fredag, april 26, 2024

R.W Sweden: Waxaan dareenkeyga la qeybsan muslimiinta dhibsaday quraankii la gubay.

Reysulwasaaraha dalka Sweden Ulf Kristersson ayaa qoraal uu ku qoray bogga Twitterka ku sheegay inuu dareenkiisa la qeybsanayo dadka dhibsaday wixii shaley ka dhacay Stocklom, isaga oo ula jeedo kitaabkii quraanka ahaa ee lagu gubay magaaladda Stocklom ee caasimadda dalka Sweden.

Hadalka reysulwasaaraha Sweden ayaa yimid kadib markii caro xoogan ay ka dhalatay kitaabk quraan ah oo maalintii sabtida aheyd lagu gubay afaafka hore ee safaaradda dowlada Turkiga ay ku leedahay Sweden. Waxaana falka gubitaanka ah ka danbeeyay koox uu horkacayay Rasmus Paludan oo ah xagjire weyn oo dhinaca midigta fog ah. Ninkan ayaa horey meelo kala duwan oo dalalka Yurub ah ugu gubay kitaabo quraan ah, waxaana inta badan ka dhasha rabshado buuq wata.

Dowlada Turkiga ayaa shaley baajisay safar uu dalkaas ku imaan lahaa wasiirka arrimaha dibadda dalka Sweden, iyada talaabadaas sabab looga dhigay in Sweden ay wax ka qaban weyday ama ay ogolaatay in la gubo kitaabka quraanka ah.

Reysulwasaaraha Sweden ayaa qoraal uu dhacdadaas kaga fal-celiyay ku sheegay:

Xoriyada hadalku waa qeyb udud-dhaxaad ah oo kamid ah nidaamka dimuqraadiyada. Balse wixii sharci ah kama dhigna in ay yihiin wax haboon in la sameeyo. In la gubo kutub muqadas u ah dad badan waa fal ka turjumayo ixtiraam daro aad u daran. Waxaan dareenkeyga la qeybsanayaa dhamaan muslimiintii dhibsaday wixii ka dhacay Stocklom.

Wasiirka difaaca dowlada Turkiga, horeyna u ahaan jiray madaxii ciidamadda dalkaas Hulusi Akar ayaa isaga oo ka jawaabayo falkaas sheegay in gubitaanka kitaabka quraanka ah aysan aheyd wax la xiriira xoriyada hadalka, balse ay tahay naceyb ka dhan muslimiinta oo qiil loo raadinayo.

Sweden ayaa dadaal gaarsiisan heer jilbo-jabsi ah ugu jirto in laga ogolaado codsigeeda ku biiritaanka ururka midowga Nato. Turkiga ayaana ah wadanka ugu danbeeyo ee wali ku taagan aqbalaada codsiga Sweden, waxeyna ku xireen shuruudo adag.

Xigasho/kilde: Sweden’s Nato application imperilled after Koran burnt outside Turkish embassy

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x