci ku helay ama ku waayay dad magangalyo codsaday.

Baaritaanka qalad ayuu wataa:

Hadaba gudi dhakhaatiir iyo khuburo ka kooban oo baaritaan ku sameeyay habka baaritaanka da’ da iyo qalabka la adeegsado, ayaa walaac xoogan ka muujiyay arrintaas. Waxeyna sheegeen in natiijadda kasoo baxdo baaritaankan uu la socdo qalad xisaabeed, kaas oo keeni kara in baaritaanku uu muujiyo da’ a ka weyn da´da rasmiga ah ee qofka.

Waxeyna gudigan sheegeen in arrintan halista keeneyso ay tahay in natiijadda baaritaanka oo qalad noqon karto, lagu saleeyo go’ aanka magangalyada qofka dhalinyarada ah. Taas oo hadii uu muujiyo da’ aan sax aheyn, keeni karto in qofku uu waayo magangalyo, ayna saameyn ku yeelato mustaqbalka qofka.

Xigasho/kilde: Feil i aldersvurderingen av unge asylsøkere.

Oslo: Nin xawaalad boolisnimo ku dhacay oo maxkamad lasoo taagayo.

0

Magaalada Oslo waxaa ka bilaaban doonto maxkamadeynta nin 36 sano jir ah oo ku eedeysan inuu isku ekeysiiyay qof boolis ah, kadibna uu dhac ka geystay dukaan xawaalad ah oo ku yaal xaafada Grønland ee soomaalidu ay ku badantahay ee magaalada Oslo.

Sida ku xusan gal-dacwadeedka xeer ilaalinta, ninkan oo uu la socday qof aysan ilaa hadu boolisku soo qaban, ayaa soo galay dukaanka xawaalada ee Grønland ku yaal. Waxuuna sheegtay inuu yahay booliska. Intaas kadib ayuu qabtay, kadibna dhulka dhigay qof dukaanka xawaaladeed ka shaqenyay. Wuxuuna wajiga ka gaarsiiyay jug muuqato, isaga oo jilibkiisa xabadka kaga hayo. Intaas kadib ayuu soo qaatay sharooto, isaga oo xirxiray qofkii xawaalad ka shaqeynayay.

36-jirka eedeysan iyo nin la socday ayaa markaas kadib bilaabay inay dhacaan xawaalada, iyaga oo iska dhigayo boolis wax baarayo. Waxeyna dhaceen lacag gaareyso 16.800 kr, moobil kuwa gacanta ah, sameecada dhegta ee mobilada lagu dhageysto( ear plugs) iyo boorsada jeebka oo ay ku jireen dhowr kaar banki.

Ninkan ayaa waxaa lagu eedeeyay qodobo ay kamid yihiin dhac iyo xoriyad ka qaadis, maadaama uu mudo 15 daqiiqo ah dukaanka ku dhex xabisay qof xawaalada ka shaqeynayay.

Dhageysiga dacwada ka dhanka ah ninkan ayaa bilaaban doonto 14-ka bisha November ee sanadkan, waxeyna socon doontaa mudo hal maalin ah.

Xigasho/kilde: Mann tiltalt for grovt ran på Grønland – utga seg for å være politi.

Yurub oo laga cabsi qabo abaartii ugu xumayd muddo 500 oo sano ah

0

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP, qaybo badan oo ka mida qaaradda Yurub ayaa la baaxaa-degaya abaaro xooggan oo ku dhuftay oo keenay inay qalalaan webiyadii, kalluunkii ku noolaa biyaha webiguna uu halkaas ku dhintay, sida ka dhacday gobolka Burgundy eek u yaalla dalka Faransiiska.

Sidoo kale dalka Spain ayaa laga soo sheegayaa in meelo badan oo biyo fadhiisin ahaa inay qalaleen, iyada oo keentay inay hoos u dhacaan heerka biyaha ee qaybo badan oo ka mida dalkaas. Wararka ayaa sheegaya in dalal badan oo ku yaalla qaaradda Yurub inay haatan la tacaalayaan abaaro aanay hore u arag oo laga dareemay ugu yaraan kala badh qaaradda Yurub.

Abaarahan ayaa si weyn u dhaawacay wax-soosaarkii beeraha, iyada oo keentay in la xakameeyo biyaha la isticmaalo, taasoo halis gelinaysa duurjoogtii iyo xayawaanadii kale ee ku noolaa dhulka kaymaha ah.

Ma jirin wax roobab ah oo la taaban karo oo ka da’ay gobollada galbeedka, badhtamaha iyo koonfurta ee qaaradda Yurub, labadii bilood ee la soo dhaafay. Dalka Britain laftiisa ayaa ku jira meelaha lagaga dhawaaqay inay abaaruhu ka jiraan, gaar ahaan Koonfurta iyo Badhtamaha England, iyada oo lagu jiro mid ka mida xagaagii ugu kululaa uguna qallalaa ee dalkaas laga diiwaangeliyo.

Khubarada ayaa sheegaya in laga yaabo in dalalka Yurub ay wakhti ku sii jiraan, xilligan qallalan ee haatan lagu jiro, iyaga oo sheegay in laga yaabo in Qaaradda Yurub ay soo foodsaarto mid ka mida abaarihii ugu xumaa ee soo mara muddo ku siman 500 oo sano.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI

UDI: Wuxuu kuu guursaday, si uu sharci kuugu helo=Diidmo codsiga dacwada.

0

Marka qof uu Norway ku sugan uu codsado in loo keeno lamaanihiisa oo kunool wadan kale, una xareeyo dacwad-qoys, mid kamid ah waxyaabaha ay hey’ adda soo galootiga Norway qiimeyso ayaa ah in guurkaas uu yahay mid run ah, ama inuu yahay mid ujeedkiisu uu yahay in qof Norway lagu keeno.

Waxaana markaas jiro labo nooc oo dacwadahaas loo qiimeyo, marka laga hadlayo shaki-galinta saxnaanshaha guurkaas:

Omgåelsesekteskap oo ah guur ujeedka ugu weyni uu yahay in qofka loo dacwoonayo uu Norway ku imaado, sharcina ka helo. Laakiin hadana noqon karo guur sax ah oo labadda qof ay si dhab ah isku guursadeen( Gogol galeen). Iyo Proformaekteskap guur aan jirin oo la jilay, labadda qofna ay ku heshiiyeen in Norway qofka maqan la keeno, xiriirkooduna uu intaas ku ekaado.

Kan danbe( proformaekteskap) waa sharci daro, wuxuuna qofku ku mudan karaa ciqaab xabsiyeed. Laakiin kan hore ayaa inta badan dhaliyo muran ku aadan, qaabka ay UDI-du u qiimeyso saxnimadda guurka labadda qof ee isku dacwooday.

Anne (62) jir iyo Dündar( 28 sano jir) is qaba oo guurkooda shaki la galiyay:

Dadka kunool gudaha Norway ayaa dhawaan wada daawaday sheekada jaceylka iyo guurka Anne Marit Yuvali oo ah haweenay 62 sano jir ah oo u dhalatay Norway, iyo Dündar Yuvali oo ah 28 sano jir u dhashay dalka Turkiga. Waxeyna qisada qaabka ay isku heleen, iyo xiriirka jaceyl ee dhexdooda ah ay jiidatay dad badan. Gaar ahaan farqiga da¨eed ee 33 sanadda ah ee u dhaxeeyo, iyo inay ka soo kala jeedaan labo dal oo dhaqan ahaan, diin ahaan iyo luuqad ahaanba kala duwan.

Anne oo ah haweeneyda ayaa ninkeeda Dundar u xareysay dacwad ay ku dooneyso in Norway loogu keeno, balse waxaa codsigaas diidmo ka keenay hey’ adda soo galootiga Norway ee UDI-da.

UDI-da ayaa jawaabta diidmadeeda ku sheegtay in qiimeyn kadib ay u badineyso in Dundar oo 28 jir ah oo u guursaday Anne oo 62 sano jir ah ay tahay sidii uu ku imaan lahaa Norway, sharcina ku heli lahaa.

Lamaanahan ayaa isla markiiba codsi racfaan ah ka qaatay go’ aanka UDI-da, waxeyna sheegeen inay ku dagaalami doonaan sidii ay u muujin lahaayeen iyo guurkoodu uu yahay mid dhab ah, oo aysan ka danbeyn u jeedo kale.

Anne Marit Yuvali oo wareysi siisay ayaa diidmadda UDI-da ku tilmaantay mid ay aad ula yaabtay, una aragtay mid lagu nijad-jabinayo iyada, loogana soo horjeeda rumeynta riyadeeda oo ah la noolaanshaha ninkeeda. Waxeyna sidoo kale raacisay in dhibaatadda ku saabsan rumeyn la aanta ama shakiga galinta guurka, uu inta badan yahay mid si gaar ah u qabsadda dumarka da ahaan waaweyn ee guursadda ragga dhalinyarada ah.

Xigasho/kilde: AnneMa og Dündar fikk avslag – mistanke om omgåelsesekteskap..

Qiimaha shidaalka oo hoos udhacay Norway meela kamida.

xili bilihiii lasoo dhaafay qiimaha shidaalku aad kor ugu kacay gaadhayna halkii ugu saraysay qiimaha halka liter.

Ayaa maalmahan waxaa hoos udhacay qiimaha shidaalka halkii literna qiimihiisu noqday wax kayar 20kr arintan ayaa gaadiidleeyl iyo dadka qaababkale uga faa`iidaysta shidaalka farxad aad uwayn gelisay markalana ku dhiiri gelisay inay gaadiidka siiwadan karaan, xili dad badani ay iska dhigeen gaadiidkii ay isticmaalayeen kadib markii ay awoodi waayeen qarashka ay taankiga kubuuxsan karayaaan.

Magaalooyinka laga dareemayo hoos udhaca shidaalka maanta oo sabtiya ayaa waxaa kamida Oslo, Moss, Fredikstad iyo qaybo kale oo dalka Norway ah.

Inkasta oo qiimaha halka liter ee hada uu kasareeyo 36% sanadkii hore intii uu ahaa marka la barbardhigo, ayaa waxa uu hoos udhacay 6.5% qiimaha shidaalka caydhiin bishii lasoo dhaafay.

Lillian Aashe oo katirsan shirkada Shell qaybteeda dalka Norway ayaa sheegtay in hoos udhaca qiimaha shidaalka ee hada uu macaamiisha usahlayo inay ku iibsan karaan qiimo macquul ah marka loo eego bishii June ee lasoo dhaafay , oo qiimaha iibsiga shidaalku gaadhay halkii ugu sareeyey.

Arintan hoos udhaca qiimaha shidaalka ayaa dad badan rajo iyo yididiilo gelisay maadaba kor ukaca iyo hoos udhacuba samayn ku yeelanayo nolol maalmeedkooda iyo dakhliga soo galaba.

Xigasho/Kilde: Nå kan du få drivstoff til under 20 kroner

Sweden oo Turkiga u gacan-galineyso qofkii koowaad: Kadib heshiiskii Madrid.

0

Dowlada dalka Sweden ayaa go’ aamisay in dowlada Turkiga loo gacan-galiyo nin ku eedeysan danbiyo la xiriira wax is daba marin dhaqaale. Waxaa sidaas soo tabiyay Muuqaal -baahiyaha SVT.

Ninka ay Sweden u gacan-galin doonto Turkiga ayaa da’ ahaan lagu sheegay sodomeeyo jir, waxaana labo mar oo kala duwan loo xukumay danbiyo la xiriira wax inuu si aan sharci aheyn u adeegsaday Bankiyada dalka Sweden iyo kaararka deymaha ee Kreditkortka loo yaqaan. Waxaana isku dar lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah, isaga oo ilaa dhamaadka sanadkii lasoo dhaafay ku xrinaa xabsi kuyaal Sweden.

Dowlada Sweden ayaa sheegtay in ninkan danbiyada uu Sweden ka galay darteed loogu gacan-galinayo dowlada Turkiga oo dalbaday in loo soo gacangaliyo.

Maxkamadda sarre ee dalka Sweden ayaa isbuucii lasoo dhaafay go’ aamisay in ninkan danbiyada geystay lagu wareejin karo dowlada Turkiga oo soo dalbatay. Waxaana go’ aanka maxkamadda lagu sheegay in aysan jirin waxyaabo muujinayo in ninkan lagu dhibaabeyn doono dalka Turkiga.

Sweden ayaa fulineyso mid kamid ah codsiyadii dowlada Turkiga ee shuruuda uu madaxweynaha Turkiga uga dhigay dowlada Sweden, si ay dowlada Turkigu ay u ogolaato ku biirista Sweden ee Nato.

Xigasho/kilde: Regeringens beslut: Man på turkiska listan ska utlämnas.

Wasiirka cadaalada Maraykanka aniga ayaa shakhsi ahaan ogolaaday baadhista guriga Trump.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo kasocda hay’ada baadhista dambiya culculus FBI ee dalka maraykanka ay galeen baadhisna kasameeyeeen, guri uu lahaa madax waynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump kuna yaala gobolka Florida.

Hadaba arintan ayaa waxaa ka hadlay madaxwaynihii hore ee markaynaka Donald Trump isagoo ku tilmaamay in si sharci daro ah horana aan waligeed uga dhacin dalka maraykanka gurigiisa loogu badh tilmaameedsaday baadhis sharci daro ahana ay FBI kusameeyeen.

Baadhista guriga Trump ayaa daba socotay dacwado lagu soo oogay madaxwaynaha hore ayna kamid ahayd inuu hore usii qaatay xogo iyo dokumentiyo farabadan oo ay ahayd inuusan kala bixin guriga cad ee maraykanka qaybta kaydka xogaha muhiimka ah, hase ahaatee uu hore usii qaatay.

Dokumentiyadan oo marki dambe hay’adaha cadaaladu ay fareen inuu soo celiyo ayaan dhicin xiligii loo qabtay taas oo markii dambe sababtay in ciidamo FBI kasocda ay gurigiisa galaaan baadhisna kusameeyaan kana qaadaan dokumentiyo badan sida xogaha lagu sheegay.

Hadaba arintan oo cida amartay iyo sharciyad ahaanteeda muran ka dhex dhalisay warbaahinta, siyaasiyiinta iyo dadka taageea Trump ayaa ugu dambayn waxaa warbaahinta lahadlay wsiirka cadaalada ee dalka Maraykanka Merrick Garland.

Garland ayaa sheegay in isagu shakhsi ahaan uu amray baadhista guriga Trump waxuu kaloo sheegay in sharciga cidina ka waynayn, mana aha ayuu yiri wax fudud gaadhista go’aano noocan oo kale ah, waxa kale oo uu sheegay inuu banaaanka keeni doono soona bandhigi doono dokumentiyada Trump qaatay.

Dhanka kalana Trump iyo siyaasiyiinta taageera ee xisibiga jamhuuriga ayaa ku eedeeyey madaxwaynaha dalka Maraykanka Joe Biden in uu u adeegsaday hay’adaha cadaalada dagaal siyaasadeed oo isaga lala beegsanayo.

Arintan ku aadan dacwadaha ka dhanka ah madaxwaynaha hore ee Maraykanka Donald Trump ayaan la ogayn halka ay kudambayn doonaan, xili ay soo xoogaysanayaan dacwadaha lagu soo oogayo marba marka ka dambaysa.

Xigasho/kilde: Justisdepartementet vil offentliggjøre Trump-dokumenter

Qaylo dhaan kasoo baxday dawlada oo ku aadan shilalka gaadiidka oo halkii usaraysay gaadhay sanadkan.

Dawlada Norway oo qaylo dhaan kasoo saartay shilalka gaadiidka oo aad kor ukacay sanadkan gaadhayna halkii ugu saraysay marka loo eego sanadihii udambeeyey.

Xili lagu gudo jiro xiliyadii fasaxyada xagaaga dad aad utiro badana ay kabaxayaan guryahooda ama ay kusoo noqonayaan, wadooyinkuna mashquul sare yihiin ayaa waxaa heerkii ugu sareeyey gaadhay tirada kudhimatay shilalka gaadiidka sanadkan.

Inta la diiwaan geliyey 81 qof ayaa kudhintay shilal ay galeen taas oo walwal wayn ku abuurtay hay’adaha qaabilsan shuruucda wada marista dalka Norway dadkan ugu baaqaya inay taxadar saa’id ah muujiyaan.

Wasiirka gaadiidka Jon-Ivar Nygård (Ap) ayaa kula taliyey dadka waawayn ee wada mootooyinka inay cusboonaysiiyaan aqoontooda ku aadan shuruucda wadda marista.

Nygård ayaa sii raaciyey inay tahay wax laga argagaxo marka loo eego kor ukaca tirada shilalka xili tobankii (10) sano ee udambeeyey horumar laga sameeyey hoos udhiga tirada shilalka.

Xili sanadkii hore oo dhan dhimashada shilalku ahayd 80 qof ayay sanadkan 2022 todobo bil iyo badhkii (7.5) uhoreeyey gaadhay 81 qof taas oo muujinaysa inuu jiro kor ukac aad usareeya xili aan sanadku wali dhamaan, bilo dhawr ahna hadhsan yihiin.

Keliya dadka kudhintay shilalka mootooyinka ayaa gaadhaya 18 qof taas oo ah tiradii ugu badnayd marka loo barbar dhigo 14kii sano ee ugu dambeeyey.

Wasiirka gaadiidka ayaa sheegay inay hada dawladu kashaqyanayso sidii loo hagaajin lahaa aqoonta wada marista darawaliinta mootooyinka iyo sidii loo xakamayn lahaa arinta shilalka.

Marka loo eego dadka shilalaka ku galay mootooyinka ayaa da’adoodu waxay ka wayntahay 59 sano.

Warka kasoo baxay wasaarada gaadiidka ayaa lagu sheegay dadka da’adaan ah inay haystaan liisano tababarka aqoontoodu tahay mid duug ah ama xili hore ah khibrad yarna ay uleeyihiin calaamadaha mootooyinka ee wadooyinka iyo shuruucda wada marista.

Waxa uuna kula taliyey dadKaas inay aqoontooda kor uqaadaan oo ay cusboonaysiiyaan si looga badbaado dhibaatooyin kayimada xaga khibrad iyo aqoon yari kusaabsan wada marista.

Sida warbixinta kuxusan hore 2005 tii ayaa saacadaha khasabka ah ee barashada shuruucda wadooyinka kor loo qaaday seddex jibaaar.

Hadana waxa wasiirka gaadiidki Nygård sheegay inay ka shaqaynayaan soo saarisra shuruuc cusub oo kuwajahan shuruucda wada marista mootooyinka.

Hay’ada maamulka wadooyinka Statens vegvesen ayaa dhankeeda iyaguna sheegay inay ka shaqaynayaan shuruuc ku wajahan mootooyinka.

Statens vegvesen ayaa sidoo kale sheegtay inay yihiin darawaliinta mootooyinka kuwa ugu khatarta badan dhanka waxyeelada iyo gelista shilalka maadaba hababka badbaadada marka shilku dhaco aysan lamid ahayn qof gaadhi saaaran.

xigasho/kilde: Ulykkessommeren: Samferdselsministeren i møter med MC-miljøet

Dawlada: 90% ayaan korontada ka caawinaynaa dadka.

War cusub oo kasoo baxay xukuumada dalka Norway ayaa lagu sheegay in dowladu ay soo jeedineyso in dadka ka taageeri doonto biilka korontada 90%, waxii loo gaaro kowda(1) bisha sagaalad (9) ee sanadkan.

Arintan ayaa kusoo aadaysa xili korontada wadamada yurub ay aad uqaaliyooowday, dad badana ay ku adkaatay sidii ay iskaga bixin lahaayeen biilasha korantada ay isticmaaleen.

Hadaba go’aankan ayaa kusoo aadaya xili laga cabsi qabo inay si aada u qaaliyawdo qiimaha korontada marka qabawgu bilawdo bilaha soo socda.

Dawlada ayaa soo jeedisay in waxii kabadan 70 øre (cent) ay dadka kacaawinayso, taasoo kamacno ah in dadku ay iska bixin doonaan waxii kahooseeya 70ka øre.

Qorshahan ayaa markii hore lagu waday in ladhaqan geliyo kowda (1) bisha tobnaad (10), balse hada lasoo dedejiyey maadaba laga cabsi qabo in si dhakhso ah korontadu kor ugu kacdo dadkana noloshooda saamayn wayn ay kuyeelato.

Kadib waxii kadambeeyey dagaalkii kaqarxay wadanka Yukreyn iyo xiriirkii xumaaday ee dalka Ruushka iyo inta badan wadamada reer Yurub, ayaa waxaa wadamada yurub soo wajahday xaalad kor ukac aad usareeya dhinaca korontada taas oo ay sabab u ahayd kor ukaca qiimaha shidaalka.

kor ukaca qiimaha korontada ayaa sidoo kale saamayn xoogan ku yeeshay nolosha dadka caadiga ah, maadaama ay iska bixin kari waayeen biilashii ay isticmaaaleen xiliga qabawgana loo baahanyahay koronto farabadan.

Xigasho/Kilde: Regjeringen med nye strømtiltak

Wariye been ka sheegay dhacdo xasuuq oo 4 milyan $ magdhow ah lagu xukumay.

Xukunka Alex Jones.

Alex Jones oo ah barnaamij daadihiye u dhashay dalka Mareykanka ayaa lagu xukumay inuu bixiyo 4,1 milyan dollar oo magdhow ah. Kadib markii lagu xukumay inuu war been abuur ah oo ku faafiyay dhacdo xasuuq ah oo sanadkii 2012 ka dhacday iskuulka Sandy Hook ee kuyaal gobolka Connecticut.

Maxkamadda ayaa amartay in ninkan oo lacagtaas magdhow ah siiyo mid kamid ah qoysaska caruurtii lagu xasuuqay weerarkii ka dhacay iskuuka Sandy Hook. Xasuuqan oo ahaa weerar hubeysan oo toos ah oo lagu soo qaaday iskuulka, ayaa waxaa lagu dilay isku dar 26 qof, kuwaas oo ay ku jireen 20 caruur ah oo da’ ahaan jiray 6-7 sano. Waxaa sidoo kale lagu dilay 6 qof oo waaweyn.

Alex Jones oo barnaamij daadihiye ka ahaa idaacada INFO WARS oo aad u faafisa wararka been-abuurka ee kooxaha midigta fog ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in iskuulkaas uusan wax weerar ka dhicin. Wuxuuna marar badan ku cel-celiyay in wax xasuuq ah ama dil ah haba yaraate uusan iskuulkaas ka dhicin, qofna aana lagu dilin, uuna ahaa mid la jilay oo lagu heshiiyay. Wuxuuna idaacadiisa oo ay ku xiranyihiin malaayiin qof ka sheegay in dadka idaacaddaha ka hadlay ee sheegay in caruurtoodii la laayay ay ahaayeen dad lasoo kireystay oo lacag la siiyay.

Mid kamid ah waalidiinta caruurtii lagu dilay iskuulka ayaa maxkamad la fuulay wariyahan, waxeyna sku eedeeyeen inuu been abuur ku tilmaamay geerida wiilkoodii lix jirka ahaa ee iskuulka lagu dilay. Iyaga oo sheegay in murugada geerida wiilkooda ay uga darsantay naceyb uga imaanayay bulshada dhageysata idaacadda ninkan, kuwaas oo ku tilmaamayay inay yihiin beenayaal lacag ku raadinayo magaca ilmahooda. Arrintaas oo waalidiintan sheegeen inay u geysatay qalbi-jab iyo murugo labo jibaar ah, kuna riday inay awoodi waayaan inay ilaawaan geerida wiilkooda iyo warka been abuurka ah ee wariyaha ka sii daayay idaacadiisa.

Ugu danbeyn waxey maxkamad la fuuleen Alex Jones, waxeyna dalbadeen 75 milyan dollar oo magdhow ah.

Dhageysiga maxkamadda ayaa waxaa soo baxday in wariyahan uu ogaa in iskuulkaas uu xasuuq ka dhacay, laguna dilay caruur badan. Saas oo taheyna uu malaayiin qof ee ku xiran u sheegi jiray warar been abuur ah oo isagu ogyahay inaysan raad iyo cirib laheyn.

Maxkamadda ayaa ninkan ku xukuntay danbiga lagu soo eedeeyay e been abuurka, waxaana lagu xukumay inuu bixiyo 4,1 milyan oo dollar. Waxaase la fili doonaa in magdhowka uu intaas wax badan aad uga badan doono, maadaama ay jiraan waalidiin kale oo ninkan ay maxkamadu u furantahay.

INFO WARS oo mar aheyd idaacadd aad loo dhageysto ayaa hada waxaa yaraaday maqalkeeda, kadib markii ay shirkadaha iska leh baraha bulshada caanka ah, sida Youtube, Facebook iyo google ay dhamaantood mamnuuceen in idaacaddan ay warar ku faafiso barahooda.

Goobta jimicsiga EVO oo lacag dheeraad ah ka goosan jirtay macaamiisheeda.

Shirkada iska leh goobaha lagu jimicsado( Trening gareeyo) ee EVO ayaa qiratay inay lacag dheeraad ah ka goosan jirtay koontooyinka dadka xubnaha ka ah ama ka trening gareeyo xarumaha jimicsigeeda.

Ilaa hada 1000 qof ayaa soo diiwaangaliyay in lacag dheeri ah ay EVO ka goosatay koontooyinkooda. Balse waxaa la fili karaa in tirada rasmiga ah ay intaas ka badantahay. Dadka ayaa waxaa koontooyinkooda ka go’ayay lacag afar jibaar ka badan lacagta xubinimadda.

Arrintan ayaa la ogaaday kadib markii dadka macaamiil ka ah xarumaha shirkadan ay baraha bulshada kusoo bandhigeen in EVO ay ka goosatay lacag ka badan tan fiiga( qarashka) xubinadda goobta jimicsiga. Arrintaas oo keentay in dad badan ay si caro leh uga hadlaan, soona bandhigeen dareenkooda ku aadan in la qimaayay.

Macaamiisha qaarkood ayaa sheegay in maadaama ay EVO ka goosatay lacag dheeri ah, ay awoodii waayeen inay gataan waxyaabaha aas-aasiga ah ee nolosha ama guryahooda usoo adeegtaan.

EVO ayaa markiiba qiratay Qaladka, balse waxey arrintaas ku sameysay cilad farsamo oo ka imaaneyso shirkadda ay EVO ka kireysatay agabka lacag-bixinta. Waxeyna EVO sheegtay in dhamaan macaamiishii sida qaladka ah looga goostay lacagaha dheeriga ay heli doonaan lacagtoodii, arrintaas oo khuseyso macaamiisha soo diiwaangaliyay inay lacag ka maqantahay iyo waliba kuwo aan wali soo diiwaangalinba.

Xigasho/kilde: Trukket fire ganger så mye for medlemskap.

Jens Stoltenberg: Caalamku halis ayuu gali, Hadii uu ruushku guuleysto.

NXoghayaha Guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay Khamiistii in isbahaysiga militari ee NATO inay ku hawlan yihiin laba shaqo oo muhiima oo kala ah, inay ka taageeraan dalka Ukraine, inuu iska caabbiyo duullaanka Ruushku uu ku soo qaaday dalkiisa iyo tallaabada labaad oo ah, inay ka taxadiraan in dagaalku isu beddelo mid u dhexeeya NATO iyo Ruushka.

Xoghayaha NATO oo ka hadlayey shir ka dhacay dalka Norway ayuu intaas sii raaciyey, in NATO ay masuuliyad dhinaca damiirka ahi ay ka saaran tahay inay taageeraan dalka iyo shacabka Ukraine ee lagu soo qaaday duullaanka gardarrada ah.

«Waxaan aragnaa daandaansi dagaal, weerarro lagu bartilmaameedsanayo dadka rayid ah iyo burbur aan la arag tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka» ayuu yiri Stoltenberg, wuxuuna sii raaciyey. «Ma noqon karno kuwo aan dan ka lahayn arrintan.»

Xoghayaha Guud ee NATO Stoltenberg ayaa sheegay in dunidu ay noqon doonto meel aad khatar u ah haddii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku helo waxa uu rabo isaga oo isticmaalaya awood militari.

«Haddii Ruushka uu ku guuleysto dagaalkan, wuxuu heli doonaa xaqiijinta ah in awooddu ay tahay waxa shaqaynaya, markaas waxaa laga yaabaa in dalalka kale ee deriska ahina ay ku xigaan,» ayuu yidhi.

Milateriga Ukraine ayaa Khamiistii sheegay in ciidamada Ruushka ay duqeymo ka wadaan goobo badan oo dalka Ukraine ka tirsan, oo ay ku jiraan kuwa ku hareeraysan Kharkiv, Slovyansk iyo Chernihiv.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in ciidamada Ukraine ay adeegsanayeen gantaallo iyo weerarro madaafiic ah oo ka dhan ah «goobaha militariga, xarumaha shaqaalaha, saldhigyada saadka iyo bakhaarrada ay rasaastu taallo.» War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in weerarradan oo kale ay u badan tahay in ay saameyn weyn ku yeelan karaan dadaallada uu Ruushku ku doonayo in uu dib ugu soo celiyo ciidamadiisa isla markaana uu taageero.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

W. caafimaadka oo dadka ka weyn 65 sano kula talineyso irbadda 4.aad ee talaalka.

Wasaaradda caafimaadka dalkan Norway ayaa dhamaan dadka da’ ahaan ka weyn 65-ta sano, iyo dadka 18-ka sano ee la nool xanuunadda abidiga ah kula talineyso qaadashada irbadda afaraad ee talaalka corona. Dowlada ayaa taladdan soo jeedisay kadib markii ay dowladu warbixin caafimaad iyo talooyin ka gudoontay hey’ adda caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI.

War saxaafadeed kasoo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in qaadashada talaalka corona uu wali yahay istiraatiijiyada ugu mudan ee dowlada ee kahor taga talaalka iyo la tacaalistiisaba. Norweyna uu qof kasta oo u baahan heli karo talaalka coronaha.

Talaalista dadka da’ ahaan u dhaxeeyo 65 sano ilaa 74 ayaa bilaaban doono marka ugu horeyso ee degmooyinku ay heystaan awooda shaqo ee howshaas lagu fulin karo. Waxaana lagu wadaa in howshaas ay ugu danbeyn bilaabato kowda(1) Bisha Oktoobar ee sanadkan.

Dowlada ayaa bixineyso qarashaadka ku baxayo fulinta shaqooyinka la xiriira barnaamijka talaalista, waxeyna hadii loo baahdo degmooyinka qaarkood adeegsan karaan farmashiyeyaasha ama goobaha kale ee gaarka loo leeyahay, kuwaas oo fulin kara howsha talaalista dadka.

War saxaafadeedka kasoo baxay dowlada ayaa sidoo kale lagu sheegay in degmooyinka ay qaadashada talaalka afaraad (4) u bandhigaan dadka da’ ahaan u dhaxeeyo 18 ilaa 64 sano ee qaba xanuunadda qaarkood.

Warka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xaaladda feyruska, iyo sida ay wax noqon doonaan bilaha soo socdaba ay yihiin kuwo aan la hubin, Sidaas darteed ay degmooyinku ay isku diyaariyaan in uu isbadal ku imaan karo xiliga talaalka la bilaabi karo iyo arrimaha kale ee la xiriira talaal-gaarsiinta dadweynaha.

Xigasho/kilde: Helsedepartementet vil gi alle over 65 år en ny oppfriskningsdose med coronavaksine.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.