Wasiirka caafimaadka oo amaanay soomaalida.

0
83
Bent Høie: Wasiirka caafimaadka Norway Foto: Skjermdump/Regjeringen.no

Wasiir caafimaadka Norway Bent Høie oo shaley ka qeybgalay shir jaraa’ id oo su’ aalo ay ku weydiinayeen warbaahinta bulshooyinka ajaaniibta ah ay ku xiranyihiin, ayaa amaanay dadaalka ay bulshada soomaalida ah ka sameysay hoos u dhiga tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Corona.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ay weydiisay warbaahinta NorSom News, kuna saabsaneyd in dowladu ay wax ka baratay shaqooyinkii ay qabteen ururada bulshooyinka ajaaniibta ah, ayaa tusaale wanaagsan usoo qaatay soomaalida oo uu sheegay inay muujiyeen dadaal dheeri ah iyo firfircooni muuqato, taas oo markii danbe keentay inay si aad ah oo xawli ah hoos ugu dhacday tirada dadka soomaalida ah ee xanuunku uu ku dhacay.

Wuxuuna sii raaciyay in arintaas ay tahay mid wax laga baran karo, una baahan in xisaabta lagu darsado, hadii ay soo kororto xaalad cusub oo la xiriirta xanuunka Corona ama xaalad caafimaad oo kale.

Wasiirka ayaa guud ahaan sheegay inay muhiim tahay in bulshada ajaaniibta ay xaq u leeyihiin inay helaan warbixino iyo talooyin caafimaad oo waafi ah, si lamid ah bulshada inteeda kale. Isaga oo sheegay in dowladu ay xoogo saari doonto in warbixinada iyo talooyinka caafimaad ee ku qoran ama ku turjuman luuqadaha kale ay xili hore gaaraan bulshooyinka ay khuseyso ah ee ajaniibta ah.

Muuqaalka hadalka wasiirka, dib ayaan kasoo gali doonaa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments