onsdag, mars 12, 2025
Home Blog Page 287

Passportka dadka ka yimid Soomaaliya iyo 29 wadan oo kale oo lagu qorayo (ukjent) meesha dhalashada

Wasaarada cadaalada iyo dastuurka Norwey ayaa bishii sedexaad ee sanadkan go aamisay in qofka codsanayo passport cusub ee ka yimid  30 wadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay loogu qori doono (ukjent) meesha dhalashada(fødested), maadaama aan la xaqiijin karin meesha ay ku dhashay qofkaas. Sababo la xiriira nidaamka dowliga ee wadamadaas  oo ah mid tabar-daran, isla markaana aan lagu kalsoonaan karin . Arintan ma khusayso dadka wadanka ku cusub ee kaliya balse waxay khusaysaa dhamaan dadka ka yimid wadamadaas, xitaa hadii aad 30 sano degenayd Norwey oo aad codsanayso passport cusub oo norwiiji ah, waxaa meesha uu qofka ku dhashay laguugu qori doonaan (ukjent). Caruurta ku dhalatay Norwey, iyaga ma khusayso maadaamala folkeregisterka laga heli karo cadeymaha dhalashadooda ee Norwey.

Dadka qaar codsaday passportka ayaa sheegay in waraysi dheer lala yeeshay markii ay tageen xafiisyada police-ka si ay u cusbooneeyaan passporkooda. Arintaas oo keentay in dadka qaarkood oo dhalashada wadanka haystay waqti dheer ay dareemayaan in shaki iyo muran la galiyo shaqsiyadooda isla markaana lagu abuuro wel-wel aan horey u jirin.

Arintan ay go aamisay wasaarada cadaalada iyo dastuurka Norwey ee uu madaxda ka yahay Anders Anundsen oo ka tirsan xisbiga FRP ayaa keentay in cabsi iyo wal-wal ay lasoo gudboonaato dadka ka yimid wadamadaas ee codsanayo passportka Norwey. in (ukjent) lagu qoro meesha uu ku dhashay qofka, waxay keenaysaa in laga shakiyo asal ahaanta qofka, taas oo keeni karta in uu qofku dhib kala kulmo marka uu marayo garoomada diyaaradaha ee wadamada kale, ama uu codsanayo viso wadan kale. Go-aankan ayay wasaaradu ku dhaqaaqday iyada oo aan ogaysiin dadka ay khusayso ama aan lagala tashan dhibaatada iyo cawaaqibta ka imaan karto. 

Dadka ay khusayso arintan ayaa waxaa kamid dadka ka yimid wadamada: Burkina Faso, Burundi, Den Demokratiske Republikken Kongo, Ekvatorial Guinea, Elfenbenskysten, Eritrea, Etiopia, Gabon, Gambia, Ghana, Guinea, Kenya, Liberia, Mali, Nigeria, Republikken Kongo, Sierra Leone, Somalia, Uganda, Zimbabwe, Afghanistan, Filippinene, India, Irak, Jemen, Myanmar (Burma), Pakistan, Saudi-Arabia, Sri Lanka, Vietnam iyo Kosovo.

Ururka la dagaalanka cunsuriyada iyo faquuqa ee Antirasistisk Senter ayaa warqad ay ku codsanayso in arintaas wax laga qabto u dirtay wasiirka cadaalada iyo dastuurka Norwey, maadaama ay tahay in xadgudub iyo takoorba ku ah dadka ka yimid wadamadaas ee shaki la galinayo asalkooda.

 

Xigasho: Antirasistisk Senter iyo Politi.no

 

Qoys caruurtoodii dib u helay dagaal dheer kadib

Qoys kasoo jeedo wadanka Romania oo laga qaatay shan ciyaal ah oo ay dhaleen ayaa ugu danbeyn ku guulaystay inay ciyaalkoodii dib u helaan mudaharaado iyo dagaal dheer kadib. Inkasto oo aysan dacwada loo haysto waalidiinta ciyaalka aysan wali dhamaan, hadana barnevern-ka iyo qoyska ayaa galay heshiis ah in ciyaalka gurigooda lagu soo celiyo, ayna ka wada shaqeeyaan sidii ciyaalka gurigooda ugu heli lahaayeen xanaano. 

Qoyskan ayaa ilmaha laga qaatay, kadib markii lagu eedeeyay inay waalidku ilmaha u gaysteen dil ama garaac. Waalidka qoyska ayaa ka tirsan dariiqo kamid ah diinta krishtinka oo la yiraahdo PINSEVENNER oona aaminsan in ilmaha la yara-garaaci karo si loo baro waxa ay aaminsanyihiin. Halka taageerayaashii dariiqadan ay sheegeen in barnevernka ay ilmaha u qaateen ayaga oo ka baqayo in caruurtani ay dariiqadooda bartaan. 

Dowlada Romania oo ay waalidka ilmaha dhalay kasoo jeedaan iyo taageerayaasha dariiqada ay ka tirsansinyihiin ayaa cadaadis xoogan saarey barnevernka Norwey, iyaga oo mudaharaado waaweyn ka abaabulayay magaalooyin badan oo caalamka. Taas oo ugu danbeyn keentay in waalidka ilmahooda loo soo celiyo, iyada oo ay wali socoto maxkamadeynta waalidka dhalay ilmaha. Dowlada Romania ayaa dhankeeda wafdi weyn usoo dirtay Norwey, iyaga oo  sheegay in arintan qoyska ay wax u dhimi karto xiriirka ka dhaxeeyo labada wadan, hadii aan qoyskan ilmihiisa loo soo celin, oo loo awood sheegto.

Barnevernka ayaa horey ula wareegay caruur soomaali ah oo aad u badan, hadii la heli lahaa dowlada soomaaliyeed oo xoog badan ama jaaliyad soomaaliyeed oo isku xiran oo mudaharaad iyo dagaal sameeyo mar walbe oo qoys soomaali ah ilmaha xaq daro looga qaato, waxaa dhici kartay in qoysas badan ay ilmahooda dib u heli lahaayeen sida qoyskan Romania ka yimid oo kale.

xigasho: Dagbladet

195 qof oo 14 kamid ah ay soomaali tahay oo Norwey iska soo dhiibay bishii hore ee

Waxaa wali socda hoos u dhaca dadka magangalyada waydiisanaya wadanka Norwey, iyada oo bishii lasoo dhaafay dad tiro ahaan gaaraya 195 ay iska soo dhiibeen Norwey. Waxaana dadkaas kamid ah 14 qof oo soomaali, taas oo tirada guud ee soomaalida Norwey iska soo dhiibtay sanadkan ka dhigaysa 93 qof. Isku dar waxaa Norwey magangalyo waydiistay dad gaaraya 1407, tiradaas oo ah midii ugu yarayd tan iyo sanadkii 1991. Dadka ugu badan ee iska soo dhiibay waxay ka yimaadeen wadamada Siiriya, Afgaanistaan, Ciraaq, Ereteriya iyo Soomaaliya.

Tirada guud ee dadka soomaaliyeed ee kujiro kaamamka Norwey ayaa hada gaaraya 800 oo qof iyaga oo u qaybsama sidatan:

77 sharciga helay oo sugaya in uu kommune qaato, 51 sharciga helay balse aan sugayn in uu kommune qaato, 233 magangalyo codsaday(isdhiibay) oo wali jawaab sugaya, 114 sharciga loo diiday oo klage bixiyay(ka dacwooday), 17 codsigoodii magangalyo ka noqday, 308 sharciga loo diiday isla markaana lagu amrey inay wadanka isaga baxaan. 

Soomaalida ayaa ah dadka ugu badan ee sharciga loo diiday ee wali dagan kaamamka Norwey, waxaa la is dhihi waa sababta ku qasabtay dowlada Norwey inay heshiis ama wadahadal la furto dowlada Norwey, si dadka soomaaliyeed ee aan sharciga helin wadankii loogu celiyo.

Dowlada Norwey talada haysa oo uu kujiro xisbiga FRP ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay si ay u dhinto tirada dadka iska soo dhiibayo Norwey oo sanadkii hore kor u dhaaftay 31.000. Iyaga oo soo rogay sharciyo nolosha lagu ciriirinayo qofka magangalyo doonka, si uusan ugu soo dag-dagin inuu Norwey iska soo dhiibo. Waxaana moodaa inay ku guulaysteen ujeedadooda ilaa hada, maadaama uu wax badan hoos u dhacay tirada dadka iska soo dhiibayay Norwey sanadkan aan kujirno. Wadanka Sweden ayaa waxaa sanadkan iska soo dhiibay dad tiro ahaan gaaraya 13.350 sanadkan aan kujirno. 

 

Xigasho: UDI(Asylmottak) og UDI(Asylsøknader etter statsborgerskap)

 

Olole lagu doonayo inay xilka isaga dagto Sylvi Listhaug oo si weyn uga socda internetka

Olole looga soo horjeedo isla markaana lagu codsanayo in ay xilka isaga dagto wasiirka soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada ee Sylvi Listhaug ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ka socday internetka. Koox isku magacowday Nordic refugee rights acitivists oo sheegay inay ka shaqeeyaan xuquuqda dadka qoxootiga ah ayaa ololahan ka bilaabay internetka ayaga oo uruurinaya internetka ka aruurinayo saxiixa dadka. Kooxdana ayaa sheegtay in ay Sylvi ay wado siyaasad ka dhan ah qoxootiga oo aan la jaanqaadi karin xiligan hada lagu jiro. Waxay intaas ku dareen in Syvlie aysan laheyn awood iyo rabitaan ay ku hesho xal maareyn kara howlaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada, ayna isku badashay wasiirka kala sooca dadka. Waxay kalee wadaa been abuur iyo cabsi galin ku saabsan qoxootiga si ay dadka Norwey ku dhaqan uga dhigto kuwa arxan-laawayaal ah , iyada oo garab mayso dhamaan xeerarka caalamiga ah ee qoxootiga.

Halkan ka akhriso warkan iyo aruurinta saxiixa kooxda:

Sylvi Listhaug må avsettes

Ilmo lix bilood jira oo soomaali ah oo maydkiisa laga helay bada Talyaaniga

Foto: Christian Buettner/Eikon Nord GmbH Germany/Handout via Reuters

Ururka Sea-Watch oo laga leeyahay wadanka Germalka kana shaqeeya bad-baadinta dadka ay doomuhu la dagaan iyo meydad kasoo saarida bada xeebaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Libiya ayaa jimcihii lasoo dhaafay bada ka helay meydka ilmo yar oo soomaali ah. Booliska Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in ilmahan yari ee bada ku saqiiray uu yahay soomaali,lana socday hooyadii oo bada ku dhimatay. Waxay sheegeen in sawirka maydka cunuga ay tuseen dadkii lasoo badbaadiyay, ayna heleen abtigii uu kamid ahaa dadka lasoo badbaadiyay. Meydka ilmahan yar oo markii hore la rabay in lagu aaso qubuuraha dadka aan la aqoonsan, ayaa hada waxaa lagu aasi doonaa qubuuraha caadiga ah, maadaama ay heleen ilmaha magaciisa.

Doonta waday ilmahan iyo hooyadii oo bada ku qalibantay ayaa waxaa  saarnaa 400 00 qof, waxaana laga badbaadiyay 135, halka maydkooda la helay 45 qof oo kale.

Hada oo kale xiliga kuleylaha waxaa aad usoo bato dadka doomaha kasoo raacayo wadamada Masar iyo Libya, iyaga oo raba inay soo gaaraan wadanka Talyaaniga ugana sii gudbaan wadamada kale ee Yurub. Soomaalida ayaa kujirto kaalinta sadexaad ee dadka ugu badan ee soo gaaray talyaaniga iyaga ku xigo dadka ka imaanayo wadamada Nigera iyo Gambia. 

Xigasho: Dagbladet

 

UDI: Xaalada amaan ee qaybo kamid ah Soomaaliya wax badan ayaa iska badalay

Shalay ayay ahayd markii ay qaraxyo waaweyn iyo weeraro gilgileen magaalada caasimada ah ee muqdisho, gaar ahaan hotelka Ambasador, laguna dilay tiro dad kor u dhaafaya 15 qof oo ay ku jiraan xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya. Warbaahint NorSom News ayaa saaka xiriir la samaysey laanta socdaalka ee Norwey anaga oo wax ka waydiinayno bal inay la socdaan xaaladihii amaan ee ugu danbeeyay Soomaaliya iyo bal waxa ay qiimaynayaan marka ay go aamiyeen in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo fiicnaatay, isla markaana ay dib u qiimeyn ka sumeyn doonaan sharciga magangalyada dadka soomaaliyeed ee haysta sharciga kumeel gaarka ah wadankan.

Pernille Schulerud Søland oo ah madax-waaxeed katirsan UDI-da ayaa noogu jawaabay:

Her kan vi presisere at vi mener at forholdene enkelte steder i Somalia, og ikke i hele Somalia, har endret seg i vesentlig grad til det bedre (sikkerhetsmessig og økonomisk), og at endringene fremstår som varige. Vi baserer disse endringene på oppdatert landinformasjon fra Landinfo og endringer vi har sett over tid. Landinfo kan eventuelt gi mer detaljer om dette.

Waxaan halkan ka qeexaynaa in xaaladaha meelo kamid ah soomaaliya, ma ahan soomaaliya guud ahaanteed, uu ku yimid isbadal fiicanoo  xag amaan iyo mid dhaqaalaba ah. Isbadaladaas oo u muuqda kuwa sii socon doono. Waxaana isbadaladaas ku qiimenaynaa warbixinada ugu danbeeyay ee aan ka helnay landinfo(Qaybta UDI u qaabilsan warbixinada wadamada dibada) iyo kuwa aan aragnay mudooyinkii ugu danbeeyay. Warbixin dheeri ah waxaa arintan ka bixin karo Landinfo.

NorSom News ayaa UDI-da waydiisay su aal kale oo ah in uu jiro heshiis ay ogyihiin oo dhex maray dowlada soomaaliya iyo Norwey oo ku saabsan dib u celinta dadka soomaaliyeed ee magangalyada ku haysto wadankan. Waxay noogu jawaabeen in aan su aashaas waydiino wasaarada dastuurta iyo cadaalada. Waxayna sheegeen in UDI-du ay tahay hay-ad hoos tagta wasaaradaas ayna ku shaqeeyaan amarada kasoo baxo halkaas. 

I likhet med spørsmål 3 bør spørsmål 2 også rettes til Justis- og beredskapsdepartementet, ettersom UDI har fått en instruks om dette fra departementet.

Horey ayaan u waydiinay wasaarada cadaalada iyo dastuurka Norwey, su aasha ku saabsan heshiiskaas, balse waxay noogu jawaabeen inuu jiro wadahadal iyo wada shaqeyn ka dhaxeeyo dowlada Soomaaliya ee Norwey oo ku saabsan arimaha qoxootiga, balse aysan faah-faahin naga siin karin inuu jiro heshiis rasmi ah oo qalinka lagu duugay.

Hay-ad qaramada midoobey u qaabilsan qoxootiga aduunka ee UNCHR ayaa ayadna dhankeeda soo saartay isbuucan aan kujirno warbixin dheer oo ay uga digayso in dowladaha caalamku ay xoog dib ugu celiyaan qoxootiga soomaaliyeed ee kunool wadamadooda maadaama xaaladaha amaan ee koonfurta iyo bartahama Soomaaliya aysan wali fadhiyin, jirina cid gacanta si toos ah ugu wada hayso. 

Halkan ka akhri warbixinta Landinfo ee ku saabsan Soomaalia ee lasoo saaray bishii April:

Landinfo Somalia : Landinfo ma ahan hay-ad madax-banaan, balse waxay hoos tagtaa UDI-da, oo ayadna sii hoos tagto wasaarada dastuurka iyo cadaalada Norwey.

Halkana ka akhri warbixinta UNCHR

 

Hadliye oo iska fogeeyay inuu heshiis la galay dowlada Norwey

FOTO: BENDIKSBY, TERJE / NTB SCANPIX

Wasiirka arimaha dibada dowlada Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye oo kamid ahaa wafdigii dowlada Soomaaliya ka socdey ee isbuucii lasoo dhaafay socdaalka shaqo ku joogay Norwey ayaa sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan celinta dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday uu asaga shaqsiyan ula galay dowlada Norwey. Hadliye oo waraysi siinayay laanta af soomaaliga ee idaacada VOE ayaa sheegay inuu Norwey u tagay ka qaybgalka kulan ay ku weheliyeen 12 wasiir arimo-dibadeed oo ka socda wadamo african ah iyo wasiiraha arimaha dibada ee wadamada la isku yiraahdo NORDIC. Wax ku saabsan qoxooti iyo dad soomaali ah oo la celinaya aan looga hadlin kulankaas oo khamiistii iyo jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay Oslo.

Mar wax laga waydiiyay sababta ay safarkiisa ugu weheliyeen wasiirka arimaha amniga qaranka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar  iyo madaxa laanta socdaal General Gaafow ayuu ku jawaabtay in aysan isaga iyo General gaafow aysan isla socan markii hore ayna isla soo noqon markii danbe, balse ay meesha uu isugu imaadeen. Hadliye ayaa sidoo kale sheegay in hadiiba ay jiraan dad soomaali oo lasoo celinayo ay tahay arin masuul ka tahay wasaarada arimaha gudaha, gaar ahaan laanta socdaalka iyo wasiirada amniga qaranka, bal asagu uusan wax kala socon shaqsiyan ka wasiir arimo dibadeed ahaan. Waxaan ka ogahay majirto, waxna aan saxiisay majiraan ayuu si cad u qeexay hadliye.

Wasiirka ayaa intaas kusii daray in ay adagtahay in ay caalamka ka dhaadhiciyaan in uu wadankii oo hagaagay isla markaana aad dowladu diido in dadkii wadanka u dhashay dib loogu soo celiyo. Balse siyaasad ayaan dajinay aan rabno in aan qofna qasab laguu soo celin, sidoo kalena dadka danbiyada galay ee loo haysto howlaha xagjirnimada ama danbiyo kale aan dalka lagu soo celin karin.

Askarigii xabada ku dhuftay gabadha soomaalida ah Grønland oo la sheegay inuusan qalad galin

Kooxda booliska Norwey u qaabilsan  baarida iyo xukumida danbiyada ka dhaca askarta ka tirsan booliska(Spesialenheten) ayaa ugu danbeyn soo saaray warbixin ay ku qiimeenayaan dhacdadii uu nin ka tirsan booliska Norwey xabad caloosha uga dhuftay hooyo soomaali ah oo degan magaalada Oslo. Kooxdan oo loo xilsaaray iney xaqiijiyeen in askarigu uu ku khaldanaa inuu xabad isticmaalo ayaa warbixintooda kusoo gabagabeeyay in uusan  sameyn wax khalad ah, markii uu xabad ku ridayay gabadhan soomaalida ah. Ayagoo sheegay in xaalada markaas meesha ka jirtay aysan u saamixin ninkan inuu qiimeeyo awooda uu isticmaalayo nooca ay noqon karto. Sidaas darteedna ay laaleen dacwadii loo heystay maadaama uusan ku kicin fal danbi ah. Waxayna sheegeen in ay go aankan ay gaareen kadib markii ay waraysteen 10 qof oo markhaati ka ahaa dhacdadan, ay dhagaysteen codkii laga duubay dhacdadan, arkeena dhamaan warbixinadii ay soo gudbiyeen Follo politidistrikt oo baareysay dhac-dadan Oslo ka dhacday september sanadkii 2015. Kooxdan ayaa intaas ku dartay in ay sidoo kale baarayeen in ay ninkan xabada ay ka fakatay iyo in kale, iyada ooxaqiijiyay in xabada uu askarigu ridey oo aysan ka fakan.

Wiilka yar miyaa khatar ku jiray mise ninka askariga:

Booliska Oslo ayaa bilowgii dhacdada sheegay in uu askarigu xabad ugu dhuftay gabadha si uu u badbaadiyo nolosha wiilka yar ee khatarta ku jirtay, maadaama ay gabadhani mindi ku dili rabtay. Balse warbixinta ay soo saartay kooxdan ayaa sheegaysa in aysan arkeyn meel lagu baadbaadinayo nolosha wiilka yar. Waxay sheegeen in ninkani markii uu yimid goobta uu arkey haweenaydan oo mindi ku garaacayso ama ku mudayso wiilka yar. Kadib wuxuu ka codsaday inay iska dhigto mindada marar badan, balse ma aysan maqlin ee xagiisa ayay usoo dhaqaaqday iyada oo wadata mindida, korna u qaadayso. Kadib markii uu sameeyay qiimeyn ah in ay naftiisa iyo mida askarta kale ee la socotay ama qof sadexaad uu meesha joogay ay khatar kujirto ayuu riday xabada. Waxay kaloo sheegeen in uu waqti yar u dhaxeeyay marka uu ninkan soo gaaray goobta iyo markii ay haweenaydu mindida xagiisa ula soo dhaqaaqday, taas oo aan siin waqti badan oo uu wax ku qiimeeyo. Ninkan oo waraysi bixiyay mar hore ayaa yiri: Inta aanan xabada ridin waxaan ku fakaray, ama aniga ama ayada ama saaxiiba kalee shaqada igula jira, ama wiilka yar ayay dib ugu noqon kartaa.

Dad badana ayaa iswaydiin karo sida uu nin boolis oo loo tababarey inuu badbaadiyo naf bini aadam uu mindi yar oo rootiga la marsado uga dhigi waayay haweenay. Waxaa marka uu ninkan xabada ridiyay la socday ilaa dhowr askari oo kale oo qaar kamid ah ay wateen gaashaan. Dad badan oo goob joog ka ahaa dhacdadan ayaa sheegay in ninkan booliska uu si fudud uga dhigi karay mindida isaga oo aan adeegsan xabad. Waxaa kaloo la is waydiinayaa sababta uu booliska Oslo mediyaha wadanka u galiyay in ay gabadha dili rabtay wiilka yar iyaga oo aan dhacdadan baarin ama wax badan aan ka ogaan. 

Qareenka gabadha Odd Ivar Aursnes Grøn ayaa sheegay inuu dhawaan uu helay warbixintan. Isla markaana ay akhrin doonaan, kana fakari doonaan inay ka dacwoodaan iyo in kale

Qareenka u doodayay askarigan ayaa dhankiisa sheegay inuu  markii horeba uu aaminsanaa inuu sameeyay wax sax ah, hadana ay timid cadeyntii arintaas. Wuxuu kaloo sheegay inuu dhib ku qabay warbaahinta oo si ka duwan sidii wax u dhaceen wax uga dhacdadan markii hore.

Soomaalida Norwey, gaar ahaan kuwa Oslo ayaa aad uga gilgilatay dhacdadan iyaga oo laba mudaharaad oo waaweyn ka dhigay magaalada Oslo, iyaga oo codsanayo in xaqeeda la siiyo hooyadan isla markaana cadaalada la horkeeno askarigii gabadha ku dhuftay xabada. Iyada oo dadka qaarkii ay aaminsanaayeen in askarigu uu si xilkasnimo la aan ah uu xabad caloosha uga dhuftay gabadhan isaga oo awoodi karay inuu si kale mindida ay sidatay oo ah mida rootiga wax lagu marsado uu uga dhigo.

 

Halkan ka akrhi warbixinta kooxdan oo dhamaystiran

Halkana ka akhri Aftenposten ama NRK oo ayaga wax ka qoray dhacdadan maanta.

Xildhibaan ka tirsan xisbiga FRP oo soo dhaweeyay heshiiska ku saabsan celinta soomaalida aan sharciga helin

Ulf Isak Leirstein. (Foto: Erik Hagen)

Ulf Isak Leirstein oo ah xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Norwey, kana tirsan xisbiga FRP ayaa soo dhaweeyay heshiiska aan wali la shaacin balse la rumaysanyahay inuu dhex-maray dowladaha Somaliya iyo Norwey ee ku saabsan in qasab lagu celiyo dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday wadankan Norwey. Ninka oo kasoo jeedo magaalada Sarsborg, kana soo galo baarlamaanka Norwey gobalka Østfold ayaa bartiisa Facebooga soo dhigay qoraal uu ugu hanbelyaynayo dowlada Norwey iney ugu danbeyn ku guulaysatay heshiiskan. Waxa uuna sheegay in qofka ay tahay in uu wadankiisii ku noqdo hadii dhibtii marka hore kasoo ceyrisay ay meesha ka baxdo, hadii uu diido in uu noqdana ay tahay in ay dowladu khasab ku celiso.

Ulf Isak Leirstein ayaa horey caan ugu ahaa inuu bartiisa facebooga soo dhigo qoraalo ku saabsan naceybka iyo kasoo horjeedka uu u qabo dadka soo galootiga ah, gaar ahaan kuwa ka yimid wadamada muslimka. Dhowr mar oo hore ayaa warbaahinta waaweyn ee wadanka ay ka qortay hadalo naceyb ah oo ku wajahan dadka asalkooda muslimka yahay. 2014 ayay ahayd markii uu si bareer ah u weeraray Hadia Tajik oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga shaqaalaha ee AP, ahna gabar asalkeeda uu yahay Pakistan muslim ah, asaga oo ku daraya asalkeeda. Arintaas oo ku qasabtay madaxda xisbiga FRP iney raali galin ka bixiyaan.

 

Heshiis mise wadahadal:

Warbaahinta NorSom News ayaa ilaa shalay dadaal ugu jirtay inay hesho warbixino dheeri ah oo ku saabsan natiijada wadahadaladii u dhaxeeyay dowlada soomaaliya iyo Norwey ee ku saabsanaa in heshiis laga gaaro celinta dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday oo ilaa 500 oo qof gaaraya. Waxaan xiriir la sameynay wasaarada cadaalada iyo dastuurka Norwey oo ahayd tii u qaabilsanayd dhanka dowlada Norwey wadahadalan. Waxay noo xaqiijiyeen in wadahadalka ku saabsan arintan ay socdeen mudo aad u badan, oo aysan aheyn kuwo hada bilowdey oo kaliya. kulankii dhexmaray wafdiga ka socday dowlada soomaaliya ee dhacay jimcihii lasoo dhaafeyna uu ahaa mid ku saabsan arintan, balse macluumaad dheeri ah idinkama siin karno hada. Waxay kaloo intaas ku dareen in ay dowlada soomaaliya iyo Norwey uu ka dhaxeeyo wada shaqeyn guud oo ku saabsan sidii loo xakameyn lahaa dadka kasoo haajirayo Soomaaliya.

Mas-uuliyad xumada wafdiga dowlada soomaaliya:

Bartamihii isbuucii hore ayuu wafdigan uu hogaaminayo Cabdisalaan Hadliye ee ka socdo dowlada Soomaaliya uu soo gaaray Norwey, iyaga oo sida la ogaa ka qaybgalayo kulankii sanadlaha ahaa ee u dhaxeeyay wasiirada arimaha dibada wamada afrika qaarkood iyo kuwa NORDIC. Jimcihii lasoo dhaafay ayuunbaa halmar laga war helay in ay wafdigan oo aan markaas wali la kulmin jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey iney wadahadal la galayaan dowlada Norwey, kaas oo ku saabsan in la celiyo dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday wadankan. Arintaas oo dhalisay buuq iyo cabsi soo wajahdey qaar kamid ah soomaalida dagan halkan. Markii ay soo dhamaysteen wadahadaladii ay la lahaayeen dowlada Norwey ayay hadana iyaga oo aan wali kulan la qaadan jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka ay mid mid wadanka uga safreen. Sida ay NorSom News ka xaqiiqsatay ilo xog ogaal ah, waxaa ugu horeynba wadanka ka safray wafdiga qayb kamid ah oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, Cabdisalaam  Cumar Hadliye. Halkan qayb kale oo wafdiga kamid ah oo uu ku jiro Generaal Gaafow iyo wasiirka amniga qaranka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar ay wadanka sii joogeen maalmo kale. 

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey ayaa caro weyn ka muujiyay hab dhaqanka wafdiga soomaaliya. Baraha bulshada(sosial-media) iyo goobaha kale ee lagu kulmo ayaa ilaa jimcihii laga hadal hayay masuuliyad xumada uu ku kacay wafdiga dowlada Soomaaliya ee matalayay shacabka iyo qaranka soomaaliyeed. Maxay marka hore ula kulmi waayeen jaaliyada, oo ay ugu wareysan waayeen xaaladahooda, inta ay wadahadal ama heshiis la galayaan dowlada uu ku jiro xisbi aad uga soo horjeedo dadka soo galootiga ah. Hadiiba ay markii hore qaldameen, maxay markii danbe nooga warbixin waayeen waxa uu ku saabsanaa wadahadaladaas iyo kulamada ay la galeen dowlada Norwey.

Walaal Gabadhu waa qabiilkee?: ilinta Yaasmiin iyo arxan darada soomaalida Norwey

FOTO: MARI ALLGOT LIE / NRK

14. April sanadkii 2015 ayay ahayd markii ugu horeysay ee sheekada Yaasmiin iyo laba gabdhood oo kale laga soo daayay barnaamijka Brennpunkt ee tvga NRK. Inkasta oo barnaamijku si guud uga hadlayay xaalada sadexda gabdhood, hadana dadkii diyaariyay barnaamijka waxa ay xoogaa saareen sheekada Yaasmiin, oo ka calool xumo badnaa kuwa labada gabdhood ee kale. Maalmihii xigay waxaa si isdaba joog ah warbaahinta wadanka Norwey loogu soo daabacayay qoraalo iyo warbixino kala duwan oo looga hadlayay xaalkan gabadhan soomaaliyeed ee nolosha silica ah ku nooleyd mudo aad u dheer. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Norwey,  dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo waliba dad kale oo magac ku lehba wadanka ayaa waxay dowlada Norwey ku codsanayeen i xaalka Yaasmiin il gaar ah lagu eego oo aan lagu celin, wadankii ay markii horeba dhibanaha ku ahayd ee Hungry. Dadkaas u doodayay Yaasmiin waxay dhamaantood ahaayeen dad norwiiji iyo qowmiyado kale isugu jiro, oo aan yaasmiin ugu danqaneyn ilaa bini-aadinimo ma ahaane. Ma jirin warbaahin soomaaliyeed ama cid kale oo soomaali ah ka hadashay intii uu cusbaa barnaamijka laga diyaariyay gabadhan. Mudo kadibna waaba la iska ilaaway, oo cid danbe oo ka hadashay ma jirin ilaa laga soo gaaray bisha may 2016, oo ah sanad kadib markii uu soo shaac baxday sheekada Yaasmiin.

NorSom News ayaa noqotay warbaahintii ugu horeysay ee luuqada soomaaliga kusoo bandhigtay xaalka Yaasmiin, waxaana 2-may aan ka qorney kiiska yaasmiin oo markaa loo gudbiyay maxkamada sare ee wadankan. Wixii intaa ka danbeeyayna, sheekada gabadhan ayaa kusii fiday bulshada soomaaliyeed iyo warbaahintaba.

Halkan ka akhri  qaar kamid ah wararka aa ka qorney Yaasmiin:

Maxkamada sare oo go aan ka gaarayso in Yaasmiin in lagu celiyo Hungary iyo inkale

Maxkamada sare ee Norwey oo ogolaatay in gabar soomaali ah wadanka laga ceyriyo.

Wasiirka dastuurka iyo cadaalada Norwey oo laga codsaday inuu ka jawaabo arinta gabadha soomaaliyeed

 

Walaal gabadhu waa qabiilkee?:

Kadib markii aan qoraalka ka sameynay xaalka yaasmiin, waxaa xiriirka nala soo sameynayay dad soomaaliyeed oo kala duwan, ayga oo na waydiinayay su aalo ku saabsan wararka yaasmiin iyo sida uu xaalkeeda yahay. Dadka nasoo wacayay waxaa u badan dumar iyo rag dhalinyaro ah oo aad uga murugaysan xaalka gabadhan, rabana inay wax u qabtaan. Qof walbe waxaa dareenkiisa ka muuqdey shucuur iyo dareen kacsan oo ay qaadeen, kadib markii ay daawadeen, barnaamijka laga diyaariyay gabadha.

Balse waxaa mar walbe jirtay su aal uu qof walbe rabay inuu rabay inuu helo jawaabteeda, inkasta oo ay afka toos usoo marin karin, hadana waxbaa gubayay oo ku qasbayay, iney ogaadaan jawaabta su aashooda. Su aashaas waxay ay ku saabsanayd cida ay tahay Yaasmiin: Walaal gabadhu waa qabiilkee? codkeeda ayaa maqlaye ma reer qansax baa oo dega deegaan hebel?. Aaway dadkeedi, miyaysan ka dhalan qabiil ama cid kale oo qaraabo la ah majirto miyaa?. Odoyadii qabiilka ay ka dhalatay maxaad ula xiriiri waydeen, qaaraan ha usoo uruuriyaane?. Reer Hebel hadey ka dhalatay, waa dad aad isugu xiran ee walaalayaalow la xiriira ha usoo gurmadaane?. 

Ujeedada dadkaas su aalaha na waydiinayay ma garan karno, ma iney gabadha qabiil ahaan wax u taraan ayay rabaan, mise war jaceyl ayay ka ahaydoo, waxay rabeen inay qabiilkeeda ogaadaan. 

Waa sidee xaalka Yaasmiin hada: 

Wenche Hovland FOTO: INGER MARIE NORSTRØM / NRK

Warbaahinta NorSom News ayaa xiriir la sameysay Krisesenteret i Sogn og Fjordane qaybtiisa Fløro oo ah xarunta gacanta ku haysay Yaasmiin mudo todobo sano ah. Xaruntan oo ah mid ay dad norwiiji ah oo isku tagay ay sameeyeen si ay u gacan qabtaan haweenka ay soo gaaraan dhibaatooyinka jir iyo maskax ahaaneed. Wenche Hovland oo ah maamulaha xaruntan ayaa noo sheegay in kadib markii ay ku guul dareesteen inay maxkamada sare ee Norwey ay ka dhaadhiciyiin in Yaasmiin loo ogolaado inay kusii noolaato Norwey, ay hada kiiskeeda ay u gudbiyeen maxkamada xuquuqul insaanka yurub ee kutaala magaalada Strasbourg ee wadanka Faransiiska. Ayaga oo ugu danbeyn ka rajo qabo in ay dowlada Norwey ku cadaadiyaan in aan yaasmiin lagu celin Hungry oo ay faro ku leedahay balse, la siiyo sharciga Norwey si ay ugu noolaato halkan. Waxay intaas ku dartay in Yaasmiin ay tahay qof u xanuunsanaya maskixiyan iyo jir ahaan labadaba, isla markaana xaalkeeda caafimaad uusan saamaxeyn in wadan aysan caawinaad ka heleyn in lagu celiyo.Hungry qofna uma joogo, kaalmo caafimaadna kama helayso, Yaasmiina waxay u baahantahay daaweyn iyo la socosho joogto ah. Ma jiro qof ka socdo jaaliyada soomaaliyeed oo xiriir nala soo sameeyay idinka kahor, dhowr mar ayaan isku dayay inaan raadiyo dadka ka socdo bulshada soomaaliyeed, balse iima soo suurtagalin. Qarashka ku baxay yaasmiin dhamaantiis waxaa bixiyay dad norwiiji ah, oo kadib markii ay daawadeen  barnaamijkaas kusoo tabarucay lacag kaalmo ah iyo waliba hadiyado kala duwan. Sidoo kale qarashka ku baxay maxkamada iyo qareenadii yaasmiin waxaa bixiyay isla dadkaas. Waxaan u sameynay group facebooga ah, taas oo naga saaciday inaan usoo uruurino dhaqaalaha aan ku dabareynay howsha yaamsiin mudadaas dheer. Hadana wali waxaan ku xiranahay dhaqaalaha ay kusoo deeqaan bulshada daneynaya xaalka yaasmiin. Maxkamada xuquuqul insaanka yurub waxay naga rabtaa inaan qabano qareeno waaweyn oo qaali ah si aan uga adkaano qareenada dowlada Norwey oo rabta iney yaasmiin ku celiso Hungry. Dhaqaalaha ku baxayana waa uu ka badanyahay kuwii hore maadaama safar iyo howl jeer la galayo. Lacag ayaa naloo soo uruuriyay ilaa hada 30.000 gaarayso, laakiin wax badan ayaa ka dhiman qarashka ku baxaya howshan. Waxaana laga yaabaa iney maxkamadu socoto mudo sanad ilaa labo sano ah. Laakiin mar walbe waxaan diyaar u nahay inaan Yaasmiin caawino, wax walbe iyo qarash walbe oo nagu qaadataba.

Yaasmiin qabiilkeeda:

Dadkii nasoo wacayay ee na waydiinayay qabiilka Yaasmiin uma aanan heynin jawaab aan markaas siino, laakiin hada ayaan soo ogaaney qabiilka yaasmiin waana kan ee ogaada:

Waa qabiil weyn oo ukala baxa  beelo, kuwaas oo usii kala baxo jilibyo hoose, ayagu waxay sii kale leeyihiin lafo hoose iyo waliba bahooyin kala duwan. Waa qabiil aan mideysneen, majiro wax xiriir oo ka dhaxeeyo beelahaas kala duwan oo mid walbe goonidiisa ayuu ugaas, suldaan, nabadoon, culimo, siyaasiyiin, fanaano iyo waliba odoyaal  u gaar ah leeyahay. Iskuma kalsoono oo wax iskuma ogolo, xaasidnimada iyo nin jecleysiguna waaba u dhaqan iyo caado. Midkoodii dhiban kama war qabaan, hadey ka warqabaana wax uma taraan. Mar-marka qaarkood waaba ay ku digtaan, iney wax u qabtaan iska daaye. Hadii mid kamid ah uu rabo inuu si ilaahay dartiis ah uu wax u qabto, uma waayaan dhaliil iyo wax ey ku duraan. Hadii kooxi is bahaysato oo ay rabto iney bulshada wax u qabtaana, waxaana ka garab yaaca sagaal kooxood oo kale, oo kuwaas ximinaya. Markii uu qabiilkaas uu la joogo cid ajnabi ah, kuli waa wada masaakiin, laakiin markii dhexdooda isla joogaan ayuu mid walbe laoso baxayaa miciyo waaweyn iyo xoog aan horey loo arag. Hadii qof qabiilkaas kamid ah uu xanuunsado ama dhibi gaarto, waxa marka hore la waydiiyaa beesha uu yahay, jilibka uu kasii yahay, kadibna bahda uu ka yahay. Kadib ayaa wax loo taraa ama laga tagaa.

Hada ma wada garateen qabiilka yaasmiin?. Ma cidbuu shaki uga jiraa. waa qabiilka la yiraahdo Soomaali, gaar ahaan bah Norwey. Gabadh ayaga ka tirsan ayaa mudo todobo sano ah ku rafaadsan wadankan, dad aysan diin iyo dhalasho midna la wadaagin ayaa hiil iyo hooba la garab taagan. Kuwa oo kale oo aan aqoon, balse ka damqaday xanuunkeeda ayaa  taageero dhaqaale iyo mid mooraal ahba la garab taagan. Kuwii ayada oo 40.000(afartan kun) gaarayana wadanka ayay joogaan, mid waxtara iska daaye, waxaa marka hore u daran iney ogaadaan qabiilkeeda. 

Hadaba:

Yaasmiin waa gabadh soomaaliyeed ee inaga dhalatay, ceeb ayayna u tahay in mudo todobo sano ah ay gabadhu ku rafaadsanayd Norwey, in aan taageerno iska daaye, xitaa aan la sameyn wax xiriir. Aaway siyaasiyiinteeni, aaway culimadii, aaway nimankii markii ay arkaan wafdi ka socdo Soomaaliya iska daba ordi jirey oo kuraasta hore inay fariistaan isku dagaali jirey. Aaway dadkii heesaha wadaniga ah caloosha nooga soo ridi jirey maalmaha xoriyada, iyada oo uu mid walbaa iska dhigayo wadani dhaartay. NorSom News ahaan waxaan balan qaadeynaa inaan xaalka Yaasmiin si gaar ah ula socono, aana usoo gudbino dadka nagu xiran.

Qofkii ka socdo ama matala jaaliyad, urur, masaajid iyo warbaahin ee raba inuu wax ka ogaado xaalka yaasmiin fadlan la xiriir: Fløro krisesenter oo aad kala xiriiri karto tlf: 57 74 36 00.

Hadii aad rabto inaad lacag ama si kale u taageerto Yaasmiin halkana kala soco xaalkeeda, waa gruopka facebooga ah ee loo sameeyay yaasmiin: Støttegruppen for Yaasmiin. Ama konto nr: 3705.28.88019

 

 

UDI-da oo war rasmi ah kasoo saartay sharci kala noqoshada soomaalida aan degenaanshaha qaadan

Laanta socdaalka ee UDI-da ayaa ugu danbeyn xaqiijisay oo war rasmi kasoo saartay dib u qiimeynta magangalyada soomaalida sharciga kumeel gaarka ah qaadatay wixii ka horeeyay 1. oktober 2014. Arintaas oo ay warbaahinta NorSom News baartay ayna bulshada soomaaliyeed usoo bandhigtay 23-bishii April, markaas oo ay UDI-du amar u dirtay dhamaan xafiisyada booliska Norwey, kana codsatay in loo soo gudbiyo dhamaan codsiyada dadka soomaaliyeed ee ku saabsan sharciga degenaanshaha.

Halkan ka akhri warkii aan qorney 23-april-2016: Dowlada Norwey oo bilaabaysa inay sharciyada kala noqoto soomaalida aan degenaanshaha qaadan.

Bogeeda rasmiga ah ee UDI.no ayay kusoo daabacday fariin ay ku wargalinayso soomaalida codsaday sharciga degenaanshaha in sharcigooda magangalyada dib u qiimeyn lagu sameyn doono, maadaama uu isbadal ku yimid xaalada amni ee Soomaaliya. Waxayna cadeysay in qiimeyn lagu sameyn doono in uu qofka magangalyo wali u baahanyahay ama in ay baahidaas meesha ka baxday oo qofka dib loogu celinayo Soomaaliya. Waxay intaas ku dartay in uu go-aankan yahay mid ka yimid wasaarada dastuurka iyo cadaalada Norwey, ee uu wasiirka ka yahay Anders Anundsen oo ka tirsan xisbiga FRP. UDI-du waxay sheegtay in qiimeynta kadib uu qofka xaalkiisu noqon doono sadex mid:

  • In dib u eegis iyo qiimeyn kadib uu qofku sii haysto sharciga magangalyada(qoxootiga), isla markaana uu sii joogo Norwey

  • Ama in qiimeyn kadib  qofka lagala noqdo sharciga magangalyada(qoxootiga), laakiin la siiyo sharci nooc kale ah, oo uu kusii joogi karo Norwey.

  • Ama in qiimeyn kadib qofka lagala noqdo sharciga magangalyada qoxootiga, aana la siin sharci nooc kale ah, dibna loogu celiyo Soomaaliya.

UDI-da ayaa intaas ku dartay in markii la qiimeeyo baahida magangaylada qofka kadib, loona ogolaado in uu Norwey sii joogo, ayaa laga shaqeyn doonaa codsigiisa ku aadan degenaanshaha rasmiga ee wadanka. Inta qofla looga soo jawaabayo dib u eegista sharciga magangalyadiisa, waxa  uu wadan karaa nolol maalmeedkiisa caadiga ah, sida inuu iskuul aado ama shaqaysto. Hadii qofka ay u timaado jawaab ah in sharciga lakala noqdey, wuxuu xaq u leeyahay in qabsado qareen/abuu kaate(advokat), isaga ayaana la xiriiraya ee dowladu uma qabanayso.

Mar kale ayay UDI-du faah-faahin ka bixisay cida uusan qabaneyn go aanka cusub ee aanan sharcigiisa dib u eegis lagu sameyn doonin, waana dadkan hoos ku xusan:

  • Qofka sharciga magangalyada helay, wixii ka danbeeyay 1. oktober 2014.

  • Qofka haysto oo mar hore helay sharciga degenaanshaha ama dhalashada wadanka.

  • Qofka Norwey la keenay ee laga soo qaaday xeryaha qoxootiga ee kuyaal wadan kale( Aan Norwey iska soo dhiibin, balse la keenay)

  • Qofka sharciga magangalyada ku helay sababo la xiriira bini-aadanimo.

  • Qofka lagu keenay qaab famili ahaan, aana haysan sharciga qoxootiga(Qofka passportka buluuga ah haysto).

Halkan ka akhriso warka ay soo saartay UDI-da oo rasmi ah

Shalay ayay ahayd markii uu wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya uu wadahadalo la galay dowlada Norwey, iyada oo loo badinayo inay geleen heshiis ku aadan in si khasab ah wadankii loogu celiyo soomaalida aan sharciga wali qaadan. Sida ay warbaahinta NorSom News ka xaqiiqsatay ilo xog ogaal ah, waxaa wafdiga Soomaaliya ka socdey kamid ahaa wasiirka amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar oo ah qofka ugu sareeya ee dowlada Norwey u xaqiijin kara in amniga Soomaaliya uu isbadal ku yimid isla markaana soomaalida sharciga loo diidey wadanka dib loogu celin karo. Waxayna arinta xoojinaysa shakiga ah in qayb kamid ah wafdiga dowlada uu Soomaaliya ugu yimid wadahadalka dowlada Norwey ee ku saabsan celinta Soomaalida aan helin sharciga magangalyada Norwey.

Jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey ayaa waxaa soo wajahdey xaaladii ugu adkeyd ee soo marta mudadii ay jaaliyadani dagneed wadankan. Wali taariikhda soomaalida Norwey ma dhicin in dhib iyo daba dagal intaas le eg la kulanto mudo saas u kooban. Waxayna tani kusoo aaday xili ay dowlada talada haysa ee Norwey uu kamid yahay xisbi aad uga soo horjeedo soo galootiga kasoo jeedo wadamada muslimka ah oo ay soomaalidu kow ka tahay, waa xisbiga FRP. Soomaalida Norwey oo aan laheyn dalad mideysan, hogaan guud oo hoos tagaan iyo waliba xubno baarlamaan oo xaqooda uga dooda aqalka ugu sareeya ee looga arimiyo wadanka(Stortinget). Taas oo sahal ka dhigayso in sharci walba oo ajaanibta ku saabsan, kow lagu tijaabiyo Soomaalida inta aan lala aadin ajaanibta kale. Culeyska ugu weyn ee xaaladan adagi waxa uu fuuli doonaa dhamaan siyaasiyiinta soomaaliyeed ee kujiro xisbiyada kala duwan ee wadanka. 

Warbaahinta NorSom News oo loo aas-aasay tabinta iyo daba galida wararka kusoo kordha jaaliyadeena soomaaliyeed ee Norwey ayaa balan qaadayso in wax walbe iyo sharci walbe oo dowlada kasoo baxa aan usoo bandhigno bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka. Shalay ayay ahayd markii ay NorSom News noqotay warbaahintii ugu horeysay ee af soomaali ku qorta kulamadii u dhaxeeyay wafdiga dowlada soomaaliya iyo Norwey.

 

Dowlada Soomaaliya oo heshiis ku saabsan celinta soomaalida la galayso Norwey

FOTO: BENDIKSBY, TERJE / NTB SCANPIX

Waxaa kulamo saacadan aan joogno ay u socdaan wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada  Cabdisalaam Cumar Hadliye iyo qaar kamid ah golaha wasiirada Norwey. Sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay wasaarada cadaalada iyo dastuurtka Norwey waxyaalaha ugu waaweyn ee kulankan looga hadlayo kamid ah in ay dowlada Soomaaliya ay saxiixdo heshiis ku saabsan in dadka soomaaliyeed ee loo diiday sharciga Norwey si khasab ah loogu celin lahaa wadankii. Waxa uuna intaa ku daray in ay wali socdaan kulamadan iyo prosseska heshiiska, iyaga oo  aan faah-faahin dheeri kama bixin karin hada.

Heshiiskan ayaa saameyn ku yeelanayo ilaa 500 oo qof oo soomaali ah oo sharciga magangalyada Norwey loo diiday. Waxa uu sidoo kale saameyn ku yeelaan dadka magangalyada codsaday, balse aan wali helin jawaabta. Dowlada Norwey ayaa sidoo kale dhawaan soo saartay go aan ah in soomaalida aan wali qaadanin sharciga degenaanshaha qiimeyn lagu sameyn doono magangalyadooda, maadaama xaalada amni ee Soomaaliya, gaar aahn caasimada, ay wax badan soo hagaagtay. 

Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa safar shaqo ku yimid wadanka Norwey, maalintii shalay ahayd, iyaga oo ka qaybgalay  kulanka wasiirada arimaha dibada Afrika qaarkood iyo kuwa wadamada NORDICA oo maanta lasoo afmeeray. Arinta la yaabka ah ayaa ah in ay isla maantaba uu wafdiga dowlada kulan ula fariisto dowlada Norwey, iyaga oo an marka hore la kulmin, kana warqaadan jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey. Wafdiga dowlada ayaa waxaa sidoo kale kamid ah madaxa laanta socdaalka dowlada soomaaliya General Abdullahi Gaafow. Waxa ayna arinta e egtahay dhabar jabin ay dowlada Soomaaliya ula bareertay muwaadiniinta soomaaliyeed ee nolosha usoo raadsaday wadankan Norwey.

Arinta kale ee sidoo kale layaabka leh ayaa ah in laanta socdaalka dowlada Norwey ee UDI ay muwaadiniinta Norwey uga digtay inay u safraan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, xaalado amni owgeed. Dowlada Norwey ayaa xaga gala rabto inay soomaalida sharciga loo diidey ay ku celiso bartamaha iyo koonfurta soomaaliya, oo ah meelaha ay muwaadiniinteeda uga digtay inay u socdaalaan. 

2353300_hc4df906d16c6ba68171f_v1359573494_250x450Xildhibaan Baashe Muuse oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Oslo ayaa ka digay halista ka dhalan karta heshiiskan iyo inta dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diidey lagu celiyo wadankii. Baashe ayaa sheegay in dadka qaarkood ay yihiin kuwa wadanka joogay waxbadan, isla markaana kamid noqdey mujtamaca. Wuxuu intaa ku daray baashe in xaalada amni ee gobalada dalka qaarkood, gaar ahaan koonfurta uusan wali aheyn mid la isku haleyn karo, maadaama dhul badan oo kamid ah ay wali awood ku leeyihiin al shabaab. 

Dowlada Norwey ayaa horey heshiis lagu celinayo dadka ula gashay Ethopia, iyada oo wada hadalo kula jirta dowlada Ereteriya, iyada oo maantana u eg mid ku guulaysatay heshiis la galista dowlada Soomaaliya.

Dhalinyaro dhexda u xiratay badbaadinta ubadka soomaaliyeed ee gobalka Østfold.

Warbaahinta qaranka Norwey ee NRK-ga ayaa warbixin ka diyaariyay urur ay isku bahaysteen dhalinyaro soomaaliyeed oo ka dhisan gobalka Østfold, kaas oo ka shaqeeyo sidii ubadka soomaaliyeed ee kunool gobalkaas loogu badbaadin lahaa kooxaha kriminalka ah iyo in laga saacido inay iskuulka dhamaystaan. Mahad Abuukar Osman oo ah gudoomiyaha ururkan oo magaciisu yahay organisasjonen Horn of Africa’s Youth, ayaa sheegay in hamiga guud oo ay u aas-aaseen ururkan uu yahay in bulshada soomaaliyeed, ee ku dhaqan gobalkaas ay noqdaan kuwo isku duuban, waxna la qaybsado bulshoweynta kale ee ku dhaqan Østfold.

Mahad oo sharaxayay sababta ay caruurta soomaaliyeed uga dhacaan iskuulada, ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay tahay dhaqaalo yarida soo wajahda caruurtan marka ay iskuulka dhigtaan. Taas oo ku dhalisa hami ah in ay lacag si fudud ku helaan, ugu danbeyna sababi karto inay kamid noqdaan kooxo ka shaqeeyo howlo kriminalitet ah.  Dhalinyaradan isku xilqaamay howshaas weyn ee muhiimka ah ayaa siyaabaha ay u dhiirigaliyaan ubadka soomaaliyeed waxaa kamid ah: inay u qabtaan seminaaro ay ku casuumaan aqoonyaho soomaali ah oo wadanka wax ka bartay si ay u ugu dhiiragalayiin inay waxbartaan oo mustaqbalna samaystaan. Waxa ay sheegeen in ilaa hada ay 35 dhalinyaro ah ay iskuulka kusoo celiyeen, halka 12 kamid ahna ay jaamacad sii codsadeen. 

Stina Røyrvik oo ka tirsan maamulka degmada Fredrikstad, kana mid ah dadka sida dhow ula dhaqeeyo ururkan ayaa sheegtay in howsho ay hayaan ay tahay mid aad u muhiim, loona baahnaa.

Warkan oo dhamaystiran halkan ka akhri(les saken på norsk her)

 

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya iyo Gaafow oo safar shaqo ku joogo Norwey

Wasiirka arimaha dibada dowlada Soomaaliye Cabdisalaam Cumar Hadliye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa socdaal shaqo kujoogo Norwey, isaga uu ka qaybgalayo kulanka wasiirada arimaha dibada ee dalalka afrika qaarkood iyo dalalka la isku yiraacdo NORDIC. Kulankan oo ah mid sanad walbe dhaca ayaa sanadkan waxaa marti galiyay dowlada Norwey, waxaana kulan hogaamin doono wasiirka arimaha dibada dowlada Norwey ee Børge Brende. 

Sida ay warbaahinta NorSom News kasoo xigatay war rasmi ah oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee Norwey, waxa uu kulankan furmi doonaa maanta, waxaana lasoo gaba gabeen doonaa maalinta bari ah. Waxaana waxyaalaha looga hadlayo ee miiska saaran ugu waaweyn kobcinta shaqaalada wadamada Afrika, dadka soo usoo tahriibayo qaarada yurub iyo waliba arimaha xagjirnimada oo dhaawac dhaqaale iyo mid amniba ku hayo dowlada afrika qaarkood.

Sida aan ku helayno warar hoose, waxaa wafdiga wasiirka arimaha dibada kamid ah, madaxa laanta socdaalka ee dowlada soomaaliya General Abdullahi Gaafow. Waxa ayna tani kusoo aadaysaa mudo bil iyo bar ah kadib, markii ay dowlada Norwey soo saartay go aan ah inay wadankii dib ugu celinayso soomaalida aan wali qaadan sharciga degenaanshaha(permanent oppholdtillatelse). Sida aan ognahay Gaafow waxa uu laba mar oo hore yimid wadankan Norwey, mar uu la socday wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Soomaaliye Cabdisamad Macalin iyo mar uu kaligi ahaa, markana waxa ay noqon doontaa markii sadexaad.

Wixii kusoo kordha socdaalka wasiirka arimaha dibada ee Norwey iyo General gaafow kala soco warbaahinta NorSom News

Wasiirka dastuurka iyo cadaalada Norwey oo laga codsaday inuu ka jawaabo arinta gabadha soomaaliyeed

Karin Andersen oo ah xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Norwey, kana tirsan xisbiga SV ayaa ka codsatay wasiirka dastuurka iyo cadaalada Norwey ninka lagu magacaabo anders anundsen,   inuu ka jawaabo sababta yaasmiin oo ah gabadh soomaaliyeed oo dhibaato haysato, xanuunsana la rabo in wadanka looga ceyriyo.Karin ayaa sheegtay in qofka bini aadanimo loogu gargaaro ama la siiyo magangalyo aysan micno yeelan doonin, hadii gabadhan wadanka laga celiyo oo lagu celiyo wadanka Hungry oo ay faro ku leedahay.

Yaasmiin oo Norwey timid 2009 ayaa la ildaran xanuun iyo dhibaatooyin nafsiyan iyo jir ahaanba ah oo kasoo gaaray 15 sano oo ay dhibane u ahayd niman gabdhaha jirkooda ka ganacsado.  2010 ayay Norwey waydiisatay magangalyo, balse UDI-da ayaa diiday inay siiso magangalyo maadaama ay sharci iyo faro ku leedahay wadanka Hungry. Kadib racfaan ay yaasmiin qaadatay ayaa maxkamada sare ee Norwey ogolaatay in yaasmiin wadanka laga celin karo.

Halkan ka akhri warbixin aan horey uga qorney yaasmiin:

Maxkamada sare oo ogolaatay in wadanka laga celin karo

Halkana ka akhri warbixintan oo norsk ku qoran(les saken på norsk her)

 

 

Booliska Norwey oo lagu eedaynayo midab-takoor ka dhan ah ajnabiga

Foto: Henrik Kreilisheim

Waligaa adoo tareen kasoo dagay ama magaalada iska dhex maraya malagu istaajiyay, oo si kadis ah malaguu waydiiyay inaad sharcigaago keento?. Booliska Norwey ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waday olole ay rabaan inay dadka aan sharciga ku joogin wadanka ama horey u galay danbi, ay wadooyinka ka qabtaan si ay u xiraan ama u celiyaan.  hadaba su aasha ayaa ah sidee ayay ku doortaan qofka ay istaajinayaan?. 

Dhalinyaro badan oo wadanka ku kortey oo wax badana daganaa, horeyna aan wax danbi ah u galin, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ka cabanayay in  boolisku ay wadada ku istaajiyeen dhowr mar iyaga oo sharci waydiinaya. Waxaana dadka  la istaajiniyo u badan dhalinyarada midabkoodu uu madowga yahay.  Arintaas oo dhalisay dood badan oo ah inay boolisku ay midab takooraan oo ay  si ka duwan dadka kale ula dhaqmaan ajaanibta aan midabkoogu cadaanka ahayn. 

Dhaqanka ah in ay boolisku ay si gaar ah u ugaarsadaan dadka midabkoodu madowga yahay ayaa ah mid aad uga dhaqan galay wadanka mareykanka. Hadii aad tahay qof madow ah, jaaniska ah in lagu baaro ama lagu xiro waxay wax badan ka sareysaa in qof cadaan la baaro ama la xiro. waa sababta keentay in sadex meelood meel(1/3) dadka ku jiro xabsiyada mareykanka ay yihiin dad midabkoodu madow yahay. dhibtaas waxaa sidoo kale qabo oo dadka madowga ah kusoo xigo, dadka ka yimid qaarada Latin America ee Hisbanica la yiraahdo.

Ex-Xildhibaan Ubah Abdullahi Aden oo kamid ah dadka uu journalka Utrop ka waraystay arintan ayaa xaqiijisay in arintaas jirto, oo ay ka warqabto dad dhalinyaro iyo dad waaweyn isugu jiro oo ay qabsatay arintaas. Waxaana kamid ah dhibaha ay la kulmaan in wadada lagu istaajiyo ama loo diido inay galaan meelaha qaarkood. Dadkan ayaa sheegay in lagu takoorayo sababtoo ah midabkooda ama labiskooda ayaa ka duwan kan dadka kale. Ubah ayaa intaas ku dartay in dareenka iyo xanuunka ka dhasho marka qofka si xaqdaro ah loola dhaqmo ama hoos loo eego uu yahay mid aad u adag.

Horey ayaa booliska Norwey loogu eedeeyay midabtakoor iyo faquuq ka dhan ah dadka afrika ka yimid iyo waliba dadka Romka loo yaqaano. Waxaana arintaas xili sii horeysey xaqiijiyay hay-ada xuquuqda aadanaha ee Norwey. Qaramada midoobey ayaana kamid ah dadka eedeeyay midabtakoorka iyo habdhaqanka booliska Norwey.

Mar wax laga waydiiyay xalka arintaas ayay ubah ku jawaabtay in ay kalsoonida ka dhaxayso booliska iyo shacabka ay tahay mid muhiim ah. Boolisku shaqadiisa ma ahan kaliya inuu dadka danbiga gala uu xiro, balse wuxuu howlo kala duwan u hayaa bulshada, ayna kamid tahay ka hor tagida iyo ilaalida kala danbeynta. Si taas u suurtagashana kalsoonida ka dhaxayso shacabka iyo boolisku ay tahay mid laga maarmaan. Waxayna intaas ku dartay in sidoo kale ay muhiim tahay in uu boolisku diiwaan galiyo  dhamaan waxa uu qabanayo, kvittering iyo cadeyna uu siiyo qofka la istaajiyay si loo ogaado dhibaatadu heerka ay gaarsiisan tahay.

 

Halkan ka akhriso warbixintan oo dhamaystiran(les saken på norsk her)

Halkana ka akhri eedeynta qaramada midoobey ee booliska Norwey( FN’s kritik mot norsk politi)

Ciise midnimo oo shalay guul muhiim ah ku hogaamiyay kooxda KFUM

0

Foto: Guttorm Lende/KFUM-kameratene Oslo

Captankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya Ciise Aden Abshir (Midnimo) ayaa mar kale kamid noqdey halbowlayaasha kooxda KFUM, kadib markii ay shalay shan iyo eber(5-0) ku xasuuqdeen kooxda Levanger. Ciise ayaa daqiiqadii 75-aad dhaliyay goolka afaraad, goolkaas oo ah kii ugu horeeyay ee uu dhaliyay tan intii uu usoo wareegay kooxda KFUM. Ciise oo shalay si weyn uga dhex muuqday garoonka ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa xidigii ciyaarta (man of the match). 

Ciise midnimo oo kadib ciyaarta waraysi gaaban siiyay wargayska Dagavisen ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu ugu danbeyn shabaqa soo taabtay. 

Waligey waxaan ka ciyaari jiray weerar, marka laga reebo xili ciyaareedkii ugu danbeeyay ee aan la joogay kooxda Eidsvold Turn. Si fiican ayaa la iiga soo dhaweeyay kooxda KFUM, sharafna beyna ii tahay inaan gool u dhaliyo. Maadaama aan ahay  weeraryahan hore, farxad gooni ah ayay leedahay, inaad aragto kubado oo shabaqa galayso.

Ciise midnimo oo saftay dhamaan sagaalkii kulan oo ay  xili ciyaareedkan ciyaartay kooxda KFUM. Isaga oo soo bandhigay xirfad ciyaareed heer sareeyo iyo dadaal aan joogsi laheyn. KFUM ayaa hada ku jirta kaalinta 9-aad, iyada oo 10 dhibcood ka danbeeya kooxda hogaaminayso horyaalka heerka labaad ee Sandefjord. 

Halkan ka akhriso warkan oo af norsk ku qoran(les saken på norsk her)

 

 

 

Maxkamada sare ee Norwey oo ogolaatay in gabar soomaali ah wadanka laga ceyriyo.

Maxkamada sare ee Norwey ayaa maalintii shalay ahayd soo gaba-gabaysey dhagaysiga dacwada racfaanka laga soo gudbiyay UDI-da ee ku saabsan in gabar soomaali ah oo wadanka soo gashay 2009, dib loogu celiyo wadanka Hungry oo ay faro ku leedahay. Gabadhan oo sida ay sheegeen dhakhaatiirta baartay in ay maskixiyan og jir ahaanba u xanuunsantahay, ayna la ildarantahay dhibaatadii kasoo gaartay sanado badan oo ay ku jirtay xaalal nolol adag. In dib loogu celiyo wadanka Hungry ay keeni karto in xaaladeeda caafimaad ay kasii darto, maadaama aysan caawin fiican ka heli doonin wadanka Hungry oo markii hore faro kasoo qaaday.

Halkan akhri warbaxinta aan ka qorney yaasmiin, bilowga maxkamada.

Maxkamada sare oo baareysey in dib u celinta yaasmiin jabinayso qodobta sadexaad ee xeerka ururka xuquuqul-insaanka yurub, ayaa sheegay inaysan celinta yaasmiin aysan jabineyn qodobkaas. Isla markaana ay dowlada Norwey oo markii go aanka celinta Yaasmiin gaartay aysan wax khalad ah gelin. Dowlada Norwey ayaa horey u sheegtay in celinta Yaasmiin ay tahay mid ay ku saleysay, xeerka ay dhigteen wadamada ku bohoobay Dublinka. Kaas oo dhigaya in qofka uu ku noolaado wadanka uu uu markii hore iska dhiibay oo faraha ku leeyahay.

Halkan ka akhriso go aanka maxkamada oo rasmi ah( officiel)

Halkana ka akhriso nrk oo wax ka qorey shalay

Prof. Jawaari oo ka baaqdey booqashadiisii Norwey.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya prof.  Mohamed Osman Jawari oo loo balansanaa inuu maanta kasoo dago Norwey si uu uga qaybgalo xuska sanadguurada 10-aad ee xarunta nabada Oslo-senter, ayaa ka baaqday safarkiisii Norwey sababo shaqo awgeed. Khilaaf cusub ayaa soo kala dhexgalay madaxda sare ee dowlada Soomaaliya iyo golaha baarlamaanka. Khilaafkaas oo salka ku hayo heshiis ay horey u wada saxiixeen beesha caalamka, dowlada soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada qaybta ah dowlada federaalka. Waxaana hada socdo kulamo joogto ah oo ay yeelanayaan madaxda dowlada iyo baarlamaanka.

 

 

Captan Ciise Midnimo oo markale kasoo dhex muuqday horyaalka labaad ee Norwey.

0

Kabtankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxda Elman, Ciise Abshir Aden(Midnimo) oo sanadadii ugu danbeeyay ka ciyaariyay kooxo kala duwan oo Norwey ka tirsan hortaalka heerka labaad ee wadanka ayaa hada u muuqda inuu boos joogto ka helay kooxda KFUM. Midnimo ayaa tababar la qaadanayay kooxda intii la guda jiray vinterkii, waxaana uu cajabiyay bahda tababarka iyaga oo go aansaday inay ka ciyaarsiiyaan difaac, halka uu marka uu hore ahaa weerar, marna-marna weerar xigeen(doobi noome).

Macalinka Kooxda ayaa amaan kala duldhacay Ciise shalay markii ay kooxdiise ka badiyeen Bryne. Ciise waxaa yar khaladkiisa, waana uu dheereeyaa. Waxa uu aad ugu fiicanyahay kubada madaxa ah, waxa uuna kubada si dhaqso ah u gaarsiiya laacibada kale ee garoonka kujiro, taas oo keenayso inay kooxdu weerar abuurto.

Ciise ayaa kasoo ciyaaray wadamo kala duwan oo ay kamid tahay Soomaaliya, Tanzaniya iyo Malta iyo kooxo dhowr ah oo ka tirsan horyaalada kala duwan ee wadanka Norwey.

Warkan oo norsk ah  halkan ka akhri

 

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.