Boqor Harald oo isbitaalka la dhigay: neefta ayaa culeys ku noqotay.

0
162
Foto: Royal Family Norway

Boqorka dalkan Norway Boqor Harald-ka 6-aad (V) ayaa maanta galinkii hore la dhigay isbitaal Rikshospitalet ee magaalada Oslo, kadib markii sida la sheegay ay culeys ku noqotay neefsashada. Waxaana hada ku socoto daaweyn, iyada oo la sheegay in xanuunka boqorka qabtay uusan wax xiriir ah la laheyn covid-19. Waxaana sidaas lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay aqalka boqortooyada dalkan Norway.

Waa markii labaad ee boqorka Norway oo 83 jir ah la dhigo isbitaalka sanadkan gudahiisa, maadaama bishii January ee sanadkan sidan oo kale la dhigay isbitaalka.

Boqorka ayaa sidoo kale maanta fasax xanuun ka qaatay shaqada boqornimada dalka, waxaana si kumeel gaar ah howshiisii ula wareegay dhaxalsugaha boqortooyada, ahna wiilka boqorka, Håkon.

Xigasho/kilde: Kong Harald innlagt på sykehus: Årsaken var tung pust.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments