Darawal Buss: Waxaa shaqada la iiga ceyriyay inaan shitay heeso diini ah.

0
181

Maxkamada magaalada Oslo ayaa isbuucan u kala garqaaday darawal Buss iyo shirkada gaadiidka dadweynaha ee Unibuss. Ninkan ayaa shirkada ku eedeeyay inay shaqadiisa uga ceyriyeen sabab la xiriirto inuu shitay heeso diini ah oo masiixi ah, laguna cunsuriyeeyay caqiidadiisa diimeed.

Halka shirkadu ay sheegtay in ninkan uu tixgalin waayay cabashada dadka saarnaa buss-ka uu darawalka ka ahaa, kuwaas oo ka codsaday inuu gaabiyo heesaha uu dhageysanay. Sidaas darteedna uu jabiyay sharciga shaqada iyo u adeegista dadweynaha, shaqadana laga ceyriyay.

Jan Kåre Christensen (56 sano jir) oo ah ninka shaqada laga ceyriyay ayaa si adag u aaminsan diinta masiixiyada, wuxuuna xiliyada uu buss-ka wado shitaa heeso diini ah, taas oo uu sheegay inuu xaq u leeyahay. Shirkada UNIbuss ayaa dhankeeda sheegtay in darawalku uu xaq u leeyahay inuu dhageysto waxa uu rabo, laakiin ay dhanka kale muhiim tahay inuu tixgaliyo cabashada dadka saaran gaadiidka uu darawalka ka yahay.

Waxaana ninkan horey loo siiyay digniino la xiriira cabasho ka timid rakaabta busska oo ka cowday heesaha ninkan u shidnaa oo aad loo maqlayay.

Shirkada UNIBUSS ayaa ugu danbeyn darawalkan i u ogolaatay in la siiyo lacag dhan hal sano oo mushaarkii uu qaadan jiray oo hormaris ah, kaas oo gaarayay 473.000 kr, uuna aqbalo go´aanka shaqada looga ceyriyay.

Ninka ayaa warbaahinta u sheegay inuu qaadanayo mushaarka halka sano, uuna aqbalayo inuu shaqada ka tago, mudadaas sanadka ahna uu kusii raadsano shaqo kale.

Xigasho/kilde: Bussjåfør som spilte kristen musikk får ett års sluttlønn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments