Maxkamada sarre oo cafisay nin horey loo xukumay danbi la xiriira khiyaano NAV

0
165

Maxkamada sarre ee dalkan Norway ayaa cafisay nin lixdameeyo(60) jir ah oo horey loo xukumay danbi la xiriira khiyaano dhaqaale oo uu ku sameeyay hey´adda NAV. Kiiskan ayaa saameyn weyn ku yeelan doono kiisas noociisa oo kale ah oo horey loo xukumay dad gaaraya 80 kiis oo kiiska ninkan la cafiyay oo kale ah.

Ninkan ayaa sanadkii 2017 lagu xukumay 75 maalmood oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu khiyaamay hey´adda NAV. Waxaa xukunkiisa sabab u ahaa in 349 maalmood uu ku maqnaa dalka Talyaaniga, isaga oo lacag taageero dhaqaale ah ka qaato NAV. Isla markaana in dalka uu ka maqanyahay uusan usoo sheegin hey´adda NAV ee taageerada uu ka qaadan jiray, waxaana lagu eedeeyay inuu qaadan jiray lacag uusan xaq u laheyn, maadaama uu dalka ka maqnaa.

Laakiin waxaa gadaal kasoo baxday in ninkaas si xaqdaro ah loo xukumay, NAV iyo maxkamadaha Norweyna ay si qaldan u turjumeen sharciga Norway, markii ninkaas la xukumayay. Sharciga wada-shaqeynta dalalka Yurub(EØS) oo Norway ay wax ka saxiixday ayaa ninkaas xaq u siinayay in isaga oo dalka dibadiisa joogo uu taageero dhaqaale ka qaato NAV, aysana waajib ku aheyn inuu NAV u sheego meesha uu joogo.

Kiiska ninkan ayaa kamid ah 85 kiis oo kiiskan lamid ah kuwaas oo dad lacago ka qaadan jiray hey´adda NAV lagu eedeeyay inay dalka ka baxeen, iyaga oo aan soo wargalin xafiiska NAV ee lacagta ay ka qaadan jireen. Waxaana kiisaskaas loo yaqaan fadeexadii NAV.

Go´aanka maxkamada sare ay ka gaartay kiiska ninkan, ayaa loo arkaa mid muhiim ah, maadaama uu saameyn ku yeelanayo qaabka looga go´aan qaadan doono dhamaan kiisaska kale ee arrintan kale oo la xiriira, uuna u noqon karo tixraac qaanuuni ah.

Xigasho/kilde: Mann frifunnet i trygdeskandalen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments