lørdag, mars 15, 2025
Home Blog Page 27

NAV oo sanadkii hore dacwad khiyaano dhaqaale ah ka gudbisay 557 qof.

0

Xafiiska shaqada iyo kaalmada dadweynaha ee NAV ayaa sanadkii lasoo dhaafay dacwad ka gudbisay dad gaaraya 557 qof, kuwaas oo lagu eedeeyay inay wadar ahaan NAV ka khiyaameen lacag gaareyso 97 milyan.

Dadkan ayaa lagu gudbisay 780 fal dacwadeed oo ciqaab lagu muteysan karo. Waxaana inta badan qof dacwad looga gudbin karaa inuu sameeyay khiyaano iyo wax isdabo marin dhaqaale, ama uu sharaxaad qalad ah siiyay booliska.

Inta ugu badan ee dadka dacwada laga gudbiyay ah, ayaa lagu dacweeyay inay warbixin aan sax aheyn u gudbiyeen NAV. Warbixinadaas oo ku saabsan xaaladooda shaqo ama tirada dakhliga dhaqaale ee soo galay. Waxaana dacwada looga gudbiyay in ay NAV ka heleen lacag aysan xaq u laheyn sharci ahaan.

Kiiska ugu weyn ee kiisaskan kamid ah ayaa khuseeyo qof NAV ka helay dhaqaale gaaraya 740.000 kr oo uusan xaq u laheyn. Qofkan ayaa isaga oo shaqeynayo, waxa uu dhaqaale ka qaadan jiray NAV, isaga oo yareyn jiray tirada saacaddaha uu shaqeeyay.

Xigasho/kilde: Nav anmeldte misbruk av trygd.

Levanger: Haweenay uur leh iyo ilmahii uurka ku jiray oo geeriyooday.

0

Isbitaalka magaaladda levanger ee gobolka Trøndelag, waxaa si lama filaan ah oo aan la sugeynin 29-kii bishan Janaury ugu geeriyooday haweenay uur leh, waxaana sidoo kale la geeriyooday ilmihii uurka ku jiray. Kiiskan oo wali aan la cadeyn sababta ka danbeysay, ayaa waxaa baaritaan eedeyn ah lagu soo oogay isbitaalka Levanger oo ah meesha ay hooyadan uurka leh ku geeriyootay.

Booliska oo hada gacanta ku hayo kiiska baaritaanka ayaa sheegay inay hada heleen baaritaanka lagu sameeyay meydka haweeneydan, ayna baaritaan ku sameyn doonaan in hooyadda geeriyootay ay heshay caawinaadii saxda aheyd ee ay u baahneyd, iyo sababta keentay geerida lama filaanka ah.

Waaxda dabagalka hey addaha caafimaadka ee dowlada, ayaa sheegtay inay kiiskan ka gungaari doonaan, ayna banaanka keeni doonaan dhamaan dhacdooyinka iyo macluumaadka muhiimka ah ee la xiriira kiiskan.

Xigasho/kilde: Sykehuset i Levanger mistenkt etter at gravid kvinne og ufødt barn døde.

In badan oo kamid ah dadka Norway oo aaminsan in la mamnuuco gubitaanka quraanka.

0

Baaritaan iyo xog uruurin la sameeyay, ayaa lagu ogaaday in wax ku dhow kala bar dadweynaha Norway, ay aaminsanyihiin in la mamnuuco gubitaanka kitaabka quraanka kariimka ah, iyo kitaabadda diiniga ah.

44,5 boqolkiiba dadka xog uruurinta laga sameeyay, ayaa sheegay inay haboon tahay in la mamnuucyo gubitaanka kitaabka quraanka ah, halka 33 boqolkiiba ay sheegay inay haboon tahay in sharci ahaan qofka loo ogolaado inuu gubo kitaabka quraanka ah. Halka 22 ay sheegeen in aysan arrintaas wax ra´yi ah ka qabin.

Dooda ku saabsan gubitaanka kitaabka quraanka ah ee Norway, ayaa aad usoo xoogeysatay isbuucyadii ugu danbeeyay, kadib markii nin katirsan kooxaga midigta fog ah uu kitaabka ku gubay afaafka safaaradda Turkiga ee Sweden. Arrintaas oo dhalisay caro xoogan, taas oo keentay in dowlada Turkigu ay sheegtay inay dib u dhigtay ka shaqeynta codsiga ku biiritaanka Sweden ee ururka Nato.

Dalkan Norway sidoo kale, booliska Oslo ayaa diiday ogolaanshaha isku soo bax uu qorsheeyay ururka SIAN, kaas oo lagu balansanaa in la gubo kitaabka quraanka kariimka ah.

Xigasho/kilde: Nesten halvparten sier nei til brenning av koraner.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo gaba-gabeeyay safar uu ku joogay Norway.

0

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa maalintii shaley aheyd soo gaba-gabeeyay safar shaqo oo shan(5) maalin ah oo ku joogay dalkan Norway.

Wasiirka oo casuumaad rasmi ah ka helay wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa intii uu Norway joogay la kulmay madaxda wasaaradda arrimaha dibadda, xarumah, hey addaha iyo ururadda Norwiijiga ah ee ka howlgala Soomaaliya iyo waliba xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway. Wuxuuna sidoo kale booqasho ku tagay aqalka baarlamaanka Norway, halkaas oo ay kusoo dhaweysay xildhibaanad Maryan Cabdi Xuseen.

Qoraal lagu faafiyay bogga twitterka ee wasaaradda arrimaha dibadda gudaha Soomaaliya( Miofar), ayaa lagu sheegay in wasiir Axmed Macalin Fiqi uu la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Norway, hey adda Norad ee ah sanduuqa ugu weyn ee deeqaha u qaabilsan Norway, Hey adda NRC ee qoxootiga iyo waliba hey adda NIS Foundation ee ka howlgasha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale galabtii jimcaha waxaa kulan balaaran oo soo dhaweyn iyo warbixin kala qaadasho ah, waxaa u qabtay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway. Wuxuuna wasiirku jaaliyadda uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay ilaa hada xukuumadda uu qeybta ka yahay ee reysulwasaare Cabdi Cali Barre iyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud. Isaga oo xooga ka saaray ka hadalka arrimaha xoreynta deegaanadda ay heystaan ururka shabaab, iyo qaabkii dib u dajin loogu sameyn lahaa dadka ka barakacay deegaanaddda ay shabaabku heysteen ee laga xoreeyay.

Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah wasiiradda ugu saameynta badan dowlada dhexe ee federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway ka codsaday inay qeyb ka noqdaan dib u dhiska iyo dib u xoreynta dalka.

Wasiir arrimaha gudaha Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dibadda Norway.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dibadda, qeybteeda Soomaaliya.
Kulanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway iyo wasiirka arrimaha gudaha
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo aqalka baarlamaanka Norway.

88.000 qof oo bishan February heli doono 3000 kr oo dheeri ah.

0

Bishan aan ku jirno ee Febraayo, ilaa 88.000 qof oo dadka naafadda shaqeed ah(uføre) ayaa heli doono 3000 kr oo dheeraad ah, taas oo ka baxsan lacagihii ay bishii caadiga aheyd heli jireen.

Lacagta uføretrygd ee guruubkan horey u qaadan jireen, ayaa waxaa qaata dadka caafimaad dartiis ama dhaawac uga fariistay shaqada si abadi ah, iyaga oo aan gaarin da´dii howlgabka. Lacagtan 3000 kr ee dheeraadka ah, ayaysan dadka ay usoo dhici doonto, aysan ka bixin doonin wax canshuur ah, saameyna

Lacagtan ayaa waxaa meelmariyay baarlamaanka Norway, waxaana loogu talagalay in guruubkaas oo ah dad dhaqaale ahaan tabaryar, ay helaan lacag dheeraad ah oo ku dabari karaan noloshooda, xiligan ay Norway ka jirto sicir bararka xoogan.

Waxaa lagu waday in dadka loogu talagalay lacagtan, ay usoo dhacdo isbuucan, balse waxaa ku yimid hal isbuuc oo dib u dhac ah, iyada oo lagu wado inay soo dhacdo isbuuca danbe. Sidaas waxaa sheegtay hey adda NAV.

Xigasho/kilde: 88.000 uføre får ekstra penger i februar – en uke etter skjema

90% dadka imtixaanka jinsiyada Norway galay, wey ku baasaan.

0

Dowlada Norway ayaa sanado kahor soo rogtay imtixaan cilmiga bulshada, aqoonta luuqadda iyo taariikhda ah oo laga qaado dadka codsada baasaboorka ama jinsiyada Norway. Sanadkii na dhaafay ee 2022, waxaa imtixaanka qaatay dad gaaraya 7216 qof.

Imtixaankan oo ka kooban 32 su aal, ayaa waxaa qofka laga rabaa inuu sax uga jawaabo ugu yaraan 24 su aalood oo kamid ah, si uu imtixaanka ugu baaso. Sanadkii lasoo dhaafay ee 2022, 91% dadka imtixaankan qaatay ayaa ku baasay imtixaanka sida lagu ogaaday tirokoob la sameeyay.

Marte Mjøs Persen oo ah wasiiradda isdhexgalka iyo shaqada, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay in dad badan oo imtixaanka sanadkii hore qaatay ay ku baaseen, si ay u qaataan dhalashada ama jinsiyadda Norway.

Xigasho/kilde: Ni av ti klarte statsborgerprøven.

Erdogan: Sweden ha mamnuucdo gubitaanka quraan, hadii ay Nato rajo ka qabto.

0

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Turkigu aanu ogolaan doonin in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO, illaa iyo inta dalkoodu ogol yahay inay dhacaan mudaharaado lagu xumaynayo kitaabka barakaysan ee Quraanka Kariimka ah.

Dalka Turkiga ayaa in muddo ah hortaagnaa in dalalka Sweden iyo Finland ay ku biiraan isbahaysiga milateri ee dalalka reer Galbeedka, ka dib markii uu Turkigu si weyn uga cadhooday banaanbaxyo dhawr ah oo lagu qabtay Stockholm, kuwaas oo kitaabka quraanka ah lagu gubay afaafka hore ee safaaradda Turkigu ku leeyahay Sweden, isla markaana deldelay sawirta Erdogan, iyo weliba in dalka Sweden uu martigeliyo xubno mucaarad ku ah Turkiga, kuwaas oo Turkigu ku daray liiska argagixisada.

Haatan waxaa dib loo dhigay shir muhiim ah oo ka dhici lahaa Brussels, kaas oo lagaga hadli lahaa xubinimada labadan dal, maadaama Turkigu uu si cad u sheegay inaanu u codaynayn in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO.

«Sweden waxaan leeyahay, ha isku mashquulin [inaad hesho ogolaanshahayaga], inta aad ogolaataan in Kitaabkayaga Quraanka ah la gubo lana jeexjeexo, xilli ay laamaha ammaankuna la qabaan falkaas, naga heli maysaan inaan ‘Haa’ ugu codayno inaad ku biirtaan NATO» ayuu yidhi Erdogan.

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Sweden ayaa iska fogeeyey mudaharaadada, iyaga oo xidhiidh ka dhexeysiiyey, mudaharaadada dhacay iyo ilaalinta xorriyadda hadalka.

Talaadadii, ra’iisal wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa dhaleeceeyey kooxaha soo abaabulay bannaanbaxyada.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI

Norway: Wasiirad lagu canaantay adeegsiga barta bulshada ee TIKTOK.

0

Emilie Enger Mehl oo ah wasiiradda cadaaladda iyo amniga Norway ayaa lagu canaantay adeegsiga app-ka caanka ah ee TIKTOK. Wasaaradda ayaa qiatay in telefoonkeeda shaqada ay kusoo degsatay App-ka tiktok oo laga leeyahay dalka shiinaha.

Wasiiradda lagu eedeeyay adeegsiga App-kaas caanka ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha. Kaas oo hey´addaha amniga ee dalalka galbeed ay muujiyeen shaki iyo walaac xoogan ah oo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeyo shirkadda Tiktok iska leh ee ByteDance iyo hey´addaha sirdoonka Shiinaha.

Arrinta sida gaarka ah loogu eedeeyay wasiiradda ayaa ah, inay app-kaas kusoo degsatay, kana isticmaashay mobilkeeda shaqada. Kaas oo ay kula xiriirisho howlaheeda shaqada wasaaradda iyo siyaasadda.

Khuburo badan oo reer galbeed ah, kuwaas oo aqoon fiican u leh arrimaha amniga ah ayaa ka deyriyay App-kan, waxeyna sheegeen in hey´addaha sirdoonka Shiinaha ay si fudud ku heli karaan ama ku keydsan karaan xogta qofka adeegsadda Tiktok.

Arrintan ayaana sababtay in eedeyn loo jeediyo wasiiradda dhalinyarada ee cadaaladda Norway, taas oo App-kan adeegsata. Waxeyna sheegeen in xogo muhiim ah oo mobilkeeda gacanta ah ay heli karaan hey´addaha sirdoonka Shiinaha. Wasiiradda ayaa sheegtay in Tiktok ay u adeegsato, si ay ula xiriirto dhalinyaradda Norway oo aad u adeegsadda App-kan. Balse wasiiradda ayaa iska difaacday eedeynta loo jeediyay oo ah inaysan muujin taxadar, waxeyna sheegtay in ay sameyso feejignaan dheeraad ah, marka ay Tiktok adeegsaneyso.

Xigasho/kilde: Snakker ut om TikTok-bråket.

Booliska Oslo oo diiday in la gubo kitaabka quraanka.

0

Booliska Oslo ayaa sheegay in isniintii isbuucan ay heleen fariin ka timid ururka xagjirka midigta fog ee SIAN, kaas oo ku sheegayeen inay qaban-qaabinayaan banaanbax lagu qaban doono afaafka safaaradda Turkiga ee Norway, ayna qorsheynayaan inay ku gubaan kitaabka quraanka kariimka ah. Falkan ayay SIAN rabeen inay qabtaan maalinta jimcaha ah ee beri.

Booliska Oslo ayaa qiimeyn ay ku sameeyeen xaaladda amni iyo ficiladda ka dhalan kara banaanbaxaas, sheegay inay diideen ogolaanshaha banaanbaxa lagu gubi lahaa kitaabka quraanka kariimka ah.

Dowlada Turkiga ayaa kulan canaanasho ah maanta u yeertay safiirka Norway ee Turkiga, waxaana wax laga weydiiyay mudaaharaadka ay Norway markii hore ogolaatay banaanbaxa ka dhici lahaa afaafka safaaradda Turkiga ee Norway. Dowlada Turkiga ayaa rabtay in falkaas laga hortago.

Booliska Oslo ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in fariin ay ku celiyeen ururka SIAN, laguna wargaliyay in banaanbaxaas uusan dhicin doonin sababo amni awgeed.

Inkasta oo boolisku ay diideen gubitaanka quraanka, hadana waxa ay qoraalkooda kusii sheegeen in gubitaanka quraanku uu wali sharci ka yahay Norway, uuna yahay qeyb kamid ah xoriyada hadalka ee ku xusan sharciga Norway.

Xigasho/kilde: Politiet forbyr Sian å brenne koranen i Oslo på grunn av et «uoversiktlig trusselbilde».

BBC: Meydka aabe soomaaliyeed oo 2 bilood la weysanaa oo la helay.

0

Cali xuseen Jibril oo ka mid ahaa wax garadka Soomalida ee magaaladda Edmonton ee gobolka Alberta ayaa galabta maydkiisa laga helay koofurta magaalada Edmonton. Cali ayaa la weysanaa mudo labo bilood ah, waxaana markii war danbeysay ay aheyd bishii Desember ee sanadkii 2022.

Ciidamada booliska ee magaaladda Edmonton oo tan iyo markii ninkaan la waayay waday baadi-goob, ayaa ehelada Ali Hussein u sheegay in ay heleen maydkiisa oo gaari ku dhex jira.

Boolisku faah-faahin kama bixin nooca gaarigu yahay iyo waxa ka danbeeya dilkiisa toona, waxaana ciidamada boolisku sheegeen inay wadaan baadhitaan arrintaas kusaabsan.

Bilowgii bishii December ayaa ninkaan la waayay kadib markii uu carruurtiisa geeyay iskuul aan ka fogayn gurigiisa, waxaana markaa kadib gurigiisa hortiisa laga helay gaarigiisii iyo telephone-kiisii.

Arrintaan ayaa noqotay mid ku cusub somalida kunool Edmonton iyo guud ahaan Canada, waxayna ku abuurtay argagax iyo cabsi.

Ilaa hadda bulshada Somalida ah ee kunool Edmonton ayaa ka warsugaya natiijada kasoo baxda baaritaanka kiiskan, waxayna sheegeen inay la xiriireen booliska balse wax faah faahin ah oo ku aadan cidda ka dambaysay dilka ninkaan aysan ciidamadu la wadaagin.

Cali Xuseen, wuxuu ka tagay saddex caruur ah iyo hooyadood, wuxuuna Canada kunoolaa in ka badan 20 sano sida qaar ka mid ah qaraabadiisu u sheegeen laanta afka soomaaliga ee BBC-da.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Maxkamad xukuntay imaam masaajid: Sababtan awgeed.

0

Maxkamadda Drammen ayaan lix maalmood oo xabsi shuruudeysan ah iyo 12.000 kr oo ganaax ah ku xukungtay Noor Ahmed oo imaam ka ahaa masaajidka Drammen. Imaamkan ayaa lagu helay danbiga lagu eedeeyay oo ah inuu faafiyay hadal naceyb ah oo ka dhan Yuhuuda, kadib markii uu qoraal kusoo qoray bartiisa Facebooga.

Imaamkan ayaa bishii May ee sanadkii 2019 bartiisa Facebooga ku qoray qoraal uu ku sheegay:

Hitler waxa uu ka tagay yuhuuda qaarkeed, si uu aduunka u tuso sida ay dadkaasi u yihiin dad xun, iyo sababta ay lagama maarmaan u tahay in la dilo.

Mar kale ayuu sanadkii 2021 bartiisa Facebooga ku qoray:

Israel waa sheydaan, Hitler ayaana badbaadiyay Yuhuuda qaarkeed, si aduunku uu arko in hadii ay sii noolaan lahaayeen ay sii wadi lahaayeen inay halis ku noqdaan bini-aadatanimadda.

Imaamkan oo qirtay danbiga lagu soo oogay ayaa sheegay in xiliga uu fariimahaas ku qorayay Facebooga uu ka xanaaqsanaa xasuuq ay Israel ka geysatay marinka QAZA, halkaas oo lagu dilay dad rayid ah.

Imaamka oo Pakistan u dhashay ayaa raaligalin ka bixiyay falka lagu eedeeyay, wuxuuna sheegay inuu dalbanayo cafis. Horey waxaa imaamkan looga ceyriyay shaqadii imaamnimyadda ee masaajidka Drammen, iyada oo maamulka masaajidka Drammen ay iska fogeeyeen arrinta lagu eedeeyay.

Xigasho/kilde: Imam dømt for hatefulle ytringer mot jøder.

Finland: Quraanka lama gubi karo, waa sharci daro.

0

Dowlada Finland ayaa diiday in meel banaan ah lagu gubo kitaabka quraanka kariimka ah, sida ay qoreen warbaahinta lokalka ah ee Finland. Waxeyna gubitaanka quraanka ku sheegeen inay kasoo horjeedo sharciga dalkaas, laguna muteysan karo ciqaab.

Isbuucii hore ayay aheyd markii nin katirsan kooxaha midigta fog oo banaanka safaaradda Turkiga ee Sweden ku gubay kitaabka quraanka kariimka ah, arrintaas oo dhalisay caro xoogan. Waxeyna sababtay in dowlada Turkigu ay diido inay ogolaato codsigii ay Sweden uga mid noqon rabtay ururka Nato.

Finland oo Sweden la xareysatay codsiga kamid noqoshada Nato, ayaa hada diiday in meel fagaare ah lagu gubo kitaabka quraanka kariimka ah.

Koox soo abaabushay banaanbax lagu gubi lahaa kitaabka quraanka kariimka ah, ayaa waxaa hor istaagay booliska oo ku wargaliyay in sharci aysan aheyn gubitaanka kitaabka quraanka, balse waxey sii wateen banaanbaxooda, iyaga oo aan gubin kitaabadii ay soo qaateen.

Xigasho/kilde: https://www.tv2.no/nyheter/utenriks/finland-vil-ikke-tillate-koranbrenning/15470379/.

Wargalin: Abdi-Said, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo bulshada Oslo la kulmayo.

0

Wargalin: kasoo qeybgal kulanka dadweyne ee wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya– Oslo- jimcaha isbuucan: 17:00-20:00.

Cabdi-Siciid Muuse Cali, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa maalinta jimcaha ah kulan dadweyne oo furan kula kulmi doono bulshada soomaaliyeed ee magaaladda Oslo. Cabdi Siciid oo sidoo kale ku dhawaad 4 sano ahaa la taliyihii amniga qaranka ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa bulshada Oslo la qaadan doono kulan mawdiiciisu yahay: Siyaasadda amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee isbadalku aduunka ka socdo ( Somalia’s National Security and Foreign Policy In A changing World ).

Qaban-qaabiyeyaasha kulanka ayaa dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ee Oslo iyo nawaaxigeeda, iyo dadka xiiseynayo mawduucan ku casuumayo kulankan furan. Waxeyna si gaar ah uga codsanayaan in waqtiga ay ilaaliyaan, xiliga balanta kulanka aysan kasoo daahin.

Kulanka ayaa dhici doono maalinta jimcaha ah, 3-February-2023) ee isbuucan ka dhici doono hoolka shirarka ee Hey´adda Rødekurs ee xaafadda Grønland (Hausmanns gate 7, 0186 Oslo), wuxuuna bilaaban doonaa saacadda 17:00.

Macluumaadka:

Taariikhda/Maalinta: Jimce, 3-february-2023

Goobta: Hoolka shirarka Rødekurs ee Oslo: Hausmanns gate 7, 0186 Oslo

Saacadda: 17:00-20:00.

Wixii macluumaad ah ee dheeraad ah kala xiriir numberaddan hoos ku xusan: 91631934.

R.W UK ee hore: Putin ayaa dil iigu hanjabay.

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain Boris Johnson ayaa sheegay in mar uu taleefoon kula soo xiriiray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka hor duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, uu ugu hanjabay inuu gantaallo ku weerarayo.

Ra’iisul wasaarihii xilligaas wuxuu sheegay in uu Putin ku yiri «hal daqiiqo oo kali ah ayey qaadan».

Johnson wuxuu xusay in weedhan uu Putun adeegsaday ka dib markii uu kaga digay inta lagu guda jiro wicitaan telefoon oo «aad u dheer» kaas oo isaga iyo Putin dhex mnaray bishii Febraayo 2022 in dagaalku noqon doono «musiibo ballaaran».

Johnson ayaa uga digay Putin in duullaanka Ukraine uu u horseedi doono cunaqabateyn reer galbeedku saaro Ruushka iyo ciidamada gaashaan buurta NATO oo la soo dhoobo xuduudaha Ruushka.

Waxa uu sidoo kale isku dayay in uu ka hor joogsado Putin tillaabo militari isagoo u sheegay in Ukraine aysan ku biiri doonin NATO «mustaqbalka dhow».

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa yiri: «Hal mar ayuu ii hanjabay oo igu yiri wax la mid ah, ‘Boris, ma rabo in aan anigu ku dhaawaco, laakiin gantaalka waxay ku qaadan doontaa hal daqiiqo oo kaliya’.»

«Laakiin waxaan u maleynayaa in qaabkiisa dabacsan, is lurid la’aantiisa, uu uga jawaabayay isku dayga aan ku doonayey inaan ku qanciyo inuu gorgortan galo.

Suurtagal ma aha in la ogaado in hanjabaadda Putin ay dhab tahay.

Si kastaba ha ahaatee, marka la eego weerarradii hore ee Ruushku ka fuliyey gudaha Britain – sida  kii ugu dambeeyay ee Salisbury ee 2018 – hanjabaad kasta oo ka timaada hoggaamiyaha Ruushka, si waliba oo uu kaftan ahaa loo dhoho, ayaa u badan inay Johnson ku qasabvto inuu hanjabaad dhab ah u qaato.

Faahfaahinta kulanka ayaa lagu soo bandhigi doonaa Dokumentariga BBC-da oo maanta la baahin doono, kaas oo ku saabsan wadahadalladii Putin uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha caalamka.

Sagaal maalmood ka dib, 11-kii Febraayo, Wasiirka Difaaca Britain, Ben Wallace wuxuu u duulay Moscow si uu ula kulmo dhiggiisa Ruushka, Sergei Shoigu.

Dukumentiga BBC-da ayaa qeexaya sida Wallace uga baxay shirka isagoo loo dammaanad qaaday in Ruushku aanu ku soo duuli doonin Ukraine, balse labada dhinacba waxay ogaayeen inay been tahay.

Wallace waxa uu ku tilmaamay » cagajugleyn ama awood muujin» wuxuuna sheegay in ay ka dhignayd sida: «Been ayaan kuu sheegayaa, waad ogtahay inaan been sheegayo, waana ogahay inaad ogtahay inaan been sheegayo, hase ahaatee been baan kuu sheegayaa.»

«Waxaan u maleynayaa inaad ula jeeddo ‘waan xoog badanahay,» ayuu yiri Wallace.

Wallace ayaa sheegay in beentaasi ay xaqiijisay malihiisii ahaa in Ruushku uu ku soo duuli doono Ukraine.

Marka uu shirka kasoo baxay, waxa uu xusay in taliyaha guud ee ciidamada Ruushka, General Valery Gerasimov, uu ku yiri «mar dambe nalama bahdili doono».

In ka yar laba toddobaad ka dib, Febraayo 24, iyada oo taangiyada ay ka soo gudbayaan xadka, ayuu Johnson helay wicitaan ka yimid madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy saqdii dhexe ee habeenkii.

«Zelensky wuxuu ahaa mid aad iyo aad u deggan,» Johnson ayaa xusuustay waqtiyadaas. «Laakiin wuxuu ii sheegay inay meel walba ka weerarayaan.»

Johnson wuxuu sheegay inuu u soo bandhigay inuu ka caawiyo hogaamiyaha Ukraine inuu u qaado meel nabdoon, “Ma uusan aqbalin dalabkan. geesinimo ayuu ka doortay,” ayuu yidhi.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Tirada caruurtii ugu yareyd in mudo ah oo sanadkii hore ku dhalatay Norway.

0

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2022, waxaa Norway ku dhashay 51 801 ilmood, tiradaas oo ku dhawaad 5000 ilmood ka yar tirada caruurta Norway ku dhalatay sanadkii ka horeeyay ee 2021.

Tirokoobka dhalashada ilmaha ee sanadkii hore la sameeyay, ayaa muujineyso in caruurtii ugu yareyd tiro ahaan ay sanadkii hore dhasheen, tan iyo sanadkii 1985. Waxaana dhalaanka Norway ku dhasha ku yimid hoos u dhac gaaraya 8,6%.

Sida tirokoobku uu muujinayo, caruurta ugu badan ayaa dhasha bilaha August iyo Luulyo.

Xigasho/kilde: Færre barn ble født i Norge i fjor.

Dad badan oo magdhow ku helay qaladaad ay sameeyeen hey addaha caafimaadka.

0

Qaliin ma lagugu sameeyay? Mala tacaalaysa waxyeelooyin ay sabab u yihiin daawo lagu qoray? haddi jawaabtaadu ay tahay haa, aqrisade waxaad xaq u yeelan kartaa magdhow. Magdhowga ayaa waxa bixinaysa hay’adda magdhowka dhaawacyada ee Norsk pasients-skadeerstatning (NPE)

Caadi ahaan waxay hey adda NPE sanadkii heshaa ku dhawaad ​​5,700 codsi. Laakiin ka dib faafitaanka corona, waxaa kor u kacay codsiyadda sanadkaan. Sannadkii hore ee 2022 waxay soo gaaray hey adda heshay 7.099 kiis oo magdhow codsasho ah.
Anne-Mette Gulaker oo ah agaasimaha NPE ayaa waxa ay u aananeysa sare u kaca codsiyadda bixinta magdhowga awgeed.

Mid ka mid ah shantii sheegasho magdhow ah wuxuu khuseeyaa daaweynta khaldan ee lafaha iyo murqaha. Corona ayaa ah sido sababaha u badan ee codsiga magdhwogu kor ugu kacay. Dumarka ayaa ah kuwa ugu badan ee codsiyadda magdhowga gudbisatay. 58 boqolkiiba( 58%) codsiyada waxay ka yimaadaan haweenka.

Wadar dhan 1.1 bilyan NOK ayaa la bixiyay sannadkii hore. Taasi waxay boqolkiiba 5 ka badan tahay sannadkii hore. Waana sanadkii shanaad oo xiriir ah oo in ka badan hal bilyan oo krone loo bixiyo magdhow ahaan.
Qofku waa in uu caddeeyaa waxyeeladda gaartay in ay tahay sabab ka dhalatey daryeel caafmad oo la siiyey, sido qofku waa in uu cadeeya qarashka ku baxaya sixidda qaladka dhacay. kiisaska qaar ayaa magdhow aad u badan, oo ku dhow 10 milyan karoon ku kacaya. kiisaskaan badankood ayaa quseeya dhaawacyada agagaarka ilmogaleenka, kansarka iyo cudurrada wadnaha.


Dhaawacyo badan ayaa sidoo kale ka yimid dadka ku dhacay barafka simbiriirixiinta ah. Qaar baa aad u nasiib xun oo waxay helaan daaweyn qaldan. Bukaano ku dhacay barafka ayaa helay magdhow, kadib marki dhaawac ka soo gaadhay bowdada, dhaawacaas ayaa isbitaalku ku helin baarintaanku sameeyey. bukaan yaaa Waxaa baarintaan taas badalkeeda looga sameeyey madaxa oo kaliya. Kadib marki ay cadaatay in bukaanku helin daryeelki uu bahna oo dhan ayaa waxa magdhow loo siyey 80,000 NOK. Sababtu waxay ahayd cusbitaalka oo aan si fiican u baadhin.

Xigasho/kilde: Rekordmange pasienter har krevd erstatning.

Turkiga oo u yeeratay safiirkeedii Denmark, sababtan awgeed.

0

Wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Turkiga ayaa u yeedhan danjiraha Denmark ee dalkeeda fadhiya, iyada oo ku eedaysay Denmark inay taageertay «dembi nacayb ah», ka dib markii nin caan ku ah nacaybka Islaamku uu Jimcihii gubay laba nuqul oo ka mida kitaabka baraysan ee Quraanka Kariimka ah, xilli uu mudaharaad ka dhigayey caasimadda dalkaas ee Copenhegan.

Rasmus Paludan oo u dhaqdhaqaaqa aragtida midigta fog, haystana dhalashooyinka Denmark iyo Sweden, ayaa hore u qaaday tallaabo ka cadhaysiisay dalka Turkiga iyo dunida Islaamkaba, ka dib markii uu gubay nuqul ka mida kitaabka Quraanka ah, intii uu socday mudaharaad ka dhacay dalka Sweden bishan January 21-keedii.

Jimcihii isaga oo ku sugan meel u dhow masaajid iyo weliba barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee ku taalla Copenhegan, wuxuu wacad ku maray inuu tallaabadan sii wadi doono Jimce kasta illaa dalka Sweden looga ogolaanayo inay ku biiraan isbahaysiga NATO.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa gudbistay codsi ay doonayaan inay ugu biiraan isbahaysiga gaashaanbuurta ah ee NATO, hase ahaatee codsigooda ayay tahay inay ansixiyaan dhammaan xubnaha isbahaysiga NATO, balse dalka Turkiga ayaa muujiyey inuu hor istaagi doono, illaa ay dalalkani tallaabo ka qaadaan mintidiinta Kurdiyiinta ah iyo weliba kooxaha kale ee dalkiisu uu ku daray liiska argagixisada.

Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha debedda ee Turkigu ay u yeedhay danjiraha Denmarka, iyaga oo masuuliyiinta dalka Turkigu ay si adag u cambaareeyeen oggolaanshaha Denmark ee falkan daandaansiga ah, kaasi oo muujinaya dembi nacayb ah.

Turkiga ayaa u sheegay danjiraha Denmark, inaan la aqbali karin dhaqanka dalkiisa, Turkiguna uu filayo in oggolaanshaha lagala noqdo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wasiirka arrimaha debedda ee Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa warbaahinta Denmark u sheegay in dhacdadani aanay waxba ka bedeli doonin «xidhiidhka wanaagsan» ee Denmark iyo Turkiga, isagoo intaas ku daray in Copenhegan ay damacsan tahay inay Ankara kala hadasho sharciyada Denmark ee dhawraya xorriyadda.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI + AP

Ma iska hubisay sababaha ugu wayn ee keeni kara in baabuurkaga lagu ansixin EU-godkjennelse ?

Tirokoob la sameeyay sanadkii tagay ee 2022, ayaa lagu ogaaday in 650.000 baabuur oo maray kontoroolka caafimaad-qabka gaadiidka ee EU-Kontroll, aysan ku baasin baaritaanka, loona diiday ogolaanshaha EU-Godkjennelse.

Tirakoobka waxa qayb ka ah dhammaan baabuurta fudud ee maray kormeerka Midowga Yurub 2022, baabuurtaan ayaa culayskoodu dhamaan ka hoseeya 3,500 kiiloogaraam.

Boqolkiiba 26.2(26%) baabuurta kormeerka marey ayaa tirakoobku sheegaya in ay leeyiihin cilado la xariira fariinka/bareega baabuurka. cilladahaan ayaa waxaa ka mid ah saxannada iyo tuubooyinka bareega oo maareystay, isla markaasna hoos u dhigaya awooda iyo saameynta guud ee bareega.

«Waxaa muhiim ah in ciladaha noocaan loo kuur galo, lana ogaado hadii uu qalad ka jiro, isla markaasna la saxo» ayuu yiri Leif Magne Halvorsen oo ka tirsan hey addaha maamulka waddooyinka ee Norway.

Taayirrada ayaa tirakoobku sheegaya in baabuurta kormeerka maray ciladahooda ay ka ahayeen 25.8 boqolkiiba( 25.2%).

«qaybahaan waa kuwo si joogto ah u dhaqaaqa, shaqadooduna ay badantahay, babuurta badankoodna ka duguuba , lakiin marki si joogta ah loo dayactiro, waxa laga fursan in gaarigu yeesho ciladdo wayn waqtiga kormeerka, kuwaas oo sabab u noqon kara in gaariga lagu ansixin kormeerka EU» ayuu yidhi Halvorsen.

Hubi nalalka: 104,000 oo baabuur ayaa nalal khaldan lahaa.

Waxaan ku talinayaa in qof kastaa si joogto ah u hubiyo waxyaabaha fudud sida in nalalka ay shaqaynayaan iyo in kale,iyo inaad iska hubiso nalalka ka hor inta aanad gaariga gayn kormeerka. ( EU- godkjennelse) ayuu yidhi Leif Magne Halvorsen.

Baabuurka cusub ayaa kormeerka mara afar sano ka dib diiwaangelinta bilowga ah. Gaadiidka degdega ah iyo tagaasidana, sanadki mar ayay maraan baaritaankan.

Xigasho/kilde: Over 650.000 biler ble ikke godkjent på EU-kontroll

Sweden: Midowga Yurub oo dib u eegis ku sameynayo siyaasadooda soo galootiga

0

La Wadaag

Arag Fikradaha

Print

Wasiirada socdaalka ee Midawga Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Stockholm ee dalka Sweden si ay dib u eegis ugu sameeyaan siyaasadaha socdaalka, gaar ahaan muhaajiriinta dib u soo laabanaya ee aan xaqa u lahayn in la siiyo magangelyada.

Shirkan ayaa loo arkaa kulan aan rasmi ahayn oo loogu diyaargaroobayo kulanka ay isugu imanayaan dhammaan madaxda 27-ka dal ee Midawga Yurub, bishan soo socota ee February 10-keeda, halkaas oo la filayo in arrimaha socdaalku ay xagga hore ka galaan ajandaha laga wada hadlayo.

Madaxa arrimaha gudaha u qaabilsan Midawga Yurub Ylva Johansson oo la hadashay warbaahinta, ka hor kulanka, ayaa sheegtay in Midawga Yurub uu arkay soo galooti «aan caadi ahayn» oo soo gaadhaya dalalka Yurub, kuwaas oo gaadhay illaa 300,000 oo muhaajir sannadkii hore. Midawga Yurub ayaa sidoo kale diiwaangeliyey illaa 974,000 codsi oo magangelyo doon ah.

Madaxa arrimaha gudaha ayaa sheegtay in tirada magangelyo doonku ay saddex laab ka badan yihiin, tirada muhaajiriinta ee caadiga ah, arrintaas oo culays badan saaraysa awoodaha soo dhoweynta ee muhaajiriinta, iyada oo sheegtay in qaar badan oo ka mida [muhaajiriintaasi] inaanay u baahnayn ilaalinta caalamiga ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay Qaramada Midoobay, in illaa 160,000 oo dad ahi inay sannadkii 2022 ka gudbeen badda Mediterranian iyaga oo u gudbay dhinaca Yurub, kuwaas oo ka cararaya dagaalada iyo saboolnimada ka jirta Bariga dhexe, Afrika iyo Aasiya.

Xigasho/kilde: SOMALI VOA

1,8 milyan qof ayaan wali hubin kaarkooda canshuurta(Skatte-kort).

0

1,8 milyan qof oo Norway kunool ayaan wali hubin kaarka canshuurta ee sanadkan 2023, waxaa sidaas sheegay waaxda canshuuraha oo dhamaan dadka dakhligu uu soo galo ku wargalineyso inay hubiyaan, kadibna saxaan kaarkooda canshuurta.

Kaarka Canshuurta ayaa muujinayo cadadka/ tirada ama boqoleyda canshuurta ee laga qaado qofka dakhligu uu soo galo, iyada oo laga duulayo macluumaadkii qofka ee sanadkii 2021. Waxaana hadii uusan qofku hubin, kadibna sixin dhici karto inuu bixiyo canshuur dheeraad ah oo ka badan intii waajibka ku aheyd.

Maadaama sanadkii tagay dhaceen isbadalo badan oo dhanka dhaqaalaha ah, uuna kor u kacday sicirka maciishadda Norway, iyo waliba kirada guryaha, hey´addaha canshuuraha ayaa qiyaaseyso in dad badan uu dhaqaalahooda isbadal ku yimid. Sidaas darteed ayay kula talineysaa inay hubiyaan kaarka canshuurta, kadibna ay buuxiyaan macluumaadka ka dhiman, si looga qaado canshuur sax ah.

Xigasho/kilde: 1,8 millioner har ikke sjekket skattekortet.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.