fredag, april 26, 2024

Deg-deg: Maxkamada Oslo oo xukuntay kiiska khilaafka maamulka masaajidka Tawfiiq

Maxkamada khilaafaadka madaniga ah ee magaalada Oslo ayaa shaley soo saartay natiijada kiis dacwadeedkii ay qaaday isbuucii hore, kaas oo ku saabsanaa muran dhanka maamulka ah oo ka taagan masaajidka soomaalida ee Towfiiq. Maxkamada ayaa isbuucii hore dhageysatay kiiska dacwada iyo garnaqsiga labada koox ee isku heysta maamulka masaajidka. Halkan ka akhri warkaas.

Natiijada: Kooxna jid leh, kuwana gar.

Go´aanka maxkamada magaalada Oslo ee kiiska khilaafka maamulka masaajidka Tawfiiq oo ay NorSom News heshay, ayaa sida muuqato labada koox ee maamulka masaajidka isku heysata, midna aan siineynin guul buuxdo, iyada oo maxkamadu ay labada kooxba midba ku raacday qeybo kamid ah qodobada ay soo bandhigeen, halka ay diiday qeybo kalena. Wuxuuna garsooraha qaadayay kiiska dacwada masaajidka kusoo gunaanaday natiijada xukunka maxkamada:

Resultatet er at ingen part har vunnet fullt ut, men begge har fått medhold av betydning. Retten ser ikke grunnlag for å tilkjenne noen part erstatning for sakskostnader fra motparten etter reglene i tvl § 32-2, jf §§ 20-3 eller 20-4. Etter resultatet bærer hver partsine sakskostnader.

Maxkamada ayaa marka ay dhageysatay qareenada matalayay labada koox ee masaajidka isku heysata iyo cadeymaha ay soo bandhigeen, laashay qodobo kamid ah xukunkii ay hore u gaartay, iyada oo mar kale xukuntay qodobo kale oo xukunkeedii hore kamid ah. Dhanka kalena waxey sheegtay inay jiraan waxyaabo badan oo muujinaya qalad ama isku dhex-yaac ka taagan doorashooyinkii la sheegay in masaajidka laga qabtay iyo waliba xeerarka kala duwan ee masaajidka uu leeyahay. Taas oo gar siisay guruubka sagaalka qof ah ee maxkamada kaga hortagay gudiga hada ku diiwaangashan Tawfiiq.

Garsooraha maxkamada ayaa dhanka kale laalay xukunkii lacagta ahaa ee horey loogu xukumay gudiga sagaalka qof ee la dacweeyay, wuxuuna garsooruhu uu hada xukumay in koox walba ay qarashkeeda iyadu isku qabto.

Isaga oo xukumay in iyada oo laga fakarayo in masaajidka aan laga tirtirin liiska ururada diimaha, ay kusii qornaadaan gudiga hada ilaa laga helayo gudi kale oo ay doorteen xubnaha masaajidka ama uu imaanayo xukun kale oo maxkamadeed oo sharci ah.

Halkan ka akhri go´aanka garsooraha oo Af-Norwiiji ku qoran.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x