mandag, november 25, 2024
Home Blog Page 4

Baabuurta «E-bil» oo laga joojiyay adeegsiga jidka gaadiidka dadweynaha.

Tan iyo sanadkii 2003, Waxaa goboladda Goboladda Oslo iyo Akershus ayaa baabuurta ku shaqeeyo korontadda ee El-Bil-ka u ogolaanayay inay adeegsan karaan wadooyinka loogu talagalay inay maraan gaadiidka dadweynaha( Bussaska iwm).

Balse wixii ka bilowday isniintii shaley aheyd baabuurka korontadda ku shaqeeyo ee El-bil-ka ayaa laga joojiyay inay maraan wadooyinka gaadiidka dadweynaha( Kollektivtfelt), iyaga oo hadii aysan amarkan cusub u hogaansamin mudan kara ganaax gaaraya 8200 kr.

Sharcigan cusub oo si gaar ah u taabanayo baabuurleyda reer Oslo, ayaa lagu sababeeyay inay bateen gawaarida ku shaqeeyo korontada ee adeegsada wadooyinka gaadiidka dadweynaha(Kollektivfelt), taasi oo saxmad iyo daahitaan ku keentay buss-aska ka dhex shaqeeyo magaaladda. Waxaana arrintaas sii raacda in waddada ku wareegta senterka Oslo ee Ring 1, la xiri doono mudo dheer oo dib u habeyn oo aan la cayimin.

Sanadkii 2021 dowlada ayaa soo rogtay in baabuurta ku shaqeeyo korontadda ee wada rakaabka, ay adeegsan karaan wadooyinka gaadiidka inta u dhaxeyso 6-da ilaa 9-ka subaxnimo, iyo 14:00 ilaa 18:00-da galabnimo. Laakiin hadaba waxaa gabi ahaanba laga mamnuucay inay adeegsan karaan wadooyinkan.

Baabuurta jabisa xeerkan cusub ee la qabto iyaga marayo wadooyinka gaadiidka dadweynaha ayaa la kulmi kara ganaax dhan 8200 kr, laakiin maalmaha hore waxaa dhici karta in qofku uu ganaaxaas ka fakado, balse la siiyo digniin.

Xigasho/kilde: Nå må elbilene ut av bussfeltet

Walaalihii ka danbeeyay dilka Xamse Xaashin Aadan oo lasoo wada qabtay.

Sida ay xaqiijiyeen booliska dalkan Norway, waxaa maalmo kahor Norway laga soo dajiyay Visar Avdyli oo ah mid kamid ah labadii nin ee walaalaha ee ka danbeeyay dilka Xamse Xashi Aadan oo ahaa 20 sano jir soomaali ah oo dhamaadka sanadkii 2021 lagu dilay magaaladda Oslo.

Visar Avdyli ayaa waxaa laga qabtay dalka Kosovo, halkaas oo uu ku xirnaa tan iyo bilowga bishii February ee sanadkan 2024. Waxaa ugu danbeeyay loo soo gacangaliyay hey addaha cadaaladda Norway oo ku raad-joogay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Visar ayaa waxaa kasii horeeyay oo horey loo qabtay, Norwayna loogu soo gacangaliyay walaalkiis Valon Ivdyli oo ay ku wada eedeysanyihiin dilka Hamse. Valon ayaa waxaa bishii Maarso ee sanadkii horey laga soo qabtay dalka Turkiga, waxaana loo gacangaliyay Norway.

Labo walaalo ah oo ka danbeeyay dilka wiilka soomaaliga ah:

Xamse oo ahaa wiil aad looga yaqaanay xaafadda uu ku noolaa ee Mortensrud iyo aageeda, saameyna ku lahaa dadka deegaan ayaa waxaa Todobadda(7) bishii November ee sanadkii 2021 xili fiidnimo ah lagu dilay meel barxad ah, isaga oo markaas la joogay dhalinyaro kale.

Booliska ayaa maalmo kadib marka uu dilku dhacay, waxa ay falka dilka ah ee Xamse ku eedeeyeen inay ka danbeeyaan labo(2) nin oo walaalo ah oo u dhalatay dalka Kosovo, balse heysta dhalashada Norway. Labaddan nin ayaana labo maalin kadib markii uu dilka dhacay ka baxsaday Norway, waxeyna u safreen dalka Kosovo. Halka kasii akhri. Booliska ayaana ilaa xiligaas ku guuleysan soo qabashada raggan oo maxkamadda Oslo ay amartay in lasoo qabto, si loogu maxkamadeeyo dilka Xamse.

Hada waxaa gacanta hey addaha cadaaladda Norway loo soo galay labadda eedeysane, waxaana ay xeer ilaalintu sheegeen inay diyaarin doonaa dacwad-oogista kiiska dilka ah.

Labadda nin ayaa ku eedeysan dilka Xamse, iyo isku deyga dilka 7 qof oo kale oo ka ag-dhawaa goobta uu ka dhacay falka dilka ah.

Xigasho/kilde: Den andre siktede for drapet på Hamse (20) er utlevert til Norge

Norway: Dowlada oo rabta in la mamnuuco guurka «qaraabadda dhow».

Dowlada dalkan Norway ayaa maanta soo bandhigtay hindise sharciyeed qoraal ah oo ku saabsan in la mamnuuco guurka dhexmara labadda qof ee ka wada tirsan halka qoys, sida guurka ilma adeerka, guurka eedooyinka, adeereadda, gabadha uu qofku adeerka u yahay ama wiilka ay qofka dumarki ah eedadda u tahay.

Ujeedadda ugu weyn ee hindise sharciyeed ay dowladu soo gudbisay, ayaa lagu sheegay in dowladu ay rabto inay ka hortagto halista caafimaad ee ku imaan karta ilmaha ka dhasha guurka labbo qof oo hal qoys ka wada tirsan. Waxaa sidaas sheegay Kjersti Toppe oo ah wasiiradda qoyska Norway.

Dowlada ayaa sidoo kale sheegay in mamnuucista arrintan uu ka hortagi karo guurka qasabka ah oo ku saabsan in qof Norway kunool lagu qasbo guur uusan raali ka aheyn.

Hindise sharciyeedkan ayaa yimid, kadib go aan sanadkii 2020 kasoo baxay barlamaanka Norway oo isla qodobkan ku saabsan. Waxa ayna dowladu rabtaa in la mamnuuco in qofka heysta dhalashada Norway( Norwiijiga), ama kunool Norway uu dalka dibadiisa kusoo guursado qof katirsan qoyskiisa hoose.

Dowlada ayaa tusaale ahaan rabto in hadii qof Norway kunool, uu dalka dibadiisa kusoo guursado qof qoyskiisa ah, aan guurkaas laga sharciyeyn ama laga aqoonsan Norway, hadii ugu yaraan labadda qof midkood uu xiriir la leeyahay Norway.

Dowlada ayaa sidoo kale soo jeedisay in fiiro gaar ah loo yeelan karo kiisaska qaarkood oo sharcigan aan lagu oofin karin, hadii ay jiraan sababo adag oo loo qaateen ah.

Xigasho/kilde: Regjeringa vil forby søskenbarnekteskap

Hooyooyinka uurka leh oo laga talaali doono xiiq-dheerta( kikhoste)

Laga bilaabo kowda(1) bisha Mai ee sanadkan, hooyooyinka uurka leh ayaa la siin doonaa talaalka xanuunka loo yaqaan xiiq-dheerta(kikhoste). Talaalka ayaa difaac u noqon doono ilmaha uurka ku jiro, kahor inta uusan ilmuhu dhalan oo aan la siin talaalka xiiq-dheerta.

War kasoo baxay machadka caafimaadka dadweynaha Norway ayaa lagu sheegay in hooyooyinka uurka leh ee gaaray isbuuca 24-aad ee uurka loo soo bandhigi doono qaadashada talaalka xiiq-dheerta. Waxaana hawshaad qaabilsan oo hooyooyinka talaalka usoo bandhigi doono degmooyinka ay kunoolyihiin. Talaalka ayaa noqon doono mid lacag la aan ah.

Sababta loo sameynayo arrintan, ayuu machadku caafimaadka sheegay inay tahay ka hortaga xanuunka xiiq-dheerta oo aad sanadihii ugu danbeeyay kusoo badanayo gudaha Norway. Waxaana la sheegay in talaalkan cusub ee la siinayo hooyadda uurka leh, uu difaac u yahay ilmaha uurka ku jiro kahor inta uusna ilmuhu dhalan oo uusan qaadan talaalka xiiq-dheerta.

Talaalku waxa uu 90% difaac u yahay in ilmuhu uu aad ugu xanuunsado xiiq-dheerta, waxa uuna 95% ka hortagayaa in ilmuhu uu u geeriyoodo xanuunkan, ayuu sheegtay Margrethe Greve-Isdahl oo ka tirsan machadka caafimaadka dadweynaha Norway.

Waa maxay xiiq-dheertu?
Xiiq-dheerta, ama jix-dheerta, ayaa ah jirro qufac aan kala joogsi lahayn. Qof kasta oo da’ kasta jira ayaa qaadi kara xiiq-dheerta.Calaamadaha ugu horreeya ee xiiq-dheertu waxay u egyihiin sida durayga. Hal ama laba toddobaad kaddib, qufacu wuu sii xumaanayaa oo wuxuu u dhici karaa si
lama filaan ah, oo aan kala joogsi lahayn.

Mararka qaarkood qufaca ayaa horseedi kara matag ama xiiqo marka gudaha loo neefsanayo. Dadka xiiq-dheerta qaba ayaa u muuqan kara inay iska caafimaad qabaan inta u dhaxeysa muddada gaaban ee qufaca. Muddooyinkan gaaban ayaa soo noqnoqodkoodu yaraadaa muddo kaddib, laakiin waxa laga yaabaa inay sii socdaan dhowr toddobaad ama bilooyin ilaa iyo inta
ay sambabbadu ka bogsanayaan.

Xigasho/kilde;: Høyeste antall smittetilfeller på syv år. Nå får gravide tilbud om kikhostevaksine.

UDI: Waxaan «xirnay» kiisaska soomaali badan oo lagu heystay jinsiyada Norway.

Muuqaal baahiyaha NRK ayaa maanta qoray in hey adda agaasinka arrimaha soo galootiga Norway ee UDI-du, ay sanadkii hore xirtay kiisaska dad kor u dhaafayo 1000 qof, kuwaas oo lagu heystay inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyed, sifo aan sharci aheyna ku heleen jinsiyada ama sharciga Norway. Halkan kasii akhri.

UDI-da ayaa warbixinta NRK sidoo kale ku sheegtay inay xireen ama laaleen(henlagt) kiisas badan oo dad soomaali ah, kuwaas oo lagu heystay inay sheegteen macluumaad aan sax aheyn oo noloshooda ku saabsan, sidaasna ay sharciga magangalyada iyo jinsiyada Norway ku heleen. Inkasta oo UDI aysan sheegin tiro cayiman oo ku saabsan kiisaskan ay xireen, waxaa la rumeysanyahay inay yihiin kiisas aad u badan, maadaama ay soomaalidu ahaayeen dadka ugu badan ee lagu heystay kiisaska la xiriira jinsiyad kala noqoshada.

UDI:- Sababtan ayaan u xirnay kiisaska soomaalida:

Sida ku xusan warbixinta NRK, soomaalida ugu badan ayaa lagu heystay arrimo la xiriira inay ka been-sheegeen deegaanadda ay kasoo jeedaan ee gudaha Soomaaliya. Waxaana dad badan UDI-du ku qabsatay inay ka been-sheegeen inay kasoo jeedaan goboladda Koonfurta Soomaaliya, ayna ka dhasheen qabiiladda laga tirobadanyahay.

Agaasimaha UDI-da, Frode Forfang ayaa NRK u sheegay in UDI-du ay go aansatay inay xiraan kiisaska dadka Soomaaliyeed ee lagu heystay arrimaha la xiriira deegaanadda ay kasoo jeedaan ee gudaha Soomaaliya ama qabiilka ay sheegteen. Arrintaas oo ka dhigan in dad badan oo soomaali ah oo lagu furay kiisas la xiriira jinsiyad ka celin, ay hada kiisaskaas ka xirmi doonaan, sharciyadoodana ay si caadi ah u heysan doonaan, ayna UDI-du joojin doonto baaritaankii ay waday.

Frode Forgang ayaa NRK u sheegay: Hadii kiiska uu ku saabsanaa shaki la xiriira deegaanka uu qofku kasoo jeedo ee gudaha Soomaaliya, waxaan go aansanay inaan kiisaskaas xirno, qiimeyn iyo horutabin aan sameynay kadib.

Mid kamid ah sababaha ay UDI-du u xirtay kiisaska ayuu madaxa hey addani sheegay inay adagtahay ama waqti badan uu galayo helitaanka cadeymaha lagama maarmaanka ah ee kiisaska lagu cadeynayo, hadii uu qofku dacwad ka gudbiyo(klage) go aanka UDI-da, ama kiisku uu maxkamad gaaro. Sidoo kale wuxuu madaxa UDI-du sheegtay in kiisas badan oo soomaalida la xiriira ay qaateen waqti dheer, ayna dad badan mudo dheer jawaabta sugayeen.

Waxaana intaas dheer in sanadihii ugu danbeeyay ay yaraadeen dadka Soomaalida ah Norway magangalyada ka codsado, arrintaas oo qeyb ka ah qiimeynta guud ee UDI-da ee kiiskan lagu xiray.

Qiimeynta iyo horutabinta aan sameynay, waxaa kamid ah in arrintan ay tahay mid xiligan socoto oo dadku ay si qaldan nidaamka qoxootiga uga faaiideysanayaan. Waxaana soo baxday in dadka kasoo jeedo Soomaaliya, aysan arrintaasi hada khuseyn. Hadii tusaale ahaan ay jiri lahaayeen qoxooti badan oo Soomaali ah oo xiligan dalka kusoo qul-qulayo, arrintan muhiim ayay ahaan laheyd, si kiisaskan ay u noqdaan cashar iyo fariin dadka markaas dalka imaanayo loo diro.

Arrintan ayaa soo afjari doonto mid kamid ah caqabaddaha ugu waaweyn ee bulshada Soomaaliyeed ee Norway ka heysatay arrimaha sharciyada Norway.

UDI Henlegger Somalia-saker

UDI oo sanadkii hore xirtay kun kiis oo ah dad lagu heystay ka been-sheegista aqoonsigooda.

Sida uu muuqaalbaahiyaha NRK u xaqiijiyay madaxa hey adda agaasinka qoxootiga Norway ee UDI-da, waxaa sanadkii hore la xiray(henlagt) kiisaska kun qof oo lagu heystay inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed. Dadkan oo heysta dhalashada Norway ama sharciyada kale ee magangalyada, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay sifooyin aan sax aheyn ku heleen sharciga markii ay Norway imaadeen, waxaa lagu wargaliyay inay lumin karaan jinsiyada Norway ama sharciyada kale ee ay heystaan.

Sababta ugu weyn ee UDI-du ay u xirtay kiisaskan, ayaa lagu sheegay inay tahay culeys shaqo oo soo wajahay UDI-da, taas oo ku saabsan kiisaska oo intooda badan ay mudo aad u badan yaaleen, go aana aan laga gaarin, safkuna uu dheeraaday. Arrintaas ayaa UDI-da ku qasabtay inay doorato kiisaska waaweyn ee muhiimka ah, ayna xirto kiisaska u badantahay in qofku uu heli doono sharci kale ama aan qofka laga tarxiili doonin Norway.

Dadka ugu badan waxa ay helaan sharci cusub:

Tirokoob ay sameysay hey adda UDI, oo ay heshay NRK, ayaa lagu sheegay in 900 qof oo UDI-du ay lixdii(6) sano ee ugu danbeysay ka celisay sharciga Norway, ay heleen sharciyo cusub oo ay dadka ku joogi karaan, noloshoodana ku wadan karaan. Waxana dalka laga tarxiilay ama go aan tarxiil ah laga gaaray 78 qof oo kali ah.

Frode Forfang oo ah madaxa hey adda UDI ayaa sheegay inay hey addu ay go aansatay inay ka shaqeyso oo waqti galiso kiisaska ay u badantahay in qofka wadanka laga saarayo beenta uu sheegay awgiis. Taas badalkeeda waxa ay UDI-du go aansatay inay xirto ka shaqeynta kiisaska ay u badantahay in qofku uu sharci cusub oo kale heli doono, hadiiba ay UDI-du go aansato in qofkaas sharciga jinsiyada Norway laga celiyo.

Si gaar ah waxa ay arrintan u khuseysaa dadka ilmaha ku heysta Norway ee lagu furay kiisas noocan ah, kuwaas oo intooda badan hela sharci cusub sabab la xiriirta ilmahooda oo aan laga celin karo sharciga jinsiyada. Gaar ahaan waalidka heysta gabdho aan qaangaarin oo halis u gali kara inay la kulmaan gudniin.

Waxaa intaas sii dheer, wasaaradda cadaaladda Norway ayaa UDI-du u bidhaamisay inay xiraan kiisaska waqtiga dheer qaatay, walina aan go aan laga gaarin. UDI-da oo signalkaas ka duuleyso, ayaana go aansatay inay xirto kiisaska ay kasoo wareegtay 3 sano markii la furay, walina aan go aan laga gaarin.

Xigasho/kilde: UDI henlegger over tusen saker der asylsøkere er mistenkt for juks


Booliska oo xiray kiiskii Mahad Abiib: Arrintan ayaa saameyn weyn leh.

Sida uu qoray muuqaal-baahiyaha TV2, booliska Norway ayaa xiray kiiskii danbiga ahaa ee ku saabsanaa ka been-sheegista aqoonsigiisa shaqsiyeed ee ay boolisku kusoo oogeen Mahad Abiib. Arrintan ayaa timid kadib markii uu Mahad sharci ka helay dalka Faransiiska oo siiyay magangalyo( Halkan ka akhri).

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Norway ayaana gaaray go aanka lagu xiray kiiska danbi-dacwadeedka ahaa ee lagu oogay Mahad. Waxaana sababta kiiska loo xiray lagu sheegay inuu yahay kiis gaboobay oo dhaafay xiligiisii(foreldelse).

Dowlada faransiiska ayaa Abiib siisay sharci magangalyo, waxeyna u aqoonsatay inuu yahay muwaadin Soomaali ah oo udhashay dalka Soomaaliya. Taas oo ka duwan eedeyntii dowlaqda Norway ay mahad u jeedisay oo ku saabsaneyd inuu ahaa qof u dhashay dalka Jabuuti ee Soomaaliya dariska la ah. Dowlada Faransiiska ayaa sidoo kale sheegtay in dowlada Norway ay Mahad ka gashay gaf sharciyeed xaqdaro ah oo aad u xoogan.

Qareenka Mahad Abiib ayaa sheegay in arrintan ay tahay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dadaalka loogu jiro in Mahad dib loogu soo celiyo baasaboorkii Norway ee Norway looga qaaday, kadib markii lagu eedeeyay inuu yahay muwaadin aan Soomaali aheyn oo u dhashay dalka jabuuti.

Humlen ayaa sheegay inuu hada ka shaqeynayo sidii ay hey adda UNE uga noqon laheyd go aankii ay sharciga uga celisay Mahad, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in hada ay fududaatay in la cadeeyo qofka uu Abiib yahay.

Arrintaasi hada si fudud ayaa lagu cadeyn karaa, mana haboono in hey addaha dowladu ay mar kale ku qasbaan in Mahad uu maro maxkamaddaha si uu jinsiyadiisii dib ugu helo, ayuu sheegay Humlen oo sheegay in hada uu rajo ka qabo in Abiib uu dib u helo noloshiisii, loona soo celiyo xuquuqdiisii muwaadinimo.

Qareenkan ayaa horey u sheegay in Mahad uu mudanyahay magdhow laga siiyo go aankii ay dowlada Norway uga celisay jinsiyadiisa iyo saameynta ay arrintii ku yeelatay noloshiisa shaqsiyeed iyo mida qoyskiisa.

Xi

Warbixin Booliska: Kooxaha danbiileydu waxa ay cabsiiyaan galiyaan ganacsatada Grønland.

Warbixin qoraaleed ay soo saareen booliska Oslo ayaa lagu sheegay in kooxaha danbiileyda ah(kriminelle) ay cabsi iyo caga jugleyn u geystaan dukaamadda iyo ganacsiga kuyaal xaafadda ay soomaalidu iyo ajaaniibtu ku badantahay ee Grønland. Isla warbixinta booliska ayaa lagu sheegay in kooxahan danbiileyda ah ay si cabsi iyo wel-wel la aan ah maalinta oo cad uga howlgalaan xaafadda Grønland, gaar ahaan buundada Vaterland.

Warbixinta ay diyaariyeen boolisku, ayaa waxaa lagu sheegay in inta badan ganacsatada iyo dukaanleyda xaafadda Grønland ee warbixintan lagu wareystay ay sheegeen inay kooxaha danbiileyda ah kala kulmeen cago-jugleyn, gacan-kahadal, cabsi galin iyo qash-qashaad.

Ku dhawaad dhamaan ganacsatada iyo dukaanleyda Grønland ee boolisku ay warbixintan ku wareysteen ayaa sheegay inaysan cago-jugleynta iyo cabsi-galinta ay kala kulmaan kooxaha danbiileyda ah aysan la wadaagin ama ku wargalin booliska. Arrintaas ayayna boolisku ku tilmaameen mid wal-walkeeda leh.

Sababta aysan ganacsatadu ula wadaagin booliska ayaa lagu sheegay in qaar badan oo kamid aysan kalsooni xoogan ku qabin booliska, halka qaarkoodna ay ka cabsi qabaan far-celinta uga imaan karto kooxaha dambiileyda ah. Waxaana sidoo kale warbixinta lagu sheegay in dukaamadda qaarkood oo horey cabasho ugu gudbiyay booliska, aan wax laga qaban cabashadooda, taas oo keentay ineysan mar kale warbixin la wadaagin booliska.

Xigasho/kilde: Kriminelle «skaper frykt ved å oppsøke butikkinnehavere gjennom trusler og vold» på Grønland i Oslo, ifølge politiet.

Turkiga oo xayiraad Visaha ah kusoo rogay dalal ay Soomaaliya kamid tahay.

laga billaabo maanta oo April ay tahay 15, 2024, waxay dowladda Türkiye dhaqan gelin doontaa sharci culus oo lagu soo rogay dhoofayaasha transit-ka ku ah garoonka diyaaradaha ee Istanbul Airport, kuwaasi oo ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Dowladda Türkiye ayaa qaadatay sharciga cusub, si looga hortago muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee ku sii qulqulaya dalalkaasi, si ay uga sii gudbaan xuduudaha Maraykanka.

Shabakadda wararka ee visaguide.world ayaa qortay inuu dalka Türkiye noqday ubucda waddan transit ahaan looga sii gudbo dalalka kale ee caalamka.

Sharcigan cusub waxa uu saamaynayaa dhoofayaasha transit-ka ku sii mara garoonka diyaaradaha Istanbul ee ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Muwaadiniinta dalalka Soomaaliya, Yemen, Chad, Cameroon, Mauritania, Burkina Faso, Guinea, Afghanistan, India iyo Nepal ee transit-ka ku sii maraya garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ayaa waxaa waajib looga dhigay inay haystaan fiisaha elektoroonikada ee transit-ka garoonka .

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa waxay iyagana xaqiijiyeen inay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Türkiye soo dhamaystirtay dhammaan diyaarinta lama huraanka u ah soo-saarista codsiga elektoroonikada ee fiisaha transit-ka ee garoonka (E-HTV), si loogu dabaqo sharciga fiisaha transit-ka ee garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ka dhaqan geli doona bishan April 15-keeda.

Tallaabadan ayaa imanaysa ayada oo sii kordhayso tirada muhaajiriinta sharci-darrada ee gaaraya Waqooyiga Amerika, ayada oo Soomaali badan ay ka mid yihiin dadkaas.

Xigasho/kilde: C.A

40% ajaaniibtu waxa ay ka shaqeeyaan shaqooyin aan u qalmin aqoon ahaan.

Tirokoob ay soo saartay hey adda isdhexgalka iyo dib u dajinta qoxootiga ee IMDI, ayaa lagu sheegay in 40% dadka ajaaniibta ah ay ka shaqeeyaan shaqooyin ka hooseeyo heerkooda aqooneed. Halka guud ahaan 14% dadka Norway kunool ee shaqeeya ay ka shaqeeyaan shaqooyin aqoontooda ka hooseeyo.

Inkasta oo ajaaniibta oo dhan ay simanyihiin arrintan, hadana ajaaniibta kasoo jeedo dalalka Latin Amerika iyo Afrika, ayay arrintan si gaar ah u khuseysaa sida lagu sheegay warbixintan.

Sababahan ayaa ajaaniibta hortaagan:

Warbixinta waxaa lagu sheegay in arrimo dhowr ah oo isbiirsaday ay dadka ajaaniibta ah ka hor istaagaan inay helaan shaqooyin u qalmo aqoontooda. Waxaana kamid ah:

  1. In shahaadooyinka iyo cadeymaha waxbarasho ee dalalkoodii ay kala imaadaan aan loo aqoonsan gudaha Norway.
  2. In waxyaabaha ay dalalkoodii kusoo barteen aan looga shaqeyn karin gudaha Norway.
  3. Aqoonta luuqada Norwiijiga oo yar ama aan si fiican qofku uusan ugu hadlin, taas oo qofka shaqo bixiyaha ah ku riixda inay doorbidaan qof kale oo aqoon ahaan ka hooseeya qofka ajnabiga ah, laakiin ku hadla luuqada.
  4. Cunsuriyo iyo faquuq ka jira suuqyada shaqada Norway, qofkana aan loo tixgalin aqoontiisa shaqsiyeed, balse midabkiisa, jinsiyadiisa iyo magaciisa lagu faquuqo.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay:

«Arrintan waxa ay tusineysaa inay jirto fursad weyn oo ku saabsan ka faa´iideysiga aqoonta dadka ajaaniibta ah ee suuqa shaqada, iyo in hoos loo dhigo waxyaabaha ajaaniibta ka xaniba inay suuqa shaqada aqoontooda ku adeegsadaan»

Xigasho/halkan ka akhri warbixinta: Etnisk mangfold og inkludering i arbeidslivet

Bilan Osman oo ka hadashay eedeynta uu usoo jeediyay ninka xagjirka ah.

Bilan Cusmaan oo ku nool dalka Sweden ayaa maalmihii lasoo dhaafay hadalhayn ka dhalisay guud ahaan baraha bulshada gaar ahaanna dalkaas, ka dib hadal uu sheegay nin isaguna dalkaas kasoo jeeda.

Gabadhan oo wariye ah, asalkeeduna Soomaali yahay, ayaa ka ol’oleysa arrimaha islaam nacaybka iyo kooxaha midigta fog ee dalkaas iyada oo qortay maqaallo badan oo ay kaga hadlayso arrimahaas.

Nin sida la sheegay isaguna wariye ah dalkaasna u dhashay ayey is barteen kaas oo Bilan qudheedu sheegtay in ay laba sano xiriir la lahayd, balse wuxuu sheegay in uu soo bandhigi doono caddeymo muujinaya “waxa dhabta ah ee Islaamku yahay”, sida ku xusan qoraal uu soo dhigay barta internet-ka.

Arrintan ayaa hadal hayn weyn ka dhalisay baraha bulshada Soomaalida ee qurba joogta.

Eadaymaha uu usoo jeediyay Bilan ninkan oo lagu magacaabo Christian Peterson ayaa ka mid ah in ay bahisay xogta ilwareed loo baahnaa in la qariyo.

“Duubis sir ah waxay ugu yaraan Bilan Cusmaan muujisay xogta ilwareedka Expo ee dhaqdhaqaaqa taageersan Sweden”, tan oo ah ayuu yiri “dembi lagu mutaysan karo xabsi”.

Hadalka ninka ka dib, Bilan ayaa barteeda Twitter soo dhigtay qoraal taxane ah oo ay isku difaacayso kagana jawaabayso waxa uu sheegay ninkaasi.

“Qaarkiin waad arakteen baan u maleynayaa in ay socoto dhaleeceyn aan raad lahayn oo aniga igu saabsan oo ka socoto baraha bulshada. Waxaa dhaleeceyntaas iyo eedeyntaas xun u ololeynaya mid cunsuriyiinta midigta xagjirka ah ka tirsan, waa isla ninkii abaabulay in la gubo Qur’aanka Kariimka laba sano ka hor, waxaan xiriir la lahaa labo sano, taas oo aan ahayn sir oo ay ogaayeen inta badan dadka aan isnaqaanay, saaxiibaday iyo qoyskayga iyo weliba dadkii aan wada shaqeyneyney dhamaantood way ogaayeen xiriirkaas” ayey ku bilowday qoraalkeeda.

Si kastaba ha ahaatee Bilan waxay sheegtay nooca xiriirka ee ay la lahayd ninkan in uu ahaa mid saxafinimo ee uusan ahayn mid jacayl.

Waxay sheegtay in ay baaritaan ku samaynaysay kooxaha midigta fog ee ninkani ka tirsan yahay sidaas darteedna uu ka mid ahaa dad ay xiriir la samaysay isla markaana ay “xoogaa naxariis ah” u muujisay si ay u dhex gasho.

Hadaba waa tuma Bilan: Wax ka ogow nolosheeda.

Bilan waxay magaalada Goteborg ee dalka Sweden ugu dhalatay waalidiin ka yimid Soomaaliya. Waxay ahayd bare sare oo maaddada kimistariga dhigi jirtay iyo dhaqdhaqaaqe, waxayna ku soo barbaartay magaalada Partille.

Awoowgeed oo dhalay aabbaheed, oo lagu magacaabo Nuur Cusmaan, wuxuu ahaa gabyaa. Waxay saxaafadda ka baratay dugsiga saree e Bona Folk.

Bilan waxa ay wax ku qori jirtay sannadihii 2018 iyo 2019 wargeysyada Svenska Dagbladet iyo Expressen. Waxay sidoo kale maqllo ra’yi ah u qortay daabacado kale oo Iswidhish ah, oo ay ku jirto majaladda Opulens. Muddo siddeed sano ah oo ka bilaabmaysa 2013, shaqadeeda aasaasiga ahi waxay ahayd bare socdaal oo ah aasaaska bandhigga ka hortagga cunsuriyadda. Kadib waxa ay ku biirtay ururka Ibn Rushd Study Association.

Intii ay ku jirtay saxaafadda waxay maqaallo badan ka qortay cunsuriyadda iyo islaam-nacaybka, waxaana ka mid ah maqaal ay ciwaan uga dhigta ‘Hadda waxay si lama filaan ah u noqotay in laga hadlo Islaam-nacaybka”.

Sannadkii 2013, Bilan waxa ay ka mid ahayd shan saxiixeyaal warqad furan oo lagu daabacay wargeyska Aftonbladet oo ku boorinaysay haweenka Muslimiinta ah ee Sweden in ay xijaabtaan kadib haweeney uur leh oo uu nin ka soo horjeeday xijaabka Stockholm ku weeraray. Waxay markaas sheegtay in kooxdu ay doonayso in xijaabku caadi ka noqdo Sweden.

Iyada oo ka jawaabaysa dilkii George Floyd iyo dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter ee Maraykanka, Bilan Cusmaan waxay sheegtay in ay rabtay «in ay bilowdo wadahadal ku saabsan caddaannimada» gudaha Sweden. Waxay ka hadashaa xagjirnimada garabka midig waxaana lagu eedeeyay xagjirnimada garabka bidix; horraantii 2024 qoraal Facebook ah oo ay ku muujisay xanaaqa dadka cadaanka ah ayaa horseeday dhaleeceyn.

Sannadkii 2014 Bilan Cusmaan waxa ay ahayd qofka helay abaalmarinta sannadlaha ah ee ELSA ee Guddiga Iswiidhishka ee ka hortagga nacaybka, kaas oo la siiyo «shakhsiyaadka ama kooxaha, kuwaas oo u isticmaalaya warbaahinta bulshada ama siyaabo kale, ka hortagga nacaybka». Sannadkii 2020 waxay ahayd mid ka mid ah afar musharax oo u sharaxanaa abaal marinta «Xiddigta soo kacaysa» ee Ururka Daabacadaha Joornaalka Iswidhan.

Si kastaba ha ahatee mowduucyada ay Bilan ka hadasho ayaa asal ahaan ah kuwa ay muran ku xeeran yihiin iyada oo waayadii u dambeeyay ay sare usii kacayeen kooxaha midigta fog ee qaar ka mid ah dalalka Yurub oo ay Sweden ku jirto.

Xigasho/kilde: BBCSOMALI

UK oo sheegtay inay bilaabeyso tarxiilka qoxootiga ee dalka Rwanda.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa rajeynaya inay baxaan duullimaadyadii ugu horreeyay ee qorshaha ay Britain ugu tarxiileyso dadka magangalyo doonka ah waddanka Rwanda, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay kulankooda Talaadadii.

Sunak waxa uu doonaysaa inay kumanaan magangalyo doon ah oo Britain ku yimid doomo yar yar yar uu u wareejiyo Rwanda, balse caqabadaha dhanka sharciga ah ayaa ilaa hadda kahor istaagay in qof loo diro halkaas.

Kadib kulan dhex maray Sunak iyo Kagame oo ka dhacay London, ayaa xafiiska Sunak wuxuu yiri: «Labada hoggaamiye waxay rajaynayeen duullimaadyo u baxaya Rwanda xilliga guga.»

Kahor intaanay wax duullimaad ahi bixin, dawladda Ingiriisku waxay u baahan tahay inay meel mariso sharci cusub oo Sunak rajaynayo inuu u gogol xaaro in dawladdu ay u dirto magangelyo-doonayaasha imanaya Ingiriiska fasax la’aan inay dib ugu noqdaan waddanka ku yaal Bariga Afrika.

Sharciga la doonayo in looga hortago caqabado kale oo dhanka garsoorka ah oo ku wajahan qorshaha ayaa loo qorsheeyay in baarlamaanka laga doodo 15-ka bishan April.

Xigasho/kilde: VOA

Wasiiradda caafimaadka Norway oo lagu qabtay qish, lagana ceshtay shahaadda masterka.

Go aan ay gaareen gudiga sarre ee jaamacadda Nord ee dalkan Norway, ayay ku go aamiyeen in shahaaddada masterka laga celiyo wasiiradda caafimaadka Norway, Ingvild Kjerkol, kadib markii la cadeeyay in qeybo badan oo kamid ah qoraalka wasiiradda ee buugeeda qalinjabintu uu ahaa qishitaan laga soo minguuriyay ardey kale.

Wasiiradda ayaa shahaaddada hada laga ceshtay ee masterka ku qaadatay hogaaminka maamulka caafimaadka( Helseledelse). Waxaana sida muuqato loo badinayaa in wasiiradda ay ka degto xilka wasiirnimo ee ay ka heyso dowlada Jonas G. Støre.

Ingvild Kjerkol oo wareysi kooban siisay warbaahinta ayaa sheegtay in wali uusan go aan gudiga jaamacadda Nord, balse ay arrintaas jawaab iyo falcelin ka bixin doonto marka ay soo akhriso go aanka gudiga jaamacadda.

Wasiiraddan ayaa noqoneyso midii labaad ee mudo bilo ah gudahood lagu qabto qashitaan la xiriira shahaadooyinkooda waxbarashada. Waxaa kasii horeysay Wasiiradii tacliinta sarre iyo cilmibaarista ee dowlada Norway Sandra Borch oo ka degtay xilkeedii wasiirnimo, kadib markii ay kusoo baxday fadeexad ka xiriirta in qeyb kamid ah buugeeda qalin-jabinta ee shahaadadda masterka( 2.aad) ay kasoo minguurisay buug qalin hore oo ardey kale ay lahaayeen. Wasiiraddan oo ayaan ku biireyso liiska wasiiro kale oo isaga tagay xukuumadda reysulwasaare Jonas Gahr Støre, kadib markii ay kusoo baxeen fadeexado kala duwan. Horey waxaa xilalkoodii uga tagay wasiiradii dhaqanka, shidaalka iyo arrimaha dibadda kuwaas oo dhamaantood ay kusoo baxeen fadeexado kala duwan.

Xigasho/kilde: Ingvild Kjerkol felt for fusk – masteroppgaven underkjennes

Tawfiiq: Goobahan ayaa beri lagu tukan doonaa salaadda ciida & Xiliyadan.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku xiran warbaahintan NorSom News, waxaan marka koowaad ugu hambalyeyneynaa munaasabadda ciidul fidriga ee dhamaadka bisha barakeysan ee Soonqaad, waxaana dhamaanten ilaahay ka rajeyneynaa inuu naga aqbalo , ajarna naga siiyo soonkii iyo acmaashii wanaagsanaa ee aan gudunay intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan.

Beri oo ku beegan maalinta ciida ah, waxaa magaaladda Oslo iyo magaalooyinka kale ee Norway ee ay ku noolyihiin bulshada muslimka ah lagu tukan doonaa goobo kala duwan, iyada ay sidoo kale jiraan xiliyo cayiman oo salaadda ciida la tukan doono.

Tawfiiq: Goobahan iyo xiliyadan ayaa la tukan doonaa salaadda ciida.

Markazka weyn ee Tawfiiq ayaa bulshada muslimiinta ah iyo kuwa soomaaliyeedba ku wargalinayo in masaajidku uu diyaariyay dhowr goobood ee bulshada muslimka ay berito oo ciid ah ku tukan doonaa salaadda ciida, waxaana goobaha lagu tukanayo ay kala yihiin:

Goobta koowaad(1): Tawfiiq Islamsk Senter( Masjidka Tawfiiq).

Xiliga la tukanayo: 09:00 iyo 10:00 ( Labo mar ayaa la kala tukan doonaa)

Adress: Åkebergveien 40

Goobta labaad(2): Tawfiiq nedre Rommen:

Xiliyada la tukanayo: 09:00 iyo 10:00 ( 2 mar ayaa la kala tukan).

Adresska: Nedre Rommen 5

Goobta Sadexaad(3): Tawfiiq Aktivitetssenter ( FG: Ragga oo kali ah ayaa goobtan ku tukan karo).

Xiliyada la tukanayo: 09:00 iyo 10:00 ( 2 mar ayaa la tukan doonaa)

Adresska: Sørligata 8

Wixii faahfaahin ama su aalo ah oo aad qabto kala xiriir maamulka Tawfiiq: 401 73 031

91% dadka qaatay imtixaanka qaadashada jinsiyada ayaa ku baasay.

Dowlada Norway ayaa sanadkii 2017 soo rogtay imtixaan cilmigta bulshada ah oo laga qaado dadka raba inay qaataan jinsiyada ama baasaboorka Norway. Imtixaankan oo xambaarsan su aalo la xiriiro aqoonta guud ee bulshada iyo dalka Norway, ayaa ka kooban 32 su aalood, waxaana waajib ah in qofku uu si sax ah uga jawaabo ugu yaraan 24 su aalood, si uu imtixaanka ugu baaso.

Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay, waxaa aad kor ugu kacayay tirada dadka ku baasayo imtixaankan. Sanadkii lasoo dhaafay ee 2023, waxaa imtixaanka qaatay 5333 qof. Waxaana ku baasay 91,3% dadka qaatay imtixaankan, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay dowlada.

Wasiiradda shaqada iyo isdhexgalka Norway Tonje Brenna ayaa sheegtay in dowladu ay aad ugu faraxsantahay in ay kordheen tirada dadka ku baaso imtixaankan, arrintaas oo ay ku tilmaantay mid mudan bogaain.

Waxaan rabnaa in soo galootiga iyo qoxootigu ay dhexgalaan bulshada sida ugu dhaqsiyaha badana ay u helaan shaqo, una noqdaan dad bulshada qeyb ka ah oo ka dhex muuqdo. Arrintaas waxa ay u baahantahay aqoon luuqadda iyo fahan fiican oo qofku uu ka heysto bulshada Norway. Waxaann aad ugu faraxsanahyay in sagaal kamid ah tobankii qof ee imtixaanka qaateyba ay ku baaseen, arrintaana waa mid mudan hambalyeyn, ayay

Maku baasi imtixaankan hadii qaadatay, halkan ka tijaabi nooc kamid ah imtixaankan laga qaado dadka qaadnaya jinsiyada Norway: https://enovate.no/voxdemo/statsborgerproven/

Muhiim: Masaajido weerar loogu hanjabay iyo booliska oo heegan la galiyay

Booliska dalkan Norway ayaa la galiyay heegan buuxo, kadib bar internetka ah lagu soo qoray hanjabaad weerar oo ka dhan mid kamid ah masaajidda muslimiinta ee kuyaal magaaladda Oslo.

Heeganka la galiyay booliska ayaa yimid kadib markii saaka oo Sabti ah ay baraha bulshada ku faafeen fariimo hanjabaad ah oo ka dhan masaajido kuyaal magaaladda Oslo, waxaana fariimaha la socdo sawiro muujinayo hub iyo qoraal raacsan oo lagu magacaabay sadex kamid ah masaajidda muslimiinta Oslo. Isla qoraalka ayaa lagu sheegay hanjabaad weerar toos ah oo lagu beegsanayo mid kamid ah masaajiddada Oslo.

Qofka qoraalka hanjabaadda ah ee sawiradda la socdaan soo galiyay ayaa sidoo kale hanjabaad dil ah u jeediyay muslimiinta, waxa uuna sawirka profilkiisa baraha bulshada saartay Brenton Tarrant oo ah ninkii weerarkii argagaxiso ee lagu dilay 51-da qof ka geystay masaajidka kuyaal dalka New Zealand.

Booliska oo arrintaas ka duulayo ayaa qaatay hubka, waxa ayna saaka waardiye ka hayeen qaar kamid ah masaajidadda Oslo, gaar ahaan masjidka ICC ee Grønland ee soomaalidu ay u taqaan maxbuub.

Guud ahaan booliska dalkan Norway ayaa ku jiro heegan buuxo, waxaana lagu amray inay hubkooda qaataan ilaa amar danbe. Booliiska ayaa sidoo kale sheegay inay xiriir iyo wada-shaqeyn toos ah la sameyn doonaan hey adda sirdoonka Norway.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili horey loo sheega in maalmaha ciida ah goobaha ay isugu imaadaan dadka muslimiinta ah ay noqon karaan bar tilmaameed weerar argagaxiso.

Arrintan wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Politiet over hele landet bevæpner seg etter trusler mot moskeer

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.