torsdag, april 25, 2024

Oslo: Meelahan ayaa beri lagu tukan doonaa salaada ciida: Xiliyadan.

Ciid mubaarak dhamaan bulshada Soomaaliyeed ku xiran warbaahinta NorSom News meel walba oo dalkan Norway iyo caalamka intiisa kale ka joogaan.

Soomaalida kunool magaalada Oslo ayaa ciidan fursad u heli doono inay isugu imaadaan goob lagu ciido, laguna tukado salaada ciida. Mudo lagu jiray xayiraadaha adag ee lagu xakameynayay faafitaanka feyruska Corona.

Maamulka masaajidka Soomaalida Tawfiiq oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in berito la qorsheeyay in lagu kala tukato labo meelood oo masaajidku uu u diyaariyay bulshada Soomaaliyeed iyo muslimiinta kaleba, si ay ugu tukadaan salaada ciidan.

Ragga ayaa la qorsheeyay inay beri ku tukan doonaan xarunta cusub ee masaajidku uu ka furay xaafada Tøyen ee magaalada Oslo( Sørligata 8), halka dumarka iyo caruurta ay ku tukan doonaan dhismaha masaajidka Tawfiiq ee la wada yaqaan( Åkebergveien 40, 0650 Oslo).

Maamulka masaajidka ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in la qorsheeyay in labo mar oo kala duwan la tukado salaadaha ciida, si dadku ay fursad ugu wada helaan tukashada salaada ciida. Waxaana marka koowaad la tukan doonaa saacada marka ay tahay sagaalka subaxnimo(09:00), halka tan labaadna la tukan doono saacada 10:30 subaxnimo.

Sidoo kale qof walba oo imaanayo goobaha salaada ciida ayaa waxaa waajib ku ah inuu horey gurigiisa uga soo qaato sajaayad(sali) uu ku tukado.

Maamulka masaajidka ayaa dhamaan umadda soomaaliyeed kasoo qeybgali doonto salaadaha ciidaha ugu baaqayo inay ilaaliyaan xeerarka xakameynta xanuunka covid-19 iyo sharciyada loo dajiyay goobaha lagu tukan doono salaada.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x