Booliska Norway oo loo ogolaaday adeegsiga hubka korontada leh.

0
172
Askari katirsan booliska Norway oo tijaabinayo biskoolada korontada Foto: Politiet

Sida uu qoray NRK, dowlada Norway ayaa go´aamisay in booliska Norway ay si joogto ah u wadan karaan biskooladaha korontada. Iyada oo ujeedku uu yahay in la yareeyo adeegsiga hubka keeni kara dhimashada, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowlada.

Go´aanka dowlada ayaa yimid, kadib labo(2) sano oo boolisku ay si tijaabo ah u adeegsanayeen hubka korontada leh. Booliska ayaana soo jeediyay in si joogto ah ay u wataan hubka korontada, maadaama ay sheegeen inay marar badan u fududeyneyso shaqadooda boolisnimo.

Wasiiradda Cadaalada iyo amniga bulshada Norway, Monica Mæland ayaa sheegtay in labadii sano ee tijaabada aheyd lagu ogaaday in biskoolada korontada ay xaaladdaha qaarkood si fiican qeyb uga noqon karto shaqada, iyada oo markaas laga dheeraanayo in la adeegsado hubka caadiga ah.

Biskoolada korontada ee loo ogolaaday booliska ayaa ah nooca Taser-ka, taas oo jirka qofka lagu rido(dhufto) ku keeneyso awood koronto oo gaareysaa ilaa 1200 Volt, waxeyna keeneysaa in murqaha qofku ay dabcaan, ayna yaraato awoodiisa iska caabinta.

Xigasho/kilde: Elektrosjokkvåpen blir permanent innført i norsk politi.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments