Gobolka Oslo oo hadana markale taageeradii dhaqaale u diiday Towfiiq.

0
95

Xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo ayaa maanta oo isniin ah warqado isku mid ah u kala diray qareenada labada koox ee soomaalida ah ee isku heysatay maamulka masaajidka soomaalida ee Towfiiq. Waxeyna cadeeyeen mowqifkooda ku aadan khilaaf mudo soo socday oo u dhaxeeyo laba koox oo soomaali ah, kuwaas oo isku heysta maamulka masaajidka.

Xafiiska gobolka Oslo ayaa sheegay inay dib u dhigeen go´aan ka gaarista kiiskii ku saabsanaa in masaajidka laga tirtiro liiska ururada diimaha, ilaa xal kama dambeys ah laga gaarayo khilaafka soomaalida dhexdeeda ah ee arinta masaajidka ku saabsan. Sidoo kalena aysan masaajidka usoo deyn doonin taageeradii dhaqaale, maadaama khilaafkii markii hore lacagta loo joojiyay uu wali taaganyahay, aana la xalin shuruudihii lagu xiray soo sii deynta lacagta.

Waxeyna sheegeen inay arkeen in go´aanka gudiga khilaafaadka Oslo( Oslo Byfogda) uusan xalin karin khilaafkii gudaha ka jiray ee u dhaxeeyay, maadaama go´aanka maxkamada lagu saleeyay kiiska dacwad hal dhinac oo kamid ah labada dhinac ee is heystay.

Maamulkii hore ee masaajidka Towfiiq ayaa dhamaadka sanadkii tagay dacwo ka gudbiyay sagaalka qof oo katirsan gudiga kale ee sheeganayay inay maamulka Towfiiq yihiin. Maxkamada khilaafaadka Oslo oo dacwad Towfiiq dhageysatay, gudiga kalena aan kiiskooda dhageysan, ayaa kiiska si kumeel gaar ah ugu xukuntay Towfiiq, waxaana loo ogolaaday in la diiwaangaliyo gudigii la doortay sanadkii 2018 dhamaadkiisa. Halkan ka akhri warkii arintaas ku saabsanaa.

Gudiga dacwad laga gudbiyay ayaa dhankooda racfaan ka qaatay go´aanka maxkamada khilaafaadka Oslo, waxeyna qorteen dacwad kale oo ka duwan tii ay qorteen gudiga Towfiiq. Maxkamada khilaafaadka Oslo ayaa ogolaatay dacwadooda racfaanka, waxaana hada labada gudiba la isugu balamiyay gar-dhageysi labada dhinac ah, oo labada gudigaba ay kiiskooda soo gudbin doonaan, lana dhageysan doono labada dhinac waxa ay ku gar sheeganayaan.

Maamulka gobolka Oslo ayaa sheegay ineysan fasixi doonin taageerada dhaqaale ee masaajidka, sidoo kalena ay dib u dhigi doonaan go´aan ka gaarista kiiska ururka masaajidka, ilaa maxkamada khilaafaadka Oslo ay go´aan ka gaareyso kiiskan, marka ay dhageysato dacwada labada dhinacba. Ama ay labada dhinac iskood xal u gaaraan, ayna xaliyaan khilaafka dhexdooda ah.

Go´aanka maamulka Oslo ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in go´aanka maxkamada khilaafaadka Oslo ee kiiska loogu xukumay gudiga Towfiiq lagu saleeyay xeerar uu ururku masaajidku dagsaday 2016. Balse markii ay fiiriyaan waraaq-sanadeedka(Årsmelding) uu masaajidka dhamaadka sanadkaas usoo gudbiyay xafiiska maamulka aan lagu sheegin wax xeer ah oo la ansixiyay.

Waxaa xusid mudan in gudiga masaajidka Towfiiq ay burburiyeen howl heshiisiin ah ay kasoo shaqeeyeen gudiyada maraakista masaajidada Norway, kuna saabsanaa in soomaalidu dhexdeeda ay khilaafkaas xaliso, waxaana howshaas oo gabo-gabo mareyso soo baxay go´aanka maxkamada Oslo. Taas oo gudiga Towfiiq ay u adeegsadeen inay ku diidaan go´aamadii kasoo baxay heshiisiinta labada gudi ee maraakistu kasoo shaqeeyeen.

Xigasho/kilde: Waxaan arintan ka xiganay go´aanka maamulka Oslo ay ka gaareen kiiska masaajidka iyo khilaafka labada dhinac.

NB: Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, waxaad Subcribe(Abonner) saari kartaa Barteena Youtube-ka. Halkan riix

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments