torsdag, mars 28, 2024

Norwey oo darbi ka dhiseysa xuduudka ay la wadaagto Ruushka

Wasiirka cadaalada Norwey Anders Anundsen oo ka tirsan xisbiga FRP ayaa maanta soo bandhigay qorshahan cusub oo ay ku adkeynayaan xuduudka ay Norwey iyo wadamada ku midoobay Schengen ay la wadaagaan Ruushka. Kaas oo ah in ay dabri dhererkiisu yahay 200 oo mitir ay ka dhisayaan albaabka laga soo galo xuduudka ay Norwey la leedahay wadankaas. Arintan ayaa jawaab u ah qoxooti 5.400  gaaraya  oo sanadkii lasoo dhaafay Norwey kasoo galayay dhanka Ruusha, ayaga oo marka hore Viso usoo qaatay ruusha, kadibna baaskiilo kusoo galay Norwey.  Arintan ayuu sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelin doonin isu socodka dadka iyo gaadiidka caadiga ah ee ukala gudba labada wadan.

Dowlada Ruushka ayaa horey u diiday in wadankeeda dib loogu soo celiyo dadka visaha kusoo galay markii hore ee usoo gudbay Norwey. Taas oo dhabarjab ku noqotay Norwey oo rabtay inay Rusia u celiso dhamaan dadka usoo gudbay Norwey ee  visaha kuleh ama wax badan daganaa wadankaas.

Norwey ayaa ku biirtay wadamo kuyaal qaarada Yurub oo darbiyo ka dhisay xuduudka ay la wadaagaan wadamo ay  daris layihiin, ayaga oo ka cabsi qaba in ay usoo galaan qoxooti badan oo magangalyo doon ah. Horey ayay Norwey usoo saartay in kontorool joogto ah la saaro xuduuda, isla markaana qofka aan sharci u laheyn inuu qoxootinimo waydiisto laga celiyo xuduuda.

Les saken på norsk her(warkan oo af-norske ah halkan ka akhri)

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x