Daawo: Booliska- 40 qof ayaa magacyadooda lagu dirsaday lacag xawaalad oo aysan iyagu dirsan.

0
153

Muhiim: Warkan oo muuqaal ah oo faahsan- hoos ka daawo

Isbuucii lasoo dhaafay warbaahinta dalkan Norway ayaa aad u hadalheysay kiiska xawaaladle soomaali ah oo ku eedeysan in Norway qaab aan sharci aheyn uu uga saaray lacag gaareyso 422 milyan kr, taas oo qaar kamid ah ay boolisku tuhansanyihiin inay lahaayeen dad ka ganacsado daroogada. Halkan kasii akhri

Ninkan ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu adeegsaday magacyada dad macaamiil ka ahaa xawaaladiisa, kuwaas oo uu magacooda ku diray lacag aysan iyagu dirsan ama ka warqabinba.

Booliska: 80 qof ayaan wareysanay

Hittil så har politiet avhørt mer enn 80 kunder i ulike hawalaer. Rundt halvparten av disse har fått sin identitet misbrukt, og det står opplysninger om pengeoverføringer i valutaregisteret som kundene forklarer til politiet at ikke er riktig. Dette oppleves svært alvorlig for de det gjelder, og mange reagerer sterkt på at deres identitet er benyttet på denne måten. Mange er også bekymret fordi dette er den eneste måten de kan få sendt penger til sine slektninger på.

Warbaahinta NorSom News ayaa la xiriirtay booliska Norway, qeybtooda qaabilsa dabagalka danbiyada dhaqaalaha. Waxaana weydiinay tirada dadka soomaalida ah ee magacyadooda sida qaldan loo adeegsaday, iyo waliba cawaaqibta ka dhalan karto hadii si qaldan loo adeegsado magaca iyo aqoonsiga qofka, isaga oo aan ogeyn, lacag uusan dirsana, magaciisa lagu diro.

Christian Eckhoff oo ah xeer ilaaliye katirsan booliska ayaa warbaahinta NorSOm News u sheegay in ilaa hada ay boolisku wareysteen ilaa 80 qof, kuwaas oo ku dhawaad kala bar kamid ah si qaldan loo adeegsaday magacooda iyo aqoonsigooda. Dadkan ay boolisku wareysteen ayaa sheegay in aysan dirsan lacago magacooda lagu diray, kuwaas oo laga helay barta Valuta-registerka.

Xeer ilaalilaha booliska ayaa sidoo kale warbaahinta NorSom News u sheegay in dadka arrintan ay ku dhacday ay aad uga xumaadeen in sidan qaldan loo adeegsaday magacooda. Iyaga oo dhanka kale sheegay inay arrintan ka wel-wel qabaan, maadaama xawaaladu ay tahay sida kali ah ay qoysaskooda lacagta ugu diraan.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in adeegsiga qaldan ee aqoonsiga qofka uu qofka dhibanaha ah u keeni karo, hadii lacag uusan dirsan magaciisa lagu diro. Ayna arrintaas dhibaato kasoo gaari karto, hadii uu tusaale ahaan soo galo kiis la xiriira hey´addaha ajnabiga, NAV ama hey´adda canshuuraha.

Det kan ha direkte betydning på rettsikkerheten til de har fått misbrukt identiteten sin, dersom opplysninger fra valutaregisteret blir brukt på et senere tidspunkt imot dem i en utlendingssak eller politisak, eller nav/skatteetaten.

Qaabkan ayaad ku ogaan kartaa in magacaaga si qaldan lacag loogu diray.

Hoos ka daawo warkan oo faah-faahsan:

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments