Ardeyda ajaaniibta ah oo loo ogolaan doono soo galitaanka Norway laga bilaabo bisha August.

0
358
Wasiirka waxbarashada sarre iyo cilmibaarista Norway: Henrik Asheim Foto: KD

Dowlada Norway ayaa ogolaatay in ardeyda ajaaniibta ah ee wax ka baran jirtay ama boosaska waxbarasho ka helay jaamacadaha Norway loo ogolaado inay dalka soo gali karaan, wixii ka bilowdo bisha kowda(1) bisha August(8) ee sanadkan 2021.

Dowlada ayaa sanadkii ugu danbeeyay istaajisay imaanshaha ardeydii ajaaniibta aheyd ee wax ka baran jiray jaamacadaha iyo iskuulada Norway, sababo la xiriiray xakameynta feyruska Corona dartiis. Balse dowlada ayaa xanibaadaas qaadi doonto wixii ka danbeeyo bisha August ee sanadkan.

Wasiirka waxbarashada sarre iyo cilmibaarista Norway,  Henrik Asheim ayaa ardeyda ajaaniibta ah ee horey loogu diiday soo galitaanka Norway ku wargaliyay inay isku diyaariyaan kusoo noqoshada Norway, si ay u dhameystaan waxbarashadoodii. Wuxuuna ku wargaliyay inay ardeydaas sugi karto inay galaan hotellka karantiilka, marka ay Norway soo galayaan.

Sida caadiga ah marka uu qofku boos waxbarasho ka helo jaamacadaha Norway, waa inuu sharci ardeynimo ka dalbadaa hey´adda socdaalka Norway, si ay u helaan sharci ay dalka ku joogaan, waxna ku bartaan.

Xigasho/kilde: Utenlandsstudenter får komme til Norge fra 1. august

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments