Kawaran hadii xaaskaagu ay TV ka qirato inay gogoldhaaf sameysay?, Waliba wiil 21 sano ka yar ay la sameysay?

0
183

Will Smith iyo Jada Pinkett Smith waa lamaane Mareykan ah oo labaduba katirsan jilayaasha Hollywoodka ah ee caanka ka ah bulshoweynta caalamka. Waxay is qabeen 23 sano(1997-), waxeyna wada dhaleen labo ilmood oo labaduba kusoo biiray micnada jilitaanka(Willow SmithJaden Smith)

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa warbaahinta caalamka laga hadalhayay hadal markiisii hore u muuqday xan iyo been abuur, kaas oo ku saabsan in Jada Pinkett ay gogoldhaaf iyo xiriir qarsoodi ah la sameysay heesaaga August alsina oo ay wiilkeeda weyn saaxiibo yihiin. Xiliyada qaarna gurigooda ku noolaa, gaar ahaan xili ay heysatay duruufo dhaqaale.

August Alsina oo 27 sano jir ah ayaa mar sii horeysay qirtay jiritaanka inuu xiriir gogoldhaaf kala dhaxeeyay haweeneydan oo 48 sano jir ah. Balse arintaas waxaa loo arkayay dacaayad, inkasta oo markii uu qirtay kadib ay sii xoogeysatay rumeyntiisa.

Jada Pinkett Smith ayaa maalmo kahor barnaamijka Red table talk( Wadahadalka miiska guduudan) ninkeeda Will Smith hortiisa ka qiratay jiritaanka arinta gogoldhaafka ah ee kala dhaxeysay heesaaga wiilkooda saaxiibka dhow la ahaa. Waxeyna sheegtay in xiliga ay arintan dhacday ay aheyd xili uu xumaaday xiriirka labadooda(Jada iyo Will), ayna isku dayeysay inay sameyso wax walba oo ay awoodo si ay isku dhaafiso ama ilowsiiso xiriirkooda xumaaday.

Iyada oo raacisay in qirashada tooska ah ee arintan ay rabto inay ku cadeyso arintan, si ay suuqa uga baxdo, ayna horey ugu sii wataan xiriirka guur ee ka dhaxeeyo iyada oo ninkeeda. Hoos ka daawo wadahadalka qiraalka ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments