fredag, april 26, 2024

TV2: D. Faransiiska oo Mahad Abiib sharci siisay, eedna u jeedisay Norway.

Sida uu qoray muuq-baahiyaha TV2, Mahad Abiib Maxamuud oo ah ingineer soomaali ah oo horey ay dowlada Norway ugala noqotay jinsiyada Norway, ayaa sharci magangalyo ka helay dowlada dalka Faransiiska oo uu ku noolaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Qareenka Mahad Abiib oo la hadlay TV2, ayaa sheegay in Mahad uu ugu danbeyn hada yahay qof heysto magangalyo qoxootinimo, uuna qaab sharci ah ku joogo Yurub, leeyahay xuquuq rasmi ah. Wuxuuna sheegay in dowlada faransiisku ay sameysay baaritaan u gaar ah oo ku xaqiijineyso soomaalinimadda Mahad, taas oo ugu danbeyn sabab u noqotay in Mahad uu helo sharciga qoxootinimadda dalkaas.

Go aanka sharciga magangalyo lagu siiyay Mahad, ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in dowlada Norway ay gaf sharciyeed oo xoogan xaq daro ah ay ka gashay Mahad.

Qareenka Mahad ayaa sheegay in naadir uu yahay kiis noocan oo kale ah oo taariikhda soo mara nidaamka qoxootiga, ajaaniibta iyo magangalyada Norway.

17 sano kadib Soomaali ma tihid:

Hey addaha qoxootiga Norway ayaa mahad oo mudo ku dhow 20 sano ku noolaa dalkan ku eedeeyay inuu kasoo jeedo dalka Jabuuti ee dariska la ah Soomaaliya, waxeyna sheegeen in Mahad uu ka been sheegay aqoonsigiisa shaqsiyeed. Inkasta oo uu Mahad keenay cadeymo iyo waraaqo(dokumentiyo) cadeynayo inuu yahay muwaadin soomaali ah, ay u marag fureen madax sarre oo ka tirsanaa dowlada Soomaaliya, hadana hey addaha qoxootiga Norway ayaa ku adkeystay in Mahad uusan soomaali aheyn, balse uu yahay Jabuutiyaan.

Mahad ayaa racfaan ka qaatay go aankaas, wuxuuna kiiskiisu noqday mid saameyn xoogan ku yeeshay dhamaan warbaahinta iyo goleyaasha kala duwan ee siyaasadda Norway. Sidoo kale kiiska Mahad ayaa gilgilay baraha bulshada, wuxuuna helay kumanaan qof oo taageerayaal ah. Balse maxkamaddaha Norway heerarkooda kala duwan ayaan kiiska ku raacay hey addaha qoxootiga, waxeyna diideen inay buriyaan xukunka hey addaha qoxootiga.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in hada ay dowlada Faransiisku ay mahad u aqoonsatay inuu yahay muwaadin Soomaali ah, sharcigana ku siisay inuu yahay qof kasoo jeedo Soomaaliya.

Mahad ayaa sheegay in ugu danbeyn ay hada noloshiisu caadi kusoo noqotay, uuna rajeynayo inuu dhawaan dib ula midoobo qoyskiisa iyo caruurtiisa oo ay hal goob ku wada noolaadaan. Wuxuuna intaas raaciyay in hada uu rajeynayo in hey addaha qoxootiga Norway ay fahmaan gafkii ay ka galeen isaga, iyo inay dib ugu noqdaan kiiskiisa.

Qareenka: Mahad wuxuu mudanyahay magdhow:

Qareenka Mahad Abiib, Arild Humlen ayaa dhankiisa sheegay inuu aaminsanyahay in la joogo xiligii dib loo furi lahaa kiiska Mahad Abiib, ayna hey addaha qoxootiga Norway ka noqon lahaayeen qaladkii sharciyeed ay ka galeen kiiska Mahad, lana xaqiijin lahaa in kiiskiisu uu ahaa mid run ku saleysan( in Mahad uu yahay muwaadin soomaali ah).

Qareenka ayaa sidoo kale raaciyay in sidoo kale Mahad uu mudanyahay inuu helo magdhow sharciyeed oo loogu gudayo gafkii sharciyeed ee kiiskiisa laga gaaray, iyo culeyska nololeed ee arrintaas ay sababeen.

Xigasho/kilde: Mahad Mahamud får beskyttelse i Frankrike: Refser Norge: – Grov urett mot Mahad

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x