Booliska: Qofkii aan xiran marada afka, 22.000 kr ayaa lagu ganaaxi karaa.

0
139
Foto: IL

Maamulka degmada hoose ee magaalada Oslo ayaa shaley dhaqangaliyay sharci cusub oo ku saabsan in dhamaan dadka saaran gaadiidka dadweynaha(Buss-trikk-T-Bane-Tog) ay waajib ku tahay inay xirtaan marada afka lagu dabaasho(Munnbind), si looga hortago in xanuunka Covid-19 uu magaalada ku faafo. Halkan kasii akhri

Booliska magaalada Oslo ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saareen dhamaan dadweynaha Oslo kaga codsaday inay u hogaansamaan amarka kasoo baxay dowlada hoose, ayna xirtaan marada afka, marka ay saaranyihiin gaadiidka dadweynaha.

Waxeyna boolisku sheegeen in qofkii ay qabtaan isaga oo aan wadan gaadiidka dadweynaha lagu ganaaxi karo 2000 kr. Iyada oo xaaladaha qaarkoodna qofkii lagu qabto isaga oo aan qabin marada afka lagu dacweyn karo inuu jabiyay xeerka ka hortaga xanuunka Corona, isla markaasna uu muteysan karo ganaax gaaraya ilaa 22.000 kr.

Xigasho/kilde: Oslopolitiet advarer mot å ikke følge opp coronatiltakene.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments