tirsdag, april 23, 2024

Askarigii xabada ku dhuftay gabadha soomaalida ah Grønland oo la sheegay inuusan qalad galin

Kooxda booliska Norwey u qaabilsan  baarida iyo xukumida danbiyada ka dhaca askarta ka tirsan booliska(Spesialenheten) ayaa ugu danbeyn soo saaray warbixin ay ku qiimeenayaan dhacdadii uu nin ka tirsan booliska Norwey xabad caloosha uga dhuftay hooyo soomaali ah oo degan magaalada Oslo. Kooxdan oo loo xilsaaray iney xaqiijiyeen in askarigu uu ku khaldanaa inuu xabad isticmaalo ayaa warbixintooda kusoo gabagabeeyay in uusan  sameyn wax khalad ah, markii uu xabad ku ridayay gabadhan soomaalida ah. Ayagoo sheegay in xaalada markaas meesha ka jirtay aysan u saamixin ninkan inuu qiimeeyo awooda uu isticmaalayo nooca ay noqon karto. Sidaas darteedna ay laaleen dacwadii loo heystay maadaama uusan ku kicin fal danbi ah. Waxayna sheegeen in ay go aankan ay gaareen kadib markii ay waraysteen 10 qof oo markhaati ka ahaa dhacdadan, ay dhagaysteen codkii laga duubay dhacdadan, arkeena dhamaan warbixinadii ay soo gudbiyeen Follo politidistrikt oo baareysay dhac-dadan Oslo ka dhacday september sanadkii 2015. Kooxdan ayaa intaas ku dartay in ay sidoo kale baarayeen in ay ninkan xabada ay ka fakatay iyo in kale, iyada ooxaqiijiyay in xabada uu askarigu ridey oo aysan ka fakan.

Wiilka yar miyaa khatar ku jiray mise ninka askariga:

Booliska Oslo ayaa bilowgii dhacdada sheegay in uu askarigu xabad ugu dhuftay gabadha si uu u badbaadiyo nolosha wiilka yar ee khatarta ku jirtay, maadaama ay gabadhani mindi ku dili rabtay. Balse warbixinta ay soo saartay kooxdan ayaa sheegaysa in aysan arkeyn meel lagu baadbaadinayo nolosha wiilka yar. Waxay sheegeen in ninkani markii uu yimid goobta uu arkey haweenaydan oo mindi ku garaacayso ama ku mudayso wiilka yar. Kadib wuxuu ka codsaday inay iska dhigto mindada marar badan, balse ma aysan maqlin ee xagiisa ayay usoo dhaqaaqday iyada oo wadata mindida, korna u qaadayso. Kadib markii uu sameeyay qiimeyn ah in ay naftiisa iyo mida askarta kale ee la socotay ama qof sadexaad uu meesha joogay ay khatar kujirto ayuu riday xabada. Waxay kaloo sheegeen in uu waqti yar u dhaxeeyay marka uu ninkan soo gaaray goobta iyo markii ay haweenaydu mindida xagiisa ula soo dhaqaaqday, taas oo aan siin waqti badan oo uu wax ku qiimeeyo. Ninkan oo waraysi bixiyay mar hore ayaa yiri: Inta aanan xabada ridin waxaan ku fakaray, ama aniga ama ayada ama saaxiiba kalee shaqada igula jira, ama wiilka yar ayay dib ugu noqon kartaa.

Dad badana ayaa iswaydiin karo sida uu nin boolis oo loo tababarey inuu badbaadiyo naf bini aadam uu mindi yar oo rootiga la marsado uga dhigi waayay haweenay. Waxaa marka uu ninkan xabada ridiyay la socday ilaa dhowr askari oo kale oo qaar kamid ah ay wateen gaashaan. Dad badan oo goob joog ka ahaa dhacdadan ayaa sheegay in ninkan booliska uu si fudud uga dhigi karay mindida isaga oo aan adeegsan xabad. Waxaa kaloo la is waydiinayaa sababta uu booliska Oslo mediyaha wadanka u galiyay in ay gabadha dili rabtay wiilka yar iyaga oo aan dhacdadan baarin ama wax badan aan ka ogaan. 

Qareenka gabadha Odd Ivar Aursnes Grøn ayaa sheegay inuu dhawaan uu helay warbixintan. Isla markaana ay akhrin doonaan, kana fakari doonaan inay ka dacwoodaan iyo in kale

Qareenka u doodayay askarigan ayaa dhankiisa sheegay inuu  markii horeba uu aaminsanaa inuu sameeyay wax sax ah, hadana ay timid cadeyntii arintaas. Wuxuu kaloo sheegay inuu dhib ku qabay warbaahinta oo si ka duwan sidii wax u dhaceen wax uga dhacdadan markii hore.

Soomaalida Norwey, gaar ahaan kuwa Oslo ayaa aad uga gilgilatay dhacdadan iyaga oo laba mudaharaad oo waaweyn ka dhigay magaalada Oslo, iyaga oo codsanayo in xaqeeda la siiyo hooyadan isla markaana cadaalada la horkeeno askarigii gabadha ku dhuftay xabada. Iyada oo dadka qaarkii ay aaminsanaayeen in askarigu uu si xilkasnimo la aan ah uu xabad caloosha uga dhuftay gabadhan isaga oo awoodi karay inuu si kale mindida ay sidatay oo ah mida rootiga wax lagu marsado uu uga dhigo.

 

Halkan ka akrhi warbixinta kooxdan oo dhamaystiran

Halkana ka akhri Aftenposten ama NRK oo ayaga wax ka qoray dhacdadan maanta.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x