lørdag, april 20, 2024

DF Soomaaliya oo aad u canbaareysay dowlada Sweden.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku cambaareysay Sweden inay xagjiriin dalkeeda ku sugan u ogolaatay inay nuqul ka mid kitaabka qur’aanka kariimka ku gubaan dibadbax ka dhacay magaalada Stockholm.

Dibadbaxa, oo Sabtidii ka dhacay banaanka safaaradda Turkey ee caasimadda Sweden, ayaa waxaa hoggaaminayey Rasmus Paludan oo u dhashay dalka Denmark balse sidoo kale haysta dhalashada Sweden, kaasi oo ah nin Islaamka iyo soo-galootiga neceb.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay si xooggan u cambaareyneysaa in mas’uuliyiinta Sweden ay u ogolaadeen nin xagjir ah inuu nuqul ka mid ah qur’aanka ku hor gubo Safaaradda Turkey ee magaalada Stockholm, Sabtidii (January 21), taasi oo ka dhigan xadgudub cad oo ka dhan ah xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.”

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ogolaanshaha ficilkan naceybka ah uu aflagaado ku yahay xurmada iyo qiyamka Islaamka, islamarkaana aan la aqbali karin.

“Waa kaliya dhaqan dareen kicin oo taageero lagu raadinayo, islamarkaana sare u qaadaya nacaybka, una adeegaya ajende xagjirinimo iyo argagixisanimo,” ayey tiri wasaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegtay inay xaqiijineyso mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wadahadalka, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada nacaybka iyo rabshadaha.

“Waxay [Soomaaliya] dib u cusbooneysiineysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo astaamaha diinta, iyo in laga fogaado hurinta nacaybka iyo hurinta colaadaha iyadoo lagu xadgudbayo oo la qalloocinayo diinta, xurmada iyo caadooyinka Islaamka” ayey tiri.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyn sheegtay in Soomaaliya ay ugu baaqeyso Sweden inay tallaabooyin ka qaado naceybka sare usii kacaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, ayna ugu baaqeyso beesha caalamka inay mas’uuliyad iska saaraan wax ka qabashada Islaam naceybka.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x