Waxay ku aflagaadeysay «Dhilooyin xijaab xiran»: Xabsi ayaa lagu xukumay.

0
126
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada magaalada Larvik ayaa haweenay 40-meeyo jir ah ku xukuntay 30 maalmood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbiyo ay kamid yihiin inay haween muslim ah ugu yeertay ereyo aflagaado ah sida «dhilooyin xijaabo xiran» iyo inay yihiin khaa´inul wadan.

Dhacdadan ayaa ka dhacday afaafka hore ee senterka Nordbyen ee magaalada Larvik, bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay.

Sida ay maxkamada ka sheegtay mid kamid ah haweenka dhibanayaasha oo ah haweenay Norwiiji asal ah, balse qaadatay diinta islaamka, naagta la xukumay ayaa soo dabagashay iyada oo markaas wadato ilmaheeda yar oo kujiro baabuurta caruurta lagu riixo(Vogn). Waxeyna dacalka qabsatay baabuurka uu ilmaha yar oo markaas hurday uu kujiray, iyada oo isku dartay ruxis iyo inay aflagaado u geysato hooyadiis.

Isla haweeneydan ayaa loo xukumay gacanqaad iyo hanjabaad ay u geysatay nin taksiile ah.

Xigasho/kilde; Kvinne dømt for å ha kalt muslimer «hijabhorer».

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments