(Document)-Masaajidka Tawfiiq oo markii 3-aad hadana diidmo ka helay codsigii kaalmada dhaqaale ee dowlada

0
155
Masaajidka Soomaalida Oslo ee Tawfiiq

Sida ku cad nuqulka kamid ah go´aan kasoo baxay gobolka Oslo oo ay heshay warbaahinta NorSom News, xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo ayaa markii sadexaad hadana diiday codsigii kaalmadii dhaqaale ee sanadlaha aheyd ee dowladu ay siin jirtay masaajidka soomaalida ee Tawfiiq. Waxaana hadana mar kale go´aankan lagu saleeyay in masaajidku uusan buuxin shuriidihii diiwaangalinta, khilaaf soomaalida dhexdeeda ah awgiis.

Xafiiska ayaa labo mar oo hore sidan oo kale diiday codsiga kaalmada dhaqaale ee uga yimid masaajidka ee ku saabsanaa in loo sii daayo lacagtii uu masaajidku heli jiray, taas oo ay dowladu u hakisay khilaaf ka dhaxeeyo labo guruub oo soomaali ah oo isku heysta maamulka masaajidka. Halkan ka akhri diidmadii hore ee bishii Maarso ee sanadkan.

Maxkamada khilaafaadka magaalada Oslo ayaa sidoo kale bil kahor soo saartay go´aan aan dhinac u dhicin oo ku saabsan khilaafka labada dhinac ee is heysta, waxeyna maxkamadu labada guruub ee masaajidka isku heysta u sheegtay ineysan cidna guuleysan, iyada oo mid walba wax ku raacday, mid walba wax ka diiday. Waxeyna ka codsatay inay ama heshiiyaan ama midkood uu kan kale maxkamad sharci ah la tiigsado. Halkan ka akhri go´aanka maxkamada.

Qareenka gudiga masaajidka sida kumeel gaarka ah ugu diiwaangashan, ayaa codsiga ay u dirtay gobolka Oslo ku cadeysay in masaajidka ay soo foodsaartay dhaqaale xumo adag, uuna masaajidku ku suganyahay xaalad dhaqaale oo ciriiri ah. Iyada oo cuskaneyso xukunkii ugu danbeeyay ee maxkamada khilaafaadka Oslo. Halkan ka akhri xisaabxirka masaajidka ee sanadkii 2019 oo muujineyso in masaajidku uu sanadkii hore galay nusqaan dhaqaale oo 4 milyan gaareyso.

Qareenka guruubka kale ee khilaafku uu kala dhaxeeyo gudiga masaajidka ku diiwaangashan, ayaa dhankeeda gobolka ka codsatay inay sugaan soo dii deynta dhaqaalaha masaajidka, ilaa labada dhinac ay ka heshiinayaan ama ay si kale oo sifo sharci ah u kala baxayaan.

Xafiiska gobolka Oslo ayaa sheegay in markii ay akhriyeen codsiyada labada dhinac, ay u cadaatay in wali uu madmadow kujiro in masaajidku uu wada buuxiyay shuriidihii ay markii hore ku xireen masaajidka inay soo buuxiyaan, si lacagta loogu ogolaado taageerada dhaqaale.

Waxeyna gudiga masaajidka ku diiwaangashan ka codseen inay soo hormariyaan shirweyne loo qabanayo xubnaha masaajidka, si loo ansixinayo xeerka cusub ee masaajidka.

Hoos akhri(Riix linkiga hoose), go´aanka cusub ee hadana mar kale masaajidka soomaalida loogu diiday kaalmadii dhaqaale.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments