mandag, april 15, 2024

Reysulwasaarihii Norway oo wareysi siiyay NorSom TV

Warbaahinta NorSom News ayaa dhawaan booqasho ku tagtay jaziirada Utøya oo ah halkii uu ka dhacay xasuuqii 10 sano kahor, 22-dii bishii Luulyo loo geystay dhalinyarada ka tirsaneyd xisbiga shaqaalaha ee Ap. Waxaana halkaas kasoo diyaarinay barnaamij xusuus ah oo aan bulshada Soomaaliyeed ee ku xiran warbaahinta ugu soo bandhigeyno goobtaas taariikhiga ah iyo dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacay.

Waxaan sidoo kale goobtaas kula kulanay reysulwasaarahii hore ee Norway, hadana ah xoghayaha Nato Jens Stoltenberg oo wareysi kooban naga siiyay dareenkiisa ku aadan maalintaas xanuunka leh. Jens ayaa xiliga uu falkaas dhacay ahaa reysulwasaaraha Norway.

Hoos ka daawo wareysiga reysulwasaaraha oo Af Soomaali ah:

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x