Maxkamada Yurub: Xijaab dartiis, shaqada waa lagaaga ceyrin karaa.

0
110

Maxkamadda Caddaaladda ee Yurub (CJEU) ee fadhigeedu yahay Luxembourg ayaa Khamiistii xukuntay in shirkadaha ka dhisan dalalka ururka Midowga Yurub ay ka mamnuuci karaan shaqaalaha inay xirtaan xijaab, haddii ay doonaan in la muujiyo in dadka shaqaalaha ah ay wada siman yihiin.

Arrinta xijaabka ayaa sannado badan ahaa mid lagu kala qeybsanaa guud ahaan dalalka Yurub, gaar ahaan sida ay Muslimiinta is dhexgal u sameyn karaan.

Kiiskan waxaa maxkamadda geeyay labo haween ah oo ku nool dalka Jarmalka kuwaa oo laga joojiyay shaqooyinkoodii kadib markii ay billaabeen xirashada xijaabka, oo Muslimiinta ay u arkaan in uu yahay qeyb ka mid ah diintooda.

Shirkaddii ay gabdhahan u shaqeynayeen ayaa u sheegay in arrintan aan la ogoleyn, waxayna lagu wargaliyay in xijaab la’aan ay shaqada yimadaan ama shaqo kale loo bedali doono.

Go’aan ay soo saartay 2017 maxkamadda Midowga Yurub ee ku taal Luxembourg ayaa hore u sheegtay in shirkadaha ay ka mamnuucaan shaqaalaha inay xidhaan xijaabka iyo astaamaha kale ee diineed ee muuqda xaaladaha qaarkood. Waqtigaas, waxaa go’aankaas ka dhashay muran xooggan oo dhaxeeyay kooxaha diimaha kala duwan haysta.

In ka badan shan milyan oo Muslimiin ah ayaa ku nool Jarmalka, taas oo ka dhigaysa in yihiin kuwa ugu badan dadka laga tirada badan yahay ee diimaha kale haysta.

Turkiga: Waa faquuqis ka dhan muslimiinta.

Turkiga ayaa dhaleeceeyay xukun ka soo baxay maxkamadda ugu sarreysa Midowga Yurub oo oggolaatay mamnuucida xijaabka iyada oo la eegayo daruufo gaar ah, wuxuuna arrintaas Turkiga ku tilmaamay mid ah «xadgudub cad oo ka dhan ah xorriyadaha diinta.»

Xukuumadda Ankara ayaa intaa ku dartay in tallaabadaas ay sii xoojineyso fekerka khaldan ee laga aaminsan yahay haweenka Muslimiinta ah ee ku nool Yurub.

«Go’aanka maxkamada Yurub ayaa imanaya xilli Islaam naceybka, cunsuriyada iyo naceybka ka jira qaaradda ay sii kordhayaan. Tixgelin la’aanta xoriyada diinta waxay abuureysaa takoor iyada oo lagu gabanayo sharciga,» ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaankeeda.

Xigasho/kilde: BBC-Soomaali

Wararkii ugu danbeeyay ee soomaalida Norway halkan kala soco muuqaal ahaan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments