NRK oo maanta arin kale oo la yaab leh ka qoray masaajidka soomaalida Tawfiiq.

0
134

TV-ga qarankan Norway ee NRK oo sanadkii tagay warbixino dhaadheer oo u badan dabagal ay sameeyeen ka qorayay khilaafka ka taagan masaajidka soomaalida ee Tawfiiq, ayaa maanta maqaal kale oo la yaabkiisa leh ka qoray qaab dhismeedka maamulka masaajidka.

NRK ayaa dabagal iyo baaritaan ay sameeyaan kadib sheegay inay ogaadaan in khilaafka daba dheeraaday ee ka taagan masaajidka soomaalida uu yahay mid salka ku haya lacag iyo qabiil(Waa sida ay u dhigeene: klanmotsetninger og penger).

NRK ayaa baaritaankooda sheegay inay ku ogaadeen in lahaanshaha(Eierskap) masaajidka uu ku qoranyahay urur uu maamulkiisu ka koobanyahay sagaal nin oo da´doodu ay u dhaxeyso 40 ilaa 60, kuwaas oo labo kamid ah ay wadanka ka guureen, ayna u guureen wadamada UK iyo Somaliland. Sagaalka nin ayaa ah kuwa uusan maamulkoodu dhicin oo dhimasho kali ah kaga bixi kara gudiga masaajidka, ama in qofkood uu lumiyo sharciga dhalashada ama dal ku jooga Norway(Opphold/statsborgerskap).

Waxeyna sheegeen in sagaalka nin ay ku qoranyihiin hanti maguurto ah oo uu masaajidku leeyahay, taas oo qiimaheeda lagu qiyaasay 44,7 milyan kr oo lacagta Norway ah. Hantidada maguurtada ah ee ururka masaajidka iska leh ku diiwaangashan ayaa sida uu NRK sheegay ka kooban masaajidka iyo dhisme kale.

NRK ayaa sidoo kale maqaalkooda ku qoray in inta badan awooda lahaanshaha, ka shaqeynta iyo maamulka masaajidka gacanta sagaalka nin oo maamulkoodu uusan dhicin, xubnaha masaajidkana aysan awood farogalin ku laheyn.

Qareen u hadlay ururka ku diiwaangashan lahaanshaha masaajidka ayaa sheegay in maqaalka NRK uu yahay mid la qaloociyay oo aan culeyn xoogan oo aan dhinaca xun ah uu u keenayo bulshoweynta soomaalida ee Norway.

Mohamed Farah oo ah afhayeenka gudiga kasoo horjeedo maamulka Tawfiiq ayaa NRK u sheegay in qaabka uu NRK soo bandhigay ee loo maamulo masaajidka uu yahay qaab aan u fiicneyn xubnaha masaajidka oo awoodii laga wareejiyay, aana saameyn badan ku yeelan karin qaabka loo maamulo hantidada iyo dhaqaalaha masaajidka ay xubnaha ka yihiin.

Xigasho/kilde: (Halkan kasii akhri): Kontrollerer moskeens millionverdier på livstid.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments