mandag, november 25, 2024
Home Blog Page 3

Dowlada oo loo soo jeediyay in xabsi lagu ciqaabo waalidka ilmahooda dibadda uga soo tago.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa soo badanayay tirada ilmaha ajaaniibta ah ee ku dhashay ama ku koray Norway, kuwaas oo looga soo tagay dalalka dibadda ah, caruurtaas oo caawin ka dalbada sidii dowlada Norway ay uga gacan siin laheyd qaabkii ay ilmahaas dalka Norway dib ugu soo noqon lahaayeen.

Tirokoob la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 3% ardeyda ajaaniibta ah ee dhigata dugsiyada sare ee Norway looga soo tagay dalka dibadiisa, halka 13% ay cabsi ka qabaan in iyaga oo aan raali ka aheyn la geeyo dalka dibadiisa, halkaasna looga soo tago.

Xiliyada ugu badan ee arrimahan ay dhacaan ayaa ah xiliyada fasaxa iskuulada, kuwaas oo ilmo badan lagu wargaliyo in waalidku ay fasax u wadi doonaan, balse aan dib loogu soo celin Norway. Arrintan ayaa la sheegay inay cabsi badan u keento ilmaha ajaaniibta ah ee dhigta iskuulada Norway, marka la gaaro xiliyada fasaxyada iskuuladda.

Dowlada Norway ayaa gudi u saartay mawduucan oo sanadihii ugu danbeeyay aad ugu soo noqonayay warbaahinta Norway, iyo xafiisyada dowlada. Waxeyna gudigaas u xilsaartay inay kasoo talo bixiyaan qaabkii ay dowladu arrintaas uga fal-celin laheyd ama ula tacaali laheyd.

Gudigan oo mawduucan ka sameeyay warbixin dheer oo ay ku lafo-gurayaan dhibaatadan iyo qaabka loo xalin karo, ayaa dowlada usoo jeediyay in lasoo rogo xeer ciqaabeed ay xabsi ku mudan karaan waalidka ilmahooda uga soo taga dalka dibadiisa. Waxeyna soo jeediyeen in xabsi ciqaabeed ilaa 3 sano ah lagu xukumo waalidka sameeya arrintan, dhibaatana gaarsiiya ilmahiisa.

Gudigan ayaa sidoo kale soo jeediyay in hey adda bernevernka ay xili hore soo gasho kiisaska la xiriira arrintan, hadii uu jiro shaki ama cabsi ah in ilmo aan raali ka aheyn ay waalidkiis kaxeeyaan oo dal kale geeyaan, halkaasna uga soo tagaan, uuna ku muto dhibaato.

Xigasho/kilde: Foreslår fengselsstraff for foreldre som etterlater barn i utlandet

Nin saaxiibtiis xanuunka HIV qaadsiiyay oo maxkamad lasoo taagi doono

Maxkamada magaaladda Oslo waxaa dhawaan lasoo taagi doonaa nin afartameeyo jir ah oo ku eedeysan inuu xanuunka HIV qaadsiiyay saaxiibtiis. Ninkan oo ogaa inuu xanuunka qabay, diideyna inuu qaato daawooyinka ka hortaga faafitaanka xanuunkan ee galmada, ayaa ku eedeysan galmo difaac la aan ah la sameeyay saaxiibtiis, isaga oo aan ku wargalin inuu xanuunkaas qabo.

Ninkan ayaa ku eedeysan inuu jabiyay qodobka §237 ee xeerka ciqaabta Norway, kaas oo ka hadlayo faafitaanka xanuunadda la is qaadsiiyo ee keeni kara dhaawac xoogan oo soo gaara caafimaadka iyo jirka qofka. Qofka lagu helo danbi ah inuu jabiyay qodobkan ayaa mudan karo ciqaab xabsiyeed oo gaari karta ilaa 6 sano oo xabsi ah.

Haweeneyda uu ninkan saaxiibka la ahaa ayaa qaaday xanuunka HIV, kadib hal sano oo ay wada sameynayeen galmo difaac la aan ah, sida ay sheegtay xeer ilaalintu. Waxeyna qorsheynayeen inay ubad wada yeeshaan, iyada oo xiligaas aysan haweeneydu ogeyn in ninka eedeysanaha ah uu xanuunkaas qabo.

Xanuunka HIV ayaa kamid ah xanuunadda lagu kala qaado galmada jinsiga ah. Xanuunkan oo xiliyadii hore kamid ahaa xanuunadda aadka dilaaga ah, ayaa sanadihii danbe waxaa soo baxayay daawooyin ilaa intii xad ah dhimi karo saameyntiisa daran ee halista caafimaadka qofka, ama inuu geeri soo hormarto sababo.

Xigasho/kilde: Tiltalt: Smittet kjæresten med hiv

Jidka Ring 1 oo maanta la xiray: 3 sano ayuu xirnaan doonaa.

Maanta oo ay taariikhdu tahay kowda(1) bisha Luulyo, waxaa la xiray jidweynaha Ring 1 ee dhexmara senterka magaaladda Oslo. Jidkan oo aad muhiim ugu ahaa isku socodka gaadiidka ku dhex socdaala senterka Oslo, ayna maalintii adeegsan jireen ugu yaraan 17.000 baabuur, ayaa waxa uu xirnaan doonaa mudo 3 sano ah.

Sababta loo xiray jidkan ayaa ah dib u dhis lagu sameyn doono tuuneelka dhex Oslo Spektrum iyo jidka St. Olavs gate. Waxaana 10 mitir hoos loo dhisi doonaa tuuneeladda Hammersborgtunnelen iyo Vaterlandstunnelen, arrintaas oo qeyb ka ah xaqiijinta amniga guriga aqalka dowlada, iyo ka hortaga weeraro argagaxiso oo mustaqbalka dhici karo.

Xiritaanka jidka halbowlaha u ahaa isku socodka gaadiidka dhexmara senterka Oslo, ayaa culeys xoogan ku keeni doono baabuurleyda degan magaaladda. Gudoomiyaha maamulka magaaladda Oslo, Eirik Lea Solberg ayaa sheegay in sadexda sano ee soo socoto ay baabuurleyda degan magaaladda Oslo ay aad ugu adkaan doono inay ku socdaalaan bartamaha magaaladda.

Hey adda wadooyinka ayaa dadka ugu baaqeyso inay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha, ayna hadii ay awoodaan ka soo tagaan baabuurta. Qofkii baabuur wata ayaa sidoo kale loogu baaqayaa inuu adeegsado jidweynaha kale ee Ring 3 ama E18, jidadkaas oo maantaba laga dareemayo culeyska baabuurta cusub ee jidkaas adeegsanayo.

Caqabadda ugu badan ee dadka Oslo ay filan karaan sadexda sano ee soo socoto, ayaa ah inay dheeraadaan safafka baabuurta adeegsanayo jidadka Oslo.

Xigasho/kilde: Nå er Ring 1 i Oslo stengt – mange frykter kø og kaos

Xisbiyada midigta fog oo hogaaminayo doorashada dalka Faransiiska.

Sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada madaxtinimo ee ka dhacday dalka Faransiiska, xisbiga xagjirka midigta fog ee ay hogaamiyo haweeneyda Marine La Pen ayaa guul weyn kasoo hoyisay doorashadan. Dhanka kalena, wuxuu jab xoogan oo la sii saadaaliyay uu gaaray xisbiga uu hogaamiyo madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo ay u badantahay inuu xilka ka dagi doono, hadii laga qiyaas qaato natiijada doorashada.

Haddii axzaabta midigta ay doorashada maanta dhacday ku guuleystaan( sida ay natiijada hordhaca ah sheegeyso), taasi ayaa waxay taasi ka dhigi doontaa in marki ugu horreysay tan iyo dagaalki labaad ee Dundia ay Faransiiska ka dhalato dowlad leh afkaaraha midigta fog ee xag-jirka.

Natiijada doorashadan iyo wajiga labaad oo isna dhacaya 7-ba bisha July ayaa lagu wadaa in ay jiho kale u baddasho siyaasadda Faransiiska. Madaxweyne Macron ayaa wacad ku maray inuu guul ka keeni doono doorashada.

Madaxweyne Macron oo horey uga ka niyad jabsanaa natiijadi uu xisbigiisa ka keenay doorashadi baalamaaniga ee Midowga Yurub, ayaa horraantii bishaan ku dhawaaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa go’aankaasi ku tilmaamay qar-iska-tuurnimo siyaasadeed oo uu Macron ku dhaqaaqay, isaga oo raja ka qaba in uu libin kasoo hooyo doorashadan, balse waxaa aad loo saadaalinayaa in uu ku guul-dareysan doono.

Taasi waxay ka dhignaan doontaa, in muddo xileedkiisa oo ay uga harsantahay saddex sano oo kale uu soo gaba gaboobi doono, haddii laga guuleysto.

Muhiim: Dowlada oo isbadal weyn ku sameyneyso suuqa tagaasida

Dowlada dalkan Norway ayaa mar kale isbadal ku sameyneyso shuruucda suuqa tagaasida Norway. Laga bilaabo kowda(1) bisha September ee sanadkan 2024, dhamaan dadka heysta ogolaansha taxi-wadista( Drosjeløyve), ayaa ku qasbanaan doono inay ku xirnaadaan xarun dhexe ( Sentral).

Wasiirka gaadiidka iyo wadooyinka Jon-Ivar Nygård ayaa sheegay in arrintan ay dowladu u sameyneyso sida dadka macaamiisha ah ay u aqoonsadaan cida ay raacayaan, ayna uga warqabi karaan suuqa tagaasida. Wasiirka ayaa sheegay in ku xirnaanshaha xarun dhexe oo dhamaan tagaasileyda lagu waajib yeelo, ay kordhineyso badqabka suuqa tagaasida.

Wasiirka ayaa sidoo kale raaciyay inay u fududahay qofka macaamilka ah inuu la xiriiro, lana xisaabto xarun dhexe oo shirkad taxi-ah, intii uu si shaqsi ah ula xiriir lahaa, ulana xisaabtami lahaa qof shaqsi tagsiile ah oo ogolaansho(løyve) heysto.

Xeerkan cusub ayaa ayaa sidoo kale booliska siineyso ogolaansho ah inay si fudud ku ogaadaan meesha uu ku suganyahay qofka taxi-kiilaha ah, si tusaale ahaan boolisku ay u cadeyn lahaa ama ula socon karaan hadii ay dhacdo waxyaabo shaki keeni kara ama halis amni keeni kara.

Sharcigan cusub ayaa dhaqangali doono fasaxa xagaaga kadib, wuxuuna ka bilaaban doonaa kowda(1) bisha September ee sanadkan.

Xigasho/kilde: Regjeringen endrer taxi-reglene

Baarlamaanka Norway oo meelmariyay xeerka mamnuucista guurka «ilma adeerka»

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa maanta meelmariyay hindise sharciyeed ka yimid dowlada oo ku saabsan in la mamnuuco guurka dhexmara dadka ilma adeerka ah ama qaraabadda dhow isku ah.

Dowlada dalkan Norway ayaa bishii hore soo bandhigtay hindise sharciyeedkan, maantana uu baarlamaanku meelmariyay ayaa ku saabsan in la mamnuuco guurka dhexmara labadda qof ee ka wada tirsan halka qoys, sida guurka ilma adeerka, guurka eedooyinka, adeereadda, gabadha uu qofku adeerka u yahay ama wiilka ay qofka dumarki ah eedadda u tahay.

Ujeedadda ugu weyn ee hindise sharciyeed ay dowladu u gudbisay, ayaa lagu sheegay in dowladu ay rabto inay ka hortagto halista caafimaad ee ku imaan karta ilmaha ka dhasha guurka labbo qof oo hal qoys ka wada tirsan. Waxaa sidaas sheegay Kjersti Toppe oo ah wasiiradda qoyska Norway.

Dowlada ayaa sidoo kale sheegay in mamnuucista arrintan uu ka hortagi karo guurka qasabka ah oo ku saabsan in qof Norway kunool lagu qasbo guur uusan raali ka aheyn.

Hindise sharciyeedkan ayaa yimid, kadib go aan sanadkii 2020 kasoo baxay barlamaanka Norway oo isla qodobkan ku saabsan. Waxa ayna dowladu rabtaa in la mamnuuco in qofka heysta dhalashada Norway( Norwiijiga), ama kunool Norway uu dalka dibadiisa kusoo guursado qof katirsan qoyskiisa hoose.

Dowlada ayaa tusaale ahaan rabto in hadii qof Norway kunool, uu dalka dibadiisa kusoo guursado qof qoyskiisa ah, aan guurkaas laga sharciyeyn ama laga aqoonsan Norway, hadii ugu yaraan labadda qof midkood uu xiriir la leeyahay Norway.

Dowlada ayaa sidoo kale soo jeedisay in fiiro gaar ah loo yeelan karo kiisaska qaarkood oo sharcigan aan lagu oofin karin, hadii ay jiraan sababo adag oo loo qaateen ah.

Baarlamaanka Norway ayaa maanta meelmariyay xeerkan oo hada u badalay sharci dhaqangal noqon doono dhawaan.

Xigasho/kilde: Stortinget vedtar forbud mot søskenbarnekteskap

Xanuunka xiiq-dheerta oo kusoo badanayo Norway.

Dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay, waxaa gudaha Norway laga diiwaangaliyay boqolaal kiis oo la xiriira Xanuunka soomaalidu u taqaano xiiq-dheerta ama Kikhoste af Norwiiji ahaan. Waxaana bilhii lasoo dhaafay xanuunkan isbitaalka loo dhigay dad kor u dhaafayo 30 qof.

Degmooyinka uu xanuunkan sida xoogan ugu faafay waxaa kamid ah magaaladda Bergen oo isbuucyadii lasoo dhaafay xanuunka laga helay dad tobaneeyo kor u dhaafayo.

Hey adda caafimaadka dadweynaha ee FHI ayaa ka digeyso in xiliga xagaaga ee dadka badan ay kulnaan uu xanuunka si fudud u faafi karo. Waxeyna dadka xanuunkan u nugul ugu baaqayaan inay talaalka kahortaga xanuunkan qaataan.

Waa maxay xiiq-dheertu?
Xiiq-dheerta, ama jix-dheerta, ayaa ah jirro qufac aan kala joogsi lahayn. Qof kasta oo da’ kasta jira ayaa qaadi kara xiiq-dheerta.Calaamadaha ugu horreeya ee xiiq-dheertu waxay u egyihiin sida durayga. Hal ama laba toddobaad kaddib, qufacu wuu sii xumaanayaa oo wuxuu u dhici karaa si
lama filaan ah, oo aan kala joogsi lahayn.

Mararka qaarkood qufaca ayaa horseedi kara matag ama xiiqo marka gudaha loo neefsanayo. Dadka xiiq-dheerta qaba ayaa u muuqan kara inay iska caafimaad qabaan inta u dhaxeysa muddada gaaban ee qufaca. Muddooyinkan gaaban ayaa soo noqnoqodkoodu yaraadaa muddo kaddib, laakiin waxa laga yaabaa inay sii socdaan dhowr toddobaad ama bilooyin ilaa iyo inta
ay sambabbadu ka bogsanayaan.

Dadka dhammaan da’ooyinka oo dhan way qaadi karaan cudurka xiiq dheerta, laakiin dhallaanka ayaa waxay ugu jiraan khatar aad u sareysa oo ah qandho daran, isbitaal dhigid, iyo dhimasho. Haweenka uurka leh kuwaas oo qabba xiiq dheerta wakhtiga u dhow dhalitaanka waxa dhici karta in ay kufaafiyaan ilmahooda markaas dhasha

Qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo qufaca xiiq dheerta (xiiqdheerta) waxay tahay in la istallaalo. Weliba waa mid si gaar ah aad muhiim ugu ah haweenka uurka leh in ay helaan tallaal uur kasta (waxaa habboon 27da iyo 36da todobaad) si loogu caawiyo kahortaga faafida cudurku kufaafo caruurta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo safar shaqo ku imaan Doono Norway.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa isbuuca danbe safar shaqo ku imaan doono magaaladda Oslo ee caasimadda dalkan Norway. Sida ay xaqiijisay NorSom Media, Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doono kulanka sanadlaha caalamiga ah ee madasha Oslo, kaas oo sanad walba bishan oo kale la abaabulo. Wuxuuna sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmi doono madaxda dhigiisa ah ee dalkan Norway.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonayo madaxweynihii ugu horeeyay abid ee Soomaaliyeed, ee isaga oo xilka hayo booqasho rasmi ah ku imaado dalkan Norway. Taas oo imaanshaha Xasan Sheekh ee Norway ka dhigeyso mid taariikh gaar ah u ah bulshada Soomaaliyeed ee Norway.

Sida ay NorSom Media ogaatay Madaxweynaha ayaa bilowga isbuuca danbe kasoo dagi doono Oslo, isaga oo dhowr maalin oo safar shaqo ah ku joogi doono Norway. Dhanka kale waxaa magaaladda Oslo laga dareemayaa abaabul xoogan oo lagu diyaarinayo kulan soo dhaweyn ah oo bulshada Soomaaliyeed ee Norway ay la qaadan doonto Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Wixii arrintan kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Haweenka Norway: Xanuunka xiliga caadadda ayaa aad noogu dhibo shaqooyinka.

Daraasad laga sameeyay haweenka kunool dalkan Norway ee da’doodu ay u dhaxeyso 16 ilaa 40 sano, ayaa lagu sheegay in 80% haweenka la wareystay ay sheegeen inay dhibaato ku qabaan xanuunka xiliga dhiiga caadadda, arrintaas oo saameyn ku yeelato maalintooda shaqo ama waxbarasho. Haweenkan ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen in goobaha shaqadu ay tixgalin u muujiyaan dumarka, marka ay ku jiraan isbuucooda.

Haweenka la wareystay ayaa sheegay inay xanuun jir ahaaneed iyo mid nafsiyan ahba ay la kulmaan marka ay isbuucooda ku jiraan. Waxeyna jeclaan lahaayeen in goobaha shaqada ama waxbarashada ay dumarka u fududeeyaan ama u tixgaliyaan arrintaas. Qaar badan ayaa tusaale ahaan jeclaan lahaa inay guriga ka shaqeeyaan isbuucaas( Hjemmekontor). Waxeyna sidoo kale sheegeen inay jeclaan lahaayeen in goobaha shaqada ay yaalaan  bind, tamponger iyo kiniinka xanuun baabi’iyaha.

Xanuunka ay haweenka la wareystay sheegeen inay la kulmaan ayaa kala duwan, qaar ayaa sheegay in xiliyada qaar ay la suuxaan xanuunka.

Xigasho/kilde: Smertefull menstruasjon gjør det vanskelig på jobb

NAV: Dad badan ayaa xili dheer suga jawaabta codsiyada AAP-ga.

Dad codsada lacagta ay qaataan AAP ( arbeids- og avklaringspenger) iyo tan howlgabka shaqo(Uføretrygt) ayaa la sheegay inay jawaabta codsiyadaas sugaan mudo gaari karto 6 bilood. Arrintaas oo la wariyay inay dhibaato dhaqaale iyo mid wel-welba u keento dadka codsadayaasha ah ee jawaabta lagala daaho.

AAP ayaa ah lacagta la siiyo dadka shaqadii ay ka shaqeyn jireen uga fadhiistay sabab la xiriira dhaawac ama xanuun, ayna hoos u dhacday awoodooda shaqo. Halka lacagta Uføretrygd ay tahay kaalmada ay codsadaan dadka holwgabka shaqo noqday ee aan awoodin inay shaqeeyaan, iyaga oo aan gaarin da¨da holwgabka caadiga ah. AAP ayaa ah kaalmada uu qofku codsan karo, marka ay ka dhamaato 52-ka isbuuc ee xanuunka shaqada, hadii uu qofku ku noqon waayo shaqadiisa.

Arrintan ugu weyn ee keentay in waqtiga sugitaanka jawaabta codsiyadan uu noqdo mid sidaas u dheer, ayaa lagu sheegay inay kor u kacday tirada dadka NAV kasoo codsiyada kaalmooyinkan dhaqaale.

Madaxa qeybta qaabilsan arrimaha AAP-ga ee NAV,  Elisabeth Thoresen, ayaa sheegtay in NAV ay ka cabsi qabto in dad badan ay dhaqaale la aan noqdaan mudo dheer, iyaga oo jawaab ka sugayo NAV. Waxeyna sheegtay in hey addu ay ka shaqeyneyso, sidii hoos loogu dhigi lahaa waqtiga dheer ee sugitaanka jawaabta codsiyada.

Xigasho/kilde: Må vente opptil seks måneder på pengene

Norway oo ku guuleysan weyday tarxiilka 16 qof oo Ethiopia u dhashay.

Dowlada Norway ayaa isbuucyo kahor xabsi-qoxootiyeedka Trandum ku xareysay 17 qof oo u dhashay dalka Ethiopia, kuwaas oo mudo sanado ah sharci la aan ku ahaa Norway, kadib markii ay diidmo ka heleen codsiyada magangalyada. 16 qof oo kamid ah dadkan ayaa ugu danbeyn laga soo daayay xabsiga-qoxootiyeedka Trandum, kadib markii ay dowlada Ethiopia diiday inay qaabisho.

Hal qof oo kamid ah 17-ka qof ee xerada lagu xareeyay, ayaa laga dajiyay Ethiopia, halka 16-ka kale laga soo daayay xabsiga, ayna dib ugu soo noqdeen gudaha Norway.

Sababta dadkan loogu guuleysan waayay tarxiilkooda ayaa lagu sheegay in dowlada Ethiopia ay sheegtay inaysan cadeyn in dadkan ay u dhasheen dalkaas, maadaama aysan wadan baasaboor ama cadeymo kale oo muujinayo muwaadinimadooda.

16 qofka ee lasii daayay ayaa hada jawaab ka sugayo dowlada Ethiopia oo ka shaqeyneyso sidii lagu cadeyn lahaa aqoonsigooda shaqsiyeed. Waxa ay dowlada Norway sheegtay in horaanta bishii April ay Norway imaadeen wafdi ka socdo dowlada Ethiopia oo arrintaas ka shaqeyneysay xaqiijinteeda.

16-ka qof ee lasii daayay ayaa hada lagu amray inay si joogto ah isaga xaadiriyaan(diiwaangaliyaan) xarumaha booliska, inta laga shaqeynayo cadeynta aqoonsigooda, jawaabna laga helayo dowlada Ethiopia.

Isku deyga Tarxiilka 17 qofka ee u dhashay Ethiopia, ayaa yimid kadib markii wasiiradda cadaaladda Norway, Emilie Enger Mehl ay amar booliska Norway, iyada oo ku amartay inay dar-dar galiyaan hawsha tarxiilka dadka aan heysan sharciyada ee Norway ugu nool qaabka sharci darada ah.

Xigasho/kilde: Norge ville tvangsreturnere 17 etiopiere – 16 av dem satt fri

Norway: Waxaan ku qasbanahay inaan xirno, aana ICC u gacan-galino R.W Israel.

Dacwad-oogaha guud ee maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC ayaa Isniintii sheegay inuu doonayo in waaran qabasho ah loo diro ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, wasiirkiisa difaaca iyo saddex hoggaamiye oo ka tirsan ururka Xamaas.

Xubnahan ayaa loo haystaa dembiyo dagaal oo ka dhacay Gaza, iyo dembiyo kale oo ka dhan ah bini’aadantinimada, intii uu socday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Dalabka dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa loo gudbinayaa saddex garsoore oo kuwaas oo qiimayn doona caddaymaha uu soo ururiyey, ka dibna ka go’aan gaadhi doona in waaran qabasho ah oo rasmi ah loo jaro saraakiisha eedda lagu soo oogay.

Norway: Waan ku qasbanahay inaan xirno, kadibna gudbino netanyah.

Hadii garsoorayaasha maxkamadda dembiyadda aduunka ay soo saareen war-qad dacwadeed lagu soo xirayo Netanyahu, dhamaan dalalka saxiixay heshiiska lagu aas-aasay maxkamadda ICC, ayaa waxaa waajib ku ah inay soo xiraan, kadibna ICC u gudbiyaan dadka ay maxkamadu danbiyada kusoo oogtay. Dalalkaas waxaa kamid ah Norway.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway, Espen Barth Eide ayaa sheegay in sida uu qabo sharciga maxkamadda ICJ ee waajibka saarayo dalalka saxiixay sharcigaas, Norway ayaa ku qasban inay qabato kadibna gacan-galiso Netanyahu iyo xubnaha kale ee dacwada laga gudbin karo.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim in loo hogaansano go aanadda sharciyeed iyo waaranadda maxkamadeed ee kasoo baxa maxkamadda ICJ.

Xigasho/kilde: Eide om mulig arrestordre.

90.000 baasaboor ayaa la waayay 2-dii sano ee ugu danbeysay.

Sida lagu xusay tirokoob laga soo xigtay booliska Norway, labadii(2) sano ee ugu danbeeyay, waxaa la waayay(lumay) ilaa 90.000 xabo oo baasaboor Norwiiji ah. Qeybo badan oo kamid ah baasabooradda ayaa lumay(dhexda ka baxay), kadib markii ay boolisku kusoo direen adeega boostada.

38 900 qof ayaa sanadkii hore booliska ku wargaliyay inay waayeen baasaboorkooda, halka sanadkii kasii horeeyay ay tiradu aheyd 50 700. Tiradaas oo baasabooradda labadii sano ee na dhaaftay la waayay 90.000 xabo.

Booliska ayaa dadweynaha ku wargalinayo inay si dhaqso ah booliska ula soo wadaageen hadii ay waayaan baasaboorkooda, si ay boolisku ugu xiraan in la adeegsado. Waxeyna sidoo kale raaciyeen in hadii ay helaana, ay boolisku u keenaan si loo jeex-jeexo , maadaama mar hadii la xiro aan dib loo adeegsan karin.

Booliska ayaa sidoo kale dadka awooda ugu baaqayo in hadii ay baasaboor cusub dalbadaan, ay kasoo doontaan xarunta booliska ee ay ka dalbadeen, taas oo ka hubaal badan hadii boostada lasoo dhigo. 415 xabo oo kamid ah baasabooradda la waayay ayaa ahaa kuwo lagu soo diray boostada.

Xigasho/kilde: Klar advarsel fra politiet

Khadka shirkada telefoonada Telenor oo cilad farsamo laga dareemayo.

Macaamiisha adeegsada adeega telefoonka iyo internetka shirkada Telenor, ayaa soo warinayo cilad farsamo oo la xiriirta khadka. Waxaana macaamiisha shirkada ee dhamaan qeybaha Norway ah oo dhan ay sheegeen inay dhib ku qabaan khadka internetka iyo waliba wicitaanka telefoonka.

Shirkada Telenor ayaa sheegtay inay jirto cilad farsamo, waxeyna sheegeen inay ka shaqeynayaan xalinta ciladaas farsamo. Ciladaha ay shirkadu sheegtay waxaa kamid ah in qofka uusan telefoonka u baxeynin oo qof kale uusan wici karin, ama aan lasoo wici karin. Sidoo kale khadka internetka ayaa waxaa ka jirto cilado iyo saxmad dhanka adeega ah.

Qoraal kooban oo ay shirkadu soo saartay, ayay ku sheegytay inay ka shaqeynayaan xalka ciladaas, ayna dhawaan khadku kusoo noqon sidii caadiga aheyd.

Mareykanka oo hirgalinayo xeer cusub oo soomaali badan saameyn karo.

Dawladda Maraykanka ayaa hirgelinaysa nidaam cusub oo ay doonayso in si deg-deg ah go’aan looga gaadho kiisaska magan-gelyo doonka ah ee horyaalla maxkamadaha kala duwan ee Maraykanka, kaasi oo qeyb ka yihiin Soomaali badan.

Kiisaskan oo haatan qaata muddo sannado ah, hase ahaatee waxaa hindisahan cusubi dhigayaa, in kiisaska magangelyo doonka ah lagaga go’aan gaadho qiyaastii muddo lix bilood ah.

Tallaabadan ayaa maamulka Biden wuxuu doonayaa inuu wax kaga qabto walaaca kala duwan ee ay qabaan codbixiyayaasha Maraykanku.

Hindisahan cusub oo lagu dhawaaqay Khamiistii shalay ayaa sheegaya in qofka muhaajirka ah ee qaangaadhka ah ee soo galay dalka Maraykanka isla markaana u socda shan magaalo oo gaar ah in kiisaskooda ay dusha kala socon doonaan, koox garsoorayaal ah, kuwaas oo ujeedoodu ay tahay inay hubiyaan in muddo 180 maalmood ah kiiskooda lagaga go’aan gaadho.

Arrintan ayaa ah, tallaabo si weyn loogu dedejinayo kiisaska magan-gelyo doonka ah iyo kuwa la xidhiidha arrimaha socdaalka ee buux-dhaafiyey maxkamada dalka Maraykanka. Kiisaska magan-gelyo doonka ayaa haatan celcelis ahaan qaata inay ku dhamaadaan illaa afar sannadood.

Tallaabadani waxay fududayn doontaa, in dadka aan la aqbalin codsiyadooda in si deg-deg ah looga masaafuriyo dalka Maraykanka.

Hase ahaatee waxaan illaa haatan kala caddayn, tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka faa’iidaysanaya barnaamijkan, iyada oo ay su’aalo badanina ku xeeran yihiin sida uu waxtar u yeelan doono barnaamijkani.

Hindisahan waxaa warbaahinta la wadaagay Khamiistii saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumadda Maraykanka, iyaga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo.

Magaalooyinka lagu bilaabi doono hindisahan cusub ayaa kala ah, Atlanta, Boston, Chicago, Los Angeles iyo New York. Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in magaalooyinkan loo xushay sababtoo ah garsoorayaasha jooga magaalooyinkan ayaa xoogaa firaaqo ah u helaya inay dhegaystaan kiisaska dhinaca muhaajiriinta, iyo iyada oo magaalooyinkani ay yihiin kuwo aad u waaweyn oo xuddun u ah, muhaajiriinta.

Xog ururinta ayaa muujinaysa in illaa 3 milyan oo dacwadood oo magan-gelyo doon ahi inay horyaallaan maxkamada dhinaca socdaalka qaabilsan ee Maraykanka, waxaana gacanta ku haya illaa 600 oo garsoore.

Hindisahan cusub ee lagu dhawaaqay Khamiistii ayaanay ku jirin lacago dheeraad ah oo lagu shaqaalaynayo garsoorayaal cusub.

Xigasho/kilde: c.a

Dadkan ayaa NAV ka heli doono lacagta fasaxa (ferie-penger).

Sida caadiga ah dadka shaqeeya ayaa bilaha Maayo iyo Juun, waxaa usoo dhaca lacagta fasaxa(ferie-penger) oo qiyaastii ah 12% mushaarka uu qofku shaqeeyay sanadkii lasoo dhaafay. Laakiin qaar kamid ah dadka kaalmooyinka dhaqaale ka hela hey adda NAV, ayaa sidoo kale xaq u yeelan karo inay helaan lacagta fasaxa.

Dadka sanadkii lasoo dhaafay qaadanayay lacagaha hoos ku xusan, ayaa xaq u yeelan karo inay bishan May ama bisha danbe ee Juni ay helaan lacagta fasaxa.

Qofka shaqada ka fadhiyay( Dagpenger): Hadii aad dagpenger qaadaneysay wax ka badan 8 isbuuc sanadkii hore, waxaad xaq u yeelaneysaa inaad hesho lacagta fasaxa oo u dhiginta 9,5 lacagta dagpenger-ka ee sanadkii hore kusoo gashay.

Lacagta waalidka( Foreldrepenger): Waalidiinta ilmaha u dhashay ee sanadkii lasoo dhaafay qaadanayay lacagta waalidka ku maqan fasaxa dhalmada, ayaa sidoo kale xaq u leh inay helaan lacagta fasaxa oo u dhiganta 10,2 % lacagta waalidka eesanadkii hore soo gashay qofka.

Lacagta xanaanadda(Omsorgspenger): Qofka sanadkii lasoo dhaafay qaadanayay lacagta xanaanadda ee la siiyo waalidka guriga ku hayo ilmaha xanuunsan, ayaa sidoo kale xaq u leh inuu helo lacagta fasaxa. Qofka ayaana xaq u leh inuu helo 10,2% lacagta 48-dii maalmood ee ugu horeeyay kasoo gashay xanaanadda. Waxaa muhiim inaad ogaato in lacagtan ay bixineyso goobtaada shaqada, hadii ay iyadu bixineysay lacagta xanaanadda.

lacagta tababarka ( Opplæringspenger): Qofka sanadkii lasoo dhaafay aadayay goob tababar oo loo diray, ayaa sidoo kale xaq u leh inuu helo lacagta fasaxa. Waxaad heli doontaa lacag u dhiganta 10.2%, lacagta aad goobtaas ka qaadatay 12-ka toddobaad ee ugu horeeyay mudadda tababarkaada.

Kaalmada daryeelka: Waalidka guriga ku hayo ilmaha u baahan daryeelka iyo la socoshada gaarka ah, ayaa sidoo kale xaq u leh inay helaan lacagta fasaxa. Wuxuuna waalidku xaq u leeyahay inuu helo 10,2% lacagta daryeelka ee soo gashay 12-kii isbuuc ee ugu horeeyay ee lacagtaas uu qaadanayay sanadkii hore.

Lacagta jirrada: dadka sanadkii lasoo dhaafay qaadanayay lacagta jirada ee qofka shaqada ka maqan xanuun awgiis, ayaa sidoo kale xaq u leh inuu helo lacagta fasaxa, oo u dhiginta 10,2% lacagta uu qofka helay 48-ka maalmood ee ugu horeeyay ee qofku uu lacagtaas qaatay sanadkii hore. ‘

Halkan kasii akhri.

Norway oo ku guuldareysatay tarxiilka dad u dhashay Ethiopia oo lagu xareeyay Trandum.

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta Norway ka socday olole lagu dalbanayo in xabsi-kaamka Trandum laga sii daayo 20-meeyo qof oo u dhashay dalka Etiopia, kuwaas oo sharci la aan ku ahaa dalkan Norway, kadib marki ay diidmo ka heleen codsiyada magangalyada. Dadkan oo laga qabtay gudaha Norway ayaa loo diyaariyay in loo tarxiilo dalkoodii hooyo ee Ethiopia.

Isbuucyo ay dadkan ku xirnaayeen xabsiga Trandum ee lagu xareeyo qoxootiga diidmada heysta ee la tarxiiliyo, ugu danbeyn waxaa lasoo daayay dhowr qof oo dadkan kamid ah dadkaas la tirxiili rabay, kadib markii dowlada Ethiopia ay diiday in loo soo celiyo, maadaama ay su aal ka keentay howsha tarxiilka celiska ah. Ilaa 2 qof ayaa la xaqiijiyay in xabsiga Trandum laga soo daayay.

Dhanka kale, waxaa la tarxiilay oo Ethiopia ay ogolaatay inay aqbasho ilaa hal qof oo kamid ahaa dadka Trandum ku xareysnaa. Waxaana wali xero-xabsiyeedka qoxootiga ku jiro qaar kamid ah dadkii u dhashay Ethiopia ee Norway ay rabtay inay tarxiisho.

Wasaaradda cadaaladda oo si kumeel gaar ah u istaajisay tarxiilka:

Wareegto kasoo baxday wasaaradda cadaaladda ayaa UDI-da lagu wargaliyay inay dib u dhigto, joojisana tarxiilka dadka u dhashay Ethiopia ilaa xeer ama wareegto cusub ay kasoo bixi doonto. Waxaana arrintan dowladu ay ku sheegtay dib looga fakarayo, gaar ahaan kiisaska saameynta ku leh caruurta Norway ku dhashay.

Wareegtada cusub ayaan saameyn doonin dadka danbiyada lagu xukumay iyaga oo sharci la aan ah, aana Norway sharci ka heli karin sababtaas awgeed.

Xigasho/kilde:

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.