Laga bilaabo maanta waxaad sii dhiiban kartaa codkaaga doorashada.

0
82

Waxaa 13-ka bisha September ee sanadkan loo balansanyahay in dalkan Norway ay ka dhacdo doorashada baarlamaanka. Laakiin wixii ka bilowday shaley oo taariikhdu aheyd kowda bisha(1) Luulyo(7) qofkii rabo ayaa iska diiwaan galaa degmadiisa, si uu codkiisa horey ugu sii dhiibtay kahor maalinta doorashada.

Sanduuqyada iyo goobaha doorashada ayaa caadi ahaan waxaa la furaa 10-ka bisha August, laakiin qofkii raba inuu codkiisa sii dhiibto ayaa hada fursad u heysto inuu iska diiwaangaliyo degmadiisa, si uu codkiisa usii dhiiban karo.

Nikolai Astrup oo ah wasiirka dowladaha hoose ee Norway ayaa sheegay in doorashadu ay muhiim tahay hanaanka dimuqraadiya Norway, sidaas darteed ay muhiim tahay inay ku dhacdo qaab nabdoon oo fiican.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladaha dhexe iyo dowladaha dhexe ee magaalooyinku, ay isku diyaariyeen doorashada sanadkan, si doorashadu ay ugu dhacdo qaab xasiloon.

Xigasho/kilde: Fra torsdag 1. juli er det mulig å tidligstemme, og samtidig starter stemmegivningen utenriks.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments