Denmark: Wasiirad maxkamad saaran oo marag-fur weydiisatay Ayaan Xirsi Cali.

0
137

Dalka Denmark waxaa ka socdo maxkamadeynta wasiiradii hore ee soo galootiga dalka Denmark, Inger Støjberg oo ku eedeysan jabinta sharciga dalkaas iyo inay si qaldan oo siyaasadeysan uga faa´iideysatay kursiga dowladeed.

Wasiiradda oo xabsi mudan karto, hadii danbiga lagu helo ayaa dalbatay in maxkamada markhaati ahaan loo keeno Ayaan Xirsi Cali oo ah qoraa soomaali ah oo heysato dhalashada dalka Mareykanka.

Wasiiradda ayaa ku eedeysan in xiligii ay wasiirka aheyd ay si ulakac ah usoo rogtay wareegto dhigeysay in lamaanaha magangalyo-doonka ah ee dalka Denmark kunool, la kala dheereeyo hadii midkood uu ka yaryahay da´da qaan-gaarnimada. Arrintaas oo aheyd mid hareermarsan sharciga iyo dastuurka dalka Denmark.

Wasiiradda eedeysanaha ah ayaa sheegtay in Ayaan Xirsi Cali ay kamid tahay dadka aqoonta fiican u leh dhaqanka islaamka ee guurka qasabka ah, kontoroolka bulshada iyo waxyaabaha la xiriira. Sidaas darteed ay xeerbeegtida maxkamada si fiican ugu cadeyn karto arrintaas.

Dacwad oogayaasha dowlada ee danbiga kusoo oogadaya ayaa dhankooda maxkamada ka dalbaday inaan la ogolaan markhaati furka Ayaan Xirsi Cali, iyaga oo ku dooday in Ayaan aysan wax xiriir ah oo toos ah la laheyn dacwad-danbiyeedka ka dhanka ah wasiradda eedeysan.

Xigasho/kilde: Støjberg vil føre islamkritiker som vidne.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments