torsdag, mars 28, 2024

Lysbakken: Sylvi Listhaug waxay dayacday howshii loo xilsaaray

Audun Lysbakken  oo ah gudoomiyaha xisbiga SV ahna xubin katirsan baarlamaanka ayaa eedeyn u jeediyay wasiirka arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka wadanka Norwey ee Sylvi Listhaug. Waxa uuna ku eedeeyay inay xooga saartay kaliya qayb kamid ah shaqadeeda, ayada oo aan waxbadan ka qaban qaybtii kale ee wasaaradeeda. Ilaa intii loo magacaabay xilkan wasiirnimo wax muuqda kama qaban ama masoo bandhigin qorshe ku aadan qaabka dadka qoxootiga ah ee cusub loo dhaxgelin lahaa mujtamaca intiisa kale, ayuu yiri Audun oo maqaal maanta kusoo daabacay wargayska Dagbladet.

Shaqada wasaarada loo xilsaaray waxay ka koobantahay laba qaybood, qaybta soo galootiga iyo qaybta isdhexgelka bulshada. Ilaa hada waxaan aragnaa Listhaug oo maalinba maalinta ka danbaysa keenaysa ama soo jeedinayso sharci ku saabsan sida loo adkeyn lahaa sharciga qaxootiga, balse ma aysan soo bandhigin wax soo jeedin ah oo ku aadan sida dadka intii wadanka soo galay ama sharciga ku helay looga caawin lahaa in ay qayb ka noqdaan bulshada inteeda kale. Arintaas oo hadhow dhibaato u keeni karta dadkan wadanka kucusub iyo waliba mujtamaca guud ahaan. Waxa ayna arintan kusoo aadaysaa xili 31.000 oo qoxooti ah iska soo dhiibeen Norwey sanadkii 2015. Dadkaas oo badankood u badantahay inay sharci helaan.

Lysbakken ayaa mar sii horeysay sheegay in siyaasada xisbiga FRP ee ku aadan dadka soo galootiga ah ay keeni karto inay dadka ka dhex-baxaan oo isku soo koobaan xaafado aan xiriir la laheyn dadka intiisa kale. Waa hadii aysan dowlada iska xilsaarin oo la imaan qorshayaal cad-cad oo ku aadan sida dadkaas loo soo dhexgelin lahaa dadka intiisa kale.

Dhankiisa ayuu soo bandhigay siyaada xisbigiisa ee ku aadan arinta.

Les hele kronikken her(Halkan ka akhri maqaalka uu qoray oo dhamaystiran)

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x