Dowlada oo joojisay app-kii loo sameeyay la socoshada dadka uu ku dhacay Corona

0
85
Foto: HelseNorge.no

Hey’ addaha caafimaadka Norway ayaa shaley sheegay inay joojiyeen adeegsiga App-ka loo yaqaano Smitte-appen ee loogu talagalay la socoshada dhaq-dhaqaaqa dadka uu ku dhacay xanuunka Corona. Kadib markii dhaleeceyn iyo eedeymo badan loo jeediyay qaabka uu u shaqeeyo app-ka, gaar ahaan sida uu ilaaliyo xogta gaarka ah ee qofka.

App-kan ayaa loogu talagalay in qofkii soo degsada uu uga digo dadka uu xanuunka Corona ku dhacay ee agagaarkiisa kasoo dhawaada, wuxuuna qorshuhu ahaa in qof walba oo app-ka soo degsado uu ka caawiyo inuu la socdo xaalada dadka agtiisa ka dhow, si uu uga digtoonaado qaaditaanka iyo faafitaanka xanuunka Corona. Halkan ka akhri warkii aan ka qornay markii la sameeyay App-kaas.

Balse dhaleeceyn badan kadib, dowlada ayaa go’aansatay in la joojiyo adeegsiga App-kaas, badalkiisana la sameeyo App kale oo raacayo shuruudaha adag ee loo dajiyay ilaalinta xogta gaarka ah ee qofka.

Xigasho/kilde: Regjeringen gir opp Smittestopp-appen, prøver seg på ny løsning.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments