fredag, april 19, 2024

Niman soomaali iyo ajnabi kale ah oo dadka u akhriya teoriga oo la fashilay

Tvga Nrk ayaa dabagal ku sameeyay koox dadka ka caawisa inay si aan sax aheyn ku qaataan leysinka baabuurta caadiga ah, taxi-ga iyo waliba busaska waaweyn. Arintan ayaa waxaa ka danbeeya shabakad isku xiran oo rag soomaali ah ay madax ka yihiin, balse ay la shaqeeyaan ajaaniib kale oo carab, pakistaan iyo iiraani isugu jira. 

Ragan ayaa sida ay xaqiijiyeen wariyeyaal ka socda NRK oo dabagal weyn ku hayay xili dheer, xarun weyn ku leh meel aan sidaas uga fogeyn saldhiga booliiska Grønland oo ah kan ugu weyn ee wadanka. Waxa ayna qofkii ka qaataan lacag u dhaxaysa 3000 ilaa 6000. 

Hay-ada qaabilsan wadooyinka ee vegvesen ayaa xaqiijisay imtixaanada ay ragan iibiyaan ay yihiin kuwii saxda ahaa, balse aysan garaneyn sida ay ku heleen iyo waliba cida ka caawisay inay helaan. Booliska ayaa ilaa hada wax howlgal ah aan ku qaadin gurigan ay shalay soo bandhigtay NRK in  lagu akhriyo imtixaanada.

Arintan ayaa ilaa xalay la isla dhex marayay baraha bulshada , ayaga oo dad badan sheegeen inay dhibaato kala kulmaan raga ajnabiga ah ee wada gaadiidka dadweynaha. Marar badan ayay sheegeen inay arkaan rag wata leesinka taxi, laakiin aanan qofka geyn karin meeshii uu u baahnaa.  

Xawaaladaha oo ah ilaha dhaqaalaha ugu waaweyn ee soomaalida kunool wadanka ayaa sidoo kale la sheegay inay arinta lug kuleeyihiin. Sida ay sheegtay NRK lacago badan oo nimankan ka shaqeystaan howshan inay u diraan meelo ay soomaaliya kamid tahay, ayaga oo sii marsiinaya xawaaladaha.

les mer på norske her (Warkan oo dhamaystiran halkan ka akhri)

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x