torsdag, april 25, 2024

Mareykanka oo billaabay qaab ay shacabka ku keeni karaan qaxooti (Group 5)

Dowladda Mareykanka ayaa billowday barnaamij u ogolaanaya shacabka inay kafaalo qaadaan (sponsor) oo ay dalka Mareykanka keenaan qaxooti, ayaga oo lacag isku daraya, taasi oo sare u qaadi karta qaxootiga dalka imanaya, islamarkaana yareyn karta qarashka ka baxa dowladda.

Barnaamijkan cusub ee ay daaha ka rogtay Waaxda Arrimaha Dibedda oo lagu magacaabo Welcome Corps, ayaa shan qof waxay iska ururin karaan ugu yaraan $2,275, halkii qofba ee ay dalka keenayaan, si lacagtaas loogu taageero guri dejinta iyo baahiyaha kale ee aas-aasiga muddda saddexda bilood ah ee ugu horreysa ee ay Mareykanka ku cusub yihiin.

Kooxda wax sponsor gareyneysa, ayaa noqon karta muwaadiniin Mareykan ah, ama kuwa degan dalka ee haysta green card, waxaana looga baahan doonaa inay maraan hubin shaqsiyeed (background check), ayna abuuraan qorshe taageero, sida ku cad website barnaamijka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa barnaamijkan ugu yeeray “hindisihii ugu dhiiranaanta badnaa ee dib-u-dejinta qaxootiga” tan iyo markii uu Mareykanka billaabay soo qaadista qaxootiga 1980-kii. Waxa uu sheegay in kooxo diimeedyada, askarta, ganacsiyada iyo jaamacadaha ay ka qeyb-gali karaan barnaamijka.

Barnaamijka ayaa ujeedkiisu yahay in la helo 10,000 oo kafaala qaada 5,000 oo qaxooti ah sanad xisaabeedka 2023, oo ku eg bisha September, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Barnaamijka oo la mid ah midka Canada ee loo yaqaan Group Five, ayaa qeyb ka ah dadaal ballaran oo madaxweyne Joe Biden oo Dimoqraadi ah uu shacabka Mareykanka ku siinayo fursad ay ku taageeraan ajaaniibta raadinaya badbaadada.

Maamulka Biden ayaa habkan cusub u arka mid taageero dheeri ah siin kara qaxootiga kadib markii madaxweyne hore ee Mareykanka Donald Trump oo Jamhuuri ah uu ka dhigay kuwo halis amni ah, islamarkaana uu aad u yareeyey keenistooda, taasi oo weli aan laga soo kaban.

Biden ayaa cadaadis kala kulmaya Jamhuuriga sababo la xiriira siyaasaddiisa ku aadan amniga xuduudda, ayada oo tiro aan horey loo arag oo muhaajiriin ah ay isku dayayaan inay si sharci-darro ah uga soo tallaabaan xuduudda Mexico.

Hase yeeshee, barnaamijka Welcome Corps ayaan la fileyn inuu saameyn dhow ku yeesho xuduudda, maadaama qaxootiga lagu soo qaadayo ay galayaan hanaan codsi oo muddo dheer qaadanaya ayaga oo ku sugan dalal kale, si gaar ah meelaha ay dagaallada ka socdaan.

Maamulka Biden ayaa horraantii Bishan billaabay barnaamij bani’aadannimo oo tijaabo ah, oo qiyaastii 30,000 oo qof oo muhaajiriin ka kala socda dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela ay bil walba kusoo geli karaan Mareykanka haddii ay haystaan dad sponsor gareeya, islamarkaana ay kusoo safraan diyaarad.

Maamulka ayaa sidoo kale barnaamijkan u adeegsaday in dalka loogu ogolaado dadka Afghanistan iyo Ukraine ee soo qaxaya.

Barnaamijka Welcome Corps ayaa qaxootiga keeni doona ayada oo la marayo Barnaamijka Dib-u-dejinta Qaxootiga ee Mareykanka, kaasi oo tixraacyada ka hela Qaramada Midoobe iyo safaaradaha Mareykanka.

Biden ayaa sanad xisaabeedkan waxa uu qaxootiga uu Mareykanka keenayo ka dhigay ugu badnaan 125,000, taasi oo billaabatay 1-dii October 2022. Waxaa dalka yimid 6,750 intii u dhaxeysay October illaa December, sida ku cad xogta barnaamijka, taasi oo ka dhigan in tirada ay ka yaraan doonto hadaf sanadeedka.

Qaxootiga iminka imaanaya Mareykanka ayaa waxaa caawiyaa sagaal hay’ado dib-u-dejin oo isku halleeya maal-gelinta dowladda. Qaar ka mid ah hay’adahaas ayaa hadda qeyb ka ah taageeridda qorshaha Welcome Corps.

Lixda bilood ee ugu horreysa hindisaha cusub, Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa shacabka wax sponsor garaynaya ku xiri doonta qaxootiga kiisaskooda horey loo ansixiyey, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda. Bartamaha 2023, dadka wax sponsor garaynaya ayaa awoodi doona inay Waaxda Arrimaha Dibeda usoo gudbiyaan kiisaska qaxooti si looga fakaro in dib-u-dejin loo sameeyo.

Xigashi/KILDE: C.O

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x