V.L: Dowlada oo rabta in lacagta uurka(dhalmada) laga dhigo 90.300 kr.

0
122
Foto: KRF

Hooyada uurka leh ee sugeyso ilmo, ayaa xiliga foosha kahor xaq u lahaan karto inay dalbato lacagta loo yaqaan «engangsstønnad» oo ah lacagta dhalmada, hadii aysan hooyadaas aheyn qof shaqeeya oo xiliga dhalmada kadib mushaar ka heli doonto goobteeda shaqada/dowlada (Foreldrepenger).

Sida uu qoray wargeyska Vårtland dowlada ayaa sanadka danbe rabta inay lacagta dhalmada ka dhigto 90.300 kr, iyada oo lacagtaas ay hada tahay 84.720 kr(Kordhin+ 5580 kr).

Wasiirka qoyska iyo caruurta Kjell Ingolf Ropstad oo wargeyska Vårtland la hadlay ayaa sheegay inuu farqi weyn u dhaxeeyo shaqaalaha waalidka shaqeeya iyo kuwa aan shaqeysan. Isaga oo raaciyay in waalidka shaqeeya ay xaq u lahaan karaan dalbashada lacagta foreldrepenger-ka(Lacagta fasaxa dhalmada kadib), kadib marka uu qoyska kusoo kordho ilmo cusub. Sidaas darteed ay muhiim tahay in la kordhiyo lacagta dhalmada ee la siiyo waalidka aan shaqeysan, si awoodooda dhaqaale aysan hoos u dhac ugu imaan.

Xigasho*/kilde: Statsbudsjettet: Engangsstønaden økes til 90.300.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments