Daawo: qaabkan ayaad ku ogaan kartaa in magacaaga iyo aqoonsigaa lacag aadan dirsan lagu diray.

1
180

F.G: Warkan oo faah-faahsan oo muuqaal ah, ka daawo hoos.

Tan iyo markii uu soo baxay kiiska xawaaladlaha soomaaliga ah ee ku eedeysan inuu Norway ka bixiyay lacag gaareyso 422 milyan kr oo lacagta Norway ah, warbaahintuna ay aad u hadalheysay, waxaa soo badanayo su´aalaha ay dadka soomaaliyeed iska weydiinayaan kiiskaas. Iyada uu jiro tuhun ay qabaan dad badan oo soomaali ah oo ku aadan in magacooda iyo aqoonsigooda lagu dirsaday lacago, aysan iyagu dirsan.

Christian Eckhoff oo ah xeer ilaaliye katirsan booliska katirsan ayaa horey NorSom News ugu xaqiijiyay inay la xiriireen ilaa 80 qof oo soomaali ah, kuwaas oo qiyaastii 40-meeyo kamid ah si qaldan lacag aysan dirsan loogu diray magacooda iyo aqoonsigooda. Halkan kasii akhri.

Xeer ilaaliyaha ayaa dhanka noo xaqiijiyay in dadka magacyadooda iyo aqoonsigooda sida qaldan loo adeegsaday ee dhibanayaasha ah, ay dhibaato uga imaan karto arrintan, hadii uu tusaale ahaan soo galo kiis la xiriira hey´addaha ajaaniibta, NAV ama canshuuraha.

Qaabkan ayaad ku ogaan kartaa in magacaaga la adeegsaday:


Dersom noen ønsker å sjekke opplysningene sine i valutaregisteret kan de selv be om innsyn via altinn.no søke på skjema rf-1306 innsyn etter personopplysningsloven og skrive at de ønsker å se opplysninger fra valutaregisteret.

Warbaahinta NorSom News ayaa xeer ilaaliyaha booliska weydiisay su´aal ay nasoo weydiiyeen dad badan oo soomaali ah, taas oo ku saabsan qaabka ay dadku ku ogaan karaan in magacoodii iyo aqoonsigooda si qaldan lacag loogu diray.

Eckhoff oo ah xeer ilaaliyaha booliska ayaa noo sheegay in qofkii raba inuu hubiyo in magaciisa lagu diray lacago uusan isagu dirsan, ay toos u dalbaan karaan inay arkaan lacagaha magacooda dalka uga baxay, ee ku diiwaangashan diiwaanka hey´adda canshuuraha ee valuta-registerka.

Wuxuuna qofku arrintaas ka dalbaan karaan boga macluumaadka ee Alltinn.no, kadibna wuxuu raadin karaan, kadibna buuxin karaan warqada uu numberkeedu yahay skjema rf-1306 innsyn etter personopplysningsloven( Halkan riix), isaga oo dalban karo inuu arko lacagta ku diiwaangashan magaciisa ee dalka uu ka diray ee ku diiwaangasha Valutaregisterka.

Muuqaalka warkan ka daawo hoos.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.