torsdag, april 25, 2024

Deg-deg: Qaramada midoobey oo canbaareysay warka kasoo yeeray dowlada Denmark

Sida ay aan kasoo xiganeyno wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, oo iyadna dhankeeda soo xiganeyso wargeyska Information ee kasoo baxa dalka Denmark, hey´ada qaramada midoobey u qaabilsan xuquuqda qoxootiga ayaa canbaareyn kulul dusha ugu duurtay warka kasoo yeeray dowlada Denmark.

Warkaas oo ku saabsan in dowlada dalkaas ay qiimeyney ku wado go´aan ah, iney magangalyada kala noqoto dalkoodiina dib ugu celiso 100 qof oo qoxooti soomaali ah. Kuwaas oo ay Denmark kasoo qaadatay xeryaha qoxootiga caalamka, iyada sii mareyso nidaamka qoxooti-qeybsiga hey´ada qaramada midoobey u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR. 

Hey´ada qoxootiga u qaabilsan dowlada Denmark ayaa sheegtay in xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ay hada tahay mid soo hagaagtay, isla markaana ay dad ku celin karaan. 

 Gudoomiye ku xigeenka waaxda qaramada midoobey u qaabilsan dhowrista xuquuqda qoxootiga Volker Türk, ayaa warqad u diray wasiirada isdhexgalka bulshada dowlada Denmark haweeneyda lagu magacaabo Inger Støjberg. Sida uu qorayo wargeyska Information, wuxuu Volker warqadaas ku muujiyay dareenka wel-welka xanbaarsan oo ay qaramada midoobey ka qabto qorshaha dowlada Denmark.

Volker Türk ayaa warqadiisa ku sheegay in sida caadiga oo la isku fahansanaa ay aheyd in dib u dajinta qoxootiga laga soo qaato xeryaha qoxootiga caalamka, ay noqoto mid waareyso oo aan aheyd mid kumeel gaar ah oo laga noqon karo.  Waxaana sidaas qorayo wargeyska Information ee kasoo baxa dalkaas Denmark.

Eva Singer oo katirsan ururka kaalmeynta qoxootiga ee Danks Flygtningehjlæp, ayaa sheegtay iney waxaan horey u dhicin ay tahay in wadan qoxooti uu xeryaha caalamka kasoo qaatay, uu isku-dayo inuu magangalyada kala noqdo, isla markaana uu wadankoodii dib ugu celiyo. Waxeyna tibaaxday in arintaas aysan waafaqsaneyn xeerka qaramada midoobey ee xuquuqda qoxootiga. 

Xigasho/kilde: NTB, INFORMATION

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x